Home » Maanso, Suugaan »

Maanso: Ma saasaa nala gudboon?

Maansada curinteeda waxaa igu dhaliyey kadib markaan arkay xaalada soomaali ku jirto iyo sida foosha xun ee ay u dhaqmayso, kala dambayn la’aanta iyo maamul xumada ka jirta, iyo xurmo darada shacabku ku nool yahay.

Masalada aduunyadu waa mareeg

Marbay murugtaa maroortaa

Misana mudataa midii roon

Martida aad maqashee taqaan

Af iyo carab baa is xiga

Misana muran baa dhexmara

Makiinadahay isu listaan

Is maagaan had iyo goor

Miiska hadal kay tagaan

Maskaxdaa ma qooradoo

Miisaanta macna yaasha jira

Macnaysa siday yihiin

Hadii uu midi khaldamo

Mudnaanta midkii lahaa

Iyana kama leexisee

Muraad kiisay tustaa

Ku oodaa maxa nala gudboon?

Aduunyadu waa midaa

Is maqal baa midnimo

Is maamul wanagsan dhala

Mar xaladaha haatan jira

Maqoorad xumadan arkiyo

Siday soomali tahay

Mooryaan wada caadiloo!

Mashaa’ikh wada daalinoo!

Muslin wada kaafiriyo!

Ku sheegid waxan mudnayn

Maatada la xasuqayiyo!

Mayd ka oo an xurmo lahayn!

Xabalaha oo buxsamiyo!

Masaasa nala gudboon?!

Hadii aan meerisyada

Muraad kii an lahaa

Masaaxada aan ku furo

Muslimo ya noo garnaqi?

Hashii maydhub ahayd

Sad keedi manta yahay

Sadexanti midig ee dihnayd

Hadaan maraqaii ka furay

Mashiiq saday xooxdi hore

Cir kaba meeshan ka filay

Ciiryaama ka maluugantoo!

Ibihii dhiig ba godladay!

Madaafiic baa ka dhacay!

Micnuhu waa micno jaan

Majarihii waa hore ka lumay

Muraad kiisa aan lagaray

Cudurku meeshu kayimid

Sida loo xanuun san yahay

Inaan madasha la dhigin

Miyaa micnihiina guud?

Ma saasa nala gudboon?

Meesidu waa maalantahay

Musiiba daba ruclayn

Dumarkuna waa masaar

Midiidin aan cid lahayn

Dhalintuna waa mashaqo

Sharaf tii dadkooda iyo

Midii naftooda moog

Maaligo Allahayo

Macbuudow Almanicow

Wixii xumo doonayana

Dambas uu roob ku da’ay

Daad uu ka dambeeyayoo

Dib aan loo arag ka yeel

Bashiir Cumar Warsame
bashiir cumar bashiirc@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Maanso: Ma saasaa nala gudboon? "

  1. Suad Ossoble says:

    SOOMLIDA WAXEEY U BAAHAN TAHAY IN LA BARAA ,MAGACA SOMALI XAGGEE LAGA KEENAY, MAXAA LOO SOO MAREY , WAX MA KA TAQAANAAN, CALANKA SIDEE KU YIMID, GUMEEYSI SIDEE LOOLA DAGAALAY, CALANKA IYO CIIDDA QIIMO LA KUU LEEYAHAY,SHARAF MA U HEESAA WADANKAAGA , MA U KHIIROOTAA MARKAAD ARAGTO CALANKA BULUGGA WAA IN INTAAS LA BARAA DADKA KHALBIGA GASHADEY QABIILKA IYO KHURUNKA AAN ILLAAHEEY AANAN BANEEN
    WABILLAAHI TOWFIIQ.