Waxaana la kala diray Golahii Degaanka Magaalada Boosaaso…
Laba wareegto oo uu soo saaray Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Dr.Cabdiraxman Maxamad Maxmud ( Farole), ayaa lagu kala dirid golaha degaanka Magaalada Bosaso, isla markaasna waxaa uu magacaabay Guddoomiye cusub ee Gobolka Bari iyo Duqa Magaalada Boosaaso.
Wareegta koowaad waxay u qornayd sidan
Xeer Madaxweyne Lr. 17 25/02/2010 kala dirid golaha degaanka Magaalada Bosaso.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu la tashadey: Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha
markuu arkay: Waxqabad la’aanta Golaha degaanka ee la xiriira arrimaha amniga
wuxuu xeeriyey
1) waxaa la kala direy Golihii degaanka Magaalada Bosaso
2) Waxaa si kumeelgaar ah loo magacaaabey:
3) Maxamud Farax Maxamad ( Maxamud Beeldaaje)-duqa Magaalada Bosaso
4) Cabdulqaadir Yusuf Daahir- K/Xigeenka Duqa Magaalada Bosaso
Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynaha saxiixo
Dr.Cabdiraxman Maxamad Maxmud ( Farole)
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Wareegtada Labaad waxay u qornayd sidan
Xeer Madaxweynaha Lr.15 ee 25/02/2010
Madaxweynaha Dowladda puntland
Markuu Arkey: Dastuurka dowladda Puntland
Markuu la tashaday: Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha
Wuxuu xeeriyey:
Waxaa loo magacaabey:
1) Cabdixaafid Cali Yusuf Guddomiyaha Gobolka Barri
Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynaha saxiixo
Dr.Cabdiraxman Maxamad Maxamud ( Farole)
Arrinkas aad iyo aad ayuu muhim u ahaa waana lala daahay