Home » Warar »

Kaluumeysto Reer Puntland ah oo Tababar ugu soo dhammaaday Libiya

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
 
 
Tababarkaan oo ay gacan ka geystay Dowladda Wadanka Liibiya ayaa waxaa loo qabtay dad tiradooda lagu sheegay 26 Qof oo ka kala tagay Guud ahaan Goboladda Puntland.
 
Tababarkaan ayaa wax uu ka dhacay Xarunta Kheyraadka Badda ee Jamhuuriyadda Libiya, Waxaana Casharadda ka Bixinayey Dhakhatiir aad u yaqaan Xoolaha.
 
Macallimiinta oo ay ka mid ahaayeen Dr. Maxamed Al Waacir iyo weliba Dhakhtarka kale Dr. Sansuur oo in badan takhasuus u haysta dhanka Kheyraadka Badda, kuwaas oo mudo 25 Sanno ah ka soo shaqeynayey.
 
Tababarkaan ayaa in badan waxaa lagu qaatay Casharo aad u Muhiim ah kuwaas oo ay ka mid ahaayeen loo kaluumaysto nooyada kaluunka sida toonada oo kala ah yalaw fiin boloo fiin, waxay casharo ku soo qaateen warshada balaaran oo ku taala dalka liibiya oo samaysa kaluunka toonada.
 
Warshadaas oo ku taala Magaalada Sabaraata.dhamaan 26 qof oo qaatay siminaarka ayaa aad ugu riyaaqay casharada ay qaateen iyo khibrada ay ka faa’iideen casharada ay qaateen sidoo kale waxaa la soo tusay suuqa ugu wayn ee kaluunka lagu iibiyo waxay ku soo arkeen muhiimada uu leeyahay kaluunka iyo qiimaha uu ka joogo dunida caalamka.
 
Sidoo kale waxay ku soo arkeen suuqaas noocyada ka luunka iyo libaax iyo wax yaalo badan oo lagu iibinayay suuqa wayn ee kaluunka dalka liibiya.
 
 Dr. Maxamed Al waacir oo ahaa macalinka bixinayay casharada siminaarka ayaa ugu baaqay 26 qof oo siminaarka ugu xirmay dalka liibiya markay tagaan dal kooda in ay u faa’iidayeen umada ay matalayaan mirihii ay ka qaateen siminaarka inta uu soconayay.
 
26 qof ayaa waxaa soo xulay wasaarada Kaluumaysiga Maamulka Puntalan waxayn ka  kala yimadeen Magaalooyinka Bosaso,Baargaal,Xaafuun,Bayla,Dur dura,Jariibaan,Eyl,Hurdiya iyo weliba Degaano xeebeed kale oo ka tirsan Maamulka Puntland.
 
Gudoomiyaha NGO Safod C/raxman C/risaq Farax ( Guffure) oo Hogaaminayey 26 Qof ee Siminaarku ugu Xirmay Dalka Libiya ayaa wax uu Amaan iyo mahadcelin u jeediyey Dowladda Wadanka Liibiya, Kaalintii ay ka qaadatay Taageerida Shacabka Soomaaliyeed.
 
Wax uuna kula dardaarmay dhalinyaradda Tababarka qaadatay in ay ka shaqeeyaan sidii ay ugu Faa’ideyn lahaayeen dadka kale ee ku maqan Gudaha dalka.
 
C/waaxid Maxamed Xirsi (joocaar) Agaasimaha Wasaaradda Kaluumeysiga Maamulka Puntland oo isaga halkaas hadalo ka jeediyay ayaa wax uu ugu horeyn Mahadcelin u jeediyey Dowladda Libiya iyo weliba Shacabkeeda  sida wanaagsan ay ugu soo dhawaysay dalkeeda.
 
Mudane Joocaar  wax uu si aad ah uga hadlay kaalinta Dhallinyaradda Tababarka qaadatay sidii ay ugu Faa’ideyn lahaayeen dadkooda marka ay dib ugu laabtaan Dalkoodii Hooyo.

kalllun
 
Dhallinyaraddan Tababarka u soo dhaamaaday ayaa intii wax sidoo kale lagu wadaa in ay dhawaan u soo socdaalaan Maamul Goboleedka Puntland.
 
Faadhig Cali Bacle
faadhigbacle@hotmail.com
Libiya,Taraabulis

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Kaluumeysto Reer Puntland ah oo Tababar ugu soo dhammaaday Libiya "

  1. fahad maxamed cali says:

    maashaa alaah horo marka puntalan waa muqadas runtii in labarto xirfada kaluumaysiga waa waajib waxaan u mahad celinayaa ururka safod iyo sawarada kaluumaysiga dawlada puntalan madaxwayne faroole hanoolado