Home » Maqaallo »

QUURSIGA AAN QIILKA LAHEYN

Dhab ahaan aad baan u xanuunsaday markii aan aqristay qoraal lagu soo bandhigay Shabakaddaha wararka ee Soomaalida oo ka hadlayey Lamaane guur damcay oo ku kala guuray heybta qabiil, taasoo igu dhalisay inaan qalinkeyga u qaato, jiilka soo korayana ugu baaqo iney ka shaqeeyaan dabar goynta dhaqankaasi xun ee cudurka geliyay Walaalaheena Soomaaliyeed ee lagu takooro heybta ay ka soo jeedaan.

Waa dhacdo xanuun badan oo marnaba loo dul qaadan karin, in la yaso hablaha ka soo jeeda beelaha dulman hase ahaatee waxaa haboon in laga wada shaqeeyo sidii loo dabar goyn lahaa dhaqankaasi foosha xun ee bulshada Soomaaliyeed ku dhegan tahay.

Waxaan dhihi karaa dumarka beelahooda dulman yihiin ee loo geysto gabbood falyada lidka ku ah shareecada islaamka iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga, waxayna sumcad xumo u keeneysaa dadka Soomaaliyeed, Illaahey Qur´aankiisa wuxuu inoogu sheegay in umadiisa uu ka abuuray lab iyo dhiddig iyo qabiilooyin ay isku gartaan aayadaasi oo leh “Dadow waxaan idinka abuurray lab iyo dhaddig, waxaana idinka yeelay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, Ruuxa ugu sharaf badan Eebe agtiisa waa kan idiinku dhawrasho badan, Eebana wax walba waa ogyhay”.

Haweenka la heyb sooco ama Ragga lagu takooro qabiilka ay ka soo jeedaan waa dad nadiif ka ah xumaanta, miyaadan ogeynina inay yihiin dumar nadiif ah, isku dhaqan iyo diinna aad sheegataan, kana soo jeeda isirka beelo lagu yaqaan shaqooyin iyo xirfado mujtamaca faa’iido u leh, kuwaas oo dheefsada dhididka waxa ay shaqeystaan bulshada kale ee takoorka ka yimaadana munaafacaad ku qaba howlaha ay hayaan.

Waxaan aamin sanahay in hadii Aqoonyahanka, ururada bulshada, culumaa’uddiinka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ay u dhaqaaqaan baraarujinta ka gudubka caadooyinkaas foosha xun in ay suuli doonto, raali gellina laga bixiyo tacadiyadii beelaha dulman loo geysan jiray, hadiise ay ka aamusaan takoorka lagula kacay mujtamac xalaal ah in in ay ka dhalan doonto cadaab xagga Rabbi ka timaada.

Gabagabadii waxaan qormadeyda ka dhalatay qormo xanuun badan oo lagu soo bandhigay shabakaddaha wararka Soomaalida taasoo xaqiiqda raad badan igu reebtay markaan aqristay, waxaana ka rajeynayaa in dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dadka waxgalka ah in ay u dhaqaaqaan cirib tirka takoorka walaalaheena Soomaaliyeed lagu haayo, waxaana ugu baaqayaa dhalinyarada soo koreyso in ay bilaabaan wado cusub oo guurka haweenka iyo Ragga lagu takooro heybta ay ka soo jeedaan in ay baabi’iyaan lana bilaabo nolol cusub.

Cali Muxiyaddiin Cali
Muxiyaddiin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

10 Jawaabood " QUURSIGA AAN QIILKA LAHEYN "

  1. Abdi says:

    aan kusoo laabtee

    Sida uu sheegayo boqor faysal. horta marka hore waa inuu qofku naftiisa siiyo kalsooni. waxaan ku koray small town waxaanuna saaxiib ahayn dhalin iyo ciyaal badan oo gabooye ah mid keli ahi ma uuna dhigan jirin schoolka hada ayaan ka fikiraa balse ma ogi sababta ay caruurtaas schoolka ugu diri waayeen. meel lakala leeyahayna ma ahayne school ay itoobiya leedahay iyo shacabka oo soomaali ah uunbaanu wada ahayn uun hadii la odhan lahaa waa loo diidayna.

    balse waxa weeye gabooye adeerow gacaliye soo istaag adiga oo aan qof kale ahayn balse ah midgaan . haa midgaan sharafle oo qirsan qofka uu yahay. soomali waxay tidhaahdaa wixii la qariyaba qudhunbaa kujira . adeer wax la isku xantaba maxaa keenay anaa midgaan ah maxaa jira. intaasayba ku fududahay taasi. ta kale xoolo raacatanimadii way hadhay badankeed. waxaa la isku raacaa waa aqoon iyo hanti iyo magac shaqsi maaha mid qabiiil.

    lodkayadu waxba mar danbe kama dhagaystaan dadkii qarnigii hore. waxaa hada la isku tirgeliyaa KUMAAD TAHAY ma aha Qabiilkeed tahay.

  2. Abdi says:

    Yes it is true that people should practice what they preach…. uma baahna inaad xadiisyo iyo aayado soo dareeriso oo kali ah ee waxaa loo baahanyahay in qof waliba naftiisa ka bilaabo oo uu marka hore wado jeexo si raadkiisa loosoo raaco balse runtii hadii aadan adigu diyaar ahayn maxaad aniga iigu xadiisin dee.

    marka waxaan leeyahay adeer adigu ku camalfal waxaad faafin. deedna waan qaadan.

  3. ACWW.
    arrintu siday ku socoto ,ilaa kuwa laandheernimada sheeganaya ay is dhameeyaan oo sida hada Somalia ka socota , qabiil qabiil isu layaan.. oo wax yar ka soo haro. intaa yar ee soo harta ayaa laga yabaa iney is daba qabtaan oo jaahilnimada ka tanaasunlaan. teeda kale goorma ayey somalidu wax loo sheego qabtaan ama ka fikiran. ummada somaliyeed is inherently obnoxious.
    hadeey waano iyo waa wareey aya wax tareyso 20 sanno ku dhowaad ayaa la lahaa war dilka joojiya, somalidu waa wax qaxay oo qaxooti oo wadamada dersiksa ku tabaaleysan.. qaar baddu laqday, qaar yurub iyo north america ku khasaaray .iyo kuwo somaliya oo aan dhiman aana noolayn. Somalidu isir ahaan ayey xuntahay.. malaha waxaa la qaatay dadka la heyb sooco inay somalinimada isaga baxaan .. oo somalida ay heyb socaan iyaagaa laangaab qurun ah ileyne. waxaan aad ugu raacsanahay”sunkaneeco, qolooyinkana wadaada isku sheega bal may bilaabaan oo guursadaan dadka la heyb sooco.. it wont happen sababtoo ah wadaadu iyagaa dadka qabiilka uga hooreeya… oo isticmaala hadana aan qiran. Somalida isbedel laga filimaayee waxaa wanagsan in isdhameyntoodu soo degdegto.. in case u wondering .Anig,.dadkan wanaagsan ee la heyb sooco kama tirsani.

  4. QAALI says:

    ASC WR WB
    ilaah ayaa mahada iska leh xaqa iyo baadilka na fahan siiyey marka labaad walaal waxaan dadka walaalaheena lagu haaayo waa dulmi dulmigana alaah ma jeclo dadkaan lgama qabiil wacna lagamana aabo weyna laakiin caado xun ayaan haysanaaye caadadaas aan dabar goyno oo xaq daradaaas aan daaha ka qaadno anagoo wada jira culumo iyo caamaba walaal soo ma ogdiin inay god kii yaraa naga dambeeyo iyo meel la dhahayn reer habal ayaa qaa qabiil wacnaa miyaadan o gayn wax midgaan la dhaho inaysan jirin oo qofkii janada alaah laga waayo maalintaas inuu yahay kaas midgaan la lee yahay waxaan naftayda iyo tiinaba ugu nasteexeenayaa inaan caadadaas soo af jarno marka macsalaamo

  5. abdiaziz says:

    waxaan ku dari laaha intaas ay dhalllinyaradu soo ban dhigtay inay jiraan waalid soomaalid oo gabdhahooda ama wiilashooda uu guuriya dad aan asal iyo farax midna aanay aqoon halka ay uu diideen nin soomaaliyeed oo walaalkood ah ugu dambeynti in ilahay loo noqdo soomaalliyey oo aan dhaqankan xuun ee xanuunsan

  6. Canab says:

    bismilaahi raxmani raxiim mahad allae baa leh eeino kala cadeyay xaqa iyo balika waxan kubilabaya hadlkayga adbu umahadsanyahay walalka dabolka kaqaday runta sababto ah somalidu ayago og bay samaynayan xumanta wayo wuxu rasulkeeni mauxamed aha noshegay inaan oga xaunusano waxa lagu saneyay walalkena sidan uxanunsano markay meli naxnunayso walahi wan oyay markan aqriyay arintas adbayna itabatay waxan rajeynaya inay dhalinyarada somalida hal mael ogasowajesatan dhaqankas xun oo rasisnimada ah wayo nika leh wiillka somaliga ah gabadhisa udiday lehna shinays iken intad ikeni lahayd rerekas cunsurinomo mahanillahyow intu wiill somali ah adunka jogo shynas iyo wixi lamid ah haiga gaynin gabadhyda walahi laba arimodba wan la xanunsadasaday arintan iyo mid kale oo astreliya kadhcadaybaoo ahay wiill gabar somali ah logu diday waa rerekas walalkin loguraya nag hindiga dabka cabuda ah waxan hadalkaga kuso kobaya arintas hal dabar goyo hadi kale islanimaden waxba kama jiran bay noqon donta wan qiroda ee iga ralinoqda walalayal waa wiilkaga oo kale wayo asga iyo kayga baba wada dhaqan iyo wada diin ahsalama caleykum mahdsanidin

  7. Boqor Faysal says:

    A.w.wabarakathu, Adeer wad ku mahadsan tahay qoralkaga wanagsan lakiin Soomalidu waxay ku tirahdaa Lax walba shilinkey is dhigto ayaa lagu qalaa. Waxaan uga danleyahay wax ka qabashada arintaan waxa laga rabaa marka hore in ay wax ka qabtaan dadka aad la heybsoco. Qofku hadii naftiisa uu siyo kalsoni ah in usan jirin qof ka fiican, ka qabiil fiican waxa uu oganayaa in waxa dadku sheegayaan ay tahay wax aan waxba ka jirin. Lakiin hadii ay dhacdo waxa marar badan dhaca sida laba qof oo walaalo ah in ay kala sheegtaan laba qabiil oo anan ka fiicneyn qabiilkooda taasi waxa ay keneysaa in heyb kala socu uu socdo maxa yelay adiga ayaa mujiyay in qabiilkagu ka hooseyo qabiilada kale.

  8. sunkaneeco says:

    Habboon, Waxa wanaagsan intaadan ka hadal diin, aad barato taariikhdeeda. Wakhtigii asxaabta waxa la yasi jirey addoonta , oo aheyd dadka madow. qaar waa la xoreeyey, qaarna waa la heystey. Su’aasheydu waxa weeyey, Asxaabtii iyo dadkii ka danbeeyey maxay u guursan waayeyeen addoontii la xoreeyey ee la yasi jirey?
    markaa ma waxaad naga dhaadhicineysaa adiga iyo jaallahan qiireysan ee soo qorey maqaalka Cali Muxuyaddiin inaanu sameynu waxa asxaabtii iyo culimadii diintu aaney sameyn, adigoo dhinaca kalena diinta mey dhigin leh, in aan la guursan.?
    Inta aadan nagu wacdiyin adiga iyo Cali inaanu guursanno gabooyaha iyo dadka kale ee la yaso, maxaad ugu sheegi weydey, wadaadan iney diinta mas’uulka ka yihiin sheegtey, ee mafrashkii mirqaaka nagu cidhidhyey.
    Fadlan waxaan jeclaanlahaa adiga iyo Cali inaad bilowdaan inaad guursataan Gabooyaha iyo wixii soo raaca haddaad run sheegeysaan. Noqotaan dadkii lagu dayan lahaa.Looma baahna inaad afka kala qabataan.
    mahadsanidin

  9. aad ayaan u soo dhaweynayaa in dadku uu isku mid yahay waxaana xaaraan ah in lagu dheganaado caado aan diinta ku slaysnayn dadkuna waa isku mid oo waa isguursan karaa wax xakamaynaaya anigu ma garanaayo yaan dadka la yasin hala soo dhaweeyo oo ha lays guursado waa sharciga islaamka qofka waxaa lagu guursadaa muslin ma yahay xaafidul quraan reer ladan ma ka dhashay maxaa ii diidaya inaan guursado waa talo dhalinyarooy yaan lays yasin qof kastoow taad ka hesho guurso aakhiro midgaan ma taqaanee qof kasta camalkiisaa la waydiinayaa mahadsanidiin somali tolk

  10. haboon says:

    marka hore allaah yaa mahad leh alihii inoo kalacadeeyey xaqa iyo baadilka
    intaaskadib aadbaan usoo dhowaynayaa ka hortaga arintaan foosha xun diinteena wanaagsana meesha uga dhacaysa ee soomaalidu caadaysteen