Home » SaahidYusuf »

AL-Shiikh AL-Callaamah Maxamed Saalax AL-Cuthaymiin (3)

  ( Fatwadiisii ku saabsaneyd is qarxinta in aysan banaaneyn)

Shiikhu wuxuu leeyahay Fatwo ku saabsan isqarxinta ma banaan tahay ????

oo uu jeediyey markii Falastiiniyiintu ay isqarxin jireen Sagaashameeyadii.

Wuxuu Shiikhu yiri asagoo arrintaas ka hadlaaya :

( … Se waxa Dadka qaarkiis falayaan ee isqarxinta ah asagoo soo qaadanaaya aalad qaraxda kadibna uu gaalada(1) ku qarxinaayo asgoo dhexdooda jooga ,Falkaas ruuxii sameeyaayi waa Ruux naftiisa dilay Allaah baanan ka magangalnay.

Ruuxii Naftiisa dilaana wuxuu ku waarayaa Naarta Jahanamo waana ku waarayaa sida xadiiska nabiga ku yimid NNKH.

Maxaayeelay Ruuxaasi uma dilin naftiisa Maslaxad danta Islaamka, sababtoo ah xataa hadddii uu dilo toban,Boqol,labo Boqol Islaamku kama faa,ideysanaayo

Xataa Dadku kuma Islaamayaan sidii Xadiiskii Wiilkii yaraa ee Asxaabul Ukhduud.

Taasna waxay la mid ah sida yuhuudu ku samayso falastiiniyiinta marka midkood isqarxiyo oo uu dilo lix ama toddobo, waxay u dilaan lixdan ama in ka badan, taasina wax nafci ah uma laha Muslimiinta iyo waliba Diinta .

Sidaa Darteed waxaan u aragnaa waxa ay dadka qaarkood sameynayaan ee isqarxin ah in ay tahay is dilid uu ruuxu naftiisa dilo xaq la,aan taasina waxay waajibinaysaa in uu naarta ku waaro,Allaah baan ka magan galnaye, Ruuxaasina Shahiid noqon maayo lagumana tilmaami karo.

Laakiin waxaa dhici karta haddii uu ku qaldamo fasirkaas oo uu u maleeyo in ay banaan tahay in la is qarxiyo waxaan u rajeyneynaa in uu ka badbaado Danbiga , laakiin Shahiidnimo loo qorimaayo maxaayeelay jidkii shahaadada ma raacin, Ruuxii dadaalaayi ee khaldamaayi hal ajar ayuu leeyahay ) (2) .hadalkii shiikha waa dhamaaday.

Shiikh Cutahymiin laftigiisa ayaa mudan in laysku Qarxiyo:

Shiikh Umal Cajalkiisa ( islaamka oo u dhaxeeya khaladka Dhallintiisa & Tashwiishka Cadawgiisa) ayuu wuxuu ku leeyahay Rag Wadaado ah oo la kala jira dadka Soomaaliya isku haysta ee Dagaalamaaya ayaa doodi ku dhexmartay Nairobi Sanadkii Tagay Aakhirkiisa, Markaas ayaa laga dooday in ay isqarxintu banaan tahay Islaam ahaan???

Markaas ayaa nin meesha joogay yiri Shiikh Maxamed Saalax Cutahymiin ma qabo in la is qarxiyo oo waa is dilid ayuu yiri jahanamo lagu galaayo.

Markaas ayaa kii u jawaabaayey yiri : ( Maxamed Saalax Cutahmiin baaba haboon in la isku Qarxiyo ) .

Shiikh Umal waa istirjaacsaday ( inaaililaah wa inaa ileyhi raajucuun) ma Shiikhii Sunnada ee Casrigaan ugu weynaa baa la oranayaa asagaaba mudan in la isku Qarxiyo !!!! Dhallintu Xaaladoodu Halkaas ayey maraysaa.

HAL WAX OON KA QAATAY SHIIKHA OON WALI KU CAMAL FALO:

Runtii markaan u noqdo Barshada Salaadeyda ayadoo lalaqabo mid Cilmi ku dhisan, waxaan ka Bartay Kitaabka Mukhtasarka ah ee Zaadul Micaad ee uu Qoray Shiikh Maxamed Bin Cabdi Wahaab Raximahulaah, Runtii waa Kitaab aad iyo aad u fiican oo Shiikh Maxamed Cabiwahaab ku Faryareystay asagoo ka soo gaabiyey Kitaabka weyn ee Ibnu Qayim ALjowzii ee la yiraa ( Zaadul micaad fii hadyi Kheyr Al-cibaad) kaas oo lagu tiriyo kitaab Siiro ah ama fiqhi ah ama Kitaab Xadiis ah, Dhankii loo eryaba waa gammaan Xulashadiisiiye.

Se markaan imid Mareykanka labaatan sano ka hor ayaan labo shay oo kaliyah ku daray Salaadeydii ( up grading) Labadaas shay mid waxaan ka qaatay Shiikheena C/aziiz ibnu Baaz Raximahulaah oo ahأين يضع المصلي يديه حين الرفع من الركوع؟).

Taas oo ah Meesha la dhigaayo Gacmaha marka laga soo kaco Rukuucda, Arrinkaas ayaan waxaan ka faa’ideystay Shiikh ibnu Baaz markaan Akhriyey Risaaladiisaa yar ee aan kor ku soo sheegay oonan ku Qancay, wuxuuna Shiikhu Qabaa in lagu soo celiyo meeshii markii horeba ay yaaleen oo ah Xabbadka korkiisa ayagoo is dulsaaran, maadama uusan jirin wax nusuus ah oo noo cadeynaaya in meel cusub la dhigaayo.

Ta kale aan ku Siyaadshay asagana waxaan ka qaatay Shiikh Maxamed Saalax Cuthaymiin.

Shiikha Raxmatulaah caleyhi waxaan ka qaatay Sida gacanta midig la yeelo marka la fadhiyo fadhiga u dhaxeeya labada Sujuud, oo Shiikhu ku tagay in la yeelaayo sida la yeelo marka loo fadhiyo Attaxiyaadka oo ah in faraha Midigta la laabo ilaa farta murdisada oo la taago maahee .

Wuxuu Shiikhu yiri asagoo arrinkaas Sharxaaya siday noqonayaan gacmuhu marka la fadhiyo fadhiga u dhaxeeya labada Sujuudood ee la akhrinaayo Rabbi Iqfirlii …..

( Midda Bidix waxay noqonaysaa mid faraheedu fidsan yihiin ayagoo isku dhegan Qibladana u jeeda,,wuxuuna noqonayaa fiida gacmaha mid dulsaaran cajarka afkiisa.

Midda Midigta oo ah mida aan ka hadlayno ayuu Shiikhu Yiri:

Midigta Sunnadu waxay tahay in far yarta & faraantileyda oo ah midda ku xigta waa in la duubaa, suulkana lagu wareejiyaa fardhixada ,murdisadana la taagaa. lana dhaqdhaqaajiyaa oo Allaah lagu baryaa(2)Taasna waxay ku timid ayuu yiri Xadiiska uu wariyey Imaam Axmed xadiiskii waa’il ibnu Xajar oo sanadkiisu yahay sida uu tilmaamay saaxibu fatxi Rabaani in uu yahay mid fiican ( Jayid ) Zadul micaadkana wuxuu ku yimid asagoo Saxiix ah, taas ayuuna ku tagay ayuu yiri Shiikhu Ibnu Qayim Al-juuzi R.C.

Laakiin Culumadda intooda badan waxay qabaan ayuu yiri Shiikhu in midigta faraheeda la fidsho fadhiga u dhaxeeya labada sujuudood sida gacanta bidixda oo kale ,laakiin waxaa haboon ayuu yiri Shiikhu in Sunada la raaco,Sunadana kuma soo aroorin Xadiis Saxiix ah ama xasan ah ama daciif ah in Gacanta midig faraheeda la fidinaayo sida midda Bidixda,se waxaa soo aroortay in sida Attaxiyaatka la yeelaayo ( haddiiba Salaadda loo fariisto).

Waxaase Xadiiskaas lafdhiyadiisa Qaarkood ku soo arooray ( Marka uu u fadhiisto Salaadda) sidoo kale waxaa lafdhi kale ah ( marka uu fadhiisto Attaxiyaadka ), labadaas Xadiisna waxay ku soo arooreen Saxiixul Muslim.

Haddaba Midka hore waa Caam Fadhiga Salaadda oo dhan middka labaadna ee oranaaya ( Attixiyaadka) nama tusaayo Takhsiis macnaa ma khasisaayo lafdhiga hore.

Maxaayeelay ayuu yiri Shiikhu waxaa jirta Qaacido Usuuli ah oo ay sheegaan Culumada Usuulka sida ay soo arooriyeen Shawkaani fii ( naylu Awdhaar) & Shunqaydi fiii ( Adwaa Al-Bayaan) Taas oo oronaysa :

Haddii Xadiis uu ku soo arooro si Caam ah se qaar ka mid ah lafdigiisa uu ku soo arooro si khaas ah, waxa la fiirinayaa in lafdigaasi khaas yeeli karo ama uusan khaas yeelin karin?

Haddii lafdiga khaas ahaanta u muuqda uu la micno yahay xadiiska ma khasisi karo, wuxuuse khasasi karaa marka uu khilaafsan yahay Xadiiska Caamka ah .

Sidaas darteed ayuu Shiikhu labo Tusaale oo cad cad u soo qaatay :

( Haddii la yiraahdo Dhallinta ha la sooro oo ah arrin Caam ah, Haddana la yiraahdo hebelna soor oo dhallinta ka mid ah, taas macnaheeda ma keensanayaa in asaga kaliyah la sooro ? maya ee waxay keensaneysaa in jirto sabab asaga loo sheegay.

Tusaalaha Labaad Haddii la yiraahdo dhallinta soor,hanna soorin hebel oo dhallinta ka mid ah. Taas ayaa Takhsiis ah maxaayeelay markii hore waxaa lagu sheegay si Caam ah haddana waa laga reebay !!! Sidaas bay u yiraahdaan Culumaa Ul usuul Qaaciddadan [ Khaas yeelid qaar ka mid ah qeybaha Caamka xukun Khilaafsan Caamka ] laakiin tusaalaha hore khaas yeelid ma ahan maxaayeelay qeybaha caamka waa is leeyihiin sida uu qabo Shunqeydi saaxibul Adwaa AL-Bayaan) hadalkii Shiikhana intaas buu ku dhamaaday.

Haddaba Xadiiska Ibnu Cumar ee ku soo arooray in Attixiyaadka faraha midigta la laabo khaas kama dhigaayo kuwa oranaaya waa fadhiga Salaadda oo dhan ee Caamka ah oo fadhiga Salaadu waa isku wada mid haddaan la helin wax oranaaya faraha waa la fidinayaa waqtiga labada sujuudood u dhaxeysa sida Fuqahadu Badankoodu ku tageen .

Waxaan Maqaalkayga ku soo gabagabeynayaa Arrin weyn oo Salaadda ku Khalad ah se dadka badankiisu aysan ku baraarugin siiba carruurta oo loo baahan yahay marka ay salaadda baranayaan in arrinkaas si fiican loogu sheego, se dad badan oo ku koray ayaad arkaysaa oo ficilkaas xun een salaadda ku banaaneyn wali ay ku danbeyso.

Waa marka la sujuudaayo wuxuu Nabigu reebay in gacmaha ilaa suxulada dhulka la dhigo waxaa la ogol yahay uun in aad calaacalaha dhulka ku hayso xusulkana(3) iyo gacanta inteeda kalena aad kor dhulka uga hayso.

Tusaale Fiican wuxuu Nabigu yiri markaad sujuudaysaan sida Eeyga gacmihiina ha u fidinina ( Inbisaadil Kalbi) oo ah in uu suxulkiisa iyo gacmahiisaba dhulka ku haayo ayagoo fidsan taasna markaad sujuudayso lama ogola, carruurta fiiri wey u badan yihiin, dad badan oo waaweyna wey ku tageen.

Shiikheena Maxamed Saalax ibnu Cuthaymiin Allaah ha u naxariisto annagana gadaashiis Allah nama fidneeyo.

Waa inoo Toddobaadyadda Danbe iyo Sayid Qudbi AL-shaadali inshaa allaah.

fii amaani laah.

Shiikh Saahid mohamed Yusuf

USA,VA

sahid_yusuf@yahoo.com

(1) u fiirso Shiikhu isqarxinta yuhuuda la isku qarxinaayo ayuu diidanaa tan muslimka la isku qarxinaayo bal ka waran sidii Hotel Shaamo( Subxaanalaah).

(2) Shiikhu wuxuu ku sharxay arrinkaan kitaabul sifatu Salaad Sharaxa Zaadul Mumtic ee kitaabka sharxul mustanqic, sidoo kale cajalladihiisa salaadda ee duruusta Xaramkana wuu ku sheegay.

(3) Suxul & xusul waa isla gurigeyn waa labo lahjo oo soomaali sax ah.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " AL-Shiikh AL-Callaamah Maxamed Saalax AL-Cuthaymiin (3) "

  1. bukhaari9 says:

    Ustaad jzk khair. waxaan ku weydiin lahaay inaad halkaan noo sharaxdit
    ( ma laba farood baa la taagayaa mise hal kaliya fadlan noo bayaani

    Midigta Sunnadu waxay tahay in far yarta & faraantileyda oo ah midda ku xigta waa in la duubaa, suulkana lagu wareejiyaa. Fardhixada ,murdisadana la taagaa. lana dhaqdhaqaajiyaa oo Allaah lagu baryaa(2

  2. Shukri Sh. says:

    AAWW,

    Sheekh Saahid Jazaka Laah, waxaad ka faaiday sheekhyada anagana waan kaa sii faaiidnay, kheyr badan baan kuu rajeyneynaa inshaAllaah.

    AAWW

  3. shaahid cayaan says:

    sheekh maqaalkan qoray waxaan suaalayaa yaa ka danbeeyey qaraxii shaamow xukunka isqarxinta hanoo danbeysee? aniga is qarxinta inay xaaraam tahay ayaan aaminsanahay laakin sheekha maqaalkan qoray waxaad moodaa inuu ka dhacsanyahay hagardaamada gaalada ay muslimka markasta u maleegayaan ilaahay xaqa hana tuso hana nafahansiiyo dhagarta cadowga ay sidan oo kale dadka u qaldayaan

  4. Scwxwb:
    Akhristayaasha waxaan uga cudur daaranayaa in lambarada Reference- ga aan maqaalka ku xusay afar meel oon lambarka (2) aan labo jeer soo celiyey markaan tixraacaayeyna (3) uun baan soo qaatay taas ka raali noqda.
    Labarka (2)labada horeysa waxaan ka wadaa kitaabka uu Shiikhu ku soo arooriyey fatwada isqarxinta waa kan:
    (2) Shiikhu Wuxuu fatwadaas kaga hadlay Sharaxa Riyaadul Saalixiinka xadiiska (30) ee Xadiisul Qulaamkii Asxaabul Ukhduud.Sidaas ha loola socdo .

    Mahadsanidiin