Home » Maqaallo »

Doorka Dhalinta Somaliyeed Iyo Arimaha Cakiran ee Ka Jira Dalka | Kalafoge

Sidaan Wada ognahay, Waxa Su’aali Ka tagneyn in Dhalintu tahay ubaxa Dalkasta ee dunidaan aan kunool nahay,Waxase si kale loo dhihi karaa, in dhalintu tahay Mustaqbalka ummad Waliba kufaanto, Qaran Kasta inta uu Ka dhalin Badan yahay ayuu Ka hormar iyo mustaqbal Wanagsan Yahay Kuwa Kale, Inkastoo magaca Dhalinyaro siyaabo kala duwan loo isticmaalo, kuwaasi oo mararka qaar faa’ido weyn iyo hormar u horseeda Bulshada ay ka midka yihiin , lakin dhinaca kale waxa la isdhihi karaa Waxa isa sootaraya qaabka qaldan ee loo isticmalo Dhalinta, Waxaad Arkeysaa dhalintii ahaa iftiinka dalka ey ayagii horseed u yahiin dhibaatada iyo gumaadka shacabka.

Waxaa qof waliba uu ogyahay, In xoriyada aan maanta ku Nool nahay ay dhiigoda usoo daatay dhalin somaaliyed oo aad utira badan, iyadoo mahadi Hadi haka gartee ay horseed u ahaayen 13-kii dhalintii SYL ee Naftooda iyo malkooda ku baxsheyn, sidii mar ummada somaliyeed ay u heli lahayen xoriyad buuxda, una yeelan lahayen Qaran somaliyeed, dhalintii SYL Waxa ay aqoontoda aad uga Hooseysay tan ay maanta Heystan dhalinta somaliyeed, isla markaane,Ka hoos shaqenaayey xaalad cakiran oo gumeysi Hoostis ah, ayaa waxaa ay xaqijeyn hadaf kodii ahaa in gumeystaha ka xoreyaan gayiga somaliyeed, isla markaane dhidibada utageyn qaran somaliyeed oo madax banaan oo dunida laga qonsanyahay, Waxaane xusid mudan in dhalintaas eysan ku loo lamin, kamid noqoshaha dowladaasi ay dhiseyn, Waxane halkaa ka muqada in Waddanimo aad uweyn ay ku abuurneyd 13-kaas dhalin yaro.

Inkastoo dhalinta SYL dhaqalihii ay kushaqeyn jireeyn uu ahaa mid kayimada dadweynaha somaliyeed, Waxane halkaa muqata in dhalinta SYL aysan marne Dhaqaale ka yimaada dalalka diba aysan kutirsaneyn, oo howshudu aheyd iskaa wax u qabso, Magac somalinimo uu ku weynaa.

Waxii Ka dabeyey burburkii qarankii Somaliyeed, dhalinta somaliyeed waxaa ka guuray qaluubtoda erayga Waddani, Waxane badalka taasi u badaley Magaca sida qaldan soomalida u fasiratay ee “QABIILKA” iyo Waxii lamid ah, Waxaane dhalinta somaliyeed ay noqdeyn qoryahii lagu shiday dhamaan dagaaladii Ahliga ahaa ee soomaray somaaliya 19-sano aynu soo dhafnay,

Hogaamiye dhaqameed ama kooxed kasta markii uu doonayo in uu dagaal huriyo, Barta kaliye ee uu ugeedadiisa ku gaari karo waa in uu Hubeyo dhalinta ay markaasi Xigtada iskugu dhaw yihiin isagoo markaasi, Kusheega in ey difaacayan danaha shacabka ama jufada uu kasoo jeedo, Halkaasi ay colaad xoogani ka dhalato, Taasi oo ay sabab u Tahay dhalinta somaliyeed, lakin waxa isweydin mudan sababta ay ilaa hada dhalinta somaaliyeed uga dhiidhin La’yihiin arintani guracan, ay ku kacayaan qashsiyaadka sida xun ufakira ee bulshada ku dhaxjira, Ku waasi oo dhamantood aad moodo in ka Siman yihiin Gumaadka maatada aan wax galabsan, iyagoo had iyo jeerba usoo xirta shaatiyo kala duwan, ay usoo galiyaan shaqsiyaad ajaanib ah, ku waasi oo dano gaar ka leh somaaliya.

Dhibaatada Katagan Dalka ayaa Waxaa Gacanta ugu weyn Kageysta Dhalinta somaliyeed, ayadoo taasi jirto, ayaa Hadane Waxa yaraaday Dadaalada lagu Wacyi galin lahaa dhalinta, laguna boorin lahaa Waxa ay Waddanimo tahay iyo qiimaha ay ku fadhido Nabada, Inkastoo ay jiraan Ururo udhaq dhaqaqo Arimaha wacyi galinta dhalinta, Balse dadaalkaas ayaa ladhihi karaa ma gaarsisana Heerkii loo bahnaa,

Teeda kale maxaa loo wayey dhalin Wadaniyiin ah oo lamid ah kuwii SYL, maxaane guud ahaan dhalinta somaliyeed ay ufahmi la’yihiin Halka dhibatada kajirto, dhamaan su’aalahaas ayaa hada waxa ay yihiin kuwaa aan jawaab sax ah loo helin, somaalida ayaa waxaa ay ku maah mahdaa “Geela weyn meshuu maro ayuu kan yarne maraa” waxaane iska cad in dhalintii Hogaamin lahaa somaaliya mustaqbalka, Ay qaadeyn wadadii ay Horey umareyn Madaxdii Dalka, Taasi oo sababtay Xaalka xun ee Dalka kusugan yahay mantadaan aynu joodno , Hadii aysan dhalinta somaliyeed Wax Kabadalin Fakirkooda, Aysan utafa Xeydan sidii loo bad baadin lahaa Macaga Ummada somaliyeed, Waxaa soo dag dagi doonto in Magaca somaaliya laga waayo Qariirada aduunka, Maah maah somaliyeed ayaa waxaa ay aheyd “ Hadii adan tashan Waa laguu talin”. Hadii Lawaayo Dhalinyaro somaliyeed oo xil iska saarto Dhisida Qaranka somaliyeed, Waxaa somaliya utalin doono quwado shisheeye, Taasi Waxaa ay sharaf dhac utahay Magaca Barbaarta somaliyeed.

Gunta iyo Gunaanadka, dhamaan dhalinta somaliyeed Waa in ay maanka ku hayaan Had iyo jeerba, in mustaqbalka somaaliya uu gacmahooda kujiro, loogane bahan yahay in ay badbaadiyan, soona celiyaan Magacii somaaliya aay lahaan jirtey, iskane ilaaliyaan Magaca Qabiil, Waayo Qaran iyo Qabiil Waa labo Magac oon isqaadan Karin, Waxa ay ku midoowane ay noqoto Qaran somaaliyeed iyo Wax uqabadka Umada somaliyeed iyo soo celinta Magacii lumay ee somaliya, had iyo jeerne ey quluubta ku hayaan Cabsida ALLAH, Hadii intaasi dhalinta somaliyeed ay si ficil ah usameeyaan Waxaa marag madoonto ah, in Xal looheli doono Dhibaatada Gaamurtay ee somaliya Kajirtay Ku dhawaad 20-sano.

W/D:Mohamed Hussien Abdirahman(Kalafoge)

Email:pakistaanfc@hotmail.com

Tell:+923233376558

University Of Karachi
Karachi-Pakistan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Doorka Dhalinta Somaliyeed Iyo Arimaha Cakiran ee Ka Jira Dalka | Kalafoge "

  1. Waddani says:

    Asc waad mahadsan tahay Maxamed.
    Waxaa xaqiiqo ah, in dhallinyaradu tahay tahay cududda iyo caqliga bulsho walba ay ku xisaabtanto, sanadwalbana lagu bixiyo malaayiin lacag ah sidii loo soo saari lahaa jiilal baddala kuwa markaas talada haya ama aqoonyahannada ah ee sii socda.
    Dhalliyarada somaliyeed waxaa haysta dhibaatooyin badan, kuwaas oo ka hortaagan tillaabo qaad.1- Waalid dhisan oo talo fiican siinaya maheystaan illaa dhoof mooyee.
    2- Dal iyo ururo ku dhiiri galinaya, in ay aqoontooda iyo xooggooda ugu shaqeeyaan dalkooda hooyo ma jiraan illaa dhoof mooyee.
    3- Waddamo iyo hey’ado caalami ah ma jiraan dhiiri galinaya illaa dhoofmooyee.
    Marka waxaan qabaa, haddii waddamada dhallinyaradu waxka barato ay ka sameeyaan ururo fakar fiican leh oo isku ballansada wax u qabadka waddankooda, in guul weyn la gaari lahaa, lagana haro ururo qabiileedka iyo ururo goboleedka gumeystuhu ka dambeeyo.
    Tan labaadna laga tago u hanqal taagga dhulalka shisheeye oo waxaan hubaa maxamadow in aad leyn reer galbeedka lagu tagayo ku jiro hadda ama aad ku fakareyso, marka aad jaamacadda dhammeyso, taasi shaki iigama jiro, laakiin ogow wax aad wax u baraneysaa oo lacagta iyo waqtigu kaaga baxayo waa u shaqeynta dalkaagi hooyo ee ma’ ahan shisheeye in uu kaa faaiido.
    Heybad waxaan ku leennahay dhulkeenna hooyo.