Home » Faallo, Gabay »

Maanso: MUQDISHO -W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)

Maanso: MUQDISHO -W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)

Email: mabdalle@gmail.com
abdalle9@hotmail.com 
12/07/2009

Halkan ka dhegeyso Gabayga…. (mp3)

“Muqdishaannu doodnoo, madhax reeba bay tiri…anna mooyi baan iri, mawlaha dugsaan iri, midigtay go’day tiri, oohin baan la miirsaday,”

Maansadan waxan curiyey ka dib qaraxyadii dhowaan ka dhacay Muqdisho mar aan indhaha ku dhuftay fiidyow naxdin iyo argagax igu reebay. Iyadoo dhibaatadu in badan soo jiitamaysay, ayaa haddana xaaladda imminka Muqdisho ka taagan u muuqataa meeshii ugu xumayd. Waxay maansadu ku timi, xusuus aan dib ugu laabtay wakhtigii aan iskuulka Muqdisho ka dhigan jiray iyo beri samaadkii. Quruxdii iyo shacnigii ay lahayd Muqdisho xilligii iigu dambaysay ayaa maskaxdayda ku shaabbadaysan. Waxan xasuustaa maalintaan Somali Airlines aan ka soo raacay Muqdisho oo ahayd April 13, 1988; diyaaraddu markay nala kacday, waxan hoos u jalleecay dalkaygii hooyo meeshii ugu qurux badnayd. Waa Muqdisho oo sidii lagu naanaysi jiray “Muqdisha Caddeey” goor makhriba diyaaraddu kor uga kacday. Waxaad moodaysay caddaanta dhismayaasha nuur dhulka gedfey, nalalka waxad moodaysay gaaraa bidhaan lagu fidiyey. Dhirta waxad moodaysey higil madow oo lagu safay magaalada dhexdeeda. Waxa dekedda iiga muuqdey magaala yar oo wada iftiimaysa, waa maraakiibtii xaddi dhaaftay ee dekedda ku xirnaa. Waxan kaloo arkayey, diyaarado fadhiya, iyo kuwo soo degaya. Waxaanan marna illaawayn argtidii Minnaaraddii Dekedda, Taawarkii diyaaradaha laga hagi jiray, iyo milicsigii Dugsigii Tababbarka Xalane oo aan mar ku xeraysnaan jiray.

Waxan xasuustaa annagoo arday ah intaannu derbiga Xalane ka dhacno u lugayn jirnay ilaa Hawlwadaag iyo Hodan, iyadoo bela laga baqaa jirin. Waxan baro ii ahaan jiray wakhtiga fursaddayda Shaneemo Nasar, Kaah, Shantaraale, iyo Studium Mogadishu. Waxan aad u daawan jiray Hotel Shabelle, Jubba, Curuba, iyo dhismihii hore ee baarlammaanka. Waxan meel dheer ka qooraansan jiray Villa Soomaaliya iyo Xaruntii Nabadsugidda. Taallooyinka ayaan jeclaa inaan koro, sida tii sayidka iyo Axmed Gurey, laakiin had iyo jeer cabsi aan ka qabay askarta ayaan taa ii suurta gelin jirin. Waxa badanaa hortayda yimaadda aradaydii Dugsigii Sare ila dhigan jirtay, oo aan qaar badan weli wejiyadoodii xasuusto. Asxaabtaydii Dugsiga Sare ee Muusa Galaal, fasalka 4/4 waxan ka xasuustaa Cali Wajaale, Yaasiin Cali, Sahra Shiino, Timacadde, Khadan Istiillo, Cabdi Weyne, Raxma Shiikh Maxamed, Faaduma Yar, Sacdiya Canjeex, Abshir Ganey, Canab Qambi, Dhexyar, Naciima, Maxamed Cali, Cabdi Wardheere, Faarax Ganey. Macallimiintaydii: Maxamed Macallin, Caasha Geella Diiriye, Dhakalow, maammule ku xigeen Giriig, iyo maammule Axmed Garweyne.

Waxan kaloo fikir ugu noqdaa, deriskaygii, meheradihii ka furnaa agagaarka Baar Ubax, Carwo Idko, Gurya Samo, Hotel Salaama, iyo Baar Caasho oo aan la iga waayi jirin.

Intaas iyo xusuus ka dib, waxa hortayda timi Muqdisho oo ay ka muuqdaan haaraha dagaallada sokeeye. Waxaa maankayga gaday muraayadda aan ka daawanayey Muqdishadii hore iyo tan maanta ah. Markaasaan is weydiiyey, tolow Muqdisho saasay u dhalan geddoontaye, adigana maxaa iska kaa beddelay? Anigoo murugo la ildaran ayaan maansadan qabsaday, bal inaan Muqdisho kala hadlo amarrada ku dhacay, masiibooyinka aan kala joogsanayn, iyo hagrashadu meeshay ka timi.

Waxan soo dhowaynayaa qofkii fikrad ka dhiibanaya dooddan aniga iyo Muqdisho na dhex martay.

Afeef: Abwaannada aan magac dhabay, waa kuwo macruuf ka ah ummadda dhexdeeda. Sida maansadu tilmaamayso, waxay muujinaysaa in dedaal yari, iyo wacyi gelin la’aan dhankooda ah meesha ku jirto. Marna igama aha aflagaaddo iyo daandaansi. Akhris wanaagsan.

Dooddayadii aniga iyo Muqdisho na dhex martay sidan bay ku bilaabatay:

  1. Anaa doodda bilaabay waxan ku bilaabay:
  2. Muqdishaay mixnada badan
  3. Immisaa naf kugu maqan
  4. Immisaa miskiiniyo
  5. Waayeel maqaariyo
  6. Maxasley haweeniyo
  7. Maatooyin kugu go’ay?
  8. Immisaa maqaawiir
  9. Mufti iyo aqoonyahan
  10. Geesi magac lahaa iyo
  11. Marwa loo hanweyn yahay
  12. Odayaal mihiib gala
  13. Mansabkooda loo dilay?
  14. Immisaa mullaaxdiyo
  15. Dhallintii manka ahayd
  16. Miisaan habloodiyo
  17. Ubax madaxa qaadiyo
  18. Misigdheer carruuriyo
  19. Aan macallin laga tegin?
  20. Immisaa maggeydiyo
  21. Mahuraan walaala ah
  22. Masaar lagu jarjarayoo
  23. Lagu moosay iilkoo
  24. La mulkiyey xaqoodoo
  25. Deriskoodu mawtiyey?
  26. Immisaa murdiga iyo
  27. Mooryaan wax laysoo
  28. Mugdiyada istaagtoo
  29. Maryahana aan dhaafayn
  30. Kugu mamay mas iyo good
  31. Mariid iyo sun kugu milan?
  32. Immisaa mardabo iyo
  33. Madaxfurasho-doon iyo
  34. Tuugo malafsata’a iyo
  35. Dhiig miirad moqorra ah
  36. Magan kuu ahaadoo
  37. Weli kaa maggawsada?
  38. Immisaa maqiiqiyo
  39. Dagaal ooge melegiyo
  40. Halaq iyo mir kaa kacay
  41. Maangaabka qaarkii
  42. Taladaa maroorsaday
  43. Kuu istaagay miilada?
  44. Immisaa ma guurtiyo
  45. Maal kugu burburayoo
  46. Hanti maammul leeyahay
  47. Lagu moora duugoo
  48. Miyigana la geeyoo
  49. Aan maaro loo helin?
  50. Immisaa mad-habadiyo
  51. Mawlac kaa dhex furanoo
  52. Muumminkiyo munaafaqu
  53. Midba magac u bixiyoo
  54. Lagu muransan yahayoo
  55. Muraadkooda la ogayn?
  56. Immisaa masiibiyo
  57. Mahadhooyin kaa dhacay
  58. Mashaqooyin kuu dedan
  59. Weli aan la magac dhabin?
  60.  
  61. Muqdishaa iyana doodda qaadatayoo waxay ku bilowday:
  62. Maanlaawe wiilyohow
  63. Sheekadan mareegta ah
  64. Maskaxdaan u furayoo
  65. Muddacdaye markaagii
  66. Anna waa markaygee
  67. Taydana bal iga maqal
  68. Muuqayga baaba’ay
  69. Magacayga dhaawacan
  70. Muunaddayda dhalan rogan
  71. Masiirkayga baylahay
  72. Aan kuu micneeyee
  73. Maandhow war iga hoo
  74. Taariikh muquuna leh
  75. Mudda kun iyo alifya ah
  76. Macruuf baan ahaayoo
  77. Madxafyada wax lagu qoro
  78. Meel kastaba adduunyada
  79. Maamuus baan lahaan jiray
  80. Mawlow ilaah baa
  81. Meel mudan iga unkoo
  82. Makaan iiga dhigayoo
  83. Milicsiga dushaydaa
  84. Mid yar iyo mid weyn gebi
  85. Dadka muuso gelin jiray
  86. Boqorraa i maamulay
  87. Masuul iga ahaayoo
  88. Masjiddada ilaahiyo
  89. Maxfallada dadweynaha
  90. Taallooyin mudha iyo
  91. Daara miidhan iga dhigay
  92. Waqtiyaa i soo maray
  93. Gumeysigu i mehershoo
  94. Milxil laygu qabayoo
  95. Walow lay mohoobiyey
  96. Milgadaydu dhicinoo
  97. Maato igu noolayd
  98. Waqtiyaa isoo maray
  99. Halgan laygu meershoo
  100. Ubadkaygu muuqdoo
  101. Xornimo u maleegtoo
  102. Miidaamo dhegaliyo
  103. Masas aan ka nabad galay
  104. Waqtiyaa i soo maray
  105. Calan midab qurxooniyo
  106. Mansab dawladnimo iyo
  107. Minimada dadkaygiyo
  108. Gobannimada mahadshoo
  109. Maqaamkaygu sara tegey
  110. Waqtiyaa isoo maray
  111. Majaruhu adkaayoo
  112. Mataanahayga iga maqan
  113. Muhasho u hilooboo
  114. Taladoo maroortiyo
  115. Muruq sheegad iga diray
  116.  
  117. Waqtiyaa isoo maray
  118. Musuqmaasuq ba’aniyo
  119. Qabiil igu maxaafsaday
  120. Jabhad moora dhiigla ah
  121. Cadow soo makaabsaday
  122. Mudka iga wareemeen
  123. Waqtiyaa isoo maray
  124. Cudur igu marnaayoo
  125. Maal iyo kud iga baxay
  126. Meel kastaba dushaydoo
  127. Hule cunay maqaarkoo
  128. Maja-gooye igu dhacay
  129. Waqtiyaa isoo maray
  130. Mililkiyo hurgumadii
  131. Maaruqeen xubnaha oo
  132. Maskaxda ay ku urureen
  133. Dixri muudsi jeceliyo
  134. Gale miirta feedhaha
  135. Waqtiyaa isoo maray
  136. Mariil aan ahaadoo
  137. Miyirkaygu doorsamay
  138. Marya-boobka waallida
  139. Maxaadh laygu gubayoo
  140. Nin waliba i maammulay
  141. Waqtiyaa isoo maray
  142. Maad layga dhigayoo
  143. Masaawiir naxdina iyo
  144. Murugadayda lagu qoray
  145. Maan-habowshe jaaniyo
  146. Malaayiin wargeysyo ah
  147. Waqtiyaa isoo maray
  148. Maraykaanka iyo Yurub
  149. Iyo duul manaaba ah
  150. Muska ii galeenoo
  151. Dibindaabyo mooyee
  152. Midhna aanay ii tarin
  153. Waqtiyaa isoo maray
  154. Madaxweyne-doon iyo
  155. Ninkastoo sir maaggani
  156. Maal igu tabcadayoo
  157. Maandooriyaashiyo
  158. Sumo laygu soo miyey
  159. Muddo iyo dhowaalena
  160. Murugo iyo ciilbaan
  161. Aan la maarsanaayoo
  162. Miciin laawayaashii
  163. I muddaahanayn jiray
  164. Mid kalaa ka daba timi
  165.  
  166. Cadawgii i meel tiray
  167. Makas iigu baaqdiyo
  168. Masalooyin ugubiyo
  169. Diin la marin habawshiyo
  170. Ubad miino lagu xidho
  171. Sow meesha may iman?
  172.  
  173. Masiibooyinkii dhacay
  174. Mahadhooyinkaan maray
  175. Ma qof moog ayaa jira?
  176. Ma filaanka maanta ah
  177. Hadii anan malaasnayn
  178. Ma rajaa cid ugu maqan?
  179. Dooddii ayaan ku soo laabtoo waxan idhi:
  180. Inaad magac lahayd waa
  181. Lagu soo martiyi jiray
  182. Milgo iyo sharaf iyo
  183. Maydaanka gobannimo
  184. Majliskii dalka ahayd
  185. Anaa kuu markhaantiya
  186. Mahurtiyo dadkaagii
  187. Bulshadii midka ahayd
  188. Magacaa qaddarin jiray
  189. Mudhxis aan wax reebayn
  190. Mooryaan murdiya bay
  191. Meesha uga carareen
  192. Muqdishaay war li’idaa
  193. Sidee maanku kaa yahay
  194. Sow macawis gaabiyo
  195. Mergisiib dadcuna iyo
  196. Masaskii Bakaaruhu
  197. Maqsin kuuma jiifaan
  198. Hoygii mudnaayeey
  199. Maqaamkii xorriyadaay
  200. Hooyadii midnimadaay
  201. Maskaxdii aqoontaay
  202. Amarkiyo mushkiladahan
  203. Mawlaa kaa dawayn kara
  204. Muqdishaa dooddii ku soo noqotoo waxay tiri:
  205. Inkastoo majnuuniyo
  206. Macangag iga buuxaan
  207. Maxishoode iyo liid
  208. Igu wada madiixaan
  209. Masaakiinta igu nool
  210. Malyan waa ka badan yiin
  211. Belaayada i miratee
  212. Muslimka iyo gaalkuba
  213. Iiga maara waayeen
  214. Abaal moogayaashii
  215. Mujo kuwaan ku koriyiyo
  216. Maqanaa dawayn kara!
  217.  
  218. Murti yahan abwaankii
  219. Muxuu igaga maarmaa?
  220. Midkii igu masuugoow
  221. Mintidkii qabiilkiyo
  222. Muusannowgii reer hebel
  223. Miyaa kula habboonaa?
  224. Siciidow maxaa dana?
  225. Hadraawow maxaa gara?
  226. Abshiroow maxaa dhaba?
  227. Dhoodaanow maxaa liba?
  228. Gaarriyoow ma dhuumoo
  229. Dhoobo isku maydhbaa?
  230. Majliskii aqoonyahan
  231. Muxuu igaga maarmaa?
  232. Manhajkii Lafooliyo
  233. Mawaaddii Gahayr iyo
  234. Sow macaahiddaydii
  235. Siidam meesi kama bixin?
  236. Malyuun iyo malyuumaad
  237. Mahurtooy rag iyo dumar
  238. Meel kastaad ka buuxdaan
  239. Misna ima daryeeshaan
  240. Maahir iima soo baxo
  241. Masiirkaygii waa lumay
  242. Dooddii murugay gashay iyo caloolyow sidan baan ku soo gebagebeeyey:
  243. Muqdishaay magooleey
  244. Murti qaaliyaa tiri
  245. Mahuraanka jiilaal
  246. Waa maadha cawskii
  247. Milaygiisa lagu ledo
  248. Doog lagu mihiibaa
  249. Qaran muunaddiisii
  250. Marka aan ku milicsado
  251. Waa iga madowdahay
  252. Misna waxan iraahdaa
  253. Maankayga geliyaa
  254. Rajaa muuqan waa uun
  255.  
  256. Maantay u daran tahay
  257. Mawjado colaadoo
  258. Diin loo makaabsaday
  259. Ma nixiyo habaarqabe
  260. Mintid aan wax geli hayn
  261. Misciriirta kuu roge
  262. Muqdishaay magooleey
  263. Allow yaa mar murugada
  264. Kaa maydha dhiiggoo
  265. Mindiyaha qarsooniyo
  266. Miinada qarxaysiyo
  267. Madfacyada habawga ah
  268. Kaa xijaaba moortaha
  269. Allow yaa marsada iyo
  270. Marinkiyo garoommada
  271. Muuja haybaddaadoo
  272. Mahwigeeda Xamar Weyn
  273. Maddiina iyo Waabberi
  274. Nabad weyn ku maammula
  275. Muqdishaay magooleey
  276. Allow yaa mudiirriyo
  277. Kumanyaal mutacallimay
  278. Masuul kaaga dhiga oo
  279. Malaayiinti kaa qaxay
  280. Dib u soo majiiroo
  281. Hoyna uga meel dhiga
  282. Allow yaa Minaa iyo
  283. Maka iyo Maddiiniyo
  284. Meel nabada kaa dhiga
  285. Markasyada cilmiga iyo
  286. jaamacado muuna leh
  287. Makaankooda kaa dhiga
  288. Allow yaa makhluuqaad
  289. Muslinka iyo gaalkaba
  290. Madowgiyo caddaankaba
  291. Maarriinkiyo Casaankaba
  292. Meel layku magansado
  293. Mus barwaaqo kaa dhiga
  294. Muqdishaay magooleey
  295. Talo waata Maalige
  296. Anna miinka maansada
  297. Yaanan muusaraarine
  298. Waxba sida magaratada
  299. Yaanan muusannaabine
  300. Mawluhu ha kula jiro

Halkan ka dhegeyso Gabayga…. (mp3)

W.T: Maxamamuud Axmed Cabdalle (Shiine)
Xiriir: mabdalle@gmail.com

abdalle9@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Maanso: MUQDISHO -W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine) "

  1. Abdirisak Mohamed Omar says:

    Salaan kadib walaal Shiine hambalyo damiirkaada wadaniga ah oo dadka iyo dalkaba kuwayn

  2. waxaan akhristay doodii muqdisho iyo shiine dhex martay 8/11/09 islahabeenkii aan akhriyay ayaan ka jawaabay,waxa arar ah uma yeelin laakiin waxaan abbaaray sidii aan wax u arkayay,jawaabtaydina waxay udhacday sidan:-

    MAAMULAHA DOODDOW 08/11/09

    1. Duqdisho iyo doodii
    2. Markaan milicsadoo dayay
    3. Waan ka maagay xaajada
    4. Maamulaha doodow
    5. Qof mariil ah oo yaal
    6. Usha laguma miisee
    7. Maad mashiidiyaashiyo
    8. Moryaanta daba taal
    9. Dhibka ay maleegeen
    10. Ku caddaysid miinada
    11. Muqdishadan miskiintaa
    12. Maagisteedu waa khalad
    13. Dhammaan muhalligiintii
    14. Mooraduugay shacabkoo
    15. Qarankiina muudsaday
    16. Mootarkaaga ku ekee
    17. Haka maagin yoolkee.

    18. Midda kale waxaan iri
    19. Waa martabado sheekada
    20. Soomaali marisee
    21. Maantana mid yaablaa
    22. Moolkeedi loo galay
    23. Maalin waxaa lasoo maray
    24. Dagaal maararrow badan
    25. Laysku wada muquunshoo
    26. Maal iyo naf labadaba
    27. Midna aan la bixinayn
    28. Maqsadkiyo ujeedkuna
    29. Qabiilkayga maahide
    30. Moolkii gal ay tahay
    31. Marwadii nin qabay baa
    32. Kufsi lagu makalayoo
    33. Mawle kacabsi laga gudub
    34. Maatadaan ladili jirin
    35. Iyana waa lamariyoo
    36. Midna lagama reebine
    37. Lasoo mood dhibkaasoo
    38. Waqti kalaa lamilicsaday
    39. Waxaa meesha soo galay
    40. Qabqabliyo mataalkii
    41. Bulshadii muquunshoo
    42. Madfac iyo hub dawladi
    43. Cadaw loo maseeyaa
    44. Midigtoodi galayoo
    45. Lagu mari dadweynihi
    46. Kuwaa laga mushtarayoo
    47. Lagu meershay gaaloo
    48. Laga gaday maraykane
    49. Midkii loo maleeyaba
    50. Inuu maatakoris yahay
    51. Jeebkuu miisanaayaa
    52. Maankiisu waa lacag
    53. Si uu meesha uga helo
    54. Macna li’ida taalliyo
    55. Muusanawga maatada
    56. Mid ay dani kahaysaa
    57. Meeshaba ma joogee
    58. Sugaayow mahayside
    59. Mawlahaa dib ugu noqo
    60. Kuwii shalay maggaabada
    61. Dhiigga muudsanaayaa
    62. Mar kaleeto shaatigi
    63. Magac kale ubixiyoo
    64. Ismaldahe lagarayaye
    65. Muu shacabku dhiidhiyo
    66. Kacdoon may ku meershaan
    67. Haddii ay umuuqdaan
    68. Dibigii madoobaa
    69. Midba maalin laga cuno
    70. Goormay mintidayaan
    71. Waa macangag khayr daran
    72. Midkaan maamulaayee
    73. Ku macsuumay qaraxee
    74. Umacneeyay aayado
    75. Marna yiri mujaahid iyo
    76. Sheekh maahiraan ahay
    77. Bal maxay kulaayeen
    78. Musuuladii ku noolaa
    79. Moolkeeda hiiraan
    80. Ardadii mudnayd iyo
    81. Macalin iyo weriyiyo
    82. Wasiiradu magaalaa?
    83. Midna waan inkirayaa
    84. Midna waan qiranayaa
    85. Micneheeda yaa garan?

    86. Maamulaha doodow
    87. Muqdishadii ad muranteen
    88. Moodhar maysan wadanine
    89. Haka maagin weligaa
    90. Shabaab muhallig weeyee
    91. Afka marada lagu xiray
    92. Muuqan maayo ruux yiri
    93. Wuxuu maagan yahay sheeg.
    94. Miciin uma galaayaan
    95. Miskiin gaaja dilatoo
    96. Naftu markii ay qabatana
    97. Moos habar kasoo xaday
    98. Midig goyn ku fuliyoo
    99. Naxariisti mawliyo
    100. Mariid diinti uga dhigay
    101. Dambi ruux maquurtaa
    102. Naarbaa ka maginoo
    103. Murxin hilibka jiirkee
    104. Ama wuu macfaynoo
    105. Mawle wuu u dhaafine
    106. Malagani muxuu yahay
    107. Ma naartii adduunkaa?
    108. Mooryaan wax dhaca iyo
    109. Isbaariiste maanaca
    110. Ayaa igala miiggane
    111. Yuhuuddii maxaw galay?

    112. Meeriskaygi sheekada
    113. Waxa aan ku moosoo
    114. Maansadii kusoo xiray
    115. Dhammaan mu’alifiinow
    116. Muujiya dareenkiin
    117. Sheega meeshi khalad jiro
    118. Hakabaqina malagee
    119. Maalin baydin leediin
    120. Ruuxna moodi karahayn
    121. Ilaahow masiirkiyo
    122. Adaa meesha roon oge
    123. Nagu toosi marinkii
    124. Suubanuhu marayee
    125. Quraankuna micneeyoo
    126. Jannadaada loo maro.

    AAMIIN

    Curiye:- Xasan Bulxan Cali
    Bulxan105@hotmail.com

  3. suleymaan says:

    bismillah.
    Assalamu calaykum.
    abwaan shiino wuxuu i xasuusiyey xaafadii aan degnaa 80-maadkii .inkastoo aanan ahayn ardaydii muuse galaal haddana aaga uu tiriyey iyo meela kaleba aad ayaan u xasuustaa. maasha Allah.

  4. Ahmed says:

    Waxaan aad u slaamayaa Abwaanka Maxmemud Axmed cabdalla,Waxaana aad ii soo jiitay maansada dhexmartay abwaanka iyo mudisho. Anigu Muqdisho weligay ma arag, lakiin waxaan ka dareemaya in Muqdisho cadeey la odhan jiray oo muuska iyo canbaha la isla dhici jiray, aad baan uga xumahay dagaaladii sokeeye ee naafeeyey Muqdisho iyo dadkii maatada ahaa ee ubaxa u ahaan jiray, aad baan uga xumahay in ay maanta xabaalo xinjirtu biixisay noqto Muqdisho.waxaa aad ii dhiba oo kale wararka lagu soo qoro shabakadaha maba akhristo hadii Muqdisho ku qorantahay Cinwaanka maqaalka yacni damiirkayga baan indhaha la sii raaci karin, laakiin Abwaan Shiino maanadiisa waxa uu Cinwaan uga dhigay Muqdisho, waxaan ka faaiday maadama anan hore u arag Muqdisho sawirkii hore ee beryo smaadkii muqdisho Muqdisho ahayd..1991 kii ka hor anigu xamar baan u aqanay intii dagaalada sokeeye socdeena muqdisho..

  5. Abdulla Ali says:

    s.c.w.waxaan doonayaa in aan hanbalyo u soo gudbiyo ABWAAN SHIINO.iyo SOMALITALK oo noo soo gudbiyay sugaan wax ku ool ah.baal dahab ahna ka galeysa wacyi galinta umadda somaliyeed ee dilooday dagaalada sogeeye.yaa reyt hadii abwaanada oo dhan kala qeyb qaadan lahaayeen.mar kale hadii aad tihiin SOMALITALK waa mahad san tihiin sida aad qyb libaax uga qaadataan wacyi galinta iyo wixii lagu bad baadin karo shacabka somaliyeed.hadii ey noqon laheyd aqon yahan iyo wax garadka in aad la xiriir tiin iyo intii wanaag la doneyso somali.