Home » Warar »

Sh. Maxamed Kaariye oo Safar laga baajiyey

Sh. Maxamed C/raxmaan Kaariye oo ka mid ah Culimada Waqooyiga Ameerika, ahna Imaamka Islamic Center of Portland, Masjed As-Saber – Oregon, USA ayaa Maanta march 08,2010 loo diiday inuu safar ku gaaro wadanka Imaaraatka Carabta, gaar ahaan Dubai. Mar aan khadka tel-ka kula xiriiray shiikha ayuu noosheegay in laga soo celiyey garoonka Magaalada uu daganyahay ee Portland halkaasna lagu xanibay mudo laba saac iyo bar ah. Mar aan Sh. Maxamed waydiinay in loo sheegay sababta safarka looga xanibay ayuu ku jawaabay ” waxaa la ii sheegay inaan ku jiro liiska dadka aan Diyaarada ku safri karin NO FLIGHT LIST”

Sh. Maxamed ayaa sidoo kale xusay in safaro kale u qorshays naayeen xagaaga fooda inagu soo haya, safaradaas oo shiikhu uga qayb gali lahaa Mu’utamo Islaami ah oo laga casumay inuu Muxaadaraad ka jeediyo. Shiikha ayaa xusay in xanibaadaan dhib u keenayso faafinta dacwada iyo safarka culumada.

Ugu danbayntii Sh. Maxamed ayaa xusay in ummada Islaamka looga baahan yahay inay difaacaan isna garab taagaan Culimada, si ay u gutaan waajibaadkooda dacawiga ah. Umada guud ahaan wuxuu shiikhu usoo jeediyey inay ku baraarugaan muhiimada culimada ay u leeyihiin diinta Islaamka. Sidoo kale Shiikha ayaa xusay inaan Wadaaddada diimaha kale faafiya sida Kiristaanka iyo Yuhuuda, aysan la qabin cadaadiska ay qabaan culimmada Islaamka ee ku nool Maraykanka.

Halkan ka dhagayso Khudbooyinkii iyo Muxaadarooyinkii ugu danbaysay ee Sh. Maxamed jeediyey. dhagayso

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Sh. Maxamed Kaariye oo Safar laga baajiyey "

  1. Mohamed Nour says:

    Aslaamu caleykum w.w
    Salan kadib Illahay waxan ugarajeyna inuu shiikha u fudeeyo safarkiisa iyo fidint diinta islaamka waayo culumadu waxa ay door weyn ka cayaaran hagida iyo hogaaminta , hanuunti mujtamac meelkasta ay joogan kalin lama huraan ah bey kuleeyin bulshada marka waxaan illahay ugarajeyna inuu ufududeeyo idmaleh , Allah yashal caleyk ,

  2. maajid says:

    alaah ka fudueeya imaamka gaalada waa nin dacwada faafiya sidaa daraadeed waxaan ka codsanaynaa uma soomaliyeed in ay gacan ka gaystaan sidii ay ugu fardaami lahaayeen shiikh