Home » AmiinYuusuf, Faallo »

Maxaa keenay in Adis-Abab heshiis ay ku saxiixdaan Dowladda Federaalka iyo Ahlu-Sunna Waljameeca

Maalmahan waxa Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya kulan uga socday Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Waljameeca, waxaana kullankaasi ka qaybgalay mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan labada dhinac, waxaana heshiiskaasi ka soo shaqeeyey beesha Caalamka oo iyadu dooneysa in Dowladda Federaalka ay xoog milatari ka hesho dhinaca Ahlu Sunna Aljameeca, waxa uuna heshiiskaasi soo maray marxalado kala duwan, waxaana aakhiritaankii lagu heshiiyey awood qaybsi iyo in labada ciidan ee labada dhinac la isku daro, haddaba su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay sababta Addis Ababa loo doorbiday in shirkaasi lagu qabto, iyadoo la heli karo dalka gudihiisa iyo waliba wadamo kale oo arrimaha soomaaliya aad u daneeya oo ay ugu horeeyaan wadamada Carbeed.

Mas’uul ka tirsan Ahlusunna Aljameeca oo diiday in magaciisa la sheego ayaan hor dhignay su’aashaasi, waxa uuna ku jawaabay “Waa run in ay fiicnaan lahayd in dalka gudihiisa lagu qabto shirkaasi, gaar ahaan deegaanada ay Ahlusunna Aljameeca gacanta ku hayso iyo waliba Magaalada Muqdisho, waxaase Ahlusunna Aljameeca aad u dooneysay in shirka laga dhigo heer caalami, isagoo sheegay in haddii gudaha dalka lagu qaban lahaa uu noqon lahaa heshiis caadi ah”.

Mas’uulkaa qariyey magaciisa ayaa weydiiyey in ay jireen wadamo carbeed oo diyaar u ahaa in ay martigeliyaan heshiisiinta Dowladda iyo Ahlusunna Aljameeca, waxa uuna tilmaamay in Dowladaha Carbeed in ay yihiin kuwa aasaasay wax uu ku tilmaamay argagixiso, isla markaana waxa uu sheegay in aysan dooneyn in arrintaan carab loo bandhigo ilaa ay ka garanayaan carabtu xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya, sidoo kale waxaa hor dhigay su’aal ahayd “Itoobiya sow loo arki maayo wadanka dabada idinka riixaya ee gacanta idin siiya?”, waxa uuna ku jawaabay “Maya, Itoobiya uma aragno wadan ay cadaawad nagala dhexeyso ee waxaan u aragnaa wadan aan deris nahay, anaga ayaana dooraney in Adis-Ababa lagu qabto heshiiskaasi, walibana waxaa ku taala halkaasi xarunta Midowga Afrika oo iyadu martigelisay heshiiskaasi”.

Heshiisyo dib u heshiisiin ah oo lagu qabtay Magaalada Adis-Ababa ayaa iyagu dhamaantood ku dhamaaday fashil, taasina waxay keentay in aakhiritaankii ciidamada Itoobiya soo galaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo la kulmay dagaalo qaraar iyo iska caabin aad u xoogan, hase yeeshee dadka qaar ayaa waxay sheegeen in Dowladda Federaalka iyo ururka AhluSunna Waljameeca lagu cadaadiyey in ay heshiis ku saxiixdaan Adis-Ababa iyadoo Dowladda Federaalka la sheegay in ay dooneysay in heshiisku ka dhaco dalka Qadar oo ah wadan horey u martigeliyey heshiisyo fara badan kuwaas oo aakhiritaankii noqday kuwo miradhalay, isku soo wada duuboo heshiiska ay saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Ahlusunna Waljameeca ayaa dadka qaar ku tilmaameen mid shaki badani ku jiro, iyadoo durba ay soo baxeen in qaar ka mid ah Ahlusunna Waljameeca ay ku gacansayreen heshiiskaasi.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

11 Jawaabood " Maxaa keenay in Adis-Abab heshiis ay ku saxiixdaan Dowladda Federaalka iyo Ahlu-Sunna Waljameeca "

  1. ahmed dheere says:

    waxaan idiin sheegayaa waxa hortaagan qarannimada Soomaaliyeed waa qabyaaladda sababta waxaad ka garan karnaa masuuliyiinta Somaaliyeed labada dhinac oo ku shirtay Ethiopia mar hore iyo mar dambaba qabaayilkoodu ma cambaareeyaan kuwa cambaareeyana waxay ku diidanyihiin ama ku qabiil ma aha ama kursiga ayey kula dirirsanyihiin
    haddii la doonaayo qaranki Sommaaliyeed dib loo yagleelo ha la doorto masuuliyiin ka madax bannaan qabiilnomo oo khibra u leh maamulka dowliga ah sida shacabka mareykanka oo doortay nin madow kartidiisa darteed did dambe waxaad uga xoreebeyssaan tala ajnabi iyo cadawga Somaaliyeed

  2. Alleylahe marka hore waxey aheyd in Sheriifka iyo Ethiopia la heshiisiyo kadibna Sheriif xasan iyo Ethiopia,misna Ibi iyo Ethiopia kadib cidey rabto iyo sadexdaas nin Ethiopia ha heshiisiiso.
    Maxey Ethiopia isugu deyi weyday iney Sheriifka iyo Alshabaab ukala dabqaado? alleylahe dhici meysee waxaa fiicnaan lahayd iney Barlamaanku ucodeeyan iney Ethiopia soo gasho Somalia markale waayo inaan inagu isdagaalno oo hub keen isugu dhiibto waxaa ka fiicnaan lahayd in Ethiopia soo gasho oo iyagana wax kadilno,haddii kalese labada dhinacba Somali baa dhimaneysa oo waad arkeysaan iney group soo sameyneyso si aan isu dilno.
    Mahadsanidin

  3. Itoobiya waa cadowga tariikhiga ah ee soomaliya, waxaana ay doonaysaa inan ku jirno sida 1000 sanoo dambe.
    waxaan ku soo gunanadayaa erayo ka mid ah gabay aan dhowan soo saari doono:
    Haddii sidan itoobiya uurka looga jecelyahay
    maxaa odaygii laga rabay, areey xaa jiroo kale?

  4. Ahmedey says:

    Waxaa keeney in shirkaas lagu abo Addis waa Itoobiya oo aan raali ka ahayn siyaasada shariifka maadaama ay wadeen qorsho groupkii abdulahi Yusuf meesha looga saarayey. Ahlu Sunah kuwa sheegteyna waa shaati Amxaaro si siyaasada Shariifka logu dhantaalo. Waayo caqli ma ah in jabhad heysata sedex degmo isla hal gobol kana kooban sedex jufo intaas wasiiro, taliyeyaal,safiiro loo ogolaado. Ittobiya waxay dooneysaa in bassasiinteeda Xamar ku soo celiso iyadoo isticmaaleysa taliyeyaasha ahli sunnah la mgacabayo, si marka waqtiga ka dhamaado Shariifka iyo kooxdiisa ay qabqablayaashii dib usoo celiso.

    Soomaali weligeed Xabashi baran meyso, marka uu bartana waa goo mindida qoorta ka saaran tahay.

  5. A.Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, maxaa diidaya in Adis Abeba Heshiis lagu kala saxiixdo.

    A.Abanur

  6. S.c.w.w walaalayaal waa nasiib daro iyo sumcad xumo in maanta Ethoipia loo tago si loo helo heshiis iyo nabad soomaaliyed waligeed kama shaqeyn xal soomaliyeed kamana shaqeyn doonto.kuwa hada heshiiska ku saxiixday waa kuwa lagasoo dhaadhacsiiyey fikradihii Amxaarada iyo tigreega kuwaasna ma rabaan xal iyo daganaasho soomaliyeed Ahlusuna& TFG waxaan aaminsanahay inay ka shaqeynayaan sidii talada soomaliya gacanta ugu galin lahaayeen waadna aragtaan wadada ay ku socdaa Towfiiqda ALLAH hana waafajiyo

  7. cabdi karim says:

    waxa keenay ayaan darada soomaali ku habsatay ee qaranimadoodii burburisay, qaxootiga ka wada dhigtay,oo ah inaan somalidu is aaminsanayn,waar dalkeena ma dalalka jaarka ayaa u talinaya mise inaga ?
    xaalku intuu sidan yahay ee marba dusha laynagaga keenaayo dawlad macmal ah, miaaney haboonayn inaynu dalkeena ku dhx heshiino ?
    allahayaw soomaali xaqa garansii.

  8. JAAMAC says:

    Waxaan jooga adis ababa waxaa wax xumaan ah in maanta dadkii Gabre caayda u taluulin jiray in maanta iyagoo madaxa u laxaya aan indhaheyga ku arkay qof kale xitaa loogama sheekeynayo runtii madaxda dadka isku tilmaamayana ay gbare faraha ugu yeero alla maxaa somali baabaday

  9. ali says:

    Waxaa nasiib darro ah marna Itoobiya in la caayo , marna somalida ay isula tagto Itoobiya oo ay tiraahdo anagoo somali wada ah waan heshiinwaynayee ee kaalay sanaawi na heshiisii .
    Ma maqlin meesha shariifka iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen.
    Saacaadan ciidamada Itoobiya waxay gudaha u soo galeen xuduuda Somaliya . Bal ka soo talin arintaas .

  10. Maxamed Jamac says:

    Waxaa keenay in Adis Ababa, Ethopia lagu saxiixo heshiiskii dowlada iyo Ahlu suna wixii keenay dhowr iyo tobankii shir ee Somalida lagu heshiinsiinayey in wadamada dariska ah iyo kuwo aanan daris ahaynba lagu wada qabto. Marka su,aashu waa maxaa naga khaldan?

  11. Faisal says:

    Cadawga Somaliya Waa cida diidan in Somaliya ay nabadi ka dhalato