Home » Warar »

SONO oo Xaflad qalinjin ah ugu qabtay arday Soomaayeed Magalada Karachi

 Karachi, Pakistan: Xaflad qalin jabin ah oo ay soo agaasimeen  Ururka waddaniga  Soomaaliyeed ee Somali Nationalists Organization (SONO) ayaa loogu qabtay magalada karachi ee dalka Pakistan,Ardey Soomaaliyeed isagu jira Wiilal iyo Gabdho kuwaa oo dhammaystay waxbarshadooda heerka jaamacadeed.

Halkan ka daawo sawirada qalinjebinta

Xafladaan qalin jabinta ah ee uu soo qaban qaabiyay Ururka Waddaniga Soomaaliyeed (UWS) ee fadhiguusu yahay magalada karachi ee dalka pakistan ayaa waxa uu xafladaan u qabtay  Ardeydaan soomalida ah ee ka qalin jabiyay Jaamacaddaha kale duwan ee ku yaala dalkani Pakistan gaar ahaan gobolka Sindh.

   waxaana ka soo qeyb galay xafladan madax kale duwan oo kala socday Hey’addo caalamiya, Ururada waxbarshada Somalida pakistan,Ganacsato, indheer-garad,haween caruur, dhalinyaro,bahda warbahinta iyo ardeydii qalin jabinaysay, ayaa waxa aheyd mid aad u soo jiidatay dareenka ka soo qeyb galayaashii xafladaasi.

 waxa ka mid ah madaxdii ka soo qeyb gashay xaflada qalinbinta ah ee loo qabtay ardeyda soomalida, Wakiilka Hey’adda Caafimaadka adduunka (WHO) ee dalka Pakistan Dr. Khaliif Bile Maxamud,waxa uuna ugu horeyn u hambalyo iyo bogaadin u jeediyay Ardeydii  qalin jabinaysay, waxan uuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko dhalin soomaaliyeed oo maanta dhamaastay waxbarashadooda heerka jamacadeed oo wiilal iyo gabdhaba leh.

Dr-ka ayaa sidoo kale kula dardaarmay ardeydii ka soo qeybgashay xaflada ee qalin jabinaysay inay waxbarashadooda iyo aqoon karoorsigood heerka jamaacadeed ay sii balaariyaan.

 ugu dambayntii waxa uu ka hadlay laba qodob oo kala ahaa aqoonta iyo dhaqanka wanagsan oo ku tilmaamay inay yihiin laba shay oo qofka u suurta galinaysaa inuu adduunka dadka ku nool uu wax la qabsado, waxa uuna hadalkiisa ku soo gabagabeeyay isagoo la hadalaayo ardayda qalinjabineysay ”howl hada ayeey idin bilabatay” tasoo uu ula jeeday in looga fadhiyo  badbadinta dalka iyo dadka somaliyeed.

waxa goobta xaflada asaguna ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed Kamal Xaji Guuleed Fargayax,oo ka hadlay taarikhda ururka wadaniga soomaaliyeed iyo hawlaha culus ee u hayo bulshada soomaaliyeed.

sidoo kale waxa halkaa isaguna hadlo kooban ka jeediyay gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee ururka waddaniga soomaliyeed Abdinaasir Mohamed Sh.nur ( Shubka)oo ahaa madaxa qabanqabada xaflada waxana uu hambalyeeyay  ardeyda qalin jabiyaaysha ahaa sidoo kale waxa uu u mahadceliyay dhamaan dadkii gacanta ka geystay qabsoomida xaflada.
 
waxaa kaloo isana ka hadla xafladaasi xoghagaya guud ee ururka dhaqaatiirta somaliyeed ee dalka paksitan (Somali Medical Union Paksitan) Dr.Maxamed cisaman cagabiyo (sindh),isagoo muujiyay dareenkiisa ku adan xaflada sidoo kale waxa uu xusay in dhawan uu ururkiisa ku qaban doono magalada karachi shirweyne kasoo ay isugu iman donaan dhamaan dhaqatiirta somaliyeed ee wax ka barata dalka Pakistan meel kasta ay ka joogaan.

 sidoo  kale waxaa hadalo kala jeediyay gudoomiyaha midowga ardayda jamcadda karachi (Somali Students Union) Karachi University Mr shafici cabdulahi  iyo xoghayaha arimaha dibada ee jaliyada somalida  ku dhaqan magalada heydarabad paksitan Mr Axmed maxamed(suufi) sidoo kale waxaa isaguna  gabay qiiro leh oo wadaniyada ku saabsan halkaa ka jeediyay Mr C/qaadir Farax Diiriye(carab).

waxa sidoo kale xusid mudan inay halkaa ku soo bandhigeen kooxda fanka ee wadani Riwaayad ay aad ula dhaceen ka soo qeybgalayashii  kala duwana ee xaflada ka soo qayb galay taasi oo ay soo bandhigeen dhalinyarada wax ka barata dalka pakistan gaar ahaan gobolka Sindh,  taasi oo si dhaba ah uga hadlaysay Marxaladaha dalka Soomaaliya uu maanta  lugaha kula jiro, riwaayadada oo Ciwaan looga dhigay( Somaliya saan miyaa u dambaysay) ayaa waxa soo saare ka ahaa  hal abuuraha wayn, Sheikh Cumar Xuseen Maxamed (Sheikh Cumar) ahna Firfircoone si wayn uga dhax muuqada bulshada ku dhaqan dalka pakistan ,ayaa waxa ay ahayd mid ay ka soo qabgalayaasha ku abuurtay dareen wajiyo badan huwanaa maadama ay ka turjumaysay waxyaabaha hada ka socoda dalka Somaliya, oo ay ka mid yihiiin dagaalada sokeeye,qabyalada,sicirbarar,burcadbadeeda,faragalinta shisheeye,cudurada aan la garaneyn iyo wasaqda haraaga  hubka Nukleyrka ee daadsan xeebaha dalka  somaliya.

xafladaan qalin binta ahayd oo ay ka soo qayb galeen 250 qof ayaa waxa loo qabtay Ardey gaareeysa 32 kuwaasi oo kala qalin jabiyay kuliyadaha Adaabta(Arts-ka) iyo Science-ka. Ardeydaan ayaa isku jiray kuwa ka qalinjabiyay ( Bacholar) iyo taqasuuska Master-ka
 waa markii ugu horeysay oo ardey soomaaliyeed oo tiradaan gaaraya xaflad qalinbin ah lagu qabto magadala karachi ee dalkani ,waxaana gabagabadii xaflada madaxda ururka wadaniga somaliyeed halka ku  gudoonsiiyeen shahaado sharaf dhamaan ardayda qalinjabiyasha ahaa.
 

       Adan Dahir Salad (Suxeyfa)
      Karachi,Pakistan
 E-mail: suxeyfa1@hotmail.com
 
Information Sectretary of Somali Journalists Pakistan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.