Home » Warar »

Muqdisho: Saalax Badbaado Oo Shir Jaraa’id Ku Sheegay Inuu iskaga Tegey Xildhibaanadii Dowlada FKMG

“dawladnimo waan jeclaa, laakiin waxaan nacay markii Ugaandhiis dawlad u noqday, dadkaygana lagu laayey….

“imaatinkayga (in aan ka baxo DFKMG) waxaa dedejiyay: labo ama saddex jeer ayaan waxaan maqlay Khaa’inka been hawaaska ah ee fataalka ah ee dhiigga ummadda Soomaaliyeed qaba ee ummadda Soomaaliyeed laayey ee madaafiicda la dhacay, dhawr jeer ayaan waxaan maqlay isagoo qoslaya oo inta su’aal weriyaashu weydiiyeen.. I DO NOT KNOW… KIX KIX KIX…. oo sidaas u qoslaya, ayaan marar badan maqlay .. waxyaabaha i dedejiyayna waa tahay, saaxiibkay waxaan u gudbinayaa…. belo ayaa la saaxiibta ee shaydaankaas waxaan u gudbinayaa dhiigayaga qaba oo ummadayada gumaaday waxaan u gudbinayaa  maahmaah ayaa tiraahda DAMEERTU GEELA HA IGA DIDISEE QURURUFTEEDA AYAAN NACAY, dhamuukow dadkayaga lay, laakiin qosol xumadaada iyo fool xumadaada aad dadkayaga dhiigiisa ku diganayso meel ayey inoo taal ayaad leedahay” Xildhibaan Saalax Badbaado … Hadalkaa Halkan ka dhegeyso

  • Nin ayaa yiri: caano waan jeclaa, waxaanse nacay markii ay candho dameeraad galeen, marka dawladnimo waan jeclaa, Soomaalino waan jeclaa,  xaggaa in aan joogo waa jeclaa waa saaxiibaday, laakiin waxaan nacay markii Ugaandhiis dawlad u noqday, dadkaygana lagu laayey….

 Xildhibaan Saalax ismaaciil (Saalax Badbaado ) oo ka mid ahaan jiray  Mudanayasha Barlamanka KMG ah ee soomaaliya oo Sabtid (Feb 13, 2010) shir jaraa,id ku qabtay Gudaha suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa daboolka ka qaaday inuu iskaga baxay xildhibaanada dowlada KMG ah .
 
Mudanahan Baarlamaanka ka tirsanaan jiray ee lagu magacaabo saalax ismaaciil (saalax Badbaado) oo dhowaanahanba laysla dhex marayey inuu ku biiray Xoogaga dowlada Kasoo horjeeda  ayaa shirkiisa jaraa,id ku qiray inuu dowlada iskaga baxay islamanrkaana uu ALLE isu dhiibay balse uusan isu dhiibin Alshabaab iyo Xisbul islaam .
 
Sidoo kale Ex-xildhibaan Saalax Badbaado ayaa dhaleecayn dusha kaga tuuray Af-hayeenka ciidamada AMISOM islamarkaana ku tilmamay dameer dadka soomaliya intuu laayo ku jees jeesaya isagoo carabka ku dhuftay inay ugu weyn tahay arimaha ku qasbay inuu iskaga tago xildhibnaanada dowlada KMG ah .
 
 “Maanta laga bilaabo nimankaasi waan ka baxay  maanta ayaana cadeynayaa in aan ka mid ahayn, asbaabaha aan uga imidna waxa waaye waxaa nabad gali waayay intii inaga amni noo soo raadsatay waxeey noqotay in laamiga Km4 oo aan anigu deganaa ciidamada Shisheeye ay ku dhibeeteeyaan gabdhaha Soomaaliyeed”ayuu yiri Saalax Badbaado.


 
 Dhinaca kale saalax ismaaciil (badbaado) ayaa ciidanka dowlada KMG ah ku tilmaamay kuwo Mooryan ah islamarkaana ka mid ahaan jiray mooryaantii qab qablayaasha iyo weliba kuwo lasoo baray basaanimo
 
“Ciidankaan la leeyahay ciidamadii dowladda oo ah mooryaantii is aruursatay iyo kuwa lagu soo tababaray dalal aanan garaneyn oo dhaqamo baas la soo baray ayaa dadka dhibaataynaya”ayuu hadalkiisa  sii raaciyay.


 
 Si kastaba ha ahaatee ka bixista baarlamaanka mudanahan lagu magacaabo saalax ismaciil (saalax badbaado ) ayaa dhabar jab weyn ku ah dowlada FKMG ah ee soomaaliya .
 
 
Yaasiin     Faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Muqdisho: Saalax Badbaado Oo Shir Jaraa’id Ku Sheegay Inuu iskaga Tegey Xildhibaanadii Dowlada FKMG "

  1. degan says:

    Asc. walaal Saalax badbaado Allah haku badbaadsho. Waa sax waxa ciidmada shiishiye dhulkena ku hayan wax loo dulqaadanqaro maha. Waxanse aad ula yabanahay ninki masul loo dhiibababa intu u danqan laha umadan wuxu ku dadalaya siduu u sii dabargoynlaha inta maatada ah oo waliba jilicsana isu sii raacin lahaa. Waxan Allah ka baryaya inu umadan badbaadsho Amison iyo Amiraca midna xal nooma hayse, doqomoda, damiirlaawayasha ah, oo danbigina ka batay Rabigey haduu xaq la donay ha fahamsiiyo hadii kalana Allaah kuwa diinleh oo dabacsan una danqada dadka, dalka.waayeelka iyo caruurtaba intaba Rabbi hana siiyo Aamin.

  2. Baydhabo says:

    AS WR WB Wabacd walalka saalax alle khayr hakusiiyo maashaa allaah waad is daba qabatay in aad inta kuudhiman nolashaada wanaag kuqaadadtidna waa muhiim alle ayaa kuwaafajiyay awlba waan ogaa inay dawlad jirin unaxeesa shacabkeeda ee danahaeeda kawadata meesha waxaana rajaynayaa in shir kale laqabanayo oo suufiyadana kujirto soomaaliya sidaas ayaa lal rabaa in ay jahawareer kujirto ws wr wb

  3. Sharma'ake says:

    ASC,

    Aniga waxay ila tahay Mudane Saalax Badbaado in uu raganimo muujiyay una dulqaadan wayay dhibka shacabka dhulman lagu hayo ee maalin kasta la gumaadayo bilaa sabab, oo wiliba ay ugu daran yihiin Amisom iyo arxan laawayaasha aanay taladu ka go’in ee meesha iska fadhiya.