Home » Warar »

Maamulka Ximan Xeeb oo caalamka ka codsaday in ay kala qeyb qaataan bad-baadinta Lamaanaga Ingiriiska.

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka mid ah Maamullada ka jira koonfurta Dalka Soomaaliya ayaa ka hadleen Xaalada Lamaanayaasha u dhashay Dalka Ingiriiska ee ku jira Gacanta Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliya, isagoo xariga lammaanahaas ku timlmaamay mid xaqdarro ah, kaas oo ka soo horjeeda shareecada Islaamka, dhaqanka soo jireenka ah ee  Soomaaliyeed iyo baaqa caalamiga ah ee xaquuqada Aaadanaha.

 Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamad Cumar Hagafeey oo saxaafada la hadlay isagoo ku sugan Magaalada London ee Dalka Ingiriiska ayaa marka hore ugu baaqay kooxaha burcad Badeeda Soomaalida afduubka ku heysta Lamaanayaashaasi In ay si sharuud la’aan ah ku sii daayaan.

 “Lammaanaha reer Ingiriis ee Paul Chandler iyo xaaskiiska Rachel Chandler  waxay u xiran yihiin Burcad badeed Soomaaliyeed ee uma xirna qabiil gooni ah” ayuu yiri Maxamed Cumar oo intaas ku sii daray ” Burcadbadeedu waa mushkilo caalami ah oo ay wax ka qaban la’ayihiin aduunka dowladihii ugu awooda weynaa sida Mareykanka, France, England, China iyo kuwa kale oo badan”

Afhayeenka ayaa sidoo kale ugu baaqay Beesha Caalamka in ay kaalin ka geysato qaabkii loo sii dayn lahaa Lamaanayaashasi oo muddo badan ku jira Gacanta kooxaha Burcad badeeda Soomaalida oo ku heystaan Xeebaha Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug.

Hadalkan ka soo baxay maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ku soo beegmaya xili ay isa soo tarayaan baaqyada lagu dalbano in la sii daayo Lamaanayaasha u dhashay Dalka Ingiriiska oo Afduubka loogu heysto Xeebta Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug.

Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

Dhibanne Maxamuud Maxamed Muxyadiin oo qabbo Dhaawac Halis ah oo Xabadeed una Baahan  gurmad deg deg ah
 
Maxamuud maxamed muxudiin waa 30 Sanno jir sariir saran oo ay haleeshay Xabad wiifto ah welina ay ku taalo dhaawaceedana uu muuqdo  Iyadoo ka haleeshay sida kuu muuqata  dhagta hoosteedda una sii gudubtay labadda garab Dushooda sare Iyadoo maalinba maalinta ka dambeeysa xanuunka xabadaasi uu ku sii siyaadaayo  Dhibka ay ku hayso xabadaasi

Dhibane maxamuud maxamed muxudiin waxaa uu haatan ku sugan yahay magaaladda mugdisho, gaar ahaan degmadda wadajir, waxaana uu la liitaan dhaawacaasi oo ay ku hayso taas oo  kaga jirta labadda garab dhaxdooda.una baahan in laga soo saaro
Dhibane maxamuud maxamed muxudiin dhaqaatiirta waxay u sheeegeen in aysan gudaha dalka soomaliya waxba kaga qaban Karin, waxaana uu u baahan yahay dhaqaatiir dibadeed oo deg deg ah si loo badbaadiyo noloshiisa qaaliga ah. Sida ay kula taliyeen qaar kamid ah dhaqaatiirtii la kulan tay
Dhibane maxamuud waxaa ku dhacday xabad wiifto ah isagoo ku sugnaa hoygiisa waxayna gaartay in ay haatan seexiso sariir  waxayna kaga jirtaa labadda garab dhaxdoodda waxayna ku haysaa xanuun ku filan waana nin aad iyo aad u danyar Wuxuuna sidaas oo kale u baahan yahay gar gaar deg deg. Oo uu ka sugaayo muqaadiniinta soomaliyeed cidii kaalmeyn karta
 
Sidoo kale maxamuud waxay xaaladiisu haatan u muuqaataa mid ka sii dareysa waxaana suurgal ah in ay naafeeyso xabadaasi haddii aanan laga garain oo aanana deg deg wax loogaga qaban waxaa u u baahan ayahay in lo gurmado hadaba aan si wada jir ah ugu gurmanno walaalkeen muslimka ah ee ay haayso dhibatadaasi xanunka badan si loogaga soo saaro xabadaasi


Waxaa uu baaq u jeedinayaa dhamaan walaalaha muslimiinta ah ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa waxaana uu leeyahay walaalayaal I caawiya waxaa kaloo uu si gaar ah u codsanayaa in gacan laga siiyo sidii loogu heli lahaa in laga saaro  xabadaasi

Cidii u gargaareysa hakala soo xiriirta
Telefoon
0025215855463.
Muqdisho Somaliya  ama
 
Wakiilka Websiteka Calayaale.com
aduunyo5@yahoo.com
Maxamuud Xasan Cumar
Muqdisho Somaliya
0025215506210

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Maamulka Ximan Xeeb oo caalamka ka codsaday in ay kala qeyb qaataan bad-baadinta Lamaanaga Ingiriiska. "

  1. Suad Ossoble says:

    DHAMAAN SOMALIDA JOOGTA GUDAHA SOMALIYA AMA QURBAHA WAXAAN KA CODSANEYNAA IN WAX KA QABTAAN LAMAANAHA BRITISHKA EE LAGU HEYSTO XEEBAHA SOMALIA,
    SOMALIDA WAA AFAR ILMO ADEER EE IS YAQAANA , MIN FADLAK HOREY AYAAD MAGACEENI KU DHEESHEEN EE AAN ISU GURMANO YAR IYO WEY MEEL KASTOO JOOGNO.

  2. dowlad says:

    Walee dhibaato ayaa jirta hadii nin walba maamuul sameeysan qabyalaada ku saleeysan