Home » Warar »

Hambalyo Sanadka cusub ee Hijiriyadda 1431

Hambalyo Sanadka cusub ee Hijiriyadda 1431Your browser may not support display of this image.

Caawa ayaa la filayaa in uu curto Sanadka cusub ee Hijriyadda Islaamka 1431, waana bisha Muxaram oo ah bisha la bixiyo Zakada, iyadoo taasi jirto ayaa shacabka Soomaaliyeed ku baraarugsaneyn dhalashada sanadka cusub ee Islaamka taas oo lagu sababeeyey kadib markii ay qabatimeen sanadka Miilaadiga oo isagu haatan maraya 2009, maalmo kadibna la geli doono 2010. 

Dalalka aan haysan Diinta Islaamka si weyn ayay u qiimeeyaan sanadkooda marka uu dhalanayo waxayna sameeyaan Fantansiyo iyo Dabaaldegyo, hase yeeshee dadka Islaamka ayaa iyagu qaarkood aan ka war qabin dhalashada sanadka islaamka, qaarkood haddii aad weydiiso dhalashada sanadka cusub, waxa uu la soo boodayaa ma kii Nataalaha ama Miilaadiga, qaarkoodna waxaa la sheegay in ay isku hambalyeeyaan.Snnadka Milaadiga  

Sanado ka hor dadka Soomaaliyeed waxay hambalyo iyo fantasiyo u sameyn jireen sanadka Miilaadiga, hase yeeshee markii ay bilowdeen ururada Diiniga ah ayaa Fantasiyahaasi istaageen qaarkood waxay ku macneeyeen in ay ugu wacan tahay arrimo dhinaca nabadgelyada, iyadoo dhallinyarada qaarkood sheegeen in ay xusi lahaayeen sanadka Miilaadiga ee Gaaladda.haddii ay heysan lahaayeen Ammaan  

Warbaahinta oo laga rabay in ay Bulshada ku hagto wadada saxda ah ayaa iyaduna ku baraarugsaneyn dhalashada sanadka cusub ee Hijriyadda, waxaana taas ugu wacan iyadoo markay barnaamijiyada ama wararka sheegayaan isticmaala sanadka Miilaadiga ah, waxayna dadka qaarkii sheegeen in sababta koowaad leedahay warbaahinta oo la rabay in ay bulshada Soomaaliyeed ku hagaan sanadkooda Hijriyadda. 

Sanadka Hijriyadda ayaa soo bilowday waqtigii Nabiga la amray in uu ka hijroodo Magaalada Makka ALMukarama una hijroodaan Magaalada Madiina ayaa ah sanadka saxda ah ee loogu talagalay in ay ku dhaqmaan dadka Islaamka, kuna saleeyaan noloshooda, sida Ballamaha, Munaasabadaha iyo dhacdooyinka kale iyo wixii la mid ah, kana hirgeliyaan ama lagu baro carruurta Islaamka Iskuulaadka iyo waliba dugsiyadda Qur’aanka, sidaas si la mid ahanna waxaa wanaagsan in ay wadamada Islaamku ugu baraarugsadaan la socoshada Taariikhda Islaamka ee Hijriyadda, waxaa xusid mudan in Dowladda Sucuudiga ay tahay dowladda keliya ee isku taxlujsa la socoshada taariikhda Hijriyadda, waxayna sameysaa Kalandaro ku qotoma Taariikhda Hijriyadda.

Sannadka Islaamka waa laba iyo Toban Bilood waxay kala yihiin.

1-Muxaram

2-Safar

3-Rabiicul Awal

4-Rabiicul Thanii

5-Jamadul Awal

6-Jamaadul Thannii

7- Rajab

8-Shacbaan

9-Ramadaan

10-Shawaal

11-Dul-Qacdi

12-Dul-Xaj

Bisha Muxaram oo Caawa Bilaneysa waxaa ku jira Khayr fara badan wuxuuna Nabiga NNKH sheegay ay Bishaan ay ku jirto Yoomu-Cashuuraa  oo ah  in la Soomo 9-ka iyo 10-ka Waxaana loo dhaafayaa qofkii Sooma labadaas Maalmood Dambigii Sannadkii hore , waxay bishaan ka mid tahay 4-ta Bilood  Xurmada leh oo ah in aan la dagaalamin laakiin Islaamka haddii la soo weero waa dagaalamayaa , waxaa kaloo ka mid ah Bilaha Xurmadda Saddex waa isku xigaan waxayna kala yihiin Dul-Qacdi , Dul-Xaj iyo  Muxaram bisha kale waa Rajab

      Qofkasta oo Muslim ah waxaa laga rabaa in uu la socdo Bilaha Islaam uuna yiraahdo maxaa Khayr ah ayaa ku jira bishaan si aysan dhaafin Khayrka  
 

Isku soo wada duuboo Webka Somalitalk, madaxdiisa iyo dhamaan shaqaalihiisa kala duwan waxay hambalyo balaaran oo ku aadan Munaasabadda dhalashada Sanadka cusub ee Islaamka 1/1/1431 u dirayaan dhamaan Bulshada Islaamka gaar ahaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxayna Alle uga baryayaan in sanadkaan sanadkiisa kale bashabsh iyo barwaaqo ku gaarsiiyo.  

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com  
 
 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Hambalyo Sanadka cusub ee Hijiriyadda 1431 "

  1. Nuux says:

    Asalamualeykum wr wb wb, ilaahey kheyr ha idin ka siiyo is xasuusiinta bishan barakada badan, Ilaaheyna hanagu gaarsiiyo sanadke dambe nolol iyo cafimaad ba, asc