Home » Warar »

Khubadii Amiir Maxamuud Yuusuf ka jeediyey Minneapolis (Video, Audio iyo Sawiro)

Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise ayaa xalay (Feb 19, 2009) magaalada Minneapolis xaflad ballaaran oo loogu sameeyey waxa uu ka jeediyey khudbad uu kula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed… HALKAN KA DHEGEYSO

Sidoo kale VIDEO Xafladdii halkan ka daawo

Sawiradii Xafladda Minneapolis Halkan ka daawo (Qaybta.1aad) | Qaybta 2aad

Sawirada Xafladii Minneapolis Halkan ka daawo (Qaybta.1aad) | Qaybta 2aad

Sawiradii Soo dhaweyntii Garoonka Minneapolis hoos ka daawo

Amiir Mohamud oo aad lagu soo dhaweeyey Minneapolis

Magalaada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Marayka waxaa soo gaaray Isim kamida Isimada Soomaaliyeed. Waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka Minneapolis Amiir Maxamud Yusuf Ciise, oo safar booqasho ah kusoo gaaray Dalka Maraykanka. Amiirka ayaa safarkiisa kasoo bilaabay Magaalada Seattle ee goboka Seattle Washington, Amiirka ayaa lagu caleemo saaray Dudun oo ka tirsan Gobolka Mudug dabayaaqadii Sanadkii dhamaaday. Amiir Mohamud ayaa loo diyaariyey xaflad balaaran oo soo dhawayn ah, xafladaas oo uu laqayb sandoono Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota. Amiirka ayaa la rajaynayaa inuu safarkiisa ku mari doono qaybo kale oo kamid ah Qaarada W/qooyiga Ameerika.

Halkan ka daawo sawirada soodhawaynta amiirka. Q-1aad |Q-2aad | Q-3aad | Q-4aad | Q-5aad |Q-6aad

Amiirka ayaa loo diyaariyey Maalinta jimcaha inuu casho sharaf la wadaago dhamaan Duubabka iyo Isimada

Soomaaliyeed ama cidii ka wakiil ah.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Khubadii Amiir Maxamuud Yuusuf ka jeediyey Minneapolis (Video, Audio iyo Sawiro) "

  1. Ahmed Farah says:

    aslmuc ww

    aad ayaan ugu faraxsanahay soo dhaweynta aadka u balaaran ee loo sameeyey Amiir Maxamed yusuf ciisem xaqiiqdii waa mudanyahay soo dhaweynta intaa le eg in loo sameeyo, intaan ka ogahay amiirka waxaa uuqabtay mudadii yarayd oo ee uu jiray shaqooyin badan kuwaas oo umda ku dhaqan puntland gaar ahaan gaalkacyo ay ku diirsadeen, waxaa kale oo amiirka ugu hanbalyaynayaa sida wanaagsan oo uu ugu dhaqmo diinta taas oo muujinayso wanaaga uu kashaqaynaayo, waxaan xasuusinaa isamada kale oo wadanka joogaa inay ku daydaan Amiir Ciise iyo inta kale oo wanaaga jecel,

    waxaan bahda somalitalk si gaar ah ugu hanbalyeynayaa sida wanaagsan oo ay usoo qoreen qoraalada khuseeya amiirka iyo sawiro ka turjumaya xaqiiqda jirta,

    was c ww

  2. maashaa alaah amiir waxaan aad ugu faraxsanahay lana dhacsanahay shaqada hawgarnimada xambaarsan ee uu muujiyay amiirka mudane maxamud yusuf iise oo dabayaaqadii sanadkii dhawd la doortay laguna doortay magaalada dudun oo ka tirsan gobalka mudug .
    asagoo wax ka qabtay dhinacyo badan sida wax barashada, horumarinta, baraarujinta dadka, isku xirnaanta, iyo qayb qaadashada nabadda, deegaamada puntland, iyo soomaalyaba taas oo ah sababtii loo doortay mudane amiir habalyaan kuu soo dine halkaas ka sii wad,.

    waxaana ugu danbayntii mahad balaaran u celinayaa madaxda shabakadda/websiteka somalitalk.com iyo shaqaalihiisaba shaqada aay u ahayaan shacabka soo maaliyeed iyo soo gudbinta wax qabadka dadka wax ku oolka u ah bulada .
    mahadsanidin halkaas ka sii wada shaqadiina waa waajibaadkiineeh.

  3. bilaal afrax says:

    waxaan jeclaystay inaan halkaan hambalyo kal iyo laaba oga diro Amiir mahamud yusuf isse oo ka mida isimada puntland shaqada aadka u balaaran ee uu h hayo shacabkiisa ilaa intii la doortay hawl karnimada aw muujiyayna waa ku amaananyahay .
    sida u gargaarida dadka rayidkaa,iyo xaajinta nabadda asagoo ituuu soo maray socdaalkiisa ka oga war bixinaayay shacabka reer pland xaaladda uu wadanka ku suganyahay .
    waxaan ka codsanayaah in si wanaagsan loo la shaqeeyo isimada pland si aay ugutaan shaqadooda.

    wa bilaahi towfiiq

  4. ascww, waxaan si aad ah ugu mahadnaqayaa dhamaan dadka ku dhaqan minneapolis gaar ahaan dadka sida sharafta leh isu xilqaamay una soo dhoweeyey amiirka waana arin aan ka fileynay awalba. Waxaan leeyahay hambalyo amiirka iyo dadka ehelka ah ee ku nool minneapolis.
    Waa arin aad muhiim u ah loona baahan yahay in lagu daydo ee halkiina ka sii wada ILAAH ha idin la jiree, ku xirnaada ILAAHAY sidaad awalba ugu xirneydeen sidaa iyo nabadgelyo.