Home » Warar »

Warqad ku socota xubnaha Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qurbaha ku nool (No. 21)

Neyroobi, 06 Janaayo 2010

As-Salaamu Caleykum,

Saaxiibayaasha qaaliga ah,

1. Waxaan dhammaantiina idiin soo gudbinayaa salaam diiran, waxaana idiin rajaynayaa sannadkan 1431 ka iyo kan 2010 ka oo intaa ka sii nabad badan.

2. Bilashada sannadkan 2010 ka ma aha keliya billowga sannadka ee weliba waa billowga toban sanno oo cusub. Sida dhammaan Soomaalida nabadda jecel iyo dhammaan dadkoo kale oo idin taageera, waxaa rajeynayaa in nabad iyo xasillooni ay ugu dambeyntii ka hirgalaan Soomaaliya sannadkan cusub dhexdiisa iyo gaar ahaan billowga tobanka sanno ee cusub.  Dad badan oo adduunka ku nool waxay maalinta sannadka cusub uu bishay dejistaan ujeeddooyin shakhsi ah si ay u hormariyaan noloshooda. Markaa soo celinta gobanimo dhab ah, sharaf iyo billowga toban sanno oo barwaaqo leh aan ka dhiganno go’aan wadajir ah sannadkan 2010. Sidoo kale sidaan horey ugu sheegay warqadihii aan idiin soo diray, weli waxaan rajaynayaa inay Soomaalidu ku dayan doonaan tusaalihii Nabi Muxammad (SCWS) ee Heshiiskii Hudaybiyah, (kamana xumi inaan sii wado inaan idin xusuusiyo dersiga muhimka ah ee uu leeyahay Heshiiskan.) Waxaan rajeynayaa in isu-tanaasulid, iscafis iyo isu-imaasho ay ka guuleystaan iska horimaad hubaysan iyo kala fogaasho.

3. Marka aan hore u eegayno sannadka cusub, waa inaan sidoo kale gadaal eegnaa oo ann ku fikirnaa sannadkii 2009kii iyo gaar ahaan guulihii wax ku oolka ahaa ee la gaaray.

4. Markii la saxiixay Heshiiskii Jabuuti ee 2008, Barlamaanka ayaa la ballaariyay bishii Janaayo 2009 waxaana la doortay Madaxweyne cusub, Sheekh Shariif Sheekh Axmed. In ka yar bil kadibna waxaa la magacaabay Ra’iisal Wasaare cusub waxyar kadibna waxaa la dhisay Xukuumad.. Labada iyo Barlamaanka iyo Madaxweynahaba waxay u guureen magaalada Muqdisho. Xukuumaddu waxay hadda jirsatay hal sanno, inkastoo ay weerar ku hayaan xoogag xagjir ah oo dibadda laga soo maalgeliyo, oo ay weliba dadka qaar ay odorasayeen inaan sii jiraynin, mana saameynin inqilaabkii la isku dayay bishii May.

5. Bishii Abriil 2009, Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu furay kulan heer sare ah ee Bulshada Caalamka oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika, Guddiga Yururb, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, Ururka Caalamka Islaamka, Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka, iyo weliba wakiillo ka socda 60 waddan iyo ururro kale oo badan. Ujeeddada shirku waxay ahayd in la taageero nabadgelyada Soomaaliya, waxaana halkaa lagu ballanqaaday lacag gaaraysa 213 milyan oo doolar oo lagu bixinayo ciidanka nabadgelyada Soomaaliya iyo hawlgalka Ciidanka Nabadilaalinta Midowga Afrika (AMISOM). Inkastoo heerka bixinta lacagtaasi ay hooseyso, haddana arrintaasi waxay ahayd taageero aan hore u soo marin dalkiina.

6. Sannakii 2009kii waxaan shir-guddoomiyay afar shir oo ay Bulshada Caalamku u qabatay Kooxda Caalamiga ee la Xiriirka Soomaaliya – kii ugu dambeeyayna wuxuu ka dhacay magaalada Jidda (Sacuudi Carabiya) 17kii Disembar ee 2009. Shirkan oo uu martigeliyay Ururka Caalamka Islaamka, kana soo qaybgalay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, wuxuu soo dhoweeyay horumarka la taaban karo ee ay gaartay Dowladda Ku Meel Gaarka iyo qorshaheeda mustaqbalka, sidoo kale wuxuu  soo dhoweeyay sida ay dowladdu uga go’antahay inay sii waddo la xiriirka Soomaalida u diyaar ah joojinta colaadda iyo horumarinta nabadda.

7. Guud ahaan, sannadkii 2009kii Dowladdu waxay gaartay guulo wax ku ool ah. Waxaana ka mid ahaa dowladda oo sare u qaadday awoodda ay ku dhisayso maamulka asaasiga ah, gaar ahaan dejinta miisaaniyadda, oo ahayd tii ugu horeysay muddo shan sanno ah, qoridda iyo tababarka ciidamo dheeraad ah, dibuhabaynta hay’adaha nabadgelyada, xoojinta wasaaradaha iyo wadashaqayn iyo xog isdhaafsi qoran oo ay ugu jawaabayso codsiyada bulshada caalamka ee saldhigeedu yahay Nayroobi. Xukuumaddu waxay mar kale hawada ku soo celisay Idaacadda Raadiyo Muqdisho iyadoo addegsanaysa hantideeda gaarka ah, taasoo ka dhigaysa qalab muhim ah oo ay kula xiriirto dadkeeda, halkaasna kaga saareyso warxun faafinta. Isla markaana waxaan jeclaan lahaa inaan Xildhibaannada ugu baaqo inay ilaaliyaan Barlamaanka oo aysan waqti qiimo badan ku luminin mooshino aan waxtar ahayn oo lagu doonayo in lagu rido Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Barlamaanka iwm. Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad degdeg ah. Xildhibaannadu waa inay dhowraan mabaadi’da wax ku oolka ah. Sidoo kale Bulshada Caalamku waa inay ka soo baxdo xilka ka saran Xildhibaannada.

8. Waxaa kaloo dhacay weerarro naxdin leh oo ay soo qaadeen kooxo xagjir ah – gaar ahaan qaraxii ismiidaaminta ee argagaxa lahaa ee 3dd Diisembar oo lagu weerar xafladdii qalinjebinta ardadii kulliyadda caafimaadka, halkaasoo lagu laayay dhakhaatiirtii mustaqbalka Soomaaliya iyo eheladdodii oo ay weheliyaan dhakhaatiir, weriyeyaal, iyo saddex wasiir. Weerarkan lagu qaaday jaamacadda, oo ay maalgeliyeen qaar ka mid ah dadkiina qurba joogta ah, wuxuu si aan hore loo arag u mideeyay dhammaan Soomaalida joogta gudaha iyo dibaddaba, si ay uga hortagaan colaadda iyo dhiigga qubanaya. Codkoodu wuxuu ku midaystaa diidmada dilka, taasna waa farriin nagu hagaysa sannadkan 2010. Mar kale waxaan ugu baaqayaa hoggaamiye dhaqameedyada, ganacsatada, haweenka, iyo dhallinyaradaba inay ku midoobaan diidmada ay kaga horgeedaan dilka dadka aan waxba galabsan.

9. Waxaa si gaar ah u xanuun badan in ninka ka dambeeyay halaagan intaa la eg uu ahaa nin Soomaali ah oo degan waddanka Denmark. Ma ahayn ninkii ugu horreeyay ee kadib markii dibadda lagu siiyay magangelyo ku soo coqda Soomaaliya si uu u daadiyo dhiigga muwaadiniinta dalkiisa. Ninkii geystay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Boosaaso sannadkii 2008 wuxuu ahaa nin Soomaaliyeed oo Ameerikaan ah oo ka yimid Minnesota. Waxaan intaa kadib aragnay weerarkii isku dayga ahaa ee toddobaadkii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Aarhus, ee dalka Denmark, isku daygaas oo uu ku kacay nin Soomaaliyeed oo ku nool dalkaas. Dadka soo abaabulay dhallinyaradan waxay baabi’inayaan sumcadda Soomaaliya, waxayna ka qaybqaadanayaan masiibada sii xumaanaysa ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda dalka. Kuwa qurbaha ku nool waxay u badantahay in lagu eego aragti shaki leh, kuwa dalka gudihiisa joogana soo dhoweyn dibadda kama heli doonaan.

10. Dhibaatada kale ee ay colaaddan leedahay waxaa weeye kuwa ka dambeeya falakan dilka ah kama shakiyaan inay si cad u sheegtaan mas’uuliyadda falalkooda. Sababtoo ah waxay muddo dheer haysteen la xisaabtan la’aan (impunity). Waxaan la yaabanahay inaysan ka cabsanaynin ciqaab kaga timaadda xagga Eebbe ama maxkamadaha gudaha ama kuwo caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, way iman doontaa, ha dhowaato ama ha fogaato.

11. Cidna kuma eedeyn karto Bulshada Caalamka inay wax qabadkeeda u jeedisay dhanka nabadgelyada iyo la dirirka argagaxisada oo ay ka jeedisay maalgelinta arrimaha kale. Sidaa daraadeed, sannadka 2010 dadka qurba joogta ah waxaa looga baahanyahay in sidii hore si ka badan uga qaybqaataan oo ay daboolaan kaalinta bannaan. Soomaaliya waa dalkiina, haddii aad si uun uga qaybqaadataan dhismaha dowladda, ma noqonayso keliya hanti la bixiyo ee waxay caalamka tusaysaa inaysan Soomaalidu ku tiirsanayn deeqda dadka kale. Deeqbixiyeyaasha dibaddana waxay u badantahay inay kaalmeeyaan markay arkaan Soomaalida oo iskaalmeynaya. Sidaan mar walba sheegi jiray, kun doolar oo hadda la bixiyo waxay in badan ka qiimo badantahay toban kun oo doolar oo lagu ballanqaado sannadka soo socda.

12. Waxaan si dhab ah u rajaynayaa in sannadka cusub uu noqon doono sannad leh xasillooni fidda iyo nabad.

Walaalkiina,

Ahmedou Ould-Abdallah

Susannah Price
Public Information Officer
United Nations Political Office For Somalia (UNPOS)
Telephone: Office    – 254 20 7627132
Mobile – 254 733 902020
Email: Susannah.Price@unon.org
Visit: www.unpos.unmissions.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Warqad ku socota xubnaha Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qurbaha ku nool (No. 21) "

  1. cali says:

    Ass/c,

    walad-cabdalla: BEENAALE!!
    Ninkan maqaalka qoray wuxu Soomalida u arkaa dad aan waxba garanayn!
    mar qura ma soo hadal qaadin waxshinimada iyo xasuuqa ay geystaan ciidamada gudhuuda ee uu lacagta usoo ururiyo si ay u laayaan soomaalida. Midda kale, ma uu sheegin guulaha ay gaadheen ururada Islaamiga ah ee Al-shabaab iyo Xisbul-Islaam oo nabadeeyey, nolol caadiyana kusoo celiyey inta badan koonfurta Soomaaliya, welibana ummadii Soomaaliyeed ku dhaqa Diintooda Sharafta leh ee cadaaladadeeda ummadda laga xarimay!!
    Taa bedelkeeda wuxu urur-diimeedyadaa ku sheegay (kuwo debedda laga soo maleegey). Waayahy, isaga (walad cabdalla), shariifka, barlamaanka (ama booliska qayliya) iyo waxa loogu yeero ahlusunna-wal-jamaaca (oo ah
    ciidamada shirkada Qaadka ee 571), intaba miyaan debedda laga soo maleegin…oo weliba kuwuu colaadinayo waxa soo maleegey Muslim ee iyaga (geysh nacalutallaah) miyaaney gaalo (amxaarana ku
    jirto) iyo intii Illaah nacay aaney dabada ka riixayn)!!!

    Maxishoodaha waxaan leeyahay: BEENAALE!!