Home » Warar »

Soomaali kale oo weli ku harsan Xabsiga Guantanamo-Bay

 

Dad jinsiyado kala duwan ayaa laga sii daayey Xabsiga Kutanaamabay  ee ku yaala Jasiiradda Cuba kadib markii ay mudo dheer halkaasi ku xirnaayeen, waxaana dadka la soo daayey ka mid ah labo nin oo Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Max’ed Suleymaan Barre iyo  Ismaaciil Caraale.

Labaddaan ayaa lagu wareejiyey Maamulka la magacbaxay Somaliland, waxayna xabsiga ku jiraan mudo 8 sano ah sida uu sheegay mid ka mid ah raggaan la soo daayey, waxa uu sheegay in laga qabtay wadanka Bakistan isla markaana mudo dhowr bilood ah lagu hayey gudaha Bakistaan kadibna loo soo wareejiyey Xabsiga Kuwatanaama ee jasiiradda Cuba.   

Sii deysmada dadkaan ayaa ka dambeysay sida ay wakaaladda AP qortay kadib markii Madaxweyne Obama sheegay in uu irdaha isugu laabi doono xabsiga Kuwatanaama, waxayna Wasaaradda Cadaalada Mareykanka sheegtay in 2002 xabsigaasi laga saaray dad tirarooda lagu sheegay 560, haddana ay ku harsan yihiin 198 maxbuus.   

Dadka dhawaan la sii daayey ayaa sida ay wasaaraddu sheegay waxay kala yihiin Jamal Maxamed Calawi  Mari, Faaruuq Cali Axmed, Ayman Saciid Cabdalla Batarfi , Max’ed Yaasi Axmed Taher Fayad Yaxya Axmed  Al Rami iyo Riyad Atiq Cali Abdul Al        Haf oo yemen u dhashay, Abdul Hafiz, Sharifullah, Maxamed Raxiim iyo Maxamed Xaashim oo u dhashay Afghanistan iyo labada Soomaalida ah, waxaana dhamaan dadkaan loo kala dhoofiyey wadamadooda.  

Qaar ka mid ah maxaabiista ku harsan xabsiga Kuwatanaama ayaa lagu wadaa in loo dhoofiyo wadanka Mareykanka oo Maxkamad lagu saari doono dadkaa waxaa ku jira Khalid Sheekh  Maxamed  oo lagu eedeynayo in uu ku lug lahaa weerarkii 11-kii September.  

Markii la doortay Madaxweyne Obama ayaa waxaa soo kordhayey dadka laga sii deynayo xabsiga Kuwatanaama, waxaa lagu wadaa in sanadka cusub gebi ahaanba xabsigaasi la xiro. 

gtn

Labada ruux ee soomaaliga ah ee la geeyey Magaalada Hargeysa lana kala yiraahdo Maxamed Suleymaan Barre iyo Ismaaciil Caraale waxaa ka horeeyey nin kale oo sannad kaan Horaantiisii la geeyey Magaalada Hargeysa wuxuu soddog u yahay Ismaaciil Caraale waxaana la sheegey in dhowr qofood ay ku harsan yihiin Xabsiga iyadoo dadka soomaaliyeed ee la geeyey Xabsigaas intooda badan laga wadey wadamo shisheeye ka dib markii  wadamada ay joogeen uu Mareykanku ku cadaadiyey in dadkaa loo soo gacan geliyo  

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Soomaali kale oo weli ku harsan Xabsiga Guantanamo-Bay "

  1. ASALAAMA CALAYKUM WARAXMATULAH:
    Bacda salaam walaalayaashayda qaliga ahaw saw uma aragtaan nasiib daro in dhalinyarada soomaaliyeed ay maan ta meelkasta oodhibkajiro caalamka ay kujiraan ama aykamidyihiin dhibanayaasha caalamka ugu daran sida xabsigan ookale isla markaasna aynan lahayn dawlad udooda ama udamqata oo looyaro usamaysa amaba xataa ogaata cadadka dadkeeda ee maqan,tasna aysababikarto in uu soomaaligu meeljasta kuyahay mid aan tirsanayn,loodamqan la agayn, agoon aan hooyo iyo aabe toonalahayn islamarkaasna dareemaya cabsida cadawga haysta iyo cidlada ciirsi la’aanta ah,oo uusan marna filayn in lagasoodaba sanqadho halka kuwalamidka ah ayleeyihiin safiiro looyaro iyo qolyakaloo magacya leh.
    Walaalayaalanigu garan maayo cid aan ucararo oon rabi ahayn in ay jirto marka waxaan filayaa waxa inahaystoo dhami in ay yihiin ncuquubooyin aan kasbanay waxaanan kabixi karna oo kaliya markaan ilaah usoo wadalaabano,intakahoraysa waxaan odhanayaa walaaalayaalow sabra dulmibaalaydinku haystaa waxaad dareemaysaaana waan idhinla dareemaynaa laakiin waxaan nahay qowlkii carbeed eeyidhi.ALCAYNUL BASIIRAH WALYADUL QAZIIRAH:macnaheeduna waa (ishu waxway aragtaa gacantuse waygaabantahay,yacnii awood maleh):Walaalahayga qaaliga ahaw kuqaboojiya qalbiyadiina uun in aan ilaahay adoonkiisa marwalba dhib igutala gelin ee uu maalin uun farajkiisu u imaandoono oo uunicmaysan doono waayo laba yusri cusrigii udhexeeya in ay kaqaalib noqon doonan buu suubanuhu noosheegay,marka yawmu maa waan kabaxayna dhibkan nacusleeyey eena masaxay WASALAAMU CALAYKUM.

  2. Caasha says:

    Illaahey baa idinka soo furfuray gacanta Mareykana iyo xabsigaas xun. Waxaan idiin rajeynayaa waanag isha allah. Reer Hargeysa waa inay raggaas baantaan oo isla markaana sooryo la siiyo, si ay cabaar ugu noolaadaan intay nolosha dib ugula qabsanayaan.