Akh-ristayaasha sharafta lahoow inta aynaan gudagelin qormadeena, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa xusuusin yar oo qormadan kor ku xusan ee cinwaankeedu yahay Calaamooyinka Nabaad Guurka Luqadda iyo Dhaqanka Soomaaliga ku saabsan oo aan hore ugu qorey Wargeyska Ayaamaha iyo Webka Goobjoog, sanadkii 2006-da, xiligaasoo dadka wax qora ama akh-riya ay ku sii jeedeen dhinaca siyaasada dalka iyo helitaanka nololl maalmeedkooda.
Runtii xiligaas dalka Soomaaliya wuxuu ku jirey bilowga diyaargarowga dagaalka hada socda iyo Urur diimeedyada kala duwan ee xiligan jira, dadka wax akh-riya ama qora waxay ahaayeen kuwo ku sii jeeda is-bedel ficileedka xiligaa muuqdey, xiligaasoo mudnaa in laga faa’iideysta waxa dhacayey iyo tilmaamaha kala duwan ee ay bixinayeen wax-garadka Soomaaliyeed, aqoon-yahanad iyo siyaasiinta xiligu abuurey, sidoo kale qoraalkan waxaan raacin doonaa qormo kale oo isla xiligaas aan ku qorey Wargeys ay leeyihiin Urur Haween iyo webb Page kale oo la oran jirey Somalinews network, kaasoo cinwaankiisu ahaa Yaa Dabrey Dumarka??!!.
Labada cinwaanba waxaan awooda ku saarey burburka soo gaarey Luqadda iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, si loo helo dadd isku daya wax ka qabashada arintaas, xitaa hadii la waayo si aysan xujo uga dhigan dadka xiliyada dambe dadka ka daba hadla si ay u dhooqeeyaan horumarka Ummadda, waana arin ka jirta meel kasta oo caalamka ka mid ah gaar ahaan dalallka Afrika, sida beryahan ka muuqata degalada Mareegyada Soomaaliyeed oo ay ka muuqato isku dayo fara badan iyo ka hadalka bur burka Luqadda iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana soo baxay xiligan Ururo isku hawla, bal si ay ugu noqoto qayb ka mid ah tixraacyada loo baahan yahay xiligan in wax laga qabto.
Hadaba hadii aan gudagalno Qormooyinkeena Dhaqanka iyo luqada waxay ka mid yihiin waxyaabaha tilmaanta u ah bulshooyinka caalamka ka jira oo lagu kala garto, Ummad kasta waxay leedahay dhaqan iyo luqadd u gaar ah oo ay ka dhaxleen Awooweyaashii hore ee dhalay, waxaana ilaaliya jiilba jiilka ka dambeeyo.
Kadib markii uu burburay nidaamkii keli taliska ahaa ee ka jiray dalka 16- sano ka hor, dalku waxaa uu galay xaalado add adag oo keenay inay wax kasta isbedelaan, kuwaasoo leh wanaag iyo xumaan, isbedelada layaabka leh ee ka dhacay dalka waxaa ka mid ah inaad aragto markaad dhex marto Magaalooyinka dalka Soomaaliya guud ahaan tooda waxyaabo aad si weyn ula yaabaysid, sida Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadii dalka, meelaha ilqabadka leh ee xarumaha Ganacsiga, Caafimaadka, Wax-barashada iyo Hoteelada waaweyn ee ku yaala Magaalada Muqdisho dhamaan boorarkooda waxaa ku qoran xuruuf Carabi ah oo loo tarjumay English, waana xarumihii lagu ilaalinayey dhaqanka iyo Luqadda, dhamaan xarumahaan waxaa iska leh dadd Soomaali ah, waxaana lagu daweeyaa dadweyne Soomaliyeed waxna lagu baraa, iyagaana ka ganacsada, marka miyeysan ahayn arintaan mid khatarteeda leh?!!.
Marka aan fiirino dhinaca sharciga xaga luqdaha aan ku hadalno waa Soomaali iyo Carabi, hadii aad fiiriso inta Af-soomaali wax ku akh’rin karta ama Carabi iyo inta wax ku akh’rinkarta Engilish waxaa badan inta wax ku akh’rinkarta Soomaaliga iyo Carabiga.
Sababtoo ah qofka Soomaaliga marka laga reebo Af-soomaaliga uu ku hadlo Carabiga iyo Engilish-ka wuxuu wax ku kicinkaraa Carabiga , maxaayeelay?, Qofka Soomaaliga isagoo yar ayaa lagu tacliimaa marka ugu horeysa Qur’aanka Kariimka, Kitaabkuna wuxuu ku soo degay Carabi, marka hadii aan is weydiino maxay tahay sababta keentay in qoraalada boorarka ay u bataan in lagu qoro Engilish?, micnaha uu xanbaarsan yahay qiimo intee la eg buu yeelan karaa hadii Soomaali ama Carabi lagu qoro?, mise laga yaabaa inaan lagu baraarugsanayn hab qoraalka noocaan ah dhibaatada uu xanbaarsan yahay?, mise dadka ku nool Magaalooyinka dalka ayaan Soomaali ahayn ama waa dad kala sinji ah oo Soomaalinimada iyo Carabnimada ay sheeganayaan ayaa been ah?, marka si ay u wada fahmaan ayaa loogu qoray Engilish? Mise mustaqbalka dadd imaandoono oo aan Soomaali ahayn ayaa loo diyaariyey?, Malaga yaabaase sirdoonada dalallka kala duwan ee dunida ee yimaada dalka ayaa loo sahlayaa helitaanka rugaha kala duwan ee dalka, maadaama ay jirikaraan dadd fara badan oo u shaqeeya oo mararka qaar si qaldan wax ugu dira ama saxba?!!. Hadaba su’aalahaas iyo kuwo kale oo ad addagba Akh’ristoow adiga ayaan kuudaayey jawaabahooda.
Dhinaca kale dowladii 21-sano ka shaqaynaysay rugaha ganacsiga, wax-barashada, Caafimaad iyo guud ahaan xarumaha dowlada boorarkooda waxaa ku qornaanjiray ugu horeyn Soomaali waxaana midka labaad ahaa Carabi, marka laga reebo meelo shekhsiyaad gaar ah ay lahaayeen iyo xurumaha Safaaradaha dowladaha dunida ku leh dalkeena iyo goobaha lagu baran jiray Luqadaha, waxaana intaa dheeraa meelo kale oo cayiman oo ay dowladu lahayd.
Hadii aan u soo daadego ulajeedada Maqaalkeena oo ahayd Calaamooyinka nabaad guurka luqada iyo dhaqanka Soomaaliyeed, sow ma ahan arimahaan kuwo muujinaaya nabaad guurka dhaqanka iyo luqada Soomaaliga?, sababtoo ah mar hadii luqadda lagaa bedelo meelihii ay awooda ku lahayd, waxaa fududaanaya bedelitaanka dhaqanka, miithaal waxaad arkaysaa dadd yaqaana luqada Engilish-ka ama Talyaaniga oo marka ay la murmayaan dadka ku caaya ama ugu halqabsada luqadaha uu yaqaano wuxuuna leeyahay Talyaaniga ayaa sidaa yiri ama Ingiriiska ayaa sidaa yiri mana soo kordhinayso wax micno sameynaya qofkii maqlaa ereyadaas waxayna ku reebtaa caro ah adigana maad baratid si aad isaga dhiciso ama waxaaba ka dhaca mararka qaar dagaal keena gacan kahadal, waxaana soo baxday in ay fududaatay dadka yaqaana luqada Soomaaliga aqoonta ay u leeyihiin luqadooda iyo baahida bulshadooda, waxaana sii fududaanaya dadka yaqaana Carabiga miisaanka ay ku leeyihiin dalka gudihiisa marka laga reebo, Iskuulo iyo Jaamacado ka hirgalay dalka intii burburku uu jiray.
Waa yaabe siday ku dhacday in marka lays barbar dhigo Af-Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska kicintooda waxaa fudud Soomaaliga iyo Carabiga marka lagu daro kuwa Qur’aanka Kariimka yaqaana, in ay Af-gembiyaan koox yar oo yaqaana luqada Ingiriiska in meelaha ilqabadka leh boorarrkooda ay ku qoraan, iyadoo laga tiro badan yahay dadkaas?!!.
Waxaana soo baxay luqadaha Ajnabiga ah dadka yaqaana oo ka mid ah muwaadiniinta wadanka inay yihiin kuwo aan ehel u ahayn, sababtoo ah qaarkood waxay u adeegsadaan si khaldan oo lid ku ah shekhsi kasta oo maanta ku nool dalka iyo kuwa dhalandoona mustaqbalka, arintaan khaldan ee ay adeegsanayaan shekhsiyaadkaan waxay mustaqbalka keenidoontaa shalay aad u daran waqtiga dhow iyo midka fogba, iyagoo sababaha ay sidaas u samaynayaana ay tahay markaad si qota dheer aad u eegto ujeedadooda ugu weyn in ay tahay sidii ay ku heli lahaayeen dhaqaalo, taasina waxaa ka haboon in qof waliba uu marka hore qiimeeyo luqadiisa iyo dhaqankiisa, marka uu qiimeeyo luqadiisa iyo dhaqankiisa ayuu qiimo yeelanayaa.
Barashada luqadaan Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska IWM, ma xuma in loo barto luqad ahaan waana Suno, laakiin ma ahan inaad taada aad hilmaanto, bal eeg inta ku baxda barashada luqada Ingiriiska bill kasta, taadase ma ku baxdaa intaas?, hadii aad ku cadaadin lahayd barashada luqadaada iyo dhaqankaada dhaqaalaha ku baxa barashada luqadaan Ingiriiska dalka wuxuu heli lahaa dhaqaalo wax weyn u tara marka laga hadlaayo dhinaca dhaqaalaha, waxaana soo baxaysa inuu barto dhaqankaada mar hadii luqadaada uu barto waxaa fududaanayo inuu qaato dhaqankaada iyo diintaada sidaas darteed Akh’ristaha sharafta lahoow sow ma haboona inaan dib u eegno sidii lagu badbaadin lahaa khatartaas sida xawliga ah ku socota, hadii kale ogoow arimahaan in ay yihiin Calaamooyinka nabaad guurka dhaqanka iyo luqada Soomaaliga!!.
YAA DABRAY DUMARKA??!!
Dhinaca kale hadii aynu eegno dhinaca Haweenka xiligaas lebiskoodu wuxuu ahaa kuwo ku socdey is-bedel xawli ah, waxaana jirey dhar ay xirtaan Gabdhaha oo loo yaqaano Goono, Jiibad, Haaf iwm, kuwaasoo runtii u tolan hab la yaab leh oo haweeneyda ama dumarka cawraooda si cajiib ah u soo badhiga hadba sida ay u kala qurux badan yihiin, kuwaasoo dadka wax dhaliila ama faaleeya ay si sahal ah ugu fududaato ka hadalka hablaha jikooda iyo lebiskooda. Lebiskan Goonada ah hadii aan tilmaan yar ka bixiyo wuxuu ahaa gebi ahaanba mid ku dhegan gabadha jirkeed, islamarkaana qaybta hoose aad ugu sii dhuuban ama u muuqdey Dabar.
Hadaba hadii aan guda galno Qormadeena, Dumarku waxay qayb muhiim ah ka qaataan horumarka dowladaha dunida ka jira kuwooda horumaray, kuwa soo koraya iyo kuwa Dunida saddexaad, iyagoo leh aqoon kala duwan, guud ahaan dumarka ku nool Daafaha dunida waxaa ka dhexeeya ficil muuqda, kaasoo aysan beddeli karin waana mid Rabbaani ah taasoo ah dhalmada.
Marka aad fiiriso xagga caqiidada ma laha hal mabda’ oo kulmiya marka laga reebo Basharnimada, haddii aan ka hadalno kuwooda Diinta leh sida Diinteenna Xaniifka ah, Yahuudad iyo Naasarada oo ah kuwa ugu muhiimsan xagga Diimaha, laakiin maka laga reebo Diinteenna Islaamka kuwa kale waxaa kulmiya Dimuqraadiyadda, waxayna leeyihiin dhaqammo kala duwan, mid kastana wuxuu ilaashadaa diintiisa, balse waxay sameeyaan wax kasta oo wax u dhimaya sharafta iyo haybada Dumarka.
Haweenka ku dhaqma Dimuqraadiyadda waxaa hab dhaqankooda ka mid ah in ay sameeyaan waxay doonaan, waxayna u ololeeyaan Dimuqraadiyadda, iyaga iyo dowladahoodaba, halka Dumarka Islaamka ay iyaguna ilaaliyaan nidaamka guud ee Dumarka ku nool dunida, gaar ahaan sharafta iyo Karaamada uu ILAAHAY siiyey iyo ka war-qabidda gurigooda ay mas’uulka ka yihiin.
Dumarka Gaaladu mararka qaar waxay ka howlgalaan meelo khatar ah oo uusan caqligu bani’aadamku uusan marnaba ku dhiirran karin, taasina waxaa dhiirri geliya hay’ado waaweyn oo ay ka mid yihiin kuwa Aflaamta sameeya, kuwa u ololeeya xuquuqul Insaanka iwm, kuwaasoo isku howla sidii ay wax badan noloshooda uga beddeli lahaayeen. Dumarka ku nool Soomaaliya waxaa la xusaa in ay qayb muhiim ah ka soo qaateen xoriyaddii dalka iyo dadka Soomaaliyeed, inkastoo ay yar yihiin kuwa hareermaray dhaqanka iyo sharciga Islaamka xiligan.
14-sano ka hor dumarka Soomaaliyeed waxay soo mareen marxalado qallafsan, waxaana jiray muddadii ay dalka dowladdu ka jirtay in loogu yeeri jirey Oriteeshinnada, Iskuulaadka, Hotellada, sida Hoteel Curuba iyo Jubba, dhammaantoodna waxaa la bari jirey waxyaabo ka fog dhaqanka Islaamka iyo kan Soomaaliyeed.
Arrimahaas waxaa dhiirri gelin jirey Barnaamijyo ay lahayd dowladda, haddii aan wax ka xusno barnaamijyadaasina waxaa ka mid ah in gabdhaha iyo wiilashu marka ay Iskuulaadka soo aadayaan soo wada xiran jireen Saraawiil iyo Shaarar, haweenkuna timaha soo gaabsan jireen iyadoo aan loo kala eegeyn mid reer leh iyo mid aan reer lahayn, waxaana intaa dheer in Jubba iyo Curuba ay dhammaan ku wada caweyn jireen, waxaa kale oo dhar ahaan Dumarku ay u xiran jireen Goonooyin gaaban, Funaanado gacmo gaab ah, Boorsooyin garabka la surto iyo Kabo taako dheer leh, halka kuwa kale ay soo qaadan jireen Diracyo liisho ah oo si aad ah jirka haweenyda looga arki jirey.
Arrimahaas iyo waxyaabo kale oo fara badan, oo aan halkan lagu soo koobi karin, ayaa muddadii dagaallada sokeeye ay dalka ka socdeen wax walba ay iska noqdeen “Caadi” ah waxaana waxyaabaha iska caadiga noqday ka mid ah in Haweenku ay ku labistaan mid ka duwan kii lagu yaqaannay lebiskii Haweenka Soomaaliyeed ee ahaa Guntiino iyo Garbasaar qarineysay jirka haweeneyda, gabdhuhuna waxay gashan jireen Cambuur, taasi oo ay ka sinnaayeen kuwa ku nool Baadiyaha iyo Magaalladaba. Laakiin hadda dumarka ku nool magaallooyinka dalka dhammaantood waxay u lebistaan hab ka duwan kii Islaamka iyo kii Soomaaliyeed.
Waxaana dhaqankan dambe ay ka soo min guuriyeen Telefishinnada caalamka, marka la isku soo duubo arrimahan aan kor ku soo xusnay waxaad arkeysaa dumar ka dabran jilbaha korna ka wata Jalaabiib gaaban, taasoo markay socoto aad la yaabaysid qaabka ay u soconayso adigoo mararka qaarna u malaynaya in ay kufi rabto, haddaba akhristoow sow lama dhihi karo Dumarka waxaa dabray Shineemooyinka iyo Dawaar-leyaasha, kaddib markii ay isla wada daawadaan aflaamta lagu xayaysiiyo dharkii ugu dambeeyey caalamka, kuwaa soo wax u dhimaya dhaqanka sharafta leh ee Islaamka iyo kan Soomaaliyeed.
W/Q:- Maxamed Macallin Cismaan (Allman)
fatxumaalik@hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.