oo ay ku bareyso adeega Casriga ah ee ZAAD Service.
Ayadoo dhawaan ay soo bandhigtay Shirkadda Isgaarsiinta caalamiga ah ee HORMUUD telecom adeeg casri ah oo loo bixiyay ZAAD Service oo ah adeeg dabooli kari guud ahaan baahida dhigashada ama keydsiga Bunuukda ayaa waxa ay shirkadu wali ku jirtaa sidii ay dadkeeda uga dhaadhicin laheyd faa’ida uu xanbaarsan yahay adeegaasi
shirkada ayaa waxay ay u qabtay saxafiyiinta ku dhaqan Muqdisho gaar ahaan kuwa wax Qora aqoon korororsi ku aadan adeegaasi oo ay ku bareyso waxa uu yahay ZAAD si ay iyana ugu sharaxaaan shacabka intiisa kale.
Khabiiro aad u xirfadeysan ayaa kulankaasi ka soo qeyb galay ayagoona inta badan isku dayayay sidii ay kaga dhaadhicin lahaayeen Saxafiyiintaasi adeega caalamiga ah ee ZAAD Service
Hadaba waa maxay adeega ZAAD muxuusa u faa’ideyn karaa shacabka soomaaliyeed ee Faqiirka ah?
Waxaan la weydiiyay su’aashaasi Xubnihii aqoonta u lahaa Adeegaasi waxayna sharaxadaad waafi ah inaga siiyay Ing. Yaasiin Xasan, Cabdi Rashiid Cali Ceynaanshe iyo Mudane Axmed Shiikh Cali Galool oo ka socday Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom waxeyna sheegeen in adeegaan uu haatan yahay mid gabi ahaan laga adeegsan karo dhamaan meelaha ay joogto Networka HORMUUD Telecom oo ay ugu horeyso dhamaan gobolada dalka soomaaliya ilaa laga gaaro xuduudaha dalka soomaaliya uu la wadaago dalalka Kenya Ethiopia iyo Djabuoti ayna dhawaan ku rajo weyn tahay in ay gaadho dalal kale Inshaa-Alaah
ZAAD Service waa adeeg kooban oo casri ah waxaana uuna kaafin karaa nin wax heysta iyo kii aan waxba heysan oo waxaa wax ku heydsan karo dhamaan shacabka soomaaliyeed ee adeegsada Sim-card-ka HORMUUD telecom ayadoona ay ugu yartahay lacagta aad dhigan karto $1 (One Dollar) ayna ugu badan tahay ilaa $3,000 taas oo ku cadeyneyso in adeega uu yahay mid casri ah yar taheyna wax wax laguugu qabanayo ee Service ahaan.
waa adeeg aad wax ku iibsan karto intii aad jeebka ku soo qaadi laheyd lacag aad u badan cadadeeda waxeyna sheegeen Khuburadaasi ka socotay HORMUUD telecom in adeegaan uu yahay mid amaan badan dhan walba aadna u fudud isticmaalkiisa
Zaad Waa Barnaamij Gaar Ah Oo Ay Kuugu Tala Gashay Shirkada Isgaarsiinta HorMuud.-
Barnaamijkani Zaad Waxa Uu Kuu Suura Galinayaa.–
*In Aad Lacagtaa Ku Keeydsato–
In Lacag Laguugu Soo Diro Acounkaaga Zaad —
*In Aad Lacag u Dirto Qof Kale.–
*in Lacagta Kuu Jirta Acounkaaga Zaad Aad ku Iibasan Karto Waxa Walba Meel Walba Ee Aad Joogto–
Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Oo Horayba Caan Ugu Ahayd Horumarinta Bulshadeeda Soomaaliyeed Ayaa Iminka Keentay Mid Ka mid Ah Adeegyada Ugu Caansan ee —
ee Dunida La Isicmaalo Islamarkaana ah Adeegii Ugu Dambeeyay y Gaaraan Shirkadaha Caalimiga ah Adeegaa Oo loogu Magac Daray Zaad Service.
Xaflado Balaaran Oo Lagu Maamusayay Laguna Sharaxayay Sida ay Umada Soomaaliyeed Uga Faa’iideeysan Karaan Adeega Zaad ayaa Guud ahaan Lagu Qabtay Xaruumaha ay Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Ku Leedahay Geyga Soomaaliya Iyo Guud ahaan Caalmka Iyadoona Dhamaan Ka Qayb Galyaashii Xafladahaa Oo U Badnaaa Indheergaradka,Aqoonyahanada ,Ganacsatada,Abwaaninta Iyo Inta Ugu Muhiimsan Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshadaba Waxa ay Isku Raaceen in Adeega Zaad Uu Yahay Adeega Ay Faa’iido Iyo Horumar Balaaran u Leh Mujtamaca Soomaaliyeed Islmarkaana uu Ku Soo Beegmay Xili Ay Dhan Walba Uga Faa’iideeysan Karaan Adeegani Cusub
Wax Tarka Adeega Zaad.
Hormarkani Cusub oo Ay Soo Kordhisay Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ayaa Waxa Uu Yahay Mid Ku Soo Beegmay Amaba Yimid Xili Ay Jirto Baah Aad U —
Weyn Oo Ay Umadu U Qabto Adeeg Caynkani Oo Kale ah Madaama Ay Umadu Ku Dhibaneeyd Isku Socodka Dhexdooda ah Iyo Waliba Jeeb Ku Qaadshada Lacagaha Adag Amaan Xumo Darteed Iyadoona Iminka Adeegani Zaad Uu U Masaamaxayo In Qofku uu Isagoo Isticmaalya Adeega Zaad Ee Shirkada Hormuud Uu si Sahlan
Lacagtiisa Ugu Keeydsan Karo Nubarkiisa Isagoona Aysan Agooyn Cid Kale Kana Muuqan Wax Lacag ah Oo Uu Wato Islamarkaana Uu Ku iibsan Karo Wax
Walba Oo Adeega Ee uu u Baahado.–
Isku Soo Wada Duuboo Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Waxa ay Noqotay Rajo Soo Celinta Bulshada Soomaaliyeed Maadaama Umada Marka ay Maqashaba
Hoos U dhaca Dalka Ay Isgaarsiinta Hormuud Ay Soo Ifbixiso hanaan Dhaxal Gal ah Oo Dib U soo Celiya Rajadooda Dareensiiyana In ay Jirto Rajo
La Isku Halayn Karo Iyo Waliba Maskax Fiyoow Oo Umudu Wali Aaamini Karto.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Asc wr wb allah ayaa mahad leh, nabad galyo iyo naxariis nabigeena korkiis ha ahaato, waxaan ka mid ahay macaamiisha shirkada HORMUUD TELCOM SOMALI, Hortel. Waxaana aad uga faaidaystaa addeega cusub ee zaad service. si sahlan ayaan ugu dukaamaystaa lacagta acounkayga ku jirta sidoo kale waxaan lacag ugu diraa Qof ehelkeyga ah oo gobol jooga adeega zaadna heysta, mar kastana dharaagayga telfanka ayan kala socdaa dhab ahaan wan ku diirsaday adeegan, hormudna waan ka helay dhan walba mahadsanid Hortel