Home » Maqaallo »

Hambalyo Mamnuucidii iyo is Hortaagii WFP | Dr Yusuf Issa

Walaalaha Websideyada waxaan ka codsan inaad soo bandhigtaan fikirkaan waayo muddo ayaan sugayey cid arintan u istaagta mana ihi anigu Alshabaab balse Alle baa og sidaan ugu riyaaqay iney horistagaan WFP ,koley waa dhici kartaa Qofkii fikir gaaban ama ani iga garasho badan ( micnaha aqoon la isku haleyn karo u saaxiib ah) inuu isdheho masaakin Somali ah baa galey laga Hor istaagay ee in WFP la horistaago laga fursanmaayo,balse Groupkan Aqoonta u saaxiibka ah waa kuwa aan rabo iney yimaadaan TV -yada Somalida oo dood lagu soo bandhigo khasaaro iyo faaido,sidoo kale bal raad raac halagu sameeyo sidee bey u arkaan beeraleyda Somaliyeed iyo maxey qabsadeen kadib fikirkaas.
 
Maqaalkii

Somali inta damiirka leh sadaashana ku fiican,waxaan leeyahay Hampalyo Xisbiga Al-shabaab welibana waxaan codsi u dirayaa Walaalaha Xisbul Islaam iney mowqifkaas oo kale qaataan isna horistaagan World Food Poisoning waayo waa arin iska cad Haya’daas iney u shaqeyso ganacsato Mareykan ah welibana la doonayo Wadamada soo koraya in lagu baa bi’iyo si ay uga quustaan iney dalaga beertaan khaasatan Wadamada Africa oo main food kooda yahay Galeyda ayaa laga rabaa in laga tirtiro abuurka.

Aduunka maanta waxaa ka bilwday Business ku saabsan Abuurka oo waxaa jira wax la dheho hybrid seeds kuwaas oo hal mar soo baxaya kadibna aan dib u soo baxeyn marka waa la isu soo dhigtay Africay Hurudooy,xataa Yaanyada iyo Basasha ayaa la rabaa in nalaka iibiyo seeds-ka waxaan filayaa last year inaad maqasheen in Maxkamad la isla Koray India oo la isku qabsaday Abuurka Bariiska la dheho Basmati iyadoo Shirkad beeratay la leeyahay Abuurka ayey naga xadeen,marka waxaa soo socota in la dheho Reer kii galay beerta xagee ka keenteen Abuurka arintan aan sheegayo maaha sheeko xariir weydiiya Culimada ku takhasusay Beeraha.

Waxaan kaloo idiin sheegin Wadankeenu inuu yahay Target madaama aynaan lahayn Dawlad amase Dawladeena gaarsiisan yahay garshadooda ama Dadnimadooda WFP waan soo dhoweyneynaa, anaguna Madfaca ayaan Shicibka la dhaceynaa idinkuna Galeyda keena,waad arki doontaan Marhaday Alshabaab mamnuucen WFP in Galbeedku ku qaadi doonaan dagaal si loo ciribtiro waayo waxbay fahmeen,waad arkeysaan in UK shalay ku dhawaaqday Alshabaab iney yihiin Argagixiso.

Alshabaab waan aragnaa dhulkey xukumaan Afgooye ilaa Raskabooni in nabad lagu joogo,sidoo kale Shabeelada dhexe in Wadadana si raaxo ah loo maro,waxeyna ku dhawaaqeen WFP hadey rabto iney cuno Somali siiso haka iibsato Beeralayda Somaliyeed taasna ay diideen waayo Lacagtii Aduunweynaha nasiiyeen baa Galay USA looga soo qadaa (qawda maqashii oo wax haw qaban),laguna Curyaamiyaa Beeralaydeena waayo hadaan Cuno lasoo baxno waanu ka kaaftooney Gaalo,Walaalayalow bilaa caleyk iska dhaafa yeerinta Gaalada oo xaqa meesha adag buu ku jiraa ee dantiina garta!,xataa Culimadeena awood uma leh iney xaqa shegaan maanta oo wax yar bey u dhow yahiin iney dhehaan Somalia Argagixso baa joogta ama si indirect ah bey udhehaan.

wey cadahay hadafka Alshabaab qofkii rabana ha dhegeysto wareysigii Abumansuur siiyey Aljaziira Wadanka Umaddo badan oo kala Siyaasad ah baa isdhexboodaya laakiin qofka qawlkiisa iyo ficilkiisa aan xukuno.
Sheikh Sheriifa marka la leeyahay La heshii Gourpka Ahlusuna wal jameeca ee ka talisa Cabudwaaq iyo Guriceel maxaad ka dhehdeen,Shalay haddii la dhehayey Amxaaro baa Wadankii qabsatay waa Maxay yeerinta la heshii Gourp haysta 15km iyo Dawlada oo 3Km fadhida iyo 750 xildhibaan.

Shicibka Somaliyeed waxaan ka codsan Dawlada banaanbax iyo cadaadis halagu sameeyo Shareecada sidey tahay Ha uqataan,Unisom ha saaran Alshabaab iyo xisbul islaamna wadahadal bilaa shuruud ah hala galaan sidaa baa danteena ku jirtaa,cid na rabta ma jirtee aan Alla ka cabsano taladana Alle hala saarto Aduunweynahana faraha hanalaga baxaan aan u sheegno “Galey inaan Beerano ayey noo quuri la’yahin haka sugina rajo kale”.

W/Towfiiq
Dr Yusuf Issa
yusufessa@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Hambalyo Mamnuucidii iyo is Hortaagii WFP | Dr Yusuf Issa "

  1. WALLEE SOOMAALI INKAARBAA KU DHACDAY, NIN ISKU SHEEGAYA AQOONYAHAN AYAA WUXUU MEEL MAXFAL AH LA SOO ISTAAGAY MASAAKIINTII SOOMAALIYEED EE BAROKACAY, BAAHINA UGU BAQTINAYA HAREERAHA MUQDISHO IYO GOBOLADA DALKA WAAN TAAGEETAAGEERSANAHAY IN LAGA HOR ISTAAGO LOORKII GALEYDA AHAA EE LA SIINAYAY.

    WAR ALLE KU QABAYE WAXAA LAGA YAABAA INAAD WAX KU SOO BARATAY CANSHUURTII SHACABKA, EE KA NAX SHACABKA.

    WAXAAD IILA MUUQATAA NIN JOOGA DALALKA QURBAHA OO TAMASHLE KU JIRA, LAAKIIN IMOW WADANKAAGA OO BAL U KUUR GAL DHIBAATADA IYO SAAMSEYNTA AY KU YEELANEYSO SHACABKA CUNAQABTEYNTA LAGA SAARAY RAASHINKA.