Home » Warar »

Cali Timajilic “ Hayadda WFP kuma shaqeyso wixii loo abuurey oo ahayd in ay dhex dhexaad ka noqoto”

Kulan ay ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Muqdisho xubnaha Xisbiga midnimada Jamhuuriga Soomaaliyed ayaa waxa loga dooday qodobo badan oo khuseeya xaalada Somalia, iyadoo uu shir gudoominayey kulankaasi ku simaha gudoomiyaha XMJS ahna gudoomiye ku xigeenka xidbuigaasi Cali Maxamed Nuu (Timajilic)
Waxaa looga dooday kulan qodobo ay ka mid yihiin Heyadaha QM gaar ahaan WFP ma mid u adeegtaa howshii loo abuuray, Cida xaq u leh iney dejiyaan xeerka Qaranka iyo arimo la xiriira amaanka waxaana dood ka dib laga soo saaray qodobadan:

1) XMJS wuxuu isagoo ka warqaba QM waxa loogu yeero inaaney ka shaqeyn wixii loo abuuray oo aheyd iney dhexdhexaad ka noqdaan arimaha Qaramada Caalamka taasoo aysan maanta ku sifeysneyn ay haddana ku jirto muranka ka jira Somalia gaar ahan WFP sida aan ognahay WFP waxay ku fashilantay arimaha cuntada Soomaaliya waxayna sameysay musuqmaasuq baahsan iyadoo ka faaidesaneysa dowlad la’aanta Somalia iyo ineysan jirin cid howsheeda dabagal ku sameysa, iyadoo laga joojiyey wixii ay ka heli jireen wadamada isku sheega iney caawiyaan dalalkaa Afrika sidaasi awgeed waxaa maanta soo cusbooneysiisay ka hadalkooda arimaha Somalia joojinta laga joojiyey musuqii ay dalka ka wadeen, mana jirto cid ay si joogta ah wax u siin jireen waxayna maanta ogyihiin in dalkaan uu dad leeyahay hadii ay run sheegayaan maxa loo arki waayey iyagoo ka qeybinaya cuno meelaha aysan joogin al shabaab.

1) Xeerka Qaranka waxaan ognahay markii la soo sameeyey waxaa loogu yeero DFKMG oo axdigeedu qorayey in la qabto 2 sano iyo bar ka dib afti shacab oo tilmaameysa in dalku qaatay federaal, loogana gudbo axsaab siyaasadeed in dalka hirgeliyo, taasi ma dhicin, Jabuuti ayaa haddana wax la iskugu geeyey dalka markii ay yimaadeen waxay sheegeen in la qaatay ku dhaqanka shareecada Islaamka, dastuurka dalka ay Kitaabka Alle sunaha Nebiga NNKH, maanta hadana waxaan maqleynaa dastuur ay sameysay heyada inter Peace iyo kitaabka sidee la isu waafajin karaa midaasi maaha mid dalka iyo dadku xaq u leeyihiin, kooxda howshaas ku jirtana kitabka Alle ayaa ka soo bixi doona, umadana dastuurka ALLE ayeyna qaateen dhamaantood cid ka leexin kartana ma jirto.

Ugu dambeyn XMJS wuxuu ka digay in qaadka loo soo wareejiyo Afisiyooni arimo amaan awgeed wasiirka arintasau ku howlana waxaan uga digeynaaa inuu ka joogsado-

  W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Cali Timajilic “ Hayadda WFP kuma shaqeyso wixii loo abuurey oo ahayd in ay dhex dhexaad ka noqoto” "

  1. Dr. Farah says:

    I believe and i have witnessed what the so-called UN agencies supply and provide to the needy people in the conflict zone areas is either expired or sub-standard product which cannot be consumed by human being or even to some extent by animals, the case of WFP is genuine in Somalia and i support AL-SHABAAB for it