Home » Warar »

Dalada Ardada Soomaaliyeed ee wadanka Australia oo tacsi u sameeyay dadkii wax kuyeeloobay qaraxii Hotel Shaamoow.

Ururka Dalada ardada  Soomaaliyeed ee wadanka Australia oo maraka lasoo gaabiyo looyaqaan ASSU ayaa baroordiiq iyo tacsi u sameeyay ehelada Ardadii, Maclimiintii iyo Dhaqaatiirtii , iyo Wasiiradii ku geeriyooday qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday xafladii qalinjabinta ahayd ee Jaamacada Banaadir maanlintii khamista ahayd 03/12.2009.
 
Isku imaanshaha baroordiiqan loo sameeyay dadkii ku geeriyooday qaraxaas ayaa waxuu ka dhacday xarunta jaamaca Curtin University of Technology ee gobalka Westren Australia magaalada Perth. Ardada dhigato jaamacadaha kala duwan ee gobalaka ayaa isugu yimid xarunta jaamacada Curtin. 
 
Baroordiiqan loo sameeyay dadkii kudhintay qarixii kadhacay Hotel Shaamoow ee magaalada Muqdisho ayaa waxay kusoo aaday xili ardada wadankan ay ku jiraan fasax oo jaamacadaha iyo iskuulada wadanka ay xiran yihiin.
 
Kulankan ay isugu yimaadeen ardada ayaa waxaa hadal gaaban kasoo geediyay madaxa ururka dalada aradada Soomaaliyeed ee wadanka Australia MR, Mohamed Wali. Mr, Wali ayaa soo dhweeyay ardadii isugu timid goobta asaga oo umahad celiyay ardadii iyo dadkii kasoo qaygalay baroordiiqan.
 
Mr, Wali oo hadal gaaban ka jeediyay goobta ayaa tilmaamay in wixii kadhcay Hotel Shamoow uu ahaa “Danbi laga galay ummada Soomaaliyeed.   “Dhibkii loo geestay Ardadii Dhakhaatiirtii, Macalimiintii iyo Wasiiradii u adeegayay ummada Somaaliyeed uu ahaa fal xambaarsan nacayb” ayuu yidhi Mr, Wali.
 
Mr, Wali oo sii waday hadalkiisa ayaa tilmaamay in ay ahayd dhacdadaas mid nagu abuurtay walwal iyo murugo asaga oo tilmaamay Mr, Wali in ” In dadkii nooga dhintay qaraxaas ay ahaayeen “Dad aanan halmaami karin oo qaali ah”.
 
Sidoo kale waxaa ka hadlay goobta arday dhoowr ah iyo marti ka soo qayb gashay shirka. Dadkii ka hadlay goobta waxay dhamaantood tilmaameen in dadkii ku nafwaayay qaraxaas ayna kaliye ka dhiman qooysas oo ee ay kawada dhinteen ummada Soomaaliyeed oo dhan.
 
Sidoo kale qoobta baroordiiqa lagu sameeynayay waxaa khadka taleefanka uga qaybgalay afhayeenka Jaaliyda Soomaaliyeed ee wadanka Australia asaga oo joogo magaalada Melbourne ee gobalka Victoria Mr, Abdi Naafic Macalin Rashiid.

au4 
Mr, Rashiid wuxuu tilmaamay in qofkii gaystay ficilka noocaas oo kala ah uu ahaa qof aan u adeegaynin ummada Soomaaliyeed ee uu ahaa qof watay danno kale oo shisheeye.  Mr, Rashiid oo marka uu khadka taleefanka kula hadlayay dadkii qoobta joogay ay ka muuqatay dareen aad u kacsan ayaa timaamay “Ilaahay ayaan uga baryaynaa in janadii, Fardowso kawaraabiyo dadkaas qaaliga ah ee naga tagay”. ayuu yir Mr, Rashiid.
 
“Kii gaystana ficilkaas naxariis darrada ay ka muuato waxaan leenahay “Ilaahay hortiisa maalinta qiyaamo ayaa noo balan ah ayuu yidhi Naafic.
 
Kulanka baroordiiqa oo mudo halsaac iyo badh ah socday ayaa ardadii ka sooqayb galay waxay tilmaameen in marka ay ardada fasaxa ka soo noqdaan ay xidhiidh la sameeynadoonaan Jaamacada Banaadir si ay ugarab istaagaan Jaamacadda si ay u siiwado hoowlaheedii waxbarasho ee ay ugu adeegaysay ummada Soomaaliyeed ee dhibaataysan.
 
Gabagabadii kulunka Mr, Wali ayaa ku soo xidhay baroordiiqa asaga oo sheegay in safaro uu ugubaxayo marka dib loo furo jaamacadaha wadanka in uu lakulmi doono ardada Soomaalieed ee waxkabarato wadanka si loo abuurto xidhiidh wanaagsan oo aan layeelano dadka u adeegayo bulshada Soomaaiyeed kuna dhaxnool noolasha saas u adag ee khatar ay galinayaan naftooda kuna waynayaan noolashooda in aan isku dayno in aan wixii aan ku tari karno aan kutarno ayuu yidhi Mr, Wali.
 
Gabagabadii waxaa laga akhriyay goobta duco looduceenayo in ilaahay sabir iyo iimaan naga siiyo dhamaan dadkii nooga dhamaaday qaraxaas kuwa ku dhaawacmayna ilaahay siiyo caafimaad dagdag ah AAmiim.
 
Cadaawe Ibrahim.
Australia, Perth.

FOR IMMEDIATE RELEASE
Friday, December 4, 2009
BAAQ LAGU CAMBAAREYNAYO QARAXII KA DHACAY MUQDISHO

Washington, DC, December 4, 2009 – Jaaliyada Somaliyeed ee ku nool Washington, Virginia iyo Maryland waxay cambaareyn falkii qaraxa ee loo geystay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka, ardey Somaliyeed & dad rayid ah oo ka soo qayb galay xafalad qalin jabin araday joogtay magaalada Muqdisho.

Weerarkan wuxuushnimo wuxuu marqaati ka yahay kooxaha xagjirka in aysan doonaynin Soomaliya nabad ka dhalan marnaba, nolosha aadamigana qiimo ugu fadhin, oo si joogto ah loo laayo caruur, waayeel, hooyoyin, rag iyo dumar rayid ah.

Waxaa mudan in la canbaareeyo in dilka lala beegsaday araday ka qalan jabinayso kuliyada caafimaadka oo mustqabalka shacbiga Somaliyeed daaweyn lahaa, arintan ayaa ku abuuri umudda Somaliyeed feejignaan, midnimo iyo isku aragti looga hortagi doona kuwa doonayo inay dhaawacaan niyada shacbiga Somaliyeed.

Jaaliyada Somaliyeed ee ku nool North America, qaasatan nawaaxiga Washington, iyagoo mideysanaa ayey si muruga leh ugu diri tacsi qoysaskii iyo asxaabtii dadkii ku waxyeelloobay weerarkan naxdinta leh, sidoo kale waxay tacsi u dirayaan shacbiga Somaliyeed ee nabada doonayo meel kastoo dunida daafaheeda ka joogaan.

Wixii war faahfaahin ah fadlan kala xiriir:
Somalia American Community Association (SACA)
Office: 301.565.0320
Fax: 240.491.5493
Email: programs@sacausa.org
Website:
www.sacausa. org
Save Somalia: Humanitarian and Refugee Awareness Campaign
(An initiative of SACA) www.savesomalianow. org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dalada Ardada Soomaaliyeed ee wadanka Australia oo tacsi u sameeyay dadkii wax kuyeeloobay qaraxii Hotel Shaamoow. "

  1. waxaan halakan tacsi uga dirayaa dhamaan dadkii ku geeriyooday dilkii foosha xumaa ee kadhacay magaalada muqdisho gaar ahaan hotel shaamoow gaar ahaan ardadii halkaa ku geeriyootay iyo weliba macalimiintii