Home » Warar »

Dowladda KMG, oo soo bandhigtay lacag Dollar been abuur ah oo gaaraysa ilaa 3.5-Milyan oo doolarka Madow ah.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Waxaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho lagu soo bandhigay lacago faalso ah oo Doolarka Maraykanka ah, lacagtaasi been abuurka ah ayaa la sheegay inay ku sii jeeday Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya Gaar ahaan Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Lacagtaan faalasada ah ayaaa ahayd ilaa 3.5-Milyan oo doolarka Madow ah ayaa maalintii shalay lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Muqdisho taasoo ku sii jeeday magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow Wasiirka lacagta Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo maanta shir ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in lacagahaas loo adeegsan rabay dhibaatooyinka ka jira gobalada dhexe ee Soomaaliya iyo xasaradaha dhawaan ka bilowday gobalada Bari ee maamul gobaleedka Puntland.

Lacagtaan oo ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Airporka ayaa la sheegay inay gaarayso 3.5-Milyan, iyadoo ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen qofki watay lacagtaasi.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cali Madoobe ayaa sheegay in ninkaas ay Maxkamad ay soo taagi doonaan dhawaan si loo mariyo xukunka shareecada Islaamka.

aaz

Wasiirka wasaaradda lacagta ayaa sheeegay in lacagtaas la gubi doono si loo badbaadiyo hantida shacabka Soomaaliyeed, iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay qabto lacago been abuur ah oo ku sii jeeda gobalada dalka, waxaana horay sidaan oo kale loo qabtay lacag kale hase yeeshee waa markii koowaad ee la qabto qofkii lacaghahaasi Been abuurka ah sido.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dowladda KMG, oo soo bandhigtay lacag Dollar been abuur ah oo gaaraysa ilaa 3.5-Milyan oo doolarka Madow ah. "

  1. Mohammed says:

    Wax ay qabtaan ayay waayeen…maa beenta la iska daayo.
    Dadka tuugada ka qabta iyo ciidanka ku lebisan dareska booliska ee dhaca joogtada ah ku haya shacabka afmaran.
    Maalin walba waxaa degmooyinka ay ka taliyaan DFKMG ka dhaca dhac baahsan oo qorsheysan .. cid looga dacwoodana lahayn.

    Shareecada ayaa lasoo saarayaa qofka lacagta been abuurka lagu qabtay…??
    Shareeco inteed ku haysaan mise qawda ma qashii waxna ha u qaban weeye sheekadu.?