Home » Warar »

Cabdi Qaybdiid oo loo magacaabay Wasiirka Macdanta DFKMG

Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa (December 14, 2009) waxa uu Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid u magacaabay wasiirka Macdanta iyo Biyaha.

Cabdi Qaybdiid waxa uu badalayaa Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo xilkaas hore u hayey. Oomaar waxaa loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare oo uu ka geeriyoodey Prof Ibaraahim Caddow oo ku dhintay Qaraxii hotel Shaamow (Dec 3, 2009).

Wareegtada lagu magacaabay wasiirada waxaa (15/12/2009) xarunta madaxtooyada DFKMG ee muqdisho saxaafadda ugu akhriyey Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Prof C/raxmaan Ibbi.

Waxaana halkaas lagu dhaariyey Qaybdiid ayadoo uu goob joog ka ahaa Sheikh Shariif . Goobta dhaarta maanta (December 15, 2009) ma uusan joogin Oomaar.

Waxaana halkaas hadal kooban ka jeediyey Sheikh Shariif oo sheegay in xilku yahay mid culus oo ciddii qabata laga doonayo in ay ka soo baxdo, isagoo sheegay in ay tahay masuuliyad la is weydiinayo adduun iyo aakhiro.

Cabdi qaydiid waxaa dhowaan laga qaaday xilkii taliyaha Booliska DFKMG oo muddo hayey.

qaybdiid

Markii xilka wasiirka macdanta loo magacaabay waxa uu sheegay in uu xilkaas ku faraxsan yahay.

Wararka la xiriira macdanta iyo Batroolka: (OIL NEWS)

Taxi! Range gets a fair go in Puntland

At last, a face to the many names (and deals)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Cabdi Qaybdiid oo loo magacaabay Wasiirka Macdanta DFKMG "

  1. cabdi cali says:

    Magacaabista cabdi qabdiid waxay u muuqattaa mid beesha uu ka dhashay lagu qancinayaao ee uma malaynayo in uu hayo karti wasiirnimo loogu xusho.