Abdirizak Ahmed Karaani
HORDHAC
Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa waxaa la aasaasay sanadkii 1945kii kadib markii uu istagey dagaal-weynihii labaad ee aduunka kaas oo dunida ku reebay burbur iyo waliba kala qob-qobnaan badan oo cadaawad ma guuraan ah ku reebtay qalbiyada dadkii waqtigaas. Fikirka guud ee ka danbeysay asaaska jimciyadan ayaa ahayd in lagu soo afjaro colaadahaas isla markaasna lagu kala garnaqsado dib u dhisna loogu sameeyo goobihii iyo magaalooyinkii ku burburay dagaaladaas waa weynaa ee mudadaa socday.
Ururka jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ayaa waxaa ku midoobay dhamaan dalalka aduunka gaar ahaan wakhti xaadirkan waxaa xubno ka ah 192 dal inkastoo ay asalkiisa hore ay asaaseen ama fikirkiisa lahaayeen dalal yar oo kamida inta horumartay , dastuurka ama axdiga lagu dhaqo ururkan ayaa qiraya in dalkastaa oo madax banan isla markaasna ah mid dunidu ay aqoonsan tahay uu xaq u leeyahay inuu kursi ku yeesha golaha guud ee ururkaas. Wuxuu ka kooban yahay ururkani golle guud oo ah madasha ay ku kulmaan dhamaan xubnaha , golaha guud wuxuu u furan yahay dalalka oo dhan, sidoo kale wuxuu leeyahay golle amni oo ah kan ugu awooda badan dhanka go’aan qaadashadana ka madax banana golaha guud wuxuuna ka kooban yahay 15 xubnood oo shan ka mid ahi yihiin rigli ama qaar aan lasoo dooran halka tobanka kalena lasoo doorto oo ay tahay wareegto, shanta dal ee rigliga ah waxay kala yihiin mareykan, ingiriis, faransiis, Shiinaha iyo Ruushka. Waxaa isna jira golle kale oo la yidhaa golaha dhaqaalaha iyo arimaha bulshada oo uu furan ka mid noqoshadiisa dalalka oo dhan.
DULUCDA UJEEDADA
Hadaba ururkan baaxada intaas le eg leh oo magic ahaan caalami ah dusha sarena uga eg muuqaal meel umadi wadaagto, kulamadiisa iyo nidaamkiisa shaqona aad moodaba inuu yahay madal garta lagu gooyo oo cadaaladu biyo dhigtay maadaama ay dalalkii aduunka oo dhan ee loo kala gar qaadi lahaaba ay xubno ka yihiin ayaa sida xaqiiqadu tahay noqotay goob dulmiga iyo gardarada laga abaabulo una shaqeeso oo kaliya dalal gaar ah. Siyaasada guud ee ururkani ku dhaqmo waa mid aad iyo aad u qurux badan lana turxaan tiray oo la muujiyay in loo siman yahay go’aan qaadashadiisa dalwaloow gardaroodana awood u leh inuu qaban karo, sida xilka ugu sareeya ee xog-hayaha guud ayaa laga dhigaa mid wareegto ah oo qaarad walba ay mar qabato taasoo niyad usii dhista dadka indhasarcaadkan runta mooday ee aaminsan in ay jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa tahay goob umadoo dhan u dhaxaysa cadaaladana dhawrta, balse xilkaas ayaa ah mid maqaar saar ah oo magic ahaan iyo muuq uu u jira go, aanada iyo awooduna usugnaatay oo qudha dalalka maalgashaday ururkan oo iyagu bixiya maalka uu ku shaqeeyo ururkan lagu sheegay inuu umadaha u dhexeeyo oo uu ugu horeeyo dalka maraykanka oo kalidiis bixiya boqolkiiba labaiyo labaatan kharashaadka guud ee qaramada midoobay (22% regular budget) iyo boqolkiiba lix iyo labaatan kharashaadka ciidamada nabad ilaalinta ( 26% peacekeeping operations). Laga soo bilaabo sanadkii 1995kii ilaa manta lacagaha daynta ah ee maraykanku ku bixiyo hawlaha qaramada midoobay waxay u dhexeeyaan 73% ilaa 82%. In ay wax qabto iska daaye urur ku sheegan qaramada midoobay wuxuu geeystay hagardaamooyin badan iyo gabood falo uu ka galay dalal badan oo aduunka ah ha u badnaadaan dalalka ay awoodoodu dhaqaale liidato iyo kuwa iyagu ka runsheega dulmiga dunida manta ka dhacaya difaacana danahooda iyo xuquuqda dadkooda.
Inkastoon la soo koobi Karin guul darooyinka iyo hadimooyinka ay geysatay qaramada midoobay hadana bal waxaan isku dayi doonaa inaan wax yar ka tilmaamo xaqiiqooyinka waaweyn ee aan indhaha laga qarsan Karin ee dhacay tobankii sanadood ee ugu danbeeyay waxaa kamida:.
- Jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa waxay ka aamustay oo indhaha ka qarsatay isla markaasna diidey inay daafacdo xuquuqda iyo cadaalada ay lahaayeen shicibka reer falastiin oo Israa iil gardaro aan geedba loogu soo gaban inta ay ku qaaday kadibna qabsatay dhulkoodii hooyo, maadaama dastuurka ama Chartarka ururka qaramada midoobay qorayo inay u taagan yihiin difaacida dalkasta iyo dadkasta oo xuquuqdoodii iyo madaxbanaani lagu duulo. Waxaa keenay inay ka aamusto waxaa wade ka ah oo dhaqaalaha ku shaqeyso iyo waliba fulinta siyaasada gacanta ku haya dalal gaar ah oo xidhan shaadhka ururka kuwaasoo saaxiib la ah Israa iil.
- Wuxuu ururku sidoo kale faraha kula jiraa dagaalada sokeeye ee ka aloosan qaarada Afrika , taas waxaa markhaati furay oo tooshka ku shiday kadib markii sadex sano kahor la qabtay diyaarad yar oo ah noca gargaarka qaada oo ay lahayd haayda WFP ee qaramada modoobay oo sida hub iyo gantaalo loo waday jab-hada la dagaalanta dawlada Suudaan taasina waxay noqonaysay hadimo iyo gabood fal ay kula kacday umadii ay u balan qaaday inay dhawri doonto xuquuqdooda.
- Hogaamiyeyaasha dalka Israel gaar ahaan Areal Sharon iyo Uhud Barak oo sida la ogsoon yahay gumaaday shacbi aad u tiro badan oo reer falastiin ah, gaar ahaan hadaan soo qaadano tirakoobkii ugu danbeeyay ee la sameeyay xasuuqii dhacay dhamaadkii sanadkii 2008da socdayna ilaa bilowgii 2009ka oo kaliya waxaa ku naf-waayay in ka badan 1,166 kuna dhaawacmeen in ka badan 400,000, sidoo kale madaxweynihii hore ee maraykanka Goerge W.Bush wuxuu geystay gabood falo iyo gumaad shicib kadib markii uu weeraray dalka Ciraaq isla markaasna wuxuu si toos ah u jabiyay axdigii qaramada midoobay oo wuxuu dilay madaxweyne dhan oo dal iyo dad u dhashay. Labadan hogaamiyeba waxay galeen denbi dagaal iyo xasuuq shicib taas oo ay ku mutaysankaraan in la horgeeyo maxkamada denbiyada dagaalka ee Hague lagana abaal mariyo denbiyaas ay galeen, balse Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa in ay tahay meel u furan oo u shaqaysa oo kaliya dalal gaar ah waxaa cadaynaya kumay qaadin wax danbiya manay eedayn waxaas oo dhan ee dhacay balse waxay ku dhiiratay in ay u yeedho madaxweynaha dalka Suudaan ee Omar Bashiir oo ay ku sheegtay inuu galay denbiyo dagaal iyo xasuuq dadweyne .
- Waayaabe! miyaanay maxkamadina u furnayn dhamaan cidkastoo geeysatay xasuuq iyo gabood fal, mise waxay u furan tahay oo kaliya inta laga itaal roon yahay dhaqaale ahaan iyo horumarba.
Hadaba ururka Qaramada midoobay inkastuu dusha sare iyo magaca uu huwan yahay la moodo madal garta aduunka lagu gooyo cadaalad iyo iskaashi xalaal ahina ka jiro hadana marka qof uu aad iskugu dayo inuu ku sameeyo cilmi baadhis una darso bal muuqaalka dhabta ay ee ay leedahay waxaa usoo baxaysa in ay tahay goobta laga qaybiyo cadaalad darada laguna dulmiyo umada aduunka gaar ahaan inta liidata awood ciidan iyo mid dhaqaaleba sida dalalka soo koraya ee ku kala yaala qaaradaha Africa, Asia iyo Latin America.
Dhanka hogaanga hadaan jaleecno waxaa sitoos ah u soo xula xoghayaha guud dalka maraykanka oo aad uga fiirsada inuu helo qof u hogaansama danihiisa gaarka ah, tan ayaa ka danbeesay kadib markii xoghayihii ka horeeyay Kofi Anan ee Butrus Qali uu ka soo horjeedsaday go’ aanada uu maraykanku u akhrinayay ee uu doonayay inuu kula macaamilo dalka Isra’iil xoghayuhu wuxuu talaabo cad oo cadaaladi ku dheehan tahay ka qaatay xaaladii waagaas ka aloosnayd bariga dhexe balse taasi waxay sababtay inuu xilkiisii ku waayo kadib markii afartii sano ee hore uu dhameestay isuna diyaarinayay inuu afartii kale bilaabo ayuu maraykanku bilaabay mooshin ka dhana kadibna wuxuu meesha keensaday Kofi Anan oo ahaa baari si weyn u adeeca amaamiirta dalka maraykanka.
Guntii iyo gebogebadii,dunidan maanta ayaa iska ah maadays ay dadku matalayaan oo ay jilayaal waaweyn ka yihiin dalalka ilaahay ku manaystay awooda dhaqaale iyo mida horumarineed ee ay uga faa’iidaysteen dhan walba haday noqoto mid ciidan iyo mid siyaasadeedba, waxaa ku dulman oo xaqoodii asaasiga ahaa ku waayay dalalka faqiirka ah ee uu la dagay guumeysiga iyo jahligu iyo waliba dalalka afkaartoodu cadeeyay ee aan ka indho qarsan dulmiga iyo gardarada jogtatada ah, balse waxaa hubaal ah in aduunku yahay giraan wareegaysa oo maalinba waji cusub leeyahay waxaa fooda inagusoo haya wakhtigii dulmanaha loo dawarsi tagi lahaa dadkuna runta fahmi lahaayeen.
Qore: Abdirizak Ahmed Karaani
Kampala-Uganda
Karaani98@hotmail.com
Maxkamadi waxay keli ah oo ay u furantahay cidii danaha reer galbeedka kasoo horjeedsatao. dantaasi hadii ay ahaato in adigu aad naftaada waydo waa in la fuliyo. xaqiiqatan waa sidaas. U malaynmaayo in qofna maanta aaminsanyhay qaramada midoobay waa cadaadaald samaysa. Dalalka keli talisyada ah ey ay reer galbeedku “saaxiibka” yihiin laba cali isma waydiiso hadii ay waxkasta ku falaan dalkooda. U fiirso maxaa loo daba ordayaa Suudaan, miyaad aragtay wax weligaa leh Malas baa khalad samaynaya waaba hadii aynu runtuu ognahay waxa uu samaynayo. inyar uun baa inaga oge.