Home » Maqaallo »

Sirta ku Soohan Siddeeda Maarso | Abdilqani Haji-Ali

Waxaan ku bilaabayaa magaca Ilaahay waxaana ammaan iyo salaam u dirayaa Nebigeena Muxamad(nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha haatee), hooyooyinkii muuminiinta, saxaabadii sharafta lahayd iyo intii ku raacday hanuunka.–

waxaan qoray maqaalkan sannadkii hore 2009 waxaanay iga codsadeen walaalo fara badani inaan ugu soo celiyo sannadkan 2010.

Waxaanu shaki ku jirin in wax kastoo la qabto ama la soo qabanqaabiyaa uu leeyahay ujeedo iyo mabda ka danbeeya, fahan ama ha fahmin garo ama kaa dhoohnow, tusaale ahaan ardayga waxaa dugsiga loo geeyaa inuu jahliga ka baxo, askariga waxaa tababarka loo siiyaa inuu dhisnaado.–

Waxaa hadaba sannad walba inaguu soo noqnoqota munaasabad loogu magac daray maalinta haweenka adduunka oo ku astaysan 8da maarso, iyadoo dadyaw fara badan oo iskugu jira qaybaha bulshadu ay u dabbaal degaan, Akhlaaq xumo masuul aabaheed yahay, haddayse ogyihiin oo ay aqoon u leeyihiin umay dabbaal degaan jahliguna waa cadaw, waxaana iswaydiin leh in qofka intaanu waxba samayn uu is waydiiyo su,aalahan:

Siddeeda MaarsO halkay ka soo jeedaa? Maxaase loogu talo galay? Waa ayo dadka u dabaaldegaa? Aniga qiimo intee leeg bay ka leedahay agtayda?

Su,aalahaas jawaabtoodana waxaad ka heli maqaalka inta hadhay

Taariikhda Siddeeda maars-

08 march 1857kii ayay dumar ka shaqaynayay warshada dharka New York ee waddanka maraykanku mudaharaad sameeyeen iyagoo ka dhiidhiyay shaqo xumo ay ku darsantay mushahar yaraan iyagoo iskugu soo baxay waddooyinka waxaana kala caydhiyay booliska, laba sano ka dib dumarkaasi waxay samaysteen guddi u dooda xuquuqdooda shaqo ahaaneed.

8 march 1908kii ayay 15000 oo haween ihi ay iskugu soo baxeen new York iyagoo dalbanaya in saacadaha shaqada la yareeyo mushahar fiicanna la siiyo xaqooda cod bixineedna la sugo.

Sidaa daraadeed Sideeda maarso taariikhdeedu waxay soo hoos galaysaa laba dhacdo oo kala ah maalinta haweenka ee Waqooyiga Amerika iyo maalinta haweenka ee Yurub ?

Maalinta Haweenka Waqooyiga Ameerika–

Maalintaasi waxay tix raacaysaa oo ay ka soo jeedaa dhacdo loogu doodayo xaqa codaynta ay dumarku leeyihiin waxaana soo qabanqaabiyay ururka haweenka ee Qaranka Maraykan maalin axad ah bishii February 1909, waxaanay noqotay maalintii haweenka waxaana loo dabbaal degi jiray sannad walba ilaa iyo 1914kii.

Maalinta Haweenka Yurub–

1910kii shirkii labaad ee caalamiga ahaa ee lagu qabtay Copenhagen madaxwaynaha xoghayayaasha caalami ee bulshada dumarka Jarmalka Clara Zetkin ayaa soo jeedisay in la aasaaso maalinta haweenka iyadoo loo dabaaldegi doono sannad walba si loo sugo xaqa ay gabadhu u leedahay inay codayso waxaana si wada jir ah iskugu waafaqay 17 waddan oo joogay shirkaas.

Caalamiyaynta maalinta haweenka adduunka

Go,aankii la qaatay shirkii Copenhagen ka dib maalinta haweenka adduunka waxaa looga dabaaldegay markii ugu horaysay March, 19, 1911 waddamada jarmalka, Australia, Denmark, Switzerland iyadoo ay isugu soo baxeen in ka badan malaayiin rag iyo dumar ah.

1913kii iyo 1914kii dumarka yurub iyo Ruushka ayaa qabtay shirar dhamaadkii February ilaa horraantii march si ay ugu mudaharaadaan dagaalka (waa dagaalkii koowaad ee adduunka) oo ay muujiyaan midnimada dumarka kale.–

1917kii wax yar ka dib dhicitaankii Czar dumarkii ruushku way ka anbadeen nidaamyadii xisbiga Bolshevika waxayna qaadeen waddooyinka iyo dariiqyada iyagoo dalbanaya cunto iyo inay raggoodu ka soo noqdaan dagaalka, mudaharaadkaasi wuxuu dhacay axadii ugu danbaysay February marka loo eego kaalandharka ruushka oo ku beegan sideeda maarso ee kaalandharka casriga ah ee la yidhaah greogorianka

1921kii ayuu Lenin oo ahaa hoggaamiyihii midawga soofiyeeti shaaca ka qaaday in 8da maarso ay noqoto maalinta hawaeenka adduunka sidaasayna ku noqotay maalin looga dabaaldego yurub iyo adduunka kale si isku mid ah .–

1977kiina qaramada midoobay ayaa soo saaray go,aan ah in waddan kastaa uu sameeyo maalin uu u dabaaldego maalinta haweenka iyo maalinta nabadda adduunka .

Waa taa taariikhda sideeda maarso oo kooban waanad ogaatay imika in dumar yurub, maraykan iyo ruush ku nool ay u dabbaal degaan, iyagoo ka cabanayay cidhiidhi hawleed, xaqla,aan codbixineed, gaajo iyo in ragooda loo soo daayo lagana soo celiyo dagaalka iyo waxyaabo kale, adigase(hooyo/walaal) maa lagu dulmiyay?! Ma ha codaynin baa lagu yidhi? Maxaad ugu dabaal degaysaa oo aad u waalaysaa dadka jaahiliinta ah ee aan garanayn sideeda maarso meeshay ka timid waxayba u haystaan in hablaha waddanku ay maalintaa leeyihiin?

Hooyo iyo walaal miyaad is weydiin waxa kaa galay gabadh Maraykan joogta ama yurub oo aydaan isku dhaqan, diin iyo aftoona wadaagin? Maxay ku dheer tahay ee aad iskaga dayanaysaa? Isku kalsoonow oo ogow inaad adigu tahay macallimadeedii iyaduna ay tahay ardayadaadii, waxaa tahay dhakhtarkeedii iyaduna waa bukaankaagi aad daawaynaysay miyaanay ceeb ahayn inuu macallinku ku daydo ardayga halkii isaga lagaga adyan lahaa? Dhakhtarkiina uu bukaankii idaawee yidhaah halkii isagu ka daawayn lahaa? Ilaa iyo goorma ayaynu “dameeri dhaan raacday” ahaanaynaa oo aynu maalmaha iyo bilaha Ilaahayaan magacaan iyo munaasabao gooniya laynoogu soo yeedhinayaa? Waynu isku soo baxnaa markaasaynu khasaarinaa maaliyad ku filnaan lahayd maatideena aan waxba haysan.

Waayaha ayaa kuu sheegaya waxay yihiiin dadkan ku doodaya inay xuquuqda haweenka ixtiraamayaa, bal dib maskaxdaada ugu celi dhacdadii foosha xumayd ee lagula kacay walaaleheena reer falastiin waxaa lagu garaacay gantaalo waxaa loo adeegsaday sun aan lagu isticmaalin dunida mamnuucna ay tahay in la isticmaalo, waxaa lagu waday muddo 23 cisho ah oo aanay cidina dheg jalaq u siin waxaa qarsoomay oo shiiqay dadkii sheegan jiray inay xuquuqda bini’aadmiga u doodaan, waxaanu si dhab ah u ogaaday qofkii damiir leh in dawladaha reer galbeedka iyo maraykankuba ay xulafo ku yihiin sidii loo damin lahaa ilayska iyo iftiinka islaamka, wixii iyaga ka soo horjeedana la karbaashayo oo magacaan xun xun lagu tilmaamayo. Miyaanad ka faa,iidaysan dhacdadii Qaza in mabaa’diidooda, sheegashada ay sheeganayaan u dooditaanka xuquuqda haweenka, dimuqraadiyaday hadiyo goor sheegtaan ay tahay ((Dhalanteed dhul (siman) ka muuqda oo uu umalayni qofka oomani biyo markuu yimaadana aanu waxba ka helayn)) (An-Nuur:39) ku cibro qaata dadka maskaxdu u sugnaatayoow, waxay doonayaan inay baabiiyaan dumarkeena ka dib markay baaba’een dumarkoodu, way istiilayaan waxay u baahanyihiin cid waraabisa nimcadda iimaanka, oo guriga ku xeraysa oo ilaalisa, xaasidnimada iyo caddaawaday inoo hayaanna kuma soo koobi karo maqaalkayga balse aan kuu tilmaamo cajallada Sh.Almis Yahye ee ka hadlaysa “dhawrsanaanta” waxaad ka heli taariikhda dumarkooda iyo siday ku danbeeyeen.

(( Miyaanay u dhaawaanin in kuwa xaqa rumeeyay ay u khushuucdo qabiyadoodu xuska Ilaahay(Quraanka) iyo waxa xaq ah eek u soo dagi) (Al-Xadiid: 16)

Waxaan ku soo gebagebaynayaa maqaalkaygan talooyin aan u soo jeedinayo:–

Ururada bulshada

Waxaad dhabarkiina u ridateen oo aad ballan ku qaadeen inaad ka shaqayn doontaan danaha ummada idinkoo hagrasho lahayn balse maalkiina iyo maskaxdiinaba u huraya sidii aad u hagaajin lahaydeen bulshada waxaanan idiinka digayaa inaad ku meeraysataan dabbaaldeg ay ka danbayso in la dhalan rogo diinta iyo dhaqanka suubban iyadoo loogu soo gabbanayo xuquuqda haweenka waxaan nahay(Somaliland) dad xuquuqda haweenka si wayn u ixtiraama waayo diinta islaamka ayaa saldhig u ah dastuurkeena, akhri oo dib ugu noqo sida ay taariikhda islaamku meel sare u gaadhsiisay haweenka waxaad ka heli wax dejiya qalbigaaga, ishaaduna ku doogsato, maxaa idiin diiday inaad wax bartaan wiilasha iyo hablaha aan waxba qorin waxna akhriyin ee duruuftu hayso? inaad dhalinyaradiina ku wacyi galisaan aqoonta iyo kartida?Mise walaalayaal waad iska qaadanaysiin uun ha loo doodo xuquuqda haweenka ? miyaydaan muwaadiniin ahayn oo la socda xaalada dalka? Walaal barta oo ogaada danaha waddankiina miyaanay ceeb inagu ahayn in uu nin ama gabadh cad oo reer galbeedii ina baraan sida loola dhaqmo haweenka iyo sida loo siiyo xuquuqdooda? ((Alla may dadkaygu ogaadaan))(Yaasiin:26)) inay sharaftooda iyo horumarkooduba ku jiro Diinta islaamka–

Hayadahaha

Waxaaa jira haayado ka shaqeeya maslaxada waddanaka iyo sidii ay mashruucyo wax ku ool ah u siin lahaayeen qabtayna mashruucyo wax ku ool ah waxaaase barbaryaaacayo qaar mashruuc sanadeedkooda ay ku jirto u dabbaaldega sideeda maarso , waxaanan u soo jeedinaya haayadaha ku andacoonaya inay u doodayaan xuquuqda haweenka inay ka feejignaadaan waxyaabahaaas aan nafciga iyo naxariista u lahayn dumarkayaga, anagaana kaaga naxariis nugul, kaana jecel, oo ay hooyooyinkayo iyo walaalahayo yihiin, waxaanan waydiinayaa ma dumarka u hanqal taagaya siyaasadda ayaa ah in loo doodo xaqooda siyaasadeed mise hooyada la wareegaysa suuqa muuska iyo khudrada een haysan meel ay ka hadhsato cadceeda? Wax kastaaba waxa uu leeyahay mudnaan iyo kala hormayn (priority) waanan ognahay oo aan u sheegaynaaa qof kastoo u malaynaya in u dooditaanka beenta ah uu yahay sidii loohormarin lahaa haweenka balse uu yahay oo la doonayo in la damiyo dadnimada iyo dhaqanka wanaagsan ee uu siiyay islaamku haweenka ((mana fahmayaan dadku inta caqliga leh mooyee)) (Al-Cankabuut: 43) waayo kan u doodaya xuquuqda haweenku ma garanayo waxay gabadhu xaq u leedahay iyo waxa kale, miskiintan loo doodayaana ma garanayso waxay xaq u leedahay jahligaana ugu wacan haddayse garanayso diinteeda oo ay rogrogto Quraanka waxay ogaan lahayd inaanay xuquuqi ka maqnayn.-

Haweenka

Waxaad tihiin tiirarka bulshada la,aantiina waxba la gaadhi mayo laguna ladi maayo lib iyo guul toona, idinkuuna cadawgu idiinku soo gabbanayaa dhufayska oo uu idinka dhiganayaa sallaankii uu noo soo mari lahaa isagoo hadaladiisa ku soo qarinaya xuquuqda haweenka(( Carrabkooday ka leeyihiin waxaan qalbigooda ku jirin)) (Al- Fatx: 11) waxaad ku dhex jirtaan bulsho soo koraysa ee ku barbaara barashada iyo fahanka islaamka ku dayda oo ka dhigta tusaale hooyooyinkii muuminiinta iyo haweenkii wanaagsanaa ee ay taariikhdu wali xusto, xusi doontana ilaa ay saacadda qiyaamuhu dhacayso, yaanan idinka iyo ragga cadaawad la idin dhex dhigin, way jiraan xadgudubyo ay ragga qaar sameeyaan, sidoo kale dumarkuba way sameeyaan taasina waa gefafkaan galno, cadho idinka soo gaadhay raga qaarna ha kuwada qaadina raggoo dhan ((Yaanay Cadhada Qoom aad u haysaan idinku xambaarin inaydaan caddaalad falin, caddaalad fala iyadaa u dhaw Alle ka cabsiye, Ilaahayna ka dhawrsada, Ilaahayna waa ogyahay waxaad samaynaysaan)) (Al-Maa’idah:8).

islaamkuna waa ka idin siiyay xaq ka ugu wacan, wuxuu idinka dhigay u gargaarayaasha bulshada, waxaana Quraanka Suuradihiisa ka mid ah Suurad loogu magac daray “suuradda Haweenka”, wuu diiday in la idin dulmiyo, cidda ugu rafiiq iyo saaxiib wacan waxa uu ka dhigay Hooyada oo uu ka horraysiiyay aabaha saddex goor.

adiguna(hooyo/walaal) waxaad dooran jidkaa aan soo sheegay ee ay ku liibaaneen dadkii raacay ama waxaad dooran inaad ku dayato Clara Zetkin iyo qayrkeed oo ay dhawr cishana ku ammaanaan luggooyayaashu , nolashaadana aad ku noolaato werwer, walbahaar, murgo aanad garanay halkay kaaga imanayso.

Culimada

ummaddu waxay ku dhisan tahay waa cullimada Rabaaniyiinta ah ee dadkooda u horseedaya dadnimada iyo ilbaxnimada, waxaanan usoo jeedinayaa culimada inay dadka ka wacyi galayaan oo ay ku baraarujiyaan dhibaatada ay leeyihiin maalmahaasi(sida Aidska, Jacaylka, iyo haweenka) maalmahaasi oo aan sal iyo raad toona ku lahayn dhaqanka iyo diinta Islaamkaba, ((( oo aanu Ilaahay u soo dejin awood))waana inay soo dhex galaan bulshada oo ay u yimaadaan kana soo qaybgalaan munaasabadaha ay qabanayaan sida maalmaha qalinjabinta, bandhig aqooneedyada iyo barnaamijyada kalee wax ku oolka ah, dabadeedna ay u sheegaan waxa anfacaya adduunkooda iyo aakhiraba, waxaana wax laga xumaada ah in culimada qaarkood dedaalkooda ku bixiyaan uun sidii khilaaf loo abuuri lahaa maalinta Mawliidka iyagoon ka dhiidhiyayn maalmahaasi kale, kalmadna ka odhanayn, waxaan is yidhaahdaa malaha waxaanay kala aqoon oo aanay kala saari karin usuusha iyo furuucda diinta.–

Hooyooyin/Walaalayaal waxaan iskugu hawlay maqaalkan waa jacayl aan idin jecelahay inaad wax noqotaan oo aad ummaddiina u horseedaan aqoon, akhlaaq iyo iimaan aad ku kala saartaan xumaha iyo wanaaga, waxaanan Ilaahay idiinka baryayaa inuu ifka nolol wacan idinku arsaaqo aakhirna Jannada Fardawsa.

Qof kastowba masuul baad ka tahay dadkaaga, dalkaaga iyo diintaadaba ee ka soo bax masuuliyada ku saaran.–

((waxaan doonayaa wanaaga uun intii karaankayga ah, waafajintaydana cidaan Ilaahay ahayni ma karto, isagaanan talo saartay xaggiisaanan u noqon(toobad) )) (Huud:88)

Ilaahoow waan gaadhsiiyee ka markhaati ahow–

Abdilqani Haji-Ali (Albanna)-

Email: abdilqani@hotmail.com

abdilghani@gmail.com

Hargaisa–

Somaliland–

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Sirta ku Soohan Siddeeda Maarso | Abdilqani Haji-Ali "

  1. ismail says:

    Walaalkay waa ku mahad saan hayay sida fiicaan u nooga dhargiyay malintan 8 mars. Mid baan ku dari lahaa, oo ka maqaan dadka badankooda: in sanadahan dambe dadkii u oloolinayay xuuquqda haweenka (feminismes) u ka dhex dhacday kala jajab iyo is afgaraanwaa dhexdoodi. Qarbaa waxay qaabaan in la sii wado dadaalada lagu la jiro sidi loso ridan laha xuquqda, igo gransan caqaabda hor jooga. Kuwa kale waxay sii cad u idhaahdeen iin “feminisme” gu soo hor jeesanayo fitradii ahayd iin lanuujiyo cunuga naaska. Hadan si kale u dhigo, kuwa dambi waxay soo jeedinayaan in la isticmaalo wax walbo dabiici ah sida kuwa u ololeeya dhulka (ecologiste) : ilmahayar oo naas la nuujiyo ila 2 sano (oo laga joojiyo caanaha kale warshadaysan ee ka qab gala is badal ka cimilada adunka), in haweenku hoyo nimadi ilaaween oy tahay in dib loo nooleyo, iwm. Waxan odhan karna iin ay dareemen 8 mars la ababulo waxba ka badileyn runta mesha taala : 80% shaqada xaafada waxay dusha kaga dhacdaa dumarka faransiiska (tirakoob mar dhow ka soo baxay France), iwm. Hadi aan tixraacno diraasada waxa noo cadaanaysa in wax u san dhicin isbadal ah qoyska (kan reer yurub iyo maraykanba) dhexdiisa boqol sano ka dib marki iridaha loo furay malinkan loo dabaal dagayo ee 8.mars. Marka Waxay is yidhaahdeen hogaamiya yasha ee abaabula maalinkan: waxaa wadno waa hal bacad lagu lisay oo waa tacab khasaar, taasna ayaa asaas u ah kala foqooqa habsaday idayolojiyadooda. Waxaan kuso koobi laha in gabadha soomaliyeed (meshi la dooni ha daganaanto somalia,djibouti, somaliland iyo dabad ba) ee qabta iin 8 mars faa’iido ku fadhido waa sidi nin (raq iyo dumarba) u tafa xaytay casuumad taaso duhur dheer laga fara dhaqday (yacni dhamaatay). Markaa waa sidaa uu sheegay waalaalkay runtu waxay xigtaa xagi marka horee laga cararayay oo islaamka ah.

  2. Yusuf says:

    walaalkay Albanna waan u mahadcelinayaa sida wacan ee uu u qaadaa dhigay maqaalkiisan qiimaha leh, kolay qofkii si wacan u akhriya una dhuuxaa wuu fahmayaa inuu qoraaga doonayo inuu kala saaro arrimo isku murugsan oo aanay dadka qaarkood kala saari karin, sida xaqa ay doonayaa dumarku iyo ka ay diintoodu siisay, hadaladisana waxaa ka mid ahaa “islaamkuna waa ka idin siiyay xaq ka ugu wacan, wuxuu idinka dhigay u gargaarayaasha bulshada, waxaana Quraanka Suuradihiisa ka mid ah Suurad loogu magac daray “suuradda Haweenka”, wuu diiday in la idin dulmiyo, cidda ugu rafiiq iyo saaxiib wacan waxa uu ka dhigay Hooyada oo uu ka horraysiiyay aabaha saddex goor.”
    gabadha intaasi fahantaa “solidarity” ku meeraysan mayso
    Mahadsanid

  3. Zahra says:

    Salaan ka dib mawduucago wuu wanaagsan yahay,laakiin ma aadan fahamin kalmada “solidaritet” taas ayaa keentay in aan dabaal dagno 8.mars hadii aan afrikan nahay, muujino in aan walaalaheen wax la qeybsano oo la inoo la dhaqmo sideedo oo kale. Shaqesano, waxbarano oo aan berin mushaarkaaga oo kale qaato, oo aan la i oran dumar baa tahaye guriga joog. Taageero iyo dhiira gelin baa la idinka rabaa.