Home » Warar »

Hay’adda Xannaaneynta Agoonta Al-Nahreyn ee degmada Afgooye oo bilowday dhismayaal cusub

Halkan ka daawo sawirada dhismaha cusub

Hay’adda Al-Nahreyn ee xannaaneysa agoonta oo xarunteedu tahay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa bilowday dhismaha 6-boos oo loogu talogalay in lagu xannaaneeyo caruurta.

Maamulka hay’addan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dhismahan ay ka koobnaan doonaan Iskuullo ay agoontu wax ku bartaan, guryo la dajiyo, Masjid iyo barxado waaweyn oo ay ku dheellaan kubadda iyo ciyaaraha kale ee caruurta.

Al-Nahreyn ayaa gacanta ku haysa in ka badan 415-cunug oo agoon ah isuguna jira gabdho iyo wiilal, kuwaasoo ay xannaaneynaysay tan 2003 markii irdaha loo furay xaruntan.

Mas’uliyiinta xaruntan lagu xannaaneeyo agoonta ayaa waxay ka dalbanaysaa dadka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadiisa ku nool inay gacan ka geystaan dhismaha cusub ee loogu talogalay in caruurta waayay waalidkood ay ku xanaaneeyaan.

“Waxaan ka codsanaynaa qof walba oo samofale ah inuu qayb ka qaato dhismaha xarunta, si loogu xanaaneeyo caruur agoon ah oo aan helin karin haddii aan la gargaarin cid gargaarta” ayuu yiri Madaxa xarunta Al-Nahreyn ee xanaannada agoonta Mukhtaar Max’ed Abuukar.

c1

Haddaba ciddii doonaysa inay gacan ka geysato dhismaha loo sameynayo agoonta waxay kala xiriiri karaan maamulka Al-Nahreyn: Tel: 00252-50-989977, 00252-50-714444 ama 00252-62-726600.

c2

Sidoo kale waxaad kala xiriiri kartaa: E-mail: Alnahreyn@gmail.com  ama Account Number: Xawaaladda Dahabshiil 3701, ama Xawaalladda Amal 11282.

Halkan ka daawo sawirada dhismaha cusub

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Hay’adda Xannaaneynta Agoonta Al-Nahreyn ee degmada Afgooye oo bilowday dhismayaal cusub "

  1. Axmed Xaaji says:

    aad ayaan ugu faraxsanahay waxqabadka hay’ada Alnahrayn,,, waxaana idin leeyahay sii wada howsha aad u haysaan umadiina