TAAARIKH NOLOLEEDKII HALGAMAA CALI XASAN CALI (CALI BARDUURO) OO KOOBAN
Alle ha u naxariistee waxaan dib u milicsanaynaa Taariikh Nololeedkii Cali Xasan Cali (Barduuro) oo ahaa Halgamaagii ugu dambeeyay Ururkii dhalinyarada SYL Ee Gobonimo doonka islamarkana Keenay Xoriyada aynu hadhsanayno Ee aynu ku naaloonayno.
Alle ha u naxariistee Wuxuu Halgamaa Cali Xasan (Cali Barduuro) ku dhashay Degmada Hobyo Ee Gobolka Mudug Wuxuuna dhashay Sanadku Markuu ahaa 1919 Wuxuu ku barbaaray Halgamaa Cali Barduuro Degmeda Eyl Ee Gobolka Nugaal .
Wuxuu Markii dambe u Socdaalay Magaaladda Muqdisho Wuxuuna halkaas ka galay Waxbarashadiisi Aasaasiga ahyd. Markii dambena Wuxuu Muqdisho uga sii boqoolay Cali Barduuro Magaaladda Roma Wuxuuna Kagaga Soo baxay Roma Kuliyada Culuunta Siyaasada.
Cali Xasan Cali (Cali Barduuro)Isagoo 18 jirna ayaa wuxuu kusoo biiray Ururkii Dhalinyarada SYL Ee Gobonimo u doonka 1943 Wuxuuna ka dhex noqday Xubin aad u fir fircoon islamarkaana Wuxuu noqday Mudadii dhexa ragga hormuudka u ah Leegada.
Halgamaa Cali Xasan Cali (Barduuro) Wuxuu Xilal kala gadisan oo Arimaha Dibada ah kasoo qabtay Mudadii ay jireen Dowladihii Rayidka.
Cali Barduuro Wuxuu Dowladii ugu horeysay Ee Somalia u magacowday Xoghaya Guud Ee Safaarada Somalia ku leedahay Wadanka maraykanka Labo Sano kadib oo ku beegnayd 1962 ayuu Markale wuxuu ka noqday Xoghaya Guud Ee Safaarada Somalidu ku leedahay Wadanka Ethiopia, ugu dambeyn Waxaa loo dalacsiisay Halgamaa Cali Xasan Cali Barduuro Safiir Wuxuuna ka noqday Safiir Wadamadii la isku odhan jiray Midowgii Soofiyeeti Wuxuuna Safiir ahaa ilaayo 1969.
Dowladii Milatariga markii ay dalka ku qabsatay Inqilaabka aan dhiigu ku daadan Halgamaa Cali Xasan Cali (Cali Barduuro) Waxay u aqoonsatay Kacaan diid, Waxayna Dowladii Kacaanku ka war heshay inuu Halgamaa Cali Barduuro wado baadhitaan ka dhan ah dilkii Madaxweynihii Labaad Ee Somaliya C/rashiid Cali Sharmaake Cida dhabta ah Ee ka dambeysay Waxaana jeelka Lootaxaabay Bartamihii Todobaatameeyadii.
Alle ha u naxariistee Halgamaa Cali Barduuro Wuxuu noqonaya Xubintii ama Halyeeygii ugu dambeeyay Ee Halyeyadii Gobonimo doonka Ee SYL (Somali Youth Leagua) Ee geeriyooda, horaantii Sanadkii aynu kasoo gudubnay Ee 2008 ayaa Waxaa Degmada Qardho ku geeriyooday Alle ha naxariistee Halgaaa Daahir Cismaan Xaaji oo lagu naaneysi jiray Dhagaweyne, Ma jiraan wakhti Xaadirkan Cid ka nool 13-kii DHalinyaro Ee ka dhiidhiyay Sancadaalaha guumaysanayay Wadankooda
Allah ha u naxariistee Cali Barduuro waxa uu Nairbi ku geeliyoodey November 10, 2009
Waxaa Nasiib daro ah ama wax laga Xumaado ah in Xoriyadii iyo halgankii dheere Ee ay usoo galeen Dhalinyaradii SYL Somaliya Maanta lagu tuuray hog dheer oo aan laga soo qaban karin taasina ma ahayn mid ay filayeen dhalinyaradii Gobonimo doonka Ee SYL Waxa qudha Ee ay filayeen ama Sugayeen Waxay ahayd in Taalooyin dhaa dheer looga dhiso Gobolada Somalia ama Magaalo Madaxda Somalia Ee Muqdisho.
Alle Ha u naxariistee Halgamaa Cali Xasan Cali Barduuro Mudadii u dambeysay oo dhan Wuxuu ku noolaa Degmada Qorlyoolay oo uu Beero ku lahaa.
Alle ha u naxariistee Halgamaa Cali Xasan Cali Barduuro Wax Caruura Ifka kagama uusan tagin.
Taariikhdan Waxaa soo diyaariyay oo isku soo duba riday Wariye Liibaan C.rashiid Siciid oo jooga Magaaladda Nairobi Ee Xaruunta Wadanka Kenya Wuxuuna inta badan ka helay Taariikhdan Ehelada Marxuum Halgamaa
Cali Xasan Cali (Cali Barduuro)
Liibaan C.rashiid Siciid
Liibaan5711@hotmail.com
………………
Magacyada 13kii dhallinyarada ahaa ee asaasay SYL
1. Yaasiin Xaaji Cismaan
2. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin
3. Maxamad Cismaan Baarbe.
4. Maxamad Faarax Hilowle
5. Sayidiin Xirsi Nuur
6. Maxamad Cali Nuur
7. Daahir Xaaji Cismaan
8. Xaaji Maxamad Xuseen
9. Khaliif Huudow Macallin
10.Cismaan Geedi Raage
11. Dheere Xaaji Dheere
12. Maxamad Cabdalla Xayeesi
13.Cali Xasan Cali (Barduure)
kaalay soo SYL lama aasaasin dagaalkii 2aad ka dib 1945 mise kahor. Suusa ku jiri karaa 18 haduu dhashay 1919 ilaa 1943 waxaa laga joogaa 24 sano, somali maskaxda ka shaqeesiiya intaa been qori laheedeen
Salaan ka dib ,
66 sano ka hor dhalinyadradii “SYL” oo ka dhiidhiday gumaysigii lagu hayey kuna guulaystay ,kasoo looga dan lahaa in mustaqbalka danbe dhalinyarada Somaliyeed wax kasta ee u keeni kara “Qaran-Jab” inay ka hortagaan .
Hadaba:hadafkii “SYL” maloo hiiliyey , mise waa la hagraday ?” Somaliyey toos oo tubta toosan wada raac”!!!!