Home » Warar »

London: Bannaanbaxii looga soo hor jeeday Xasuuqii Ardaydii iyo Aqoonyahanadii Hotel Shaamow

Isu soo baxii magaalada London ee loogu baroordiiqayay Ardaydii iyo aqoonyandii ku naf waayay qaraxii Hotel shamoow

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Boqolaal soomaali ah oo ka tiiraanyeysan dhacdadii naxdinta laheyd ee ay naftooda ku waayeen dad isugu jira Arday,Aqoonyahano, Macalimiin, Dhaqaatiir, wariyayaal iyo Waalidiin, ayaa isugu soo baxay bartahamaha magaalada si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan falkii foosha xumaa ee lagu baabi’iyay mustaqbalka Somaaliya. Dadka ka soo qeybgalay isu soo baxaan oo isugu jiray Dhalinyaro, Arday, Aqoonyahano, Culimaa’udiin iyo Haween ayaa waxa ay si weyn uga soo horjeedeen falalka arxan darrada ah ee had iyo jeeraale ku dhaca bulshada rayidka ah iyo shacabka maatada ah een waxba galabsan iyagoo isla markaasina ku hadaaqayay erayo ay ka mid yihiin “U dulqaadanmeyno xasuuqa shacabka,ma ilaabi doono ardadii ku dhimatay xasuuqaas” iyo kuwo la mid ah.

Dadka ka soo qeybgalay isu soo baxaan ayaa u badnaa dhalinyaro ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay Naadiga dhalinyarada soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SYC iyo ururka Ardayda jaamacadaha Somaliyeed ee UK ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan UKSSA. waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay ururka Kacdoonka Haweenka Soomaaliyeed oo iyagu sheegay in ay tahay wax aan marnaba loo dulqaadan doonin falalka nuucaan oo kale ah.

shmow

Gabagabadii isu soo baxaan oo ahaa mid xamaasadiisu aad u sareeysay ayaa waxa uu kasoo gabagaboobay baaq ay si wada jir ah usoo jeediyeen Naadiga dhalinyarada Soomaaliyeed (SYC), kan ardayda soomaaliyeed ee UK (UKSSA) iyo kan Kacdoonka Haweenka soomaliyeed. baaqaas oo ku wajahan dhamaan bulshada Soomaaliyeed kuna boorinaya in qof kasta oo soomali ah uu waajib ka saaranyahay wadankiisa ayaa waxa uu sidoo kale ugu baaqayay dadka ay gacanta ugu jirta talada dalka iyo kuwa isku haya gacan ku heyntiisaba iney ay isu tanaasulaan si loo badbaadiyo shacabka sida xaq darrada ah loo dilayo.

waxay sidoo kale ugu baaqeen bahda wax baraneysa ama barayaba iyo cid kasta oo howl u heysa bulshada sida Ardayda macalimiinta dhaqaatiirta iyo wariyaasha in aanay ka niyad jabin howsha ay bulshada u hayaan.

Yusuf Farabadan
farabadan@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " London: Bannaanbaxii looga soo hor jeeday Xasuuqii Ardaydii iyo Aqoonyahanadii Hotel Shaamow "

  1. muslimah says:

    Asalaam caleykum waRaxamtullaahi Tacaala waBarakaatuh

    Waxaa maanta Soomaliya ka socda oo weligiis jirijirey waa QABIIL,oo dadka 99% dhiiga ka galeen Soomalida intaa badan.
    Dadkaa maantaa Soomaliya dagaaladaan baas oo aan dhamaaneyn u keeney waa dad isku tilmaamayaan professoore iyo kuwa cilmigaa diintaa ku yar.
    Bal xagee lagu arkey dad muslimiin ah oo jabhado kala magac ah, maxaase is dhamaan 2daa jabhadood, oo weliba muslim oo muslim kale dila, ama ugu yeraan kaas waa gaal iyo waxaa aan loo bahneyn, iyo kuwa la leeyahay hebel waa professor iyo hebel waa inna hebel (qabiil) iyo qof wadaad ah oo wadankisaa u fasaxey in gaalada ay sii joogaan,oo sidaas dadkooda masaakiinta ah, mustaqbalka caruurtooda u burburyeen? waa iga suaal walaalyaal, MA DADKAAS AYAAN KU TILMAAMYNAA DAD MUTACALIMIIN AH?
    waxaan Allah (Subxaanahu wa Tacaala) ka rajeynayaa in dhamaan umadda Soomaliyeed iyo Muslimiintaa kaleba ay Diinta ISLAMKA isku jecladaan isuna cafiyaan (Allaahumma Ameen Ya Allah)
    wasalaam caleykum waRaxamtullaahi Tacaala waBarakaatuh

  2. umu salama says:

    aadbaan akhyaarta idiin salaamaayaa salaan kadibna waxaan usheegaayaa soomaalida aadka loo wareeriyey ee halka meel uun wax laga tuso in wixii kadhacay shaamow uun eheen wax shaqsiyaad ama dibad kaimaadey een kadambeen laakiin uu kadambeeeyaan kuwaan dowlad isku sheega ah laakiin qowmiyada kasoo jeeda koofur qaasatan reer muqdisho waxaas waa ka qarsoontahay. waayo maraa farta loogu fiiqey alshabaab taasaana wax kasta loo qaataa anigase waxaan idin dhihi lahaa cadowga raba iney soomaali maalinna horu mar gaarin nabad kadhicin isku duubmin waa mid nasoo dhax dagey oo gaalo fangaleeso waxaadna ogaataa in wadamo badan oo adunka loo burburiyo masaalix iyo dano laga leeyahay wadanka marka soomaaliyey alshabaab arintu kaweyn horaana loo yiri baroorta orgiga kaweyn. ee bal hareerihiina iyo dhaxdiina iyo sidda siyaasada aduunku isku badashey fiiriya waayo mareekanku dantii uukalahaa wadamo islaam ah uu wuxuu u burburiyey sarihihiisii dhaadheeraa oo hadda fashilmeen ruushkuna markuu rabey inuu dagaalyahanada muslimka ee wadankiis inuu ladagaalo baabi iyana umad muslim ah oo masaakiin ah oon waxba galabsan buu u burburiyey 99 kii sar dheer oo wadankiisa ugu caansaneed oo dareenka shicibkana kicisa xanuunka kasoo gaarey dadka ku dhintey waanan ogeen kuwii mareekanka xanuunkii iyo dhibkii muslimka kasoo gaarey oo badashey aragtidii caalamka oo dhan bal waxaan dhihi karaa badashey taariikhda adunka oo waji cusub usameesey dunidii marka reer muqdishow haumaleenina in dhalinta soomaali ee idin la mid ka ah uu waxyaabahaan ookale sameenaayee waxaa idin soo dhax galey waa mu aamaraadkii dunidda muslimka lagu baabi inaayey ee gaalada hay ad ahaanta idiinkugu imaanaayo iyo kuwa lamidka ah iska ogaada…….wasalaamu claykum ww..

  3. Mustafa says:

    Assalaamu Alaikum Akhyaarta Golahan Dhamaan,
    Wixii halkaa ka dhacay waxay ahayd wax aad iyo aad looga murugoodo.Waxaase mudan in la xuso sawirka lasoo geliyay mareegaha Soomaalida ee laynaga dhaadhicinayo in ninkaa ka dambeeyay waxay GEF wayn ku tahay dadka caqliga u saaxiibka ah.Sababtoo ah ninkii bomb-ka isku qarxiyay oo qaarkiisa hore fiyow dahay waxa keliya ee ka muuqdaa ay tahay firirkaga yaala ishiisa bidix ee hoose waa wax aan la qaadan karin maskaxda fiyoow ee aadanuhu Alle ku manaystay.Ee waxan oron lahaa war dadka u cuntama la imaada.Waayo kii wax qarxiyaa sidaa ah, kuwii lagu qarxiyayna badankood way googo’een waa mas’alo madaxa daalinaysa.
    Dhamaan waxaan Alle waydiisanaynaa kuwii waxan foosha xun ka dambeeyay ee dhagar-qabayaasha ah in inta ay noolyihiina Alle ku soo dedejiyo CUQUBADII ay gaysteen.Aamiin.

  4. Jarweyne says:

    Salaamun Caleeykum,

    Walaalayaal, waxaa in lagu farxo ay mudan tahay dadkan soomaaliyeed ee ka dhiidhiiyey in la gumaado arday mustqbal wanaagsan u noqon lahayd umadaan jahligu dilooday ee soomaliyeed. Laakiinse waxaa is weeydiin mudan waa kuma cida ka danbeeysay gumaadkaan waxashnimada ah?? Dulucda gumaadkana xageey ku wajahneeyd ??? Maxaase keenay in la ugaarsado cid kastoo wax garan karta hadeey Diin noqon lahayd iyo hadee Maadiba noqon lahayd?? Inta badan hadaanu soomali nahay prejudgementiga waa uu naga soo horeeyaa. Laakiin aniga shaqsi ahaanteeydu waxaan dhihi lahaa maadaama kooxaha siyaasada hor boodaya somalia maha koox mabda’oodu u madax banaan hadeey Alshabaab iyo Dowladuba ahaan leheed. waxaan ka qabar moognahay in soomaliya ay joogaan cadawyo midabyo badan leh oo ay inteligence servicekoodu aad isku luqad yihiin somalida isku wadcina ay ku wada jiraan marka yaanan alshabaab iyo xizbul islaam dhiiqada kuma wada ekee aan fiirino waxyaalaha badan ee somaliya ka jira ee aan indhahayaga iyo garashadeena ka qarsooman somali hadaanu nahay

    Salaamun Caleeykum.

  5. cawsweyne says:

    Waxaa la yaab leh dadka ka soo jeeda Goboladda Dhexe iyo waqooyi, iyo Jubadda hoose iyo bay iyo bakool miyeysan ka dhiidhiyeen 2000 ee daroodka ahaa iyo isaaq iyo raxanweynta ee xamar dharaar cad lagu dilaayey,wax halkaan lagu soo koobi karo maha , professors,Drs,teachers, enginesrs, journalist, civil society, dadkaas waxay ku aasan yihiin xamar qaarna guryahoodii ayaa ilaa hadda la haystaa oo ay ku tuugan yahiin, dadka qaylinaya oo sawiradoodu halkaan ka muuqdaan waa kuwa liita oo dhaan raaca, who cares what is going mogadisho.