Home » Badda, Warar »

Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Dalxa oo soo dhaweeyay go’aankii lagu diiday heshiiskii Badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya

  • “13-kii bishan Maarso [2010] Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay waxay tixraaceen Go’aankii sharafta lahaa ee baarlamaanku uu ka qaatay ee isaga uu ku hor istaagay badda Soomaaliyeed ee shacabka Soomaaliyeed iyaga oo aan u kala harin iyaga aad dood uga keeneen , kaddib markii xukuumadda wada hadal ku dhex maray arrimahaas la xiriira isla markaasna ay soo shaac baxday in ummadda Soomaaliyeed la doonayo iyada iyo dawladda aan deriska nahay ee Kenya wada hadal laga galo oo halkaas Soomaaliya baddeedii iyaga Juqraafi ahaan ayada oo markaasi la yaqaano intii dalkani xornimada uu qaatay aan weligeed laga wada hadlin dood in ay ku socoto, kaddib markii shacbiga arrintaasi ay isagoo ka tarjumaya Baarlamaanka Soomaaliyeed magaca shacbiga ayaa waxuu diidey sidaad ula socotiin in wax heshiisyo wada hadal shakiba keeni kara in la geliyo badda Soomaaliyeed. Go’aankaasi waxa uu u hirgalay sidii loogu talo galay, golaha Ammaankuna waa ku soo celiyeen, dawladihii arrintaasi marka ugu horeysa ay xukuumadda heshiiskaasi la filaayey in la galaan waxaa loo sheegay in go’aanka baarlamaanka uu yahay midka iyaga ay tixgelinayaan, lagama hadlaana ay tahay baddaasi.” Sidaas waxaa yiri Dalxa, March 15, 2010. DHEGEYSO…

Prof. Maxamed Cumar Dalxa Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho (March 15, 2010) ku sheegay in guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya uu soo dhaweynayo qaraarkii ay Qarammada Midoobay ay ku diiday heshiiskii badda ee dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu sheegay in heshiiskaasi ay horay u diideen xildhibaannada Soomaaliya isagoo ku tilmaamay inuu ahaa mid lagu doonayay in badda Soomaaliya qayb ka mid ah ay la wareegto xukuumadda Dowladda Kenya.

“Qarammada Midoobay go’aanka ay ku diiday heshiiskii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya dhexmaray sannadkii hore waa mid aan soo dhaweynayno, waayo wuxuu ahaa mid lagu doonayay in Juquraafi ahaan lagu qaato Badda Soomaaliya” ayuu yiri Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

Guddomiye ku xigeenku wuxuu sheegay in heshiiskaas uu ahaa mid muran badan ka dhex dhaliyay dadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda dalka ku nool, ayna soo dhaweynayaan ka maamul ahaan qaadacaadda Qarammada Midoobay.


Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Prof. Maxamed Cumar Dalxa Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu sheegay in dhawaan ay fadhiyada Baarlamaanku ka furmi doonaan Golaha shacabka oo uu dayactir ka socdo, isagoo xusay in fadhiyada Baarlamaanka ee soo socda looga hadli doono qaraarkan Qaramada Midoobay ka soo baxay.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Dalxa oo soo dhaweeyay go’aankii lagu diiday heshiiskii Badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya "

  1. OMAR says:

    sorry mr dhalxa your comment about thet issue is very late somalia knews any bayd o did well and any one who is doing same thing agains them bye this our people are very educated they can never ever eccept sach kind of agreement somalia will give reward those who are strageling with them and the other hand we sue to the internal courts those who make froud ,conceive the country one day will be judged those people , history will never be forgatten

  2. A/Samad says:

    Mr. Dalxa Buuuuuuuuuuu. Shalay ayaa lagaaga baahnaa markii aad Mr. Ibbi u sacabineysey. Buuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuu Mr Dalxa