Home » Warar »

Gabdhaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Yatakoori oo Gurmad u sameeyey Wiil soomaaliyeed oo u baahnaa Qaliin

Zakeriye Cali Cismaan waa wiil 11 jir ah oo Saddex sanno ka hor ku dhaawacmey dagaaladii Muqdisho waxaa uu ka dhaawacmey Bowda waxaa la dhigey Isbitaalka hase yeeshee reerkooda aan wax haysan baa iska bixin waayey kharashkii Isbitaala waxaana,dhacdey In Sakeriye la iska hilmaamo lugtii dhaawaca ahayd waxay noqotey in laftii banaanka u baxdo sidaa ayuu muddadaa ku jirey wuxuu ku dhutin jirey Birro nasiib wanaag Sakeriye waxaa saddex sanno ka dib u soo gurmadey Gabdha Jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool Dalka Isweden Gaar haan Magaalada Yatakoori kuwaas ka damqadey xaaladda uu ku jirey Sakeriye waxaana laga bixiyey kharashkii isbitaalka 500 oo doolar waxaana Qaliin qaatey laba saacadood iyo Bar ku sameeyey Dr Cilmi yuusuf oo Xarun Caafimaad ku leh deegaanka laba dhagax ee Degmadda wardhiigleey waxaana isbitaalka lagu magacaabaa Muqdisho waxaa sakeriye la geliyey Bir gudaha si ay u xiriirsanto lafta bowdada

Dr Cilmi oo si aad ah ugu takhasusey Jabjabka lafaha ayaa wuxuu sheegey mar aan wareystey in qaliinkaan uu ahaa mid dhib badan waayo ayuu yiri lafta bowda ayaa dib laga soo celinayey iyadoo la jabinayo wuxuuna u mahadceliyey intii gacan ka geystey qaliinka wiilkaa yar oo ku dhawaa in uu naafoobo,wuxuu u baahan yahay inta uu isbitaalka ku jiro oo dhan Bil sida uu ku taliyey Dhaqtarka iyo in uu helo Nafaqeeyn

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E_Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Tel 0025215532494

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Gabdhaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Yatakoori oo Gurmad u sameeyey Wiil soomaaliyeed oo u baahnaa Qaliin "

  1. lama yaqaan says:

    Waa wax fiican, lakiin magaca magaaladu waa Gothunberg ama Göteborg.(Yutuboori)

  2. zahra says:

    Illaahay haka abaal mariyo inti usoo gurmatay

  3. Maasha-allaah waa wax aad iyo aad loogu farxo Allaha ka abaal mariyo dadkii caawiyay wiilkaan dhibbanaha ah, kuwii dhaawacayna Alle ayaa kula xisaabtami doona inta ay dhib marsiiyeen wiilkaan yar ee aan waxba galabsan. qofkii wax awoodo dhammaan dadka dhibaateysan ee uu ka war qabo ha caawiyo, bari waa la isweydiin doona maalkeena meesha aan ku bixinay.

    asc wr wb.