Home » Warar »

Gen. Max’ed Nuur Galaal oo taageeray Maxkamadda la soo taago Gen. Max’ed Cali Samatar

Waxaa maalintii doraad aheyd dalka Mareykanka ka bilaabatay maxkamad la soo taagay Gen. Max’ed Cali Samatar oo lagu eedeeyey in uu dambiyo dagaal ka galay dalka Soomaaliya xiligii dowladdii militariga ahayd ee uu hogaaminayey Gen. Max’ed Siyaad Barre, waxaana maxkamadda la hor keenay marqaatiyaal oo la sheegay in ay ku caddeynayaan Gen. Max’ed Cali Samatar in uu galay dambiyo dagaal, hase yeeshee waxaa dhameystirmi waayey marqaatiyaashii waxaana la sheegay in maxkamaddii ku dhamaatay si fashil ah, lamana oga in mar kale dib loo soo taagi doono maxkamadda.

Gen. Max’ed Nuur Galaal oo isna ka mid ah saraakiishii ciidamada oo isna la soo shaqeeyey Dowladdii Milatariga ayaa iska fogeeyey wax dambi galey wuxuuna ku gaabsadey in xiligii dagaaladda ka jireen Waqooyi Galbeed uu ahaa nin shicib ah oo xubin ka ahaa Baarlamaanka wuxuuna Generaal Galaal si weyn u taageeray Maxkamad la soo taago Gen. Max’ed Cali Samatar,isagoo sheegey in uu maqley amaro uu bixiyey Cali samatar oo ku aadan dagaalka Waqooyi Galbeed waxa uuna u soo jeediyey Dowladaha kale in raga la mid ah Gen. Max’ed Cali Samatar iyana maxkamad la soo taago, isagoo sheegay in arrintaani ay wax ka tareyso nabad lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya, waxaa kale oo uu Gen. Max’ed Nuur Galaal uu si weyn u taageeray sidii looga hortagi lahaa Ururada Alshabaab iyo Xisbul Islaam, waxa uuna soo jeediyey in labadaasi urur looga adkaan karo iyadoo loo midoobo.

Dhinaca kale Gen. Max’ed Nuur Galaal waxa uu cambaareeyey madaafiicda ciidamada AMISOM la dhacaan shacabka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in iyana waqti aan sidaasi u fogeyn lagala xisaabtami doono xasuuqa ay u gaysanayaan shacbaka Soomaaliyed, waxaa kale oo uu soo dhaweeyey heshiiskii dhex maray Dowladda Soomaaliya iyo ururka Ahlu Sunna Waljameeca, waxa uuna sheegay in heshiiskaasi uu wax ka tarayo sidii dalka looga sifeyn lahaa wax uu ugu yeeray ururada Diiniga ah ee Alshabaab iyo Xisbul Islaam.

WD: Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

23 Jawaabood " Gen. Max’ed Nuur Galaal oo taageeray Maxkamadda la soo taago Gen. Max’ed Cali Samatar "

  1. Scwrwb Aqyaarta sida aad wada ogtihiin General Galaal waxaa waye General kamid ahaa sarakiishi somalia sar sare intaas kadib Galaal sida taariikhdu noo sheegtay waligiis wax fiican oo lagu xuso laguma arag aan ka aheen maseyr ..saraakishi washington lagu casumay oo kahadlayey mustaqbalka sidee somalia nabad loogu dabaala kara waxaa saraakiishas Madax u aha SareeYe Guuto General Mohamed Ali samatar ..Galaal waxuu ahaa Low rank Guest…markiibana idaacaduhu kacaayey shirkii oo uu kutilmaamay hal group oo wadanka soo gubay kkkkkkkkkkk kkkkkkk Galaal 1991 shabab ayuu kuxasuuqay Stadium Golis Mogdisho waaba gacan ku dhiigle……Galaal Go Hell

  2. A/C Walaala reer waqooyi ee General Maxamed Cali Samatar Maxkamada soo taagaya,Arintii Burco ee dhoweyd ee Dad badan ku dhinteen miyaad ilowdeen dawladii siyaad kadib,Dadkii denbiga Dagaalkaas galayna wey joogan marka hore ku practise gareeya kuwaas oo natusa inaad wax Maxkamadeysaan iney daacad idinka tahay,maxaad Siilanyo Maxkamad u keeni weydeen isagaa Guryaha dhexdooda in wax laga soo toogto amray Maxkamad loo saari waayey? maxaa Dahir Riyaal waxuu ahaa NSS waxii la ciqaabayo iyo waxii la toganayo isagaa soo Tilmaami jiraye loo Maxkamadeyn waayey? mise Reer Boorame baa idinka go’aya? looooooooool Cadaaladu Xisaabtan hoose iyo Qabiil ma taqaano!!Xisaabtama Walaal yaan meel kale idiin hilaacin,Cadaalada na raadiya madaama aad Cadaalad daro ka cabaneysaan
    Mahadsanidin

  3. hilaac says:

    Waayahay.

    Bal halkaas inaga dhiga dacwada beesha ISAAQ.

    Suaasha aan rabo in aan soo dhex dhigo beesha MAJEERTEEN waxa weeyaan xiligii dawladii kacaanka,ee kaligeed taliska aheyd ee M Siyad Bare magaxa ka aha Cali Samater na ku xigey,xiligaas waa tii ay dhacdey in beesha Majeerteen ay ka soo horjeesteen waxii meesha ka socdey sidey doontaba ha ahato,beesha waxa soo gaarey dhibaato aad u badan,oo aan la soo koobi karin,loona adeegsadey sarakiil ISAAQ iyo HAWIYE,waana la wada ogyahay waxii meesha ka dhacay.

    Cali Samater markii la go-aansadey inqilaabkii 1979,ee uu hogaaminayey Ciro iyo sarakiil kale in la dilo,xageebuu joogey,miyuu hurdey,mise xeebta liido ayuu ku dabalanayey?

    Cali Samater waxa uu aha gacantii midig ee AFWEYNE,,,,,wuuna galay danbiyo badan,markaas waxa aan leeyahay dadkiina ay la weyntahay Qabyaaladu ee halkan ku doodaya malaa waxa aad dhalateen 1990,oo halkaas ayaad wax walba ka bilaabeysaan,dib u eega taariikhda SOMALIA,kadibna dooda,waana ay wacantahay in qofkasta oo danbi galay laga jaraa danbiga Qabiilka uu doono ha ahado,doodu ha socoto.

  4. miskiin says:

    runtii waxaan la yaabanahay labadan nin oo la ogyaha somaliya dhibaatada taalo iney bar geysteen laakin uu ugu sii daran yahay galaal , waxaa ceeb ah galaal inuu qof kale maxkamad ha la saaro ku farxaayo . laakin waxaan xaqiiq ah maxkamada alle in aan meel looga badbaadeen . runtii labadaas maxkamad aduun maba u rabno . ciqaab ta alle

  5. Bashaash1978 says:

    A/C walaalayaal m. ali samater iyo wixii la shaqey dowladii melateriga ah waa ay galeen danbiyo marka yaan loo dhinac beelin shaqsi balse ma aha in mareykanka lagu maxkamadeeyo ee waaa in soomaaliya including somali land dowlad ma taleyso la helaa dabdeed la saaraa maxkamad. waqooyiga waxaa jira col dhagaweyne , ina kahin, muse bixi iyo captain riyaale ku dar wasiirkii qorsheynta silanyo iyo madaxii canshuraha suuqyada faysal waraabe,

    wabilah towfiq

  6. canab says:

    galaal asagu meeqa soomaali ayuu qabaa kkkkkkk in uu danbi dagaal ka hadlo maaheeyn isma oga laakiin dadkaad aabayaashood dishay baa ku og Allana ku og in uu dadka isu sheego ma aheeyn ninkaan jaajuus buu u ahaa itoopiya markii soomaalidu israac sanaayeen hada oo uu wadankii feentay isaga iyo dadkuu beenta usheegay maxuu qof nadiifa sida cali samatar ka sheegin

  7. abdinasir says:

    Waxaan aad ulayabanahay Gen. Maxamed nuur galaal inuu eed dusha uga turo Ge.Maxamed cali samatar,xasuuqa logeystay shacabka somaliyeed.
    labadodu waa isku kiis Calisamatar haduu gumay somalida waqoyi, Galaal
    wuxu layay ilaa 18sargaal Dagalkii77ki.
    ninwaliba ka qeyb qatay gumadka shacabka maxkamadasi halasaro
    yeesan ku kobnaani Gen.Calisamater.

  8. AANA says:

    Haloo sheego Galaal debnuubtii intii dawladii soomaliya jirtayna adigaa oday u ahaa intii kadbaysan waxaad ka mis ahayd qabqablayaasha dagaalka hadaba maxamed Ali Samantar waa ka fiyoobaa wixii aad adigu gaysatay ee galaal isu fiirso oo taada misaan maxkamada adigaa mudane.

  9. Qumane says:

    Salaan ka dib waxaan rabaa inaan ummada Somaaliyeed ee ka madax banaan qabiilka iyo qabyaalada waydiiyo.
    Yaa mudan in maxkamad la soo taago ma Cali Samatar oo qaranka difaacaayey mise kuwii SNM ee qabiilka ahaa ee ay adeegsanaayeen cadowgii soo jiraanka ahaa ee somaaliya ee Etobiya oo rabtay in somaliya kala googodo oo qabiil isu layso sida hadaba dhacday? jawaabtu waa idinka.
    Jabhadii SNM ee soomaaliya burburisay waxaa loogu yeeraa mujaahidiin ninkii wadaniga ahaana waa danbiile.hadaan eegno tan Galaal waa neef la gowracay dab kama leexdo waa la ogyahay danbiyadii uu ka galay soomaliya,iyo waagii milateriga ahaaba ,waxaana la ogyahay inuu xamar ku laayey dad badan. waana uu ogyahay wixii tolkii faleen
    Cali Samatar waa uu guulaysanayaa Insha,alah waayo waa laga gardanyahay,

  10. cusmaan says:

    asalaamu calaykum
    ma xuma haddii uu denbi galay in m cali samater lagu ma xakamadeeyo oo looga gooyo si sharciga waafaqsan dadkii uu u gaystay hase yeeshe xaq ma tahay in maxamed cali samatar si gaar ah keligii loogu qabsado inaga oo og in ay jiraan boqolaal soomaaliyeed oo isaga ka sii daran dhibta ay soomaali u gaysteen

    aniga waxay ila tahay arintaasi in aanay xaq ahayn ee haddii la doonayo in cid walba oo denbi gashay la maxakamadeeyo in dhamaan dadkii dhibaatada dhigay ilaa hadana wada ha la soo wada dacweeyo xitaa galaalkan hada iska dhigaya inuu yahay ceeb ka saliim oo aanu weligii denbi gelin isaga oo ah ninkii hogaaminaayey dagaalkii muqdisho ka dhacay iyo xasuuqii dadka badan ee soomaaliyeed lagu gumaaday

    shaki kuma jiro marka loo eego saraakiishi ka tirsanaa dawladii dalka soomaaliya ka talin jirtay in maxamed cali samatar noqonayo kuwa ugu denbiga yar oo laga denbi badan yahay waxase isaga loogu horaysiiyey ay tahay qabiil badan oo difaaca maleh ee isaga marka hore abaara arintuse aanay sidaas noqonayn ee cali samatar yahay nin soomaali oo dhami ay jeceshahay qabiilkiisuna soomaali yahay

    waxaan qoraalkaygii ku soo geba gebaynayaa dawladii qabiil waliba wuu ka tirsanaaye waa ciday u daraataa haddii lays dacweeyey

  11. A'kafi A'hagi says:

    waa yaab iyo wax lagu qoslo.!!!! labada nin kee dambi badan..? Galaal oo ah war criminal oo ka dambeeyay dilal badan oo khaarijin toos ah oo ka dhacay Muqdisho ka hor intaan ciidamada Ethiopia galin……

  12. caasha says:

    walaahay waxaad moodaa dadka xamar qabsatay 1991 in aanay siyaasada waxba ka aqoon ma galaal baa maanta qof kale eedeeynaayo asagu maxuu sameeyey subxaanallaah cali samatar doowlad buu aha doowlad iyo jabhadna weey dagaalaan kii uu galaal qabiilkiisa udagaalamaayeey aaway mise jihaad buu uqabay doqon maxaa arlada ilaahay jooga

  13. sureer says:

    Waa layaab in galaal samatar eedeyo asga 1991 dadkuu laayey ma ari bay ahaayeen xerada horseed markuu madfaca la fariistay imisaa ku dhimatay galaal adi dadkaad agoomeeysay cafis weeydiiso samatar dowlad buu ahaa adna usc qabiil baad u dagaalameeysay goormaad ceeeb la.aanta noqotay

  14. Awil xoosh says:

    shame on you Galal. you are a war criminal and one day you will bring to the justice and justices will be done insha Allaaah either in somalia or in Huge. you are more severe then Alshabab and any other killer in the world

    waxaad rufyaana utahay Ethopian, oo ku tiri halyaygaas ku marqanti fur. adiga maxkamadayntaaada ayaa cid walba ka horaysa adigaaa dagaalkii ahliga ahaaa ka qaybqaatay oo umada aan waxba galabsana laayay.

  15. ali shabelle says:

    Galaal – Taariikhdiisa waa mugdi , kiisas badan ayaa loo haystaa haddii ay noqoto dagaaladdii sokeeye iyo weliba berigii uu ka mid ahaa ciidadama xooga dalka . Jaalle Galaal diyaar ma u tahay in dhamaan saraakiishii dembiga ka gashay ummada somaliyeed la wada maxkamadeeyo .

  16. Xasan Barre says:

    S/C

    Walaalayaal salaanta islaamka ee qiimaha badan ka dib waxaan idiinku hambalyaynayaa howsha qiimaha badan ee aad haysaan weliba dhanka xaq dhowrista saxaafadda.

    Haddii aan isu kiin sheego anigu waxaan ka mid ahaa wariyeyaashii radio muqdisho ee soomaaliya, ilaa hattanna weli waxaan ku jiraa howlihii saxaafadda gaar ahaan dalalka canada iyo uk oo aan labada ka shaqeeyo.

    intaas ka dib waxaan jeclahay in aan wax ka iraahdo arrinta maxamad cali samatar dacwadda ku socota.

    Ugu horayntii Maxamad cali Samatar wuxuu ahaa Madaxweyne ku xigeenkii 1-aad ee Soomaaliya, wuxuuna soo qabtay jagooyin kala duwan sida Raiisal-wasaare iyo Wasiir gaashaandhig.

    Haddaba dacwadda loo haysto Maxamad Cali Samatar ee ku saabsan Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya in uu xasuuq ka gaystay.

    1- Duqayntii loo gaystay Gobolada woqooyi galbeed ee soomaaliya, waxaa wada jir uga qaybqaatay dhamaan ciidamadii qalabka siday ee dowladdii soomaaliya, iyaga oo ka kooban qabaaílka soomaaliyeed oo dhan.

    2- General Samatar waa sax inuu xilligaas ahaa masúul sare.

    waxaa in la iswaydiiyo mudan wixii woqooyi ka dambeeyey maxaa ka dhacay gebi ahaanba soomaaliya. waxaan hubaa in ay jawaabtu tahay waxaa ka dhacay dagaallo sokeeye oo dhex maray dhamaan qabaaílada soomaaliyeed oo weliba gaaray jufu-jufo hoose ilaa iyo maanta socda.

    intaasi waxaa inoo dheer in ay maanta dagaalamayaan dadkii sheeganayey in ay yihiin ahlu-diin, sidaas darteed waxaan ku talinayaa:
    1-i n soomaalidu qaadato sunadii Nabi Yuusuf calayhi salaam, oo ahayd cafigii uu u fidiyey walaalihii uu kula dhaqmay dhagar xun.
    2-Hadalkii Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika oo uu ku yiri Fogive but don’t forget oo macnaheedu ahaa cafi laakiin ha hilmaamin.
    3-Soomaaliyyey waxaa ina sugaysa labo waddo dheer oo qodxo badan oo kala ah tan Aakhiro oo u baahan sabir iyo daacad badan iyo tan adduun oo nooga baahan in aan u gogolxaarno waddan nabad ah oo ay soomaali leedahay oo ku noolaanno inaga iyo ubadkeennaba.

    fiiro gaar ah: kuma difaacayo cali samatay qabiil, woqooyina kuma colaadinayo qabiil

    Mahadsanidin

    Xasan Cali Xaashi “Xasan Barre”

  17. General Samatar ” Ri Baa Raafka ku Jiiday” Samatar waxa uu ka mid ahaa sarakisha fara ku tiriska ah ee qarankii somaliyed soo maray mana filayo dhawaanahan in isaga oo kale laga dhex heli donno cidamada.waxuu ahaa nin sharaf ku dhex lahaa cidamada dhexdooda aad loo jeclaa kuwii jeclaa waxaa ka mid ah Galaalka dhowrki sano ee tagay cadayaysta wax ka sheega nin uusan gari karin.Samatar waa kii 77 shafka u dhigay cadowgii guunka ahaa ee ethiopa oo marka lagu shegi jiray libaxyada africa tiradooduna ahayd 3million iyo boqolaka genaral oo ciidan ah mudo koobana kaga bohiyey, marka Galaal xasuqaye sarakil iyo sarakil xigeenkii somaliyed asago u adegaye xabishida laga soo bilaabo xiligii uu wax ka aasaasay kofiyad dhubtii ka isparaysanjirtay buuraha qabnood ilaa iyo manta oo ay ethiopia kaga soo qaday diyaarad khaas ah nairobi oo lagu keenay Guraceel kuna biiray waxa isku magacabay ahlu sunnah wal jamacah si uu si dhmaystiro hagardamada shacabka somaliyed . halka samatar ka fogaaday waxa uu galaal had iyo jeer ku hadaqao oo ah somali nacayb iyo anaga reer hebal , shacabka waa ogyahay 20 kii sano ee tagtay waxa uu sarakil kharajiyay si toos ah ama dadban wana shakhsi dhagar qabe ah malin maxkamad la soo tagi doona halka shacabku ka abaal marin doona General samatar , Samatar ciddi wax mayeelin ee “RI Baa Raafka Ku Jiiday”

    Mohamed Lafoole

  18. Sanka says:

    Inuu Galaal taageero maxkamad lasoo saaro Maxamed Cali Samatar wax weyn anigu uma arko maxaa yeelay waxaan aamin sanahay in ay Itoobiya ka danbayso arintaas oo ay ku dhiiri galisay Galaal inuu sidaa yiraahdo. Waxaa wax cad ah oo Soomaali oo dhan ka dharagsan tahay inuu Galaal ruufiyaan Itoobiyaan uu yahay, halka Itoobiya ay kala dagaashan tahay M.C.Samatarna ay tahay 77 iyo dagaaladii Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray Gen. Samatar casharo adag oo lama illaawan ah ku siiyey Itoobiyaanka.

  19. Waxaan la yaabanahay Sareeyo Guuto maxamed Nuur Galaal oo farta ku fiiqaaya Sareeye guud Maxamed Cali Samatar looooool.!!! General galaal wuxuu ahaa taliyihii wardoonka ciidamada iyo Taliyihii qeybtii 26aad waqtigii dagaalkii 77, Madaxa kacdoon ku shegii Xamar ee lagu gumaaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyo saraakiil badan oo uu madax u ahaa oo wax ay galabsadeen aysan jirin oo har cad lagu toogtay hargeeysa lagu toogtay iyo isagoo ahaa jaajuus dahsoon oo u kala warqaada ciidamada dhexdooda iyo italy iyo ethiopia ayaa General Maxamed Cali Samatar wax ka sheegaaya soow aaboow kan yar iga celi kan weeyn baan iska dhiciyee cajaaib !! koleey labada generaal waa dhiiqeeysan yihiin laakiin labadaba biyo hoostood beey iska arkeen.
    Salaamun

    G/sare Khaalid G Ibraahim

  20. waa hubaal in dad badan oo somaliyi u hiilin doonan cadaalada wataa mantaba gen,maxamed nuur galal qiray danbiguu galay gacan ku dhiigle maxamed cali samatar waxaan dhaman walalahyga somaliyed u soo jeedinaya inay iska dayaan cadifada qabyalada oo ay ka shaqeeyaan cadalda iyo in lala xisaabtamo dadkii umada dambiyada ka galy waxay wadada u xadhaysa maxkamadaynta cali samatar in in badan oo dambiilyaala lala xisaabtamo allaa mahadle

  21. mahad says:

    la Yaab badanaa;
    Adduun ninkii ku noolba wax ka yaabiya ayuu maalin uun indhihiisa ku arki,ma maxamed Nuur Galaal baaba maanta ku baaqaya in Gen Maxamed cali samatar maxkamad loo soo taago dembiyo Dagaal oo uu galay..?
    Walee waa aduun iyo xaalkiis,Galaal saw maahayn ninkii aafada soomaaliya ka dhacday xabadeedii bilaabay ee waliba cali samatar ciidan qaran buuba hogaaminayaye,isagu ahaa kii hogaaminayey ciidamadii Qabiilka ee soomaaliya maanta midan baday,isaga iyo cali mahdigii soomaalida u kala qeybiyey beelo ama qabiil…?
    Wallee galaalow iska noolow adiga weeye waxa mar uun caddaaladda lasoo taagi doonee,iyo cali naafto oo soomaaliya dal iyo dadba ka galay dambigii ugu weynaa,ee xataa sunta kiimikada dalka ku aasay…mujrimiintu ha iska noolaadaan,mar uun waa lala xisaabtami,cali samatarse nin wadani ah ayuu ahaa oo ka nadiif ah wasakhda qabqablayaasha iyo ururadii daanyeerada ahaa isku dhabooqeen,USC,SNM IYO SPM,ee Axmaarada daba dhilifka u ahaa iyo SSDFtii aabahaba u ahayd…

  22. dhonbir. says:

    Gormaa Galaalna maxkamad lasoo taagaya? wanka indhihiisu cirka ma arkaan ilaa la mindisaaro!

  23. Adam says:

    As/a. Akhyaarta sharafte leh.
    Runta haddaan lasheegin waxaa lasheega wax kaliita.

    Qomamkii hore waxaa loo halaagijiray in Diimihii loosoodajiyay qeytooda ciqaabta aysan dadka sisiman ugu ciqaabijirin oo dadkii bay uqeybiyeen 2 qeybood 1 dad sharcigu qabto oo lagu ciqaabo haddii aydanbi galaan iyo 2 dad sharciga kasareeya oo danbi kastoo aygalaabaan sharcigu qabankarin. Subaxaanalahiye.
    Dadk Somaliyeed 99.9% sitoos ah iyo sidadbanba waxay kulug lahayeen dhibkii kadhacay Somalia 40, sano ee tagtay khasatan 20, sano ee ugu danbeysay. bulshadeena kaladuwan sida Culimada Cuqaassh,Siyaasiyiinta, Caamada Ragga,Haweenka,waxay lakala saffan yihiin oo ay taageero kaladuwan siinjireen haddana siiyaan kooxaha dhibka kawadda Somalia Taasmacneheedu waxaa waaye in aan kuligeen danbi lugaha kula jirno kadhan ah aadanaha.
    wallaalayaal majiro haddii uu jirana mabadna. Qof somaali oo aan dhibka Somalia kadhacay haddana kadhacaya wali Kageysan tageero afka ah mid adinka amaba sabab kulug lahaansho fal danbiyeed dhacay. taasina waa danbi xun sidda sharciga illaahey kucad iyo xattaa sharciyo kusheeg Dawladuhu sameysteen
    Marka haddii aan kuligeen danbiileyaal ubbadanahay waxaa nacasnimo ah in aan qofkaliya danbigiisa aragno waxaa fiican in qofwalba naftiisa dib ufiiriyo isxisaaba intaan la,idin xisaabin( xaasibuu anfusa-kum qabla antuxaasibuu)
    Allah baddanaa danbiile yaal waaweyn oo illaa hadda taageero baahsan kahaysta dadweynaha SOMALIYEED
    Marka Cali samatar haddii uu danbiile yahay kaliigiis mahaa ee boqolaal kun baa lamid ah haddana faraha kula jira danbiyo kadhan ah Aadanaha.