Home » Maqaallo »

MAXAY GALABSADEEN OO LOO DILAY? | Ibraahim Saalax

MAXAY GALABSADEEN OO LOO DILAY?

Inkastoo si joogto looga soo sheego magaallada Muqdisho, xarunta Soomaaliya iyo meelo kale oo u badan koonfurta Soomaaliya wararka la xiriira qaraxyo iyo dagaallo ay ku le’enayaan dadyow fara badan oo soomaaliyeed, ayay misana iiga duwanayd qaraxii bishan Diseember 3-deedii lala beegsaday Hotelka Shaamow qaraxyadii ka horeeyay.

Dhowr siyaabood awgeed ayay iigu reebeen saamayn gaar ahaaneed. Waa tan koowaade, markii aan warkan naxdinta lahayd maqlayay waxaan ku sugnaa magaallada barakaysan ee Makkah Al-Mukarama, annigoo ku guda jiray dhamaystirka acmaasha Xajka, waxyaabihii aan Allah ka baryay ayaa ka mid ah inuu Soomaaliya iyo Soomaalida ku galladaysto nimcada ammaanka iyo amniga.

Waa tan labaade, qaraxu wuxuu dhacay bil ka mid ah billooyinka xurmada iyo qaddarinta ku leh islaamka, waa Sharul-Dil-Xijjah (bishii Carafa).

Tan 3-aadna, waa markii lagu sheegay in ninkii ka danbeeyay qaraxii hotelka Shaamow uu ahaa nin soomaaliyeed oo sannado badan degganaa dalka Denmark. Waa qaraxii ay ku dhinteen arday badan, wasiiro ka tirsan dowladda KMG ah iyo aqoonyahanno iyo marti kaloo iyagu soo qabanqaabiyay xafladdii loogu caleemo saaray ardaydii ka qalan jebisay maaddada medicine-ka, diyaarkana u ahaa inay caawiyaan, daaweeyaan iyo weliba sabab u noqdaan badbaadinta kumanaanka kun ee la-il-daran cudurrada kala duwan, kuwa ku dhaawacmaya qaraxyada sida joogtada uga dhaca Muqdisho iyo sidoo kale hooyooyinka iyo dumarka soomaaliyeed ee baahida weyn ugu qaba daryeellada joogtada ah ee sida khaaska ah iyaga ugu baahan.

Waa amakaag. Waa naxdin. Waa murugo daran. Ninkan Soomaaliyeed wuxuu galaaftay oo uu sabab u noqday dhimmashada dad ka badan 22 qof oo dhammaantood ay yihiin soomaali. Si kale, haddaan u iraahdo dhammaantood wada muslimiin ah, weliba intooda badan aan shaqo ku lahayn siyaasaddan jahawareersan ee Soomaaliya ka jirta. Dadyowga dhintay waxay u badnaayeen arday iyo dhalinyaro soomaaliyeed oo duruuf aan sinnaba la tilmaami karin waxbarashadoodu ku qaatay dalka dunida ugu xasiloonida daran. Dalka dunida ugu faqriga badan iyo dalka dunida ugu ammaanka daran. Waa dalkii Soomaaliya la oran jiray ee 20-ka sanno aan ka jirin wax dowlad la oran karo.

Talow, ninkan geystay falkan foosha xun maxay ahayd ula jaaddadiisu?. Aqoontiisa diinta halkee gaarsiisnayd? Imisa sanno ayuu Denmark degganaa? Imisa jir ayuu ahaa? Yeyse yihiin kuwa baadiyaysan ee lunsan ee ku dhiirageliyay fal-denbiyeedkan ay xarrimtay shareecadeena Islaamka.

Su’aalahan qaarkood ayay ii suurtogashay inaan weydiiyo Cabdirashiid Nuur Cartan oo ay saaxiibo dhow ahaayeen ninkii lagu sheegay inuu ka danbeeyay qaraxii hotel Shaamow ee 3-dii bishan december ka dhacay magaallada muqdisho, iyadoo sidoo kalena uu Cabdirashiid Cartan siiyay wareysiyadan oo kale guud ahaan warbaahinta dalka Denmark, gaar ahaan TV2 iyo wargayska afka dheer ee Berlingske Tidende.

abdirashid

  • FG. Sawirka sare waa abdirashid

“haa waan aqaanay, sannado badan ayaynu saaxiibo ahayn. Wuxuu ahaa wiil dabacsan oo kaftan badan, qosol badan, sidoo kale naxariis badan” ayuu yiri Cabdirashid Nuur Cartan oo 28 jir ah deganna magaalalda Copenhagen, kana barta cilmiga bulshada.

“markaan sawirkiisa ka arkay bogagga internetka ee soomaalida marnaba ma aan rumeysan, xaqiiqdana Rabbi ayaa og inuu isagu ahaa. Shoog iyo amakaag iyo dareen argagax wata ayaa saaqay dhammaan jirkayga oo dhan” ayuu raaciyay Cartan oo intuu ila hadlayay si weyn uga dareemayay dareenkiisa xanuunka badan ee ku aaddanaa dadkii soomaaliyeed ee ku le’day hotelka Shaamoow.

“marnaba isma oran waxaa falkan oo kale samayn kara Cabdiraxmaan oo aan ugu yeeri jirnay nuunow. Isma oran wuxuu sabab u noqon karaa inay dhintaan wax ka badan 22 qof oo ka mid ah dad walaalihiis ah oo soomaaliyeed” ayuu yiri Abdirashid Nuur Cartan, isagoo ii sheegayna in markii ugu danbeysay ee ay is arkeen ninkani uu hadal hayay inuu ka guuro Denmark, una guuro dal ka mid ah dunida islaamka.

“hase ahaatee, marnaba filan-maynin inuu ku qancay mid ka mid ah fikradaha kuwa sheegta Jihaadiga ee Soomaaliya ka jira. Isma lahayn inuu tusaale ahaan ku biiri doono Xarakada Mujaahidiin Al-Shabaab oo kale sida ay sheegeen qaar ka mid ah webside-yada soomaalida ay leeyihiin” ayuu markale yiri Abdirashiid Nuur Cartan.

“Xilligii dhalinyaradeenii waxaan waddada dheer ee xaafadda Rødovre ku wadi jirnay mootooyinka dheereeya, innagoo sidaas ku faraxsan. Waxaan wada ciyaari jirnay kubadda cagta. Waan jeclaa wehelkiisa iyo markii aan la joogo. Muusood, farxad iyo sheekooyin xiiso badan ayuu nagu biirin jiray anniga iyo dhalinyarada kale ee saaxiibadu ahayn” ayuu yiri Cartan oo aan si fiican u seexan dhowr habeen, kadib markii uu maqlay in saaxiibkiisii lagu sheegay saaxiibkiisii hore inuu ahaa ninkii ka danbeeyay qaraxii hotelka Shaamoow.

Horey ayay dhalinyaro soomaaliyeed oo degganaa magaallada Minneapolis ee dalka Mareekanka la sheegay inay qaraxyo noocaan oo kale ay ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo arrintaasna ku soo kordhisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee USA welwel iyo cabsi weyn. Waxaa magaallooyinka Copenhagen iyo Aarhus ee dalka Denmark iyo meelo kale oo ka mid ah qurbaha lagu qabtay kulamo dhaliillo loogu soo jeedinayo kuwii ka danbeeyay qaraxii hotelka Shaamoow, iyadoo dhinaca kalena tacsiyo u diray ehelladii iyo qaraabadii dadkii ku dhintay qaraxaas.

Ibrahim Saalax Aden
ibra88@hotmail.com
Denmark

  • FG. SIXID: Sawirka sare waa abdirashid (oo ku xusan qormada)

Qoraaladii hore ee Ibraahim Saalax https://somalitalk.com/ibraahim/

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " MAXAY GALABSADEEN OO LOO DILAY? | Ibraahim Saalax "

  1. suleymaan says:

    bismillah.
    Assalamu cxalaykum.
    waxaan filayaa maqaalkaan waxaa ka dambeeyey wareysigii ay bbc la yeelatey waalidla dhalay c/raxmaan,marka lama hubo inuu c/raxman falkaan ka dhacay shaamboo geestey .
    teeda labadaa waxaa la qorey ama la sheegey in qofka qaraxa geestey uu xirnaa xijaabka dumarka !!,hadaba sidee la isu waafijin sawirka c/raxmaan qaraxa kadib oo uu shaati qabey iyo kan hada lasoo geliyey website-yada qaarkood oo uu isla shaarkaas xirnaa. xaqiiqda Alle ayaa og .
    WALLAHU MUSTCAA.

  2. Abdullahi Af-macaane says:

    as. ama yaab ama ha yaabin waxaas iyo wax ka daranba waa la filayaa inta dulmiga aan xadka lahayn ka soo socdo soomaaliya.
    uma jeedo in kuwii halaagsamay laga gooyay wax ay sameyeen waxaanse ula jeedaa in guud ahaan bulshada soomaaliyeed ay koobayso natiijada dulmiga soo socday mudada dheer. 22 qof oo mar laysla dilay, waa 22 waa wax ka foolxun aduunka oo 22 mar gadooma, laakiin meeqaa sidaas oo kale ama ka badan badaha loogu daadiyay, meeqaa guryahooda iyo haweenkooda iyo ayagaba la haystaa, meeqaa ciil aan dhamaan iyo yasmo geyiga soomaaliyeed ku jooga…war aan alle ka cabsano oo toobad keeno…