Home » Gabay, Maqaallo »

Gabay: Godane Weydiiya? | Abwaan Xasan Garaad Warsame

Ayadoo dadka Soomaaliyed ay ahaayen kuwo siyaabo kala duwan wax is kugu sheego ayaa hadana Gabayadu waxeey kamid ahaayeen waxyaabaha wax la isku tuuso ama wax la isku weydiiyo, waxeyna ka dharagsan yihiin Hal abuurada Soomaaliyeed in dhambaaladooda ay ku gudbin karaan waxa ka soo maaxdo Maskaxdooda, taaso mararka qaar noqota mid ufuran dhamaan dadka iyo hal abuurada Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan iney uga jawaabaan.

hadaba waxaana halkaan idinkugu haynaa Gabay Cusub oo uu tiriyaya “Abwaan Xasan Garaad Warsame” Gabaygaas oo ah fariin ku socoto, Hogaamiyaha Ururka Al-Shabab Al-Mujaajidiin SHEIKH MUQTAAR “ABUU SUBER”. (GODANE).

Abwaanka oo aan la sheekeystay ayaa waxuu i shegay in Gabaygaan uu u furan yahay Qof kasto oo Soomaali ah inuu ka jawaabo, ayadoo Warbaahintuna ay tahay meesha sida toosan ay ugu xiran yihiin Shacabka Somaliyed dad kuna ay kala socon karaan jawaabaha iyo isku hadal celinta Gabaygaan.

Gabaygaan oo ah Fariin si toos ah ogu socoto Hogaamiyaha Xarakada Al-Shabaab ayaa waxa uu ciwaankiisu yahay.

  1. Godane Weydiiya?!!!.
  2. Gororrada dulqaadkiyo marbuu samirku guuraaye
  3. durbase gacanla qaadiyo dagaal looma howl galo`e
  4. waa laga galliimaa dhacdadi laga gariifaaye
  5. mukar aadan goyn Karin marbaa laga gedoodaaye
  6. guudka waxaanka eegtoo fidnadu gubata qiiqdaaba
  7. oon gabay mareynkiyo dibnaha gacanta saaraaba
  8. sida Aar gantaal dhaawac iyo hadimo gaarsiiyey
  9. ama guga onkoday oo xareed galalka weydaarshay
  10. gufaacoodayey xalay miyey gugacday laabteydu
  11. ummadyahay xiligu gaasiroo sebenku gaadeyey
  12. oo guluf wareemiyo la nool geeridiyo dhiiga
  13. misna gebegebeysani waxbaan idin gudonsiine
  14. lixyo toban hal oo wada gudboon Godane weydiiya?
  15. maansadi gadaal loola dhoco gaagax waw halise
  16. gaarsiiya kani waa dhambaal galaya Taariikhe
  17. hadii aad Jihaad dhaba gashood gadatay dhiigaaga
  18. oon guri qurxoon iyo aduun gacalo kaaheynin
  19. wax gafuurka laga duubahaa Godane weydiiya?
  20. gobolada gorowiyo berbera nabad hadey gaadhay
  21. oon miino guuxdiyo shacbiga gaadmo lagu leynin
  22. maxaa koofur loo guba hayaa Godane weydiiya?
  23. dadku gobanimada waa horow geesiya u huraye
  24. guushii ilaah siiyey bey calanku gaareene
  25. go`madow siduu uga gadmaa Godane weydiiya?
  26. abtir aan la garan iyo woxow goomanka u sheegtay
  27. uuna godobta uga galay dadbaa soo gardaadiyey
  28. aabihina uga geedi yahay Godane weydiiya?
  29. nin dagaal guhaadiis badshiyo gaado lagu faano
  30. oo diinta geed lagu koriyo talisku goobaaya
  31. ma guulbuu islaamka u wadaa Godane weydiiya?
  32. waatan uu amiir toban gu` jira culumo gaaleyne
  33. oo gaban hub qaadiyo jahligu geeda laac wado`e
  34. gacan dhiigle sheikh sowku yahay Godane weydiiya?
  35. waaki yiri kitaabkaan u go`ay inan gargaaraaye
  36. muslimiina madaxyada ka gura galin dharaareede
  37. gardariyo xaqtuu korinayaa Godane weydiiya?
  38. go`aamadi hargeysiyo in uu go`iga taageero
  39. uuna gaardis ugu jiro in uu hadafku guuleysto
  40. xamashadu marbey nala gashee Godane weydiiya?
  41. ma gafow allaa nagaga digay goyn naftaanada`e
  42. gabal baqaro buu uga hadliyo ayaad gooniyehe
  43. midkii geysta waatii cadaab loogu goodiyeye
  44. isagoo jihad lagu go iyo gacalo moodaaya
  45. inuu ruux sidii mara gashtee bam isku googooyo
  46. halka ay ka soo guuriyeen Godane weydiiya?
  47. gaajada waqtiga barakiyo oomanka isgaaray
  48. gacmo iyo dad lugohooda bey seef ku gurayeene
  49. umadaa garsoorkii xakumay Godane weydiiya?
  50. gudcur dumay habeen iyo dadkaan galab la leynaayo
  51. mujrim ganni ku qaadanahayiyo ganacsi mooyaane
  52. wallaan gacan illahey ka baqi lagu gumaadeyne
  53. meydkoo wadada gegen kolkow shacabku soo gaaro
  54. gablan hooyadii noqotay iyo gabadhi ooydaaba
  55. xagiisey habaarka u gantee Godane weydiiya?
  56. islaanimada gaariyo woxow goonida u sheegtay
  57. maslaxadoo ka guudhiyo misana daamanka u giijay
  58. inta kalana gaalo uga dhigay Godane weydiiya?
  59. nin jihad ku goodina hayoo qori la gaamaaya
  60. muuminiina gowraca hayoo gala masaajiida
  61. guryahana u dhaca oo dafaa gudaye leylkii ah
  62. garne qaadan oon maatadiyo gacal ka yaabeynin
  63. gaaladana ka cararoon dagaal golowgu yeeleynin
  64. dadku sidey ku garabsiin karaan Godane weydiiya?
  65. hadey geelku taaliyo hadey geedo socotaaba
  66. gabaahiir ta joogtiyo midii guule hurudaaba
  67. darajadey garbacad wada sugtaa waa gafane uune
  68. kursigaa guclaha loo yihiyo gunuda caynaanka
  69. oo qalinka lagu gaaro iyo garasho maandoogtay
  70. in ay gumacku raadina hayaan Godane weydiiya?
  71. goobta saxan ma tiigsado adoon galin wareeraaye
  72. isagoo galbeed doonayow bari u geyftaaye
  73. markaa buu gawaan ku ambadaa gool libaax badane
  74. qabuuraha la galay meydtadaan gama`a loo diiday
  75. oo gerweynta iyo faagidiyo gawda lagu haayo
  76. iyaguna waxay galabsadeen godane weydiiya?
  77. garba siman amxaaradu markey galab u soo duushay
  78. shacabkii dagaalada galee libin ku geeraaray
  79. guuldariyo woxow ciil u baday godane weydiiya?.

gabay1

Abwaan Xasan Garaad Warsame

Email: abwangaraad@hotmail.com

Tabiye: Najah Mohamed Ali,

najax.usa@hotmail.com

Nairobi-Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

10 Jawaabood " Gabay: Godane Weydiiya? | Abwaan Xasan Garaad Warsame "

  1. jawaab says:

    waxaan u mahad celinayaa oo aan salaan iyo bogaaadin hawada u marinayaa bahda somalitalk waxaana leyahay noqda kuwa gudbiya fekerkasta oo macquul ah oo qofsomali ah leyahay waadna ku mahadsantihiin gabaygan aad umadda u soo bandhigteen waxaa kale oo aan si hufnaan iyo qudo dhiirir leh ugu mahad celinayaa abwaan ka gabayga curiyey waxaana kula talinayaa in uu noo soo gudbiyo gabayada xigmada leh sida kan ama kuwa kale waxaan aqristay gabayo badan oo waagii cowgu wadanka heystay aad tirisay oo qaar kood xataa somalitalk aan ku arkay abwaan xasan garaad noolow

  2. Awsame says:

    Go’madow siduu ugu gadmaa godane waydiiya?
    Gabaygaaga markii aan baydkaa marayo baan iska dhaafay waayo waxaa kaamuuqata laba go oo mid buluug yahay xidigna lagu astay mid madow yahay towxiidkana lagu qoray baa waxaa kula xun kan towxiidka.
    Teeda kale soomaalidu calan buluug ah oo aan jirin soo towxiid ma haysan.
    Waxaad kala garan la’dahay waxa laga qaloodo iyo waxa aan laga qaloon waxaase aanan adigu ku kohanayn rag 30 sano towxiid ku wacdiyay dadka baa calanka in la caabudo ku amray ducaatu dalaal waa badanyihiin adiguse mid aad tahay garan maayo kolay Warkii janaqow baad ku hadaaqday
    Eebow nacafi aamiin

  3. haadi xasan says:

    Asalaamu caleykum Abwaan xasan garaad warsame

    salaanta kadib run ahaantii waraan aad iyo aad uga faraxsanahay sidaad dalka iyo dadkaba ugu halgameysid waxaana kuu doortay halgamaaga sanadkaan jira iyo waliba gabyaaga qarigaan runtiina aad iyoaad yaaad u mahadsantahay saxiib waligaada noolow…….

    Asalaamu caleykum

  4. SSM says:

    AAWW,

    Abwaan Hassan Garaadow Alleylehay ishaad ka riday, oo halkii loo baahnaa baad ka gaartey Gabayga ee Alle ha soo hanuunsho Godane iyo inta Garabka siisay oo inay gar ku socdaan mooday, Jawaabta saxa ahna ayaga ayaa laga doonayaa.

    Tan kale Abwaanka waxa uu ka hadlay waa wax jira, Qabyaaladna kama muuqato ee waxaa qabyaalad ka muuqataa in Koonfur keliya diin lagu dhaqo oo soomaalidii kalena lagu dhaqo waxaan diin ahay oo Calama kale ka suran yihiin, waana runtiisa Abwaanku inuu ka hadlo, waayo soomaali waa mid haddii ay diin tahay waxa la rabo in lagu xukumo waa inay Soomali dhan ka sinaato oon gees kali ah lagu dhaqin Diin Islaam ah ee ayadoo dhan lagu dhaqo waa haddii aya cadaalad jirto.

    Wuxu hadeyna Diin ahayn waa in laga daayo koonfurna, hadey diin tahayna waa in cadaalad lagu dhaqmo.

    Tan kale Rasuul kasta oo Alle soo diro wuxuu risaalada ku bilaabi jiray ehelkiisa , marka Godane ehelkiisa waa inuu ku bilaabo oo Dowlada Islaamka ah soo dhagax dhigo meesha ehelkiisa, taas ayaan u aqoonsaneynaa inay tahay Mabda’ sax ah oo uu la rabo Islaamka oo dhan.
    AAWW

  5. Cabdulahi arwaax says:

    Ugu horenti wan salamaya umada somaliyed mel kasta o ey jogan sido kale waxan salamaya bahda somalitolk o uhagarbaxday umada somaliyed sigar ahna waxan usalamaya abawanka da,da yar abwan xasan garad warsame sln kadib abwan garad wan umahad celenaya inbadan waxana rajeynaya inu tarikhada baal dahab ah kageli donto waxana sugeyna jawabta godane abwankana waxan ugu baqaya inusan kadalin murtida allah ku maneystay inu ka haqabtiro umada somaliyed mahadsanid.

  6. Xasan says:

    Hambalyo, Abwaanka
    Waxaan leeyahay waxaad taabatay halkii loo baahnaa oo waliba aad murti iyo xigmad ku sheegtay, waanna kuu hambalyeynayaa, waxaanna leeyahay wax badan ayuu gabaygaagu beddeli karaa.

    waxaanse isweydiiyey meesha aad ka tilmaantay Garoowe iyo Berbera in uu ka hawl galo iyaga maxaad dhibta ula jeclaatay(Beydka 20,21,22), waxaad moddaa in aad u tilmaamaysid inuu dhibaato u geyso gobolladaa. intaa ka reeb gabaygaaga, inta kale waa sax.

  7. calasoowdheere says:

    Waa gabay aad u qiimo badan, oo ay tahay in aw firiintaa helo ina Godane, murti, erayada suugaanta ah, damgasho islaanimo, Soomaalinimo, iyo tu dadnimoba ka muuqdan weeye, ma u malaynayo Suugaanta ina godane inay xujjo furi karto Maansadaan kaliya Hagag uun buu la imaan karaa,
    Hassam garaad walaal ilaahay uuunbaa dhamaystiran, gobolada gorowiyo berbera nabad hadey gaadhay
    oon miino guuxdiyo shacbiga gaadmo lagu leynin
    maxaa koofur loo guba hayaa Godane weydiiya
    TUDCAHAASI WAA DHAAWAC GABAYGAAGA KU YAALA, Ma fahmayo waxaad ula jeclaatay in soomlida inta ka badbaaday dabka ina godane iyo dad qalatada la socota aad ugu tilmaamayso inay miinada kuu baahiyaan dalka
    sida kale aad baan kuugu mahadcelinhayaa

  8. Asc horta marka hore aadbaan uladhacay abwanka lagu magacabo abwan xasan garad warsame horta akhyarta adban ugu mahad celiyay run ahaantii abwankan da,da yar ee lagu magacabo abwan xasan garad warsame gabayga horta micnaha iyo wayabaha uu ka kobanyahay hadaan eego waa godane talo kusocoto iyo faalo shacabka somaliyeedna aad uladheceen waana wax runta taabanaya micna badana ka hadlaayo ninki wax garad ah aase fahmi karo oo siyaasi durka lagu daayay akhyarta wad mahadsan tiihin tow fiiqda alahana waa fajiyo

  9. cabdifitaxa says:

    waxaan aad iyo aad ula dhacay qaabka uu uhal abuuray iyo murtida buuxdhaafisay gabaygaan iyo siad uu uga hadlaayo xaqaa iqa kajiro soomaaliya abwaan afkaag caano iyo malab lagu qabay ayaan ku leeyahay waadna ku mahadsan tahay

  10. Assalamu calaykum wr wb nabad galyo iyo naxariis nabi muxamed korkiisa ha ahaato ,Abwaan xasan garaad warsame maansadiisa waxaa ka buuxa murti iyo xigmad laakiin booskeedii mahelin ugu horeyn cinwaanka ah godane waydiiya ma suaal wali taaganaa mise waa la waydiiyey amiirka guud ee xarakatul shabaabul mujaahidiin (xafidahu allah) hadaan la waydiin yey tahay cida waydiineysa hadayse gaarto fariintaan ma ahan wax u qalma in uu jawaab ka bixiyo sheikhu waayo waxaa ka dhadhamaya ereyo qabyaalad iyo wax la mid ah ka dhadhamayaan talada abwaankuna waa maxaa hargeysa dadka jooga nabad u heystan sheikhuna maahan argagixiye muslimiinta ee gaalada ayuu argagixiyaa anigoo ku kalsoon wadadka xarakada in uu sugaan uga jawaabi karo murtidada abwanka balse hataataq lagu sifeyn karo Yacni qof hurda hadal uu ku hadaaqo hadana kuma haboona wax sheikhu ka jaWAABO waxaan leeyahay abwaanka waad gabayday balse maalin uusan diirad lahayd ayaad didisay assalamu calaykum wr wb