Home » Maqaallo »

Guluf dhalanteed ah ayaa dilaya aayaha Soomaliya | Dr. Maxamud M Culusow

Maalmaha soo socda, Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay (QM) wuxuu falanqeyn doona xogwarranka Xoghayaha Guud taarikhdiisu tahay 8da Jennaayo 2010 kuna saabsan xaaladda Somaliya 4tii bilood ee ugu dambeysay 2009. Soomaliya waa dal u dabran (seized) Golaha Ammaanka. Afar bilood kasta Xoghayaha Guud wuxuu u gudbiya Golaha Ammaanka xogwarran dhinac kasta taabanaya.

Qodobbada xusidda mudan ee xogwarranka ku qoran waxaa ka mid ah:

  • In Dowladdu Federaalka (Jabuti) xoojisay saldhigga taageradeeda saddex sababood: (1) Inay aad u korortay taagerada ay ka kasbatay mucaaradka (fallagada) dhexdiisa ayadoo ay ku soo bireen Mohamed Cali Faruq iyo Cali Xasan Gedi oo ahaa Saraakil Sarsare ee Al-Shabab iyo 550 dagaalyahan ahaa; (2) In dhidibadda loo aasay iskaashiga u  dhexeya Dowladda iyo kooxda Ahlu Sunna Wal Jama’a  (ASWJ); (3)  In dowladdu ay dib u eegid ku sameysay xiriirka ay la leedahay Maamulka Puntland.
  • In Dowladda dejisay Miisaniyad dhan $ 110.4 million sannadka 2010, ayadoo 80% dakhligaas ka imaanayo dibedda, 20% ($22.08 M) laga filayo Dekedda iyo Garoonka Muqdishu.
  • In Beesha Caalamka bixisay $77.7 million lacagtii rasmi ahaan loo ballan qaaday Dowladda oo dhammeyd $198.7 million. Dowladda waxay heshay $5.6 million ayadoo $ 3 million lagu shubay xisaabta ay maamusho Pricewaterhouse, halka $ 2.6 million ee loogu tala galay mushaar ciidan loo dhiibay AMISOM. $ 25 million waxaa lagu shubay Sanquuda AMISOM, $ 16.6 million waxaa la siiyay Midowga Afrika, $ 851 kun waxaa lagu shubay Sanduuqa QM ee hay’adaha Nabadgelyada Soomaliya. Ma cadda cidda la siiyay farqiga ah $18.95 million ee kale.
  • In Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ka shaqeynayo awood qaybsi dhexmarta Dowladda Federaalka iyo kooxda ASWJ. Ma cadda waqtiga, goobka iyo qaabka awood qaybsiga.
  • In Dowladaha Ethiopia, Ingiriska iyo Waqooyiga Irland ay dhexdhexaadiyeen khilaafkii soo kala dhexgalay Dowladda iyo Mucaaradka Somaliland.
  • In Puntland ay ka dhaceen dagaallo ku saleysan qabiil, afduub iyo dilal shirqool ah.
  • In Ururka dalalka Islaamka (OIC) ku martigeliyay shirkii kooxda xiriirka Caalamiga ee Soomaliya (ICG) Magaalada Jeddah. Labada qodob ee si gaar ah loo xusay waxay kala yihiin (a) in Ururka Islaamka xafiis ka furan doono Muqdishu si loo fuliyo gargaar bani aadamnimo ay ku baxayso 50 million doolar iyo (b) in la qabanqaabiyo shir caalami ah ee lagu taagerayo dib u kabashada iyo dib u dhiska Soomaliya. Sannadka 2009, QM waxay soo ururisay lacag dhan $ 117 million oo loogu tala galay dib u kabashada iyo dib u dhiska Soomaliya. $61 million waxaa loo qorsheyay Bartamaha iyo Koofurta Soomaliya; $32 million waxaa loo qorsheyay  Somaliland; $ 25 million waxaa loo qorsheyay Puntland.
  • In Wakiilka QM aad uga shaqeynayo hirgelinta heshiiskii iskaashi ee dhexmaray  Dowladda Federaalka iyo Puntland si guddiga dastuurka  federaalka loo dejiyo Puntland isla markaana la iska kaashado la dagaalanka burcad badeedka.
  • In xiisad colaadeed ka dhex aloosan tahay Puntland iyo Somaliland.
  • In kooxda Al Shabab ee Gobollada Bay iyo Bakool ka hor istaageen QM gargaarka aadaminimo madaama ay ku adkeysteen in is afgarad (memorandum of underastanding) ay kala saxiixdaan labada dhinac, isla markaana hay’adaha gargaarka bixiyaan khidmad diiwan gelin oo gaareysa dhowr kun  hay’ad kasta ka hor soo gelidda deegaanka. 
  • In dagaalka ka socda Kismaaio ee u dhexeya Xisbul Islaam iyo Al Shabab uu yahay mid ku saleysan dagaal qabqablanimo qabiileed ee uusan aheyn mid diimeed ama istratejiyadeed.
  • In dad gaaraya 3.6 million ahna 50% Shacabka Soomaliyeed ay u baahan yihiin gurmad cunto. WFP waxay raashin siisay 1.7 million qofood keli ah halkii laga rabay in wax gaarsiiyo 3.1 million dhaqaale yari darted. Muqdishu iyo Afgooye ayaa hoy u ah barakacayaal  gaaraya 960 kun qofood oo u baahan gurmad cunto. Baahida gargaar aad ayey u korortay, taagerada caalamiga ahna aad ayey u yaraatay {-40%}.
  • In Shacabka aad loogu bahdilo deegaannada fallaagada (Insurgents) ka taliyaan. Qofka waxaa la hor-geeya Maxkamad fallagada sameysatay ayadoo qofku uusan laheyn cid difaacda, kaddibna lagu fuliyo xukun aan racfaan laheyn oo ah dhagax dil, xubin goyn iyo jirdil.
  • In Xafiiska Siyaasadda QM xoojinayo joogitaanka Somaliland iyo Puntland si loo yareeyo xurgufaha ku dhex jira Dowladda KMG, Somaliland iyo Puntland.
  • In Guddiga Sare (High-Level Committee) oo kulmaya bil kasta wax ka qabanayo iskaashiga u dhexeya dowladda iyo beesha calaamka asagoo mudnaan siin doona arrimaha kala guurka (Transitional tasks).
  • In shir ka dhacay Addis Ababa 2dii November 2009 lagu aqoonsaday in Dowladda Federaalka aysan ka sameyn wax horumar ah arrimaha siyaasadda, laguna booriyay inay fidiso deegaanka ay ka taliso.
  • In AMISOM lagu kabo ciidamada cirka, badda iyo kuwo gaarka ah.
  • In AMISOM yeelaneyso Idaacad SW iyo FM ah iyo Wargeys u gaar ah.
  • In ujeedada ugu weyn ee nabadgelyada Soomaliya tahay hagaajinta nabadda Muqdishu si dowladda kmg ah uga shaqeyn karto halkaas. Guddiga Wadajirka Nabadgelyada (Joint Security Committee) ayaa asaas u ah hirgelinta qorshaha dhan ee siyaasadda iyo mabaadi’ida tababarrada la xiriira nabadgelyada. Guddiga ayaa xiriir shaqo la yeelan doona Dowladda Federaalka, AMISOM, UNSOA,  iyo beesha caalamka iyo dowladaha kala duwan.
  • In Dowladda Fransiiska ku tababartay Jabuuti 600 askari, waxayna dhowaan bilowday tababarka 350 kale. Dowladda Sudan waxay tababareysa  120 oo ah ilaalada gaarka ah.  Dowladaha Mareykanka, Yemen, Aljeria iyo Turkiya waxay iska kaashadeen kharajka tababarka 750 askari iyo 30 sarkaal oo lagu tababaray dalka Uganda. 150 askari ee Puntland ka socda iyo 450 ka socda goballada Koofur iyo Bartamaha ayaa tababar ugu dhammaaday Akademiyada Booliska ee Carmo.
  • In Tirada Ciidamma Booliska  tahay 5,000 ciidan. 450 ciidan oo lagu tababari lahaa Muqdishu ayaa loo wareejinaya Akademiyada Booliska ee Carmo.
  • In Tijaabo Mushaar bixin ee hay’adda UNDP sameysay, 1,816 qofood lacag la siiyay, halka 753 qofood kale ee lacag loo qoray aysan imaan waqtigii tijaabada lacag bixinta. UNDP waxay u heysaa Booliska dhar ilaa 10,000 askari hase yeeshe aan la qaybin madaama la sugayo ilaaliyaal caalami ah si loo hubiyo qaybinta dharkaas.
  • In Dowladaha Hoose ee Somaliland, Puntland iyo 6 degmo ee Dowladda Federaalka ka taliso, laga hirgelin doono mashrucca yareynta dagaallada, lagana dhisi doono guddiyada nabadgelyada deegaanka (Community security and DDR Project). Fulinta Mashruuca waxaa iska kaashanaya Dowladaha Hoose iyo Bulshada Ra’yidka ah.
  • In guulaha ugu waaweyn ee Dowladda Federaalka (Jabuuti) yihiin inay ka badbaaday afgambigii fallaagada iyo inay u soo guurtay Muqdishu.
  • In hirgelinta heshiiska Jabuuti ku socdo dhabbihii loogu tala galay.
  • In Beesha Caalamka si gaar ah ula shaqeyso Guddiga Wadajirka Nabadgelyada iyo Xafiiska Siyaasadda QM u qaabilsan Soomaliya xagga arrimaha tababarrada iyo maalgelinta.
  • In waqtiga Xafiiska (Wakiilka) Siyaasadda QM Soomaliya oo ku eg 31da Disember 2009, la kordhiyo ilaa 2011 si loo hirgeliyo heshiiska Jabuuti.
  • In Soomalida iyo Dowladaha kale siiyaan taagero hagar la’aaneed Wakiilka Xoghayaha guud ee QM.

 Xogwarranka Xoghayaha Guud ee QM wuxuu ka aamusay khasaaraha baallaran ee ka dhashay Madaafiicda xaad-dhaafka ee Ciidammada AMISOM uga jawaabayaan weerarrada fallaagada oo 90% aan wax dhibaato ah u geysan Ciidammadaas. Qiimeynta Xogwarranka waxay aad uga fog tahay qiimeynta ay sameyeen xildhibaannada Barlamaanka, khubarada Soomaliya, warfaafinta caalamiga ah iyo tan gudahaba iyo mowqifka ASWJ. Waxaa kaloo la yaab ah inaan xogwarranka marna lagu xusin jiritaanka Axdiga KMG iyo ku dhaqankiisa madaama heshiiskii Jabuuti uusan sharci aheyn. Awood qaybsiga ASWJ iyo Dowladda Federaalka waa isbeddel cusub.Ra’iisul Wasaaraha Dowladda oo laga rabo inuu Barlamaanka iyo Shacabka u sheego si joogto ah wax qabadka iyo siyaasadda Dowladda ayaan ka hadlin arrimaha ku qoran xogwarranka. Inkastoo aan la aqoon Mas’uuliyadda ay kala leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka(Jabuuti), Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda ka heshay Beesha Caalamka 3 million doolar, lacagtaaso aan dabooli karin kharajka ku baxay safarka Madaxda Sare ee Dowladda, isla markaa lama sheegin dakhliga Dekedda iyo Garoonka Diyaaradda Muqdishu iyo ilo kale oo badan iyo sida loo isticmaalay lacagahaas oo dhan. Xubnihii Barlamaanka waxay ku cabanayaan inaysan hal sano Mushaar qaadan. Taas waxay ka qayb tahay daacad-darrada iyo maaweelada hareereyay talada dalka Soomaliya.

Waxaa muuqata in guluf dhalanteed ah dilayo aayaha Soomaliya haddii aan la helin ummad odorosi karta waxa ka dhalan doona riwaayadaha lagu jiro. Haddii koox ka talisa 6 degmo ay matali karto Soomaliya, waxaa la qiyaasi karaa caqliga, dhaqanka iyo ku dayashada laga dhaxli doono sheegashadaas.  
 

Dr.  Maxamud M Culusow

mohamuduluso@gmail.com

Jennaayo 14, 2010

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Guluf dhalanteed ah ayaa dilaya aayaha Soomaliya | Dr. Maxamud M Culusow "

  1. farascadde says:

    who is this man ? infact he is so useless most of the information he has written here are so fake , why dont u show us the info when its written in its English form ………………………………

    its bad in biniaadamka lagu been abuurto dabcan nin rumeed ma tihid qofkana waxa lagu aamini kara runta uu hore ushegi jirey………

    xogtan waxay u egtahay nooc isku dir dadka somliyed iyo colad horaanteed umana qalmo runti in somali talk la geliyo

    mahadsanidin……