Home » Warar »

Faah-Faahin Dheeraad ah oo ku saabsan Kullan Qarsoodi ah oo Adis-Ababa uga socda Dowladda Federaalka iyo AhluSunna Waljameeca

Waxaa magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya ka socda kullan qarsoodi ah oo ay leeyihiin Dowladda Federaalka iyo Ahlusunna Waljameeca ilaa iyo haddana lama garanayo cidda soo qabanqaabisay kullankaasi oo la sheegay in labada dhinac ay uga qaybgalayaan xubno muhiim ah, dhinaca Dowladda waxaa wafdiga hogaaminaya Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/risaaq Jurile iyo waliba la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Siyaasadda Mustaf Dhuxulow, dhinaca Ahlusunna waxaa kullankaasi uga qaybgalay nin magaciisa lagu sheegay Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan oo aan la faahfaahin waxa uu ka yahay Ahlusunna Waljameeca. 

Kullankaan oo loo diiday saxaafadda ayaa wararka laga helayo waxay sheegayaan in la isku afgaran la’ yahay kadib markii dowladdu ay soo jeedisay in Ahlusunna Waljameeca ay wasiiro ku yeelato dowladda federaalka sidoo kalana ciidamada Ahlusunna Waljameeca ay ku soo biiraan Dowladda Federaalka. Inkastoo aan la faahfahin cidda dabada ka riixeysa kullankaan ayaa hadda waxaa lagu qabtay goob xasaasi ah, iyadoo horey kooxaha Mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka ay ku andacoonayeen in Dowladda iy Ahlusunna Waljameeca ay yihiin kuwo taageero ka helaya Dowladda Itoobiya. 

Wararka qaar waxay sheegayaan in ay dhici karto in kullankaasi ku dhamaado is afgaranwaa waayo Dowladda Federaalka waxay ka shakisan tahay Ahlusunna Waljameeca, halka Ahlusunna iyana ay ka shakisan tahay dhanka Dowladda, waxayna Dowladda Federaalka ka cabsi qabto awoodda soo kobceysa ee Ahlusunna Waljameeca taas oo keeni karta in la qabto shirweyne dib u heshiisiin ah. 

Beesha Caalamka ayaa aad u daneyneysa in ay isku biiraan awoodaha Ahlusunna Waljameeca iyo Dowladda Federaalka si meesha looga saaro Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, waxaana lagu waramay in kullankaani uu xigi karo kullan kale oo ay isugu yimaadaan labada dhinac, hase yeeshee Ahlusunna wax war ah kama soo saarin kullankaasi ka socda Magaalada Adis-Ababa, waxaana jiray khilaafyo u dhexeeyey Ahlusunna Waljameeca dhexdooda, sidoo kale waxa uu kullankaani ku soo beegmay iyadoo gobolada dhexe ku sugan yihiin wafdi uu hogaaminayo Gen. Max’ed Nuur Galaal oo horey u caddeeyey in uu taageersan yahay halganka Ahlusunna Waljameeca.

W/D AmiinYuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Faah-Faahin Dheeraad ah oo ku saabsan Kullan Qarsoodi ah oo Adis-Ababa uga socda Dowladda Federaalka iyo AhluSunna Waljameeca "

  1. ani waxay iila muuqataa inaysan wax natiijo ahi ayan ka soo bixi karin kulankaan ay hogaaminayso itoobiya lana isku dayayo in laga qariyo indhaha dadka soomaaliyeed siiba kuwooda mutacalimiinta ah dawladdu yayna ku seexan kuna soo toosin inay heshiis la saxiixato kooxda ahlu sunna maxaa yeelay ayadoo haray looga shakisanaa inay dawladdu u shaqayso wadamo shisheeye ee ayan ka fakarin danaha shacabka soomaliyeed ayay hadana ku darsatay inay wax kastoo la soo gudbaanaada ay ku qabato wadamo shisheeye waana arrin laga xumaado runtii.

  2. ASC RUNTII ANIGA FIKIRKAYGA WAXAA WEEYE AHLU SUNNA WAXAA KU BADAN RAGGII ISBAAROOYINKA EE 16 SANNO WADANKA QASAAYAY WAXAA KU SOO BIIRAN RAG KA TIRSANAA MAXAAKIINTII.
    RAGGAAN DOWLADDA WADA EE MAANTA LA SHIRAAYA AHLU SUNNA WAA ISLA MAXAAKIINTII.
    HADABA DAD IS YAQAANAY OO QASWADAYAASHII WADANKA AH UN BAA SHIRAAYA LABA TUUGNA ISMA AAMINI KARTO.
    WAXAAD KA GARANEESAA MIDBA KAN KALE BUU KA SHAKISAN YAHAY.
    KAN HADDA LABADA KIILO MITIR U AH M/ WEYNAHA KURSI DOON BUU AHAA KUWA LA SHIRAAYANA WAA SIDAAS:
    MARKA FIKIRKA AAN QABO WAXAA WEEYE LABA TUUG OO SHIRAAYA KA SOO QAADA