Home » Faallo »

Habeenadii Cabsida | Axmed C/samad

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Qoyska adeer Cali wuxuu yaaley meel bahgooyo ah oo u dhexaysa labada beelood ee colaadda ehliga ahi u dhexaysey. Goor cawaysin ah ayaa qaylodhaan soo yeertay, waxaana laga qaylo keenay qoyskii adeer Cali oo la yiri col baa ku habsaday. Wada tashi ka dib waxaa la guddoonsaday in wixii waa la baryo la sugo, cidina aysan guure ugu kicin halka laga qaylo keenay.

Guddoon hoosaad iyo guure habeenimo

Lexejeclo waa balee adeer Cali wuxuu markiiba la dusay sagaal isugu jirta ilma adeerti iyo kuwo uu adeer u yahay. Nin weyn buu ahaa, ragguna waa wada raaskiisii, sida uu reerka lexejeclada ugu hayey ka badan buu raggaana u lexejeclaysanyey. Isagaa horgalay, wuxuuna kula dardaarmay in aan juuq iyo jaaq midna laga maqal ee saanta uun hoosta laga xado ilaa reerkii raq ama ruux miduun lagu gaaro.

Hunu hunu iyo hadal hoose

Dhallinyaro waa balee Cali Aw Maxamed iyo Axmed Daahir baa hoosta sheeko gaaban isaga dhiidhiibey. Adeer Cali oo lexejeclo iyo feejignaan isku darsaday baa jabaqda sheekadoodu ku soo duushay. Hadal dheer iyo canaan midna kuma uu dayine inta uu dib ugu soo noqday oo soo hor istaagay buu ku yiri: waryaaya us (aamusa). Adeer cidi hadal kuma celine socodkiibaa horey loo sii watey. Markay xoogaa aamusaanba Axmed iyo Cali dib bay u bilaabayeen sheekadooda, adeer Cali na marna kama daalayn inuu ku soo jeesto oo ku yiraahdo: waryaaya us.

War waa nakaneey!

Haddii adeer Cali dhawr goor nimankii aamusiyey baa Cali Aw Maxamed dhibsaday cabburinta iyo canaan hoosaadka adeer caawoo dhan ku wado. Adeerki kuma uu af celin, wax kalena ma samayne qaylo ayuu af labadi yeeray: war waa wareey!, war waa nakaneey!.

Cod furan iyo cawo nabada

Raggii caawa oo dhan jabaqda saanta yaraynayey, hunu hunu-dana isku celinayey nin walba dhan buu qosol ula dhacay!. Maxaad u qaylisey iyo cadaw baad nagu soo jeedisay midna lama orane halkaas baa sheeko furan oo nin walba codkiisa boganayo laga bilaabay, socodkiina wuxuu yeeshay dhadhan iyo macaan uusan horey u lahayn.

Farxad farxad lagu daray

Wax la sii bulaamo, sheekaba sheekaday ka xiiso badantahayna socodka la isku dhaafiyo aakhirkii waxaa la dul dhoobtay reerkii oo aan balo iyo baas toona arag. Farxaddii cabsi la’aanta iyo sheekooyinkii xiisaha lahaana waxaa ku darmaday farxaddii nabadgalyada reerka. Halkaas baana laga sii ambaqaaday fasal kale oo sheekooyin iyo sooryo farxad leh ah.

Gabagabadii aynu is weydiino raggu waa isla raggii, waqtigu wali waa isla habeenimadii, goobta loo socdo waa isla tii awal la soo aaday, waliba hadda ayaa loo sii dhawaaday, colkii laga cabsanayey xog sidii hore ka gadisan lagama hayo. Haddaba maxaa is badalay oo raggaani markii horena la aamusnaayeen, lana baqayeen, haddana la bulaamayaan oo la cabsan la’yihiin?. Jawaab kale uma haynee markii hore wax ay isku cabbeeyeen bay la cabsanayeen, markii dambana wixii ay isku shubeen bay iska saareen ee innagu wax badan oo aynu isku dhaaminay oo aan xaqiiqo ahayn ama sidii aynu u qabnay ka duwan ma iska daadin karnaa?. Waa sida aan rajeynayo.

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Habeenadii Cabsida | Axmed C/samad "

  1. Mire says:

    Waa mahadsan yhay sh Csamad iyo siduu wax inoo tusaaleeyey waxaa xaqiiqa ah in Soomaali in ay la cabursantahay aysna u carbisneyn sidii ay isaga saari lahaayeen sababtuna ay ugu badan tahay aqoon la’aani iyo hogaan la’aan sidaa darteed ayaad culimadiinu ugu baahan tihiin in aad arinta ka wajahdaan in loo wada hadlo si hufan si loogu helo cudurka umadaan ka bixi waayey daawo.