Home » Warar »

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM oo ku baaqay in la labanlaabo dadaallada ku aaddan nabad soo celinta

WAR-SAXAAFADEED 032/2009
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammadda Midoobay oo maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka ku baaqay in la labanlaabo dadaallada ku aaddan nabad soo celinta

Nayroobi, 10 Diisembar 2009 – Ergeyga Gaarka ah ee Qarammadda Midoobay u Qaabilsan Arrimmah Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah, SRSG, ayaa ku ku baaqay in la labanlaabo dadaallada ku aaddan nabad soo celinta laguna dhamaynayo qaska waxyeelleeyay nolosha dadweyne badan oo Soomaaliyeed, sidoo kalena lagu dhammeynayo la xisaabtan la’aanta faraha ka baxday ee sii hurinaya deganaansha la’aanta jirta.

Isagoo ka hadlaya maalinta caalamiga ee xuquuqul insaanka ee ku beegan maalintii la isla ogolaaday Bayaanka Caalamiga ee Xuquuqul Insaanka oo ah 10kii Diisembat 1948, Md. Ould-Abdallah wuxuu yiri aqoonyahannada Soomaaliyeed iyo Dunidaba waxay indhaha ka qabsadeen musiibada foosha xun ee haysata dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan xadgudubyada iyo gaboodfallada faraha badan ee xuquuqul insaanka (Ummadda Soomaaliyeed) sannadihii la soo dhaafay.

“Waxaa maanta hal toddobaad laga joogaa maalintii weerarkii bahalnimada ahaa lagu qaaday xafladdii qalinjebinta ahay ee lagu qabtay magaalada Muqdisho laguna dilay dhakhaatiir, arday dhakhtarnimo baranaysay, iyo saaxiibadooda, qaraabadooda, wasiirro, macallimiin, wariyeyaal, laguna dhaawacay dad kale oo fara badan”, ayuu yiri Md. Ahmedou Ould-Abdallah.

“Dhacdadii naxdinta lahayd ee 3dii Diisembay waxay na tusaysaa sida foosha xun leh ee dad Soomaali ah ay u galayaan kuwo kale oo walaalahooda ah”

Ergayga Gaarka ah wuxuu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed intooda badani ay maalin walba dagaal ugu jiraan sidii ay u noolaan lahaayeen, u heli lahaayeen cunto, hoy, daryeel caafimaad, waxbarasho, iyo sidii ay isaga badbaadin lahaayeen xadgudubyada, una heli lahaayeen xuquuqdooda ku cad Bayaanka Caalamiga ee Xuquuqul Insaanka.

“Waxaa soo koraya fac dhan oo dadka ka mid oon weligood arkin ama ku noolaanin nabad ama jawi degenaansho ku dheehantahay laguna dhowro xuquuqda aadanaha”, ayuu yiri Md. Ould-Abdallah.

“Waxaan rumaysanahay in koox yari ay mas’uul ka tahay sii socodka dhibaatada, kuwaasoo ummadda u geystay dhibaato aan laga sheekeyn karin, kuwaasoo lagu la xisaabtami doono falkan foosha xun. La xisaabtan la’aantu ma aha wax weligiis jiri doona.” 

Md. Ould-Abdallah wuxuu ammaan u soo jeediyay kuwa sida joogtada ah naftooda khatarta u gelinaya maalin walba si ay u difaacaan xuquuqul insaanka walaalahooda, gaar ahaan dadka da’da ah, haweenka iyo carruurta. 

walada

“In la dhowro nolosha iyo sharafta dadka kale waa arrin waajib ku ah kuwa mas’uuliyadda haya, sidoo kalena waa mas’uuliyad qof walba saaran. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed, ha ahaadeen kuwa jooga dalka gudihiisa ama dibaddiisaba, inay cambaareeyaan, diidaanna wax kastoo keenaya colaalad, isla markaana ay labalaabaan dadaalkooda ku aaddan soo celinta xasilloonnida”, Md. Ould-Abdallah.

Donna G. Cusumano
Public Information Officer
United Nations Political Office For Somalia (UNPOS)
Telephone: Office – 254 20 7627133
Mobile – 254 737 400133
Email: Donna.Cusumano@unon.org
www.unpos.unmissions.org

PRESS RELEASE 032/2009

SRSG on International Human Rights Day calls for stepping up efforts to restore peace

Nairobi, 10 December 2009 –The UN Special Representative for Somalia, Ahmedou Ould-Abdallah, has called for a redoubling of efforts to restore peace and to put an end to the violence which has devastated the lives of so many ordinary Somalis and to the pervasive impunity which is perpetuating the conflict.

Speaking on International Human Rights Day, which marks the anniversary of the adoption, on 10 December 1948, of the Universal Declaration of Human Rights, Mr Ould-Abdallah said Somali elites and the world have all too often turned a blind eye to the horrendous plight of the Somali people, and especially to the multitude of violations and abuses of human rights committed over the years.

“Today marks one week since the horrendous attack on the graduation ceremony in Mogadishu which killed doctors and medical students, their friends and relatives, ministers, teachers, journalists and wounded many others,” said Mr Ould-Abdallah. “The tragic events of 3 December are the worst reflection of how Somalis are treated by their Somali brothers.”

The Special Representative pointed out that for the majority of Somalis, each day is a battle for survival, to find food, shelter, healthcare, education and protection from abuses, rights enshrined in the Universal Declaration of Human Rights.

“A whole generation is growing up having never known what it means to live in a peaceful, stable environment where rights are respected,” said Mr Ould-Abdallah. “I believe those responsible for perpetuating the conflict are a small minority who have done untold damage and will be held to account. Impunity cannot last forever.”

Mr Ould-Abdallah praised the courage of those who continue to risk their lives to protect and defend the human rights of their fellow countrymen, the elderly, women and children.

“Respecting the life and dignity of others is an obligation for those in positions of authority, but also the responsibility of everyone. I urge all Somalis, whether inside the country or in the Diaspora, to condemn and reject all acts of violence and redouble their efforts to restore stability,” he said.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM oo ku baaqay in la labanlaabo dadaallada ku aaddan nabad soo celinta "

  1. Xassanyare says:

    Waa arrin cajiib ah…..
    Baaqan iyo qudbaddan uu akhriyay Walad Cabdalla waxaay ahayd in Madaxweynaha Dalka Soomaaliya uu soo jeediyo .
    Macal asaf waxaa madaxtinimadii oo idil la wareegay nin loogu soo dhiibay mucaawinadii loogu tala galay in la siiyo Soomaaliya.
    Walad Cabdalla waxuu u hadlayaa sidii in uu Madaxweyne ka yahay Dalka Soomaaliya, marna asagaa jilaafo noo dhigaya sida jillaafadii dhul badeedka Keenya uu ku wareejiyay si dadban, iyo jillaafadii Nuur Amerika uu usaxiixay Qabsashada Dalka ee qarniga cusub.
    Waxaan sugnaa waa jillaafada saddexaad oo ah tii ugu dambeysay oo magaca Somaliya uu ku tirtirmi lahaa.