Home » Warar »

Dr Faroole oo Xilkii ka xayuubiyey Guddoomiyihii Gobolka Bari iyo Duqa magaalada Boosaaso

Waxaana la kala diray Golahii Degaanka Magaalada Boosaaso…

Laba wareegto oo uu soo saaray Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Dr.Cabdiraxman Maxamad Maxmud ( Farole), ayaa lagu  kala dirid golaha degaanka Magaalada Bosaso, isla markaasna waxaa uu magacaabay Guddoomiye cusub ee Gobolka Bari iyo Duqa Magaalada Boosaaso.

Wareegta koowaad waxay u qornayd sidan

Xeer Madaxweyne Lr. 17 25/02/2010 kala dirid golaha degaanka Magaalada Bosaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:   Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu la tashadey:  Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha
markuu arkay: Waxqabad la’aanta Golaha degaanka ee la xiriira arrimaha amniga

wuxuu xeeriyey

1) waxaa la kala direy Golihii degaanka Magaalada Bosaso
2) Waxaa si kumeelgaar ah loo magacaaabey:
3) Maxamud Farax Maxamad ( Maxamud Beeldaaje)-duqa Magaalada Bosaso
4) Cabdulqaadir Yusuf Daahir- K/Xigeenka Duqa Magaalada Bosaso

Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynaha saxiixo

Dr.Cabdiraxman Maxamad Maxmud ( Farole)

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Wareegtada Labaad waxay u qornayd sidan

Xeer Madaxweynaha Lr.15 ee 25/02/2010

Madaxweynaha Dowladda puntland

Markuu Arkey:   Dastuurka dowladda Puntland
Markuu la tashaday:  Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha

Wuxuu xeeriyey:
Waxaa loo magacaabey:
1) Cabdixaafid Cali Yusuf    Guddomiyaha Gobolka Barri

Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynaha saxiixo

Dr.Cabdiraxman Maxamad Maxamud ( Farole)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dr Faroole oo Xilkii ka xayuubiyey Guddoomiyihii Gobolka Bari iyo Duqa magaalada Boosaaso "

  1. yaasiin says:

    Arrinkas aad iyo aad ayuu muhim u ahaa waana lala daahay