Home » Warar »

Taariikh Nololeedkii Halgamaa Cali Barduuro 1919-2009

TAAARIKH NOLOLEEDKII HALGAMAA CALI XASAN CALI (CALI BARDUURO) OO KOOBAN

Alle ha u naxariistee waxaan dib u milicsanaynaa Taariikh Nololeedkii Cali Xasan Cali (Barduuro) oo ahaa Halgamaagii ugu dambeeyay Ururkii dhalinyarada SYL Ee Gobonimo doonka islamarkana Keenay Xoriyada aynu hadhsanayno Ee aynu ku naaloonayno. 

Alle ha u naxariistee Wuxuu Halgamaa Cali Xasan (Cali Barduuro) ku dhashay Degmada Hobyo Ee Gobolka Mudug Wuxuuna dhashay Sanadku Markuu ahaa 1919 Wuxuu ku barbaaray Halgamaa Cali Barduuro Degmeda Eyl Ee Gobolka Nugaal .

Wuxuu Markii dambe u  Socdaalay Magaaladda Muqdisho Wuxuuna halkaas ka galay Waxbarashadiisi Aasaasiga ahyd. Markii dambena Wuxuu Muqdisho  uga sii boqoolay Cali Barduuro Magaaladda Roma Wuxuuna Kagaga Soo baxay Roma Kuliyada Culuunta Siyaasada.
 
Cali Xasan Cali (Cali Barduuro)Isagoo 18 jirna ayaa wuxuu kusoo biiray Ururkii Dhalinyarada SYL Ee  Gobonimo u doonka 1943 Wuxuuna ka dhex noqday Xubin aad u fir fircoon islamarkaana Wuxuu noqday Mudadii dhexa ragga hormuudka u ah Leegada.
 
Halgamaa Cali Xasan Cali (Barduuro) Wuxuu Xilal kala gadisan oo Arimaha Dibada ah   kasoo qabtay Mudadii ay jireen Dowladihii Rayidka.
 
Cali Barduuro Wuxuu Dowladii ugu horeysay Ee Somalia u magacowday Xoghaya Guud Ee Safaarada Somalia ku leedahay Wadanka maraykanka Labo Sano  kadib oo ku beegnayd  1962 ayuu Markale wuxuu ka noqday Xoghaya Guud Ee Safaarada Somalidu ku leedahay Wadanka Ethiopia, ugu dambeyn Waxaa loo dalacsiisay Halgamaa Cali Xasan Cali Barduuro Safiir Wuxuuna ka noqday Safiir Wadamadii  la isku odhan jiray Midowgii Soofiyeeti Wuxuuna Safiir ahaa ilaayo 1969.
 
Dowladii Milatariga markii ay dalka ku qabsatay Inqilaabka aan dhiigu ku daadan Halgamaa Cali Xasan Cali (Cali Barduuro) Waxay u aqoonsatay Kacaan diid, Waxayna Dowladii Kacaanku ka war heshay inuu Halgamaa Cali Barduuro wado baadhitaan ka dhan ah dilkii  Madaxweynihii Labaad Ee Somaliya C/rashiid Cali Sharmaake Cida  dhabta ah Ee ka dambeysay  Waxaana jeelka Lootaxaabay Bartamihii Todobaatameeyadii.
 
Alle  ha u naxariistee Halgamaa Cali Barduuro Wuxuu noqonaya Xubintii ama Halyeeygii ugu dambeeyay Ee Halyeyadii Gobonimo doonka Ee SYL (Somali Youth Leagua) Ee geeriyooda, horaantii Sanadkii aynu kasoo gudubnay Ee 2008 ayaa Waxaa Degmada Qardho ku geeriyooday Alle ha naxariistee Halgaaa Daahir Cismaan Xaaji oo lagu naaneysi jiray Dhagaweyne, Ma jiraan wakhti Xaadirkan Cid ka nool 13-kii DHalinyaro Ee ka dhiidhiyay Sancadaalaha guumaysanayay Wadankooda

syl09

Allah ha u naxariistee Cali Barduuro waxa uu Nairbi ku geeliyoodey November 10, 2009
 
Waxaa Nasiib daro ah ama wax laga Xumaado ah in Xoriyadii iyo halgankii dheere Ee ay usoo galeen Dhalinyaradii SYL Somaliya  Maanta lagu tuuray hog dheer oo aan laga soo qaban karin taasina ma ahayn mid ay filayeen dhalinyaradii Gobonimo doonka Ee SYL Waxa qudha Ee ay filayeen ama Sugayeen Waxay ahayd in  Taalooyin dhaa dheer looga dhiso Gobolada Somalia ama Magaalo Madaxda Somalia Ee Muqdisho.

Alle Ha u naxariistee Halgamaa Cali Xasan Cali Barduuro Mudadii u dambeysay oo dhan Wuxuu ku noolaa Degmada Qorlyoolay oo uu Beero ku lahaa.
 
Alle ha u naxariistee Halgamaa Cali Xasan Cali Barduuro Wax  Caruura Ifka kagama  uusan tagin.

Taariikhdan Waxaa soo diyaariyay oo isku soo duba riday  Wariye Liibaan C.rashiid Siciid oo jooga Magaaladda Nairobi Ee Xaruunta Wadanka Kenya Wuxuuna inta badan ka helay Taariikhdan Ehelada Marxuum Halgamaa

Cali Xasan Cali  (Cali Barduuro)
Liibaan C.rashiid Siciid
Liibaan5711@hotmail.com

………………

Magacyada 13kii dhallinyarada ahaa ee asaasay SYL

1. Yaasiin Xaaji Cismaan                                     
2. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin                    
3. Maxamad Cismaan Baarbe.                             
4. Maxamad Faarax Hilowle                                 
5. Sayidiin Xirsi Nuur                                           
6. Maxamad Cali Nuur                                        
7. Daahir Xaaji Cismaan
8. Xaaji Maxamad Xuseen
9. Khaliif Huudow Macallin
10.Cismaan Geedi Raage
11. Dheere Xaaji Dheere
12. Maxamad Cabdalla Xayeesi
13.Cali Xasan Cali (Barduure)

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Taariikh Nololeedkii Halgamaa Cali Barduuro 1919-2009 "

  1. abdi says:

    kaalay soo SYL lama aasaasin dagaalkii 2aad ka dib 1945 mise kahor. Suusa ku jiri karaa 18 haduu dhashay 1919 ilaa 1943 waxaa laga joogaa 24 sano, somali maskaxda ka shaqeesiiya intaa been qori laheedeen

  2. Ali Farah says:

    Salaan ka dib ,
    66 sano ka hor dhalinyadradii “SYL” oo ka dhiidhiday gumaysigii lagu hayey kuna guulaystay ,kasoo looga dan lahaa in mustaqbalka danbe dhalinyarada Somaliyeed wax kasta ee u keeni kara “Qaran-Jab” inay ka hortagaan .
    Hadaba:hadafkii “SYL” maloo hiiliyey , mise waa la hagraday ?” Somaliyey toos oo tubta toosan wada raac”!!!!