Home » Faallo, SaahidYusuf »

Shiikh Ustaad Badiicu Zamaan Saciid AL-Nuurasi (3)

Shiikh Ustaad Badiicu Zamaan Saciid AL-Nuurasi (3)

Ummad Hal Nin Badbaadshay ???

Ustaad Caasim Al-xuseyni wuxuu ku yiri kitaabkiisa ( Qeybo ka mid ah noloshii Badiicu Zamaan Saciid AL-nuurasi)waxa ka dhacay Turkiya waxyaabo aad u waaweyn, Runtii wuxuu ahaa wixii ugu khatarsanaa ee ka dhaca Caalamka Islaamka markii ka Riday Khilaafaddii Cusmaaniyiinta 1923.

Arrinkaas weyn ee dhacayna wuxuu ahaa in Shacabka Turkiga ah iyo Diintiisa la kala Teedo oo macnaa laga dhigo Shacab aan Diin laheyn, taas oo Shacabkaas uga qaalisaneyd wax kasta uu Doonaayo ama ku faani karo noloshiisa.
Waxaa la isku dayey in Taariikhdii Shacabkaas lagu dado maryo waaweyn si aan loo sheegin sharaftii iyo Cizigii uu shacabkaas muddo shan qarni ku dhaw uu soo hogaaminaayey Caalamka Islaamka iyo Guulihii Balaarnaa ee uu soo maray,

Markaas ayaa lagu dadaalay in la qarsho ama la ilaawo Taariikhdii tagtay ee shacabkaasi lahaa oo idil ama geesinimadii la yaabka lahaa ee uu ka soo hooyey in uu kalimadda Islaamka kor ugu qaado.

Waxayna isku dayeen kuwii lagu shaqeysanaayey ee ahaa Qalinkii Isticmaarka in ay buun buuniyaan kufrinimada iyo ilxaadka maalin cad oon geedna loogu soo gaban .markaas ooy aamustay dad badan hadalkoodii iyo wax sheegoodii samadii Turkiya oo dhanna laga waayey wax Diin u hadla amaba difaaca, taas ooy is yiraahdeen kuwii Cilmaaniyiinta ahaa aleelahe Carshigiinii waa istaagay Dawladiiniina wey Dhisantay, khilaafaddii Islaamkana waad rideen, Diin oo lagu dhaqmaayina waxay noqotay danbi la isku ciqaabo oon ruuxna u soo banbixi karin.

Halkaas markay mareyso ayaa waxaa hal mar ah soo baxay Dhawaaq Geesi si uu u burbursho Aamusnaanta baahday iyo mugdiga fiday, wuxuuna hal mar kaliyah yiri [ MAYA] …MAYA KUFRIGA, RIDADA, ISLAAM LA QARSADO,KUFRINIMO LA CADDEYSTO.

[ Haddii aan leeyahay 100 Madax oo maalinkastaba mid la iga gooyo , marna madaxeyga u raaricinmaayo kufriga iyo Ridadaba.

Oraahdaas MAYA … ma aysan noqon mid meel cidla ah ku dhacda ama dabeysha raacda ee waxay noqotay cod weyn oo ay mar kaliyah ay kumaakum ruux ku dhawaaqday balse malaayiin Reer Turki ahi ay ajiibtay [MAYA] raali ka noqon mayno kufrinimo ma aqbaleyno Rido aan diinteenii ka baxno, taariikhdeenii hore iloobimayno, Geesinimadii Awoowadeen Hilmaami mayno!!!

Markaasaa mar kaliya ay Samada Turkiga ka muuqatay Aayaddii ilaahey ee aheyd { Waxay doonayaan in ay nuurka ilaahay ku damiyaan afafkooda ,Allaahna wuu diiday in uu Nuurkiisa Taamyeelo mooyee , inkastooy kaafiriintu neceb yihiin ) !!!!!!.

Geesigaasi wuxuu ahaa Shiikh Ustaad badiicu Zamaan Saciid AL-nuurasi wuxxuna turkiya galiyeymarxalad cusub oo ah in xaqa iyo baadilku is hirdiyaan, taasina waxay na tuseysaa Geesinimada uu iimaanku leeyahay markaasuu mar kaliyah maxaakiimtoodii faasidka aheyd ee Cilmaaniga aheyd uu ka dhex kacay, waana jidka kaliyah ee u banaanaa, maxaayeelay haddii uu cabsado oo uu ayaga baryo wey ka guuleysteen marka jid kale uma furneyn, waxaana Hadaladiisii uu Maxaakiimtooda ka hor yiri ka mid ahaa :

( Waxaan idinka codsanayaa hal dalab ma ahan in aad i cafisaan ama iska key deysaan sida caadada ah .laakiin waxaan idinka codsanayaa in aad i ciqaabtaan oo Ciqaab ta ugu xun imarisaan….) !!!!! Jawaabtaas cad ayaa hadalladdiisii ka mid ahaa, waana taas luqada ay fahmayaan ma ahan in laga cabsado oo la isku dhiibo ( Waar hooy dhageysta haddii aan kun naf ah leeyahay, waxaan diyaar u ahay in aan jidka Imaanka iyo Aakhiro u bixiyo).

Sidaas iyo si ka daran ayuu uga hor imaan jiray kuwii xaakim isku sheegyada ahaa ilaa uu mid ka mid ah uu qirtay : ( Anigu waligey asaga oo kale ma arkin … wuxuu candhuuf ku tufayaa dhimashada …. wax kastaayina wey ka heybeysanaayaan xataa dhimashada…!!!!).

nuzraniMarkay yiraahdaan adiga kutubtaada iyo Risaalooyinkaaga waxaad naga fasahaadineysaa Adduunkeena waxaadna naga hor istaageysaa nolosha wanaagsan … jawaabtiisu waxay ahaan jirtay ( Annigu umuuraha adduunyada idinkama hor istaagaayo mana dhexgalaayo, laakiin xaqiiqadu waxay tahay :( MA JIRO SHACAB DIIN LA,AAN NOOLAAN KARA … TAASINA WAA ARRIN ADDUUNKA OO IDIL CAAM KA AH OO AAN LA ISKU KHILAAFSANEYN…).
Sidaan horeyba ku soo sheegnay 47 maxkamadood ayaa la saaray intii u dhaxeysay 1950-1959 oo kuwa ugu caansan ay ahaayeen iskiishahar,Aafayoon,Daniisle iwm.

Waxaana Maxkamadahaas oo dhanba lagu koobay kitaab uu Shiikhu ka qoray oo la yiraahdo ( Isdifaacideydii) wuxuuna kitaabkaas ka kooban yahay (500) oo Bog.

Shiikhu Raxmatulaahi caleyhi wuxuu noloshiisa oo dhanba u hibeeyey in uu u adeego Quraanka iyo Iimaanka, wuxuuna u adkeystay dhibaato kasto oo ka soo gaareysa ilaa dhimashadiisii , halkanna kuma soo wado koobi karno dhamaanteed.

Wuxuu Shiikhu ahaa run ahaan mid Aasaasay Madarasad fikri ah oo aad u weyn,wuxuuna kiciyey dad aad u fara badan oo malaayiin gaaraaya, waxaana magaca madarasadaas la oran jiray, Ra,saailu Al-nuur taas oo ku baahsaneyd wadanka oo dhan.

wuxuu kaloo qoray shiikhu 130 Ra,saailood waxayna kuligood ahaayeen sharax Aayaddo Quraan iyo Axaadiis.
Ustaad Caasim Al-xuseyni wuxuu horudhaciisii ku soo khatimay hadaladan : ( Runtii waaqica ka boodimeyno ama xaqaba ka indho laabanmeyno haddii aan iraahdo waxaa Shiikha lagu tiriyaa mid Abaabulay horukaca Diiniga ah ee wadanka Turkiga ,waxaana lagu tirin karayaa Hogaamiye ka mid ah hogaamiyayasha soo maray Caalamka Islaamka Qarnigii labaatanaad ) .

Gabagabeyn :

Haddaba Akhristaheygoow ma ila aragtay in Ustaad Badiicu Zamaan in uusan ka liidan Culumada Qarnigan balse uu ahaa hormuudkooda, maxaayeelay culumada kale waxay ka dhex shaqeynayaa oo wax baraayeen dad ayagu raba in ay Diinta bartaan oo arday ah se Dawladda turkigu waxay aheyd dawlad Cilmaani ah oo rabtay in ay jiridaha u goyso wax kasta oo ku dhisan taariikhdii hore ee khilaafaddii Cusmaaniyiin iyo waliba wax kasta oo khuseeya Diinta Islaamka ilaa uu ka dhex kacay mar soo baxa geesiga ahaa Badiicu Zamaan Saciid AL-nuurasi Raxmatulaahi caleyhi, wuxuu guur iyo ilmo ku ilaaway in uu ummad dhan badbaasho. Xarakadiisii waxaa ka mid ahaa Arbakaan oo asaguna 1960 ilaa dhamaadkii 1990 soo saaray xisbigiisii AL-Rafaah ee Diinta ku saleysnaa ilaa uu markii danbe ku guuleystay in uu noqdo prime minister 1996 se la afganbiyey.

Waxaa Calankii la wareegay xisbiga islaamiga ah ee Qunyar socodka ah ee Xisbiga nabadgalyadda iyo Cadaaladda ay Hogaaminayaan Xabiib Rajab Ordogaan iyo Abdallah Guul oo maanta ka taliya Cargii Turkiga ayadoo ku saleysan xisbi Diini ah, taasi waa mirihii Badiicu Zamaan hal qarni oo dadaal ah kadib.

Xijaabka iyo Turkiga :

Dawladda Turkiga waxay ku aasaasantay islaam naceyb Ragga loo diiday in ay xirtaan Koofiyaddii Tarbuushka aheyd ee Turkiyiintu ku caanka aheyd iyo in Haweenku Xirtaan Xijaabkii islaamiga ahaa 1923 gii xataa in lagu Aadaamo luqadda Af Carabiga .

Xabiib Rajab Ordagaan markii uu xilka prime misnisterka ku guuleystay gabdhihiisa waxay jaamicadd ka dhiganaayeen yurub kadib xijaab dartiis markii loo diiday in ay dhigtaan jaamicaddaha Turkiga.
Se waxaa dhacday markii xisbigiisu uu mar labaad ku guuleystay xukuumad aqlabiyad ah ayaa Baarlamaanka la horkeenay in loo codeeyo Xijaab in ay xiran karto Haweeneyda Turkiyadda ah haddii ay doorato, markaas ayaa Aqlabyad balaaran lagu ansixiyey.

Markaas ayaa kumaamkun cilmaaniyiin ah ay Caasimadda Ankara iskugu soo baxeen ayagoo arrinkaas ka Mudaharaadaaya soo celinta xijaabka 80 sano kadib . Se waxaa la sheegay haddii ay Dawladdu isku daydo in ay taageerayaasheeda iskugu yeerto in ay soo bixi lahaayeen malaayiin se siyaasad ahaan in ay dawladdu iska deysay maadaama ay ay ummaddii ka kor qaaday addoonsigii Cilmaaniyiinta ee uu bilaabay dawacii Ataatuurki iyo Guushii waartay ee Badiicu Zamaan Al-nuurasi Allah ha ka raali noqdo korkiisa, waana ballantii Allaah uu balanqaaday ( Allaah wuu ku guuleystaa arrinkiisa se dadka badankiisu ma oga ) .

waa noo todobaadka danbe iyo Callaamatu Shiikh Maxamed saalax AL-cutheymiin .

fii amaani laah

Shiikh Saahid maxamed yusuf
Eastleigh, Nairobi, kenya
Al-mutakhasis fil xarakaat AL-islaamiyah

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Shiikh Ustaad Badiicu Zamaan Saciid AL-Nuurasi (3) "

  1. Shukri Sheekh says:

    AAWW,

    Sheekha Saahid waa sidaad u sheegtay Shiikh Badiicul Samaan waa hormuudka culimada Qarnigan, waxaana lagu tirin karayaa Hogaamiye ka mid ah hogaamiyayasha soo maray Caalamka Islaamka Qarnigii labaatanaad). taana waxaa cadeyn kara maanta halgankiisa mirahihii uu dhalay baa la guranahayaa.
    Waxaan Alle ka baryeynaa in Alle ina siiyo isagoo kale oo badan, muslinkana helo hogaan geesi ah oo Alle ma ogiye aan ka cabsan wixii isaga ka soo hara Aamiin.

    Sheekh Saahid Jazakallaah, ee fadlan sheekh hanagu kala goynin aqriska oo noo xiriiri hadba sidaad u awoodo, oo waan xiiseyneynaa, kuwii wax ku qaatona Alle ha inaga dhigo Iimaankiisoo kalena Alle ha ina siiyo Aamiin, Aamiin.

    AAWW
    AAWW

  2. sheikh Saahid says:

    scwxwb kuligiin !!!
    siduu shiikh badiicu zamaan u yiri [maya]
    kufrinimo iyo ridaba ayaa maanta oo jimco ah uu noo jeediyey caalimka weyn ee Shiikh Umal uu soo jeediyey khudbo oraneysa maya in aanu u dabaal degno ciidaha Masiixiga ee maalmahaan socda ,maxaa yeelay diinta Islaamku waxay leedahay ciido noo gaar ah sida tan fidriga iyo tan ciid weyn ee adha.