Home » Maqaallo »

Waa Cadaalad Daro In La Ashkateeyo General Cali Samter Kaligii | ibrahim mohamed

Marka hore waxaan salaamay dadka ku hadla afka somaliga.Marlabaad ka waxaan jeclahay inaan kahadlo dacwada ladoonayo in lagu qaado general maxamed cali samter ee kasocota dalka maraykanka, waa wax caadiya in qofkastoo dhibane ahi ba uu dambi kusoo oogo qofkii dhibta u gaystay,

Marlabaad ka waxaan jeclahay inaan kahadlo dacwada ladoonayo in lagu qaado general maxamed cali samter ee kasocota dalka maraykanka, waa wax caadiya in qofkastoo dhibane ahi ba uu dambi kusoo oogo qofkii dhibta u gaystay, mana jirto cid diidi karta arintaa oo marka laga yimaado sharciga caalamiga ah soomalidu dhaqan baabay kalahayd in qofka dhib gaysta in lagula xissabtamo wixii uu gaystay markaa ama haysdifaaco ama halagu helo wixii lagu haystay.


Hadaba waxaa iswaydiinle dacwada G.Cali Samter ma mid ugubaa mise waa wax soo jiray?

suaashu waxay noqonaysaa waa mid uguba waayo lama arag lamana maqal taariikhda somalida dacwaysanayaal iyadoon gar laqaadin oo aan geed lasoo fadhiisin oo aan odayaal gorfayn lakala xusho oo layidhaahdo hebel waa dambiile hebeelna waa bilaa dambi hada ogoow waa laba nin oo isku kiisa, cali samaterna waxaan aaminsanahay inuu yahay nin halyeey somaaliyeed ah anoon ka eegin isku reerka aanu nahay.

Gobolada Waqooy 1988

Aan guda galo ujeedadayda 1988 waxaa kadhacay Gobolada Waqooyi dil baahsan oo ay gaysteen Dawlad iyo mucaaridba oo naf iyo maalba lahaa waxa sidoo kale cad cidii dambiyadaa gaysatay oo ay maanta qaarkood kuwii dambiyada ay kagaleen madaxwaynayaal uyihiin cidina aanay kasheekayn iska daa dambi lagu soo oogee.

Ragaasi waxay kudhex leeyihiin magac iyo sumcad dadkii ay laayeen halka Cali samter lagu ashkataynayo meel ujirta boqolkun oo kilimitit goobtii uu faldambiyeedku kadhacay. waxay umuuqataa oo qof walba oo caqli lihi uu garanayaa inaan cali samter lagu haysan dambi uu galay ee lagu eryanayo muxuu nin gabooye ahi uu madax unoqday waayo hadii dambi laysku haysto dee ragii gacantooda wax kudili jiray cali samter waxbuu amri jiree ayaa ladacwaynlahaa.

Dadkii Lalaayay Baa kala fadli Badnaa?

Toloow mise dadkii lalaayay baa kala fadli badnaa oo dadka Cali Samter loo haystaa dadkii ugu wanaagsanaa ahaa oo kuwa Daahir Riyaale iyo saaxiibadii loo haysto oo ay buugaagta badan ka qortay Raaqiya oomaar ayaa dad liitay ahaa oo aan qiimo badan lahayn.

in dacwad lagu qaado cali samter waxay umuuqataa mid adag sida ay dawlada maraykanku u aqbasho waayo immunity ayuu kujoogaa maraykan balse way fududahay in Daahir riyaale iyo saaxiibadii dacwad lagu qaado laakiin suurta galmaaha waayo daahir riyaale iyo saaxibadii waxay kasoo jeedaan reer hubaysan oo lagula shuraako yahay dawladkusheeg afkuun laga sheegto laakiin cali samter reerkiisa oo ah gabooye ma hubaysana markaa isaga waa la eryan karaa taasina maaha cadaalad, oo cadaalad unoqonmayso dadkii lalaayay, cadaalad unoqonmayso dadkii lajidhdilay, waxayse noqonaysaa cadaalad daro laga galay dadkii lalaayay iyo cadaalad daro cusub oo nalaga galayo hadaanu nahay Beesha Gabooye oo laleeyahay wixii dambiya ee dhacay ee somali oodhan gaysatay idinkaa leh waayo awood malihidin.

Xasuuqii ay hormood ka ahayd Jabhadii SNM?

Waxaanse usheegayaa dadka fikirkaa aaminsan inaanu taa kajaawabi doono haynana liisas dhaadheer oo magacyo ah oo dadkii lagu xasuuqay Hargaysa , Burco iyo barbara ee gabooyaha ahaa dadkaas oo kor udhaafaya kumaankun qof cida kiiskaa gashayna ay tahay siilaanyo iyo saaxiibadii oo hogaaminayay jabhadii snm ee soo weerartay gobolada waqooyi, waxaanu haynaa cadaynta dadkii lagu laayay geed deeble oo waqooyi kaxigta magaalada hargaysa waxaananu hayanaa dadkii kasoo badbaaday dilkaa oo aanu markhaati ukeeni doono yurub iyo marayakan,ragii SNM hogaaminayayna way joogaan yurub iyo marayakan oo ay ugu nool yihiin si raaxo leh

Wabilaahi Tawfiiq Ilaahow Cadaalada Nagaransii

ibrahim mohamed
aabir_2@hotmil.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.