Home » Warar »

Gabdho Soomaaliyeed oo ku dhaqan Maraykanka oo Deeq lacageed soo gaarsiiyay Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho

Gabdho Soomaaliyeed oo ku dhaqan Dalka Maraykanka oo Deeq lacageed soo gaarsiiyay Bukaanadii ku dhaawacmay Qaraxii December 3  iyo kuwo kale oo Dhaawaca ah oo ku jira Cusbitaal Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Gabdho Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka Maraykanka ayaa maanta Soo gaarsiiyay Deeq lacageed oo ay ugu t6alogaleen in la gaarsiiyo dadka Dhaawaca ah ee ku jira Cusbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Deeqdaan Lacageed ayay waxay Gabadhahaan u soo Wakiisheen Gabadha lagu magacaabo Seynab Maxamed Rooble oo iyana u soo wakiilatay inuu Deeqdaasi Cusbitaalkaasi Madiina Gaarsiiyo Sheekh C/Raxmaan Owcali Calasow oo ka mid ah Mashaaikhda Soomaaliya sida weyn looga yaqaan.

Gabdhahaan ayaa lacagta ay ugu talogaleen Bukaanada Dhaawaca ah in la gaarsiiyo ayay waxay ahayd lacag dhan 1000-kun Doolar, iyadoo Bukaanada dhawaacyada qaba lacagtaasi loo gaarsiiyay si siman, iyadoo lacagtana loogu qeybiyay sida ay dhaawacyadooda u kala daran yihiin iyo iyadoo loo roonaaday Bukaanada aysan la socon wax ehel ah oo iyagu Cusbitaalka jiifa.

Lacagta ayaa laga simay Bukaanada tirada badan ee ku jira Cusbitaalkaasi, kuwaasi oo tiradoodu kor u dhaafaysay in ka badan 130-bukaan, iyadoo qaarkood ay qabeen dhaawacyo halis ah, waxaana sidoo kale Cusbitaalkaasi ku jira Caruur si aad ah ugu gubtay dab ay ku dhaceen, kuwaasi oo ay ka muuqatay dhaawacyo halis ah.

Bukaanada ku jira Cusbitaalka Madiina ee maanta la gaarsiiyay lacagataasi ay ugu soo deeqeen Gabdhaasi Soomaaliyeed ee degan dalka Maraykanka ayaa iyagu ka mahad celiyay, waxayna Alle ugu duceeyeen inuu siiyo Badal Khayr badan.

ba6

Ugu dambayntii waxaa isna halkaasi ka hadlay Sheekh C/Raxmaan Owcali Calasow oo ka mid ah Mashaaikhda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Ilaah ajar aan la soo koobi karin inuu Alle siiyo Gabdhahaasi la baxay sadaqada, wuxuuna jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka Calamka ugu baaqay inay ku daydaan Gabdhahaasi Soomaaliyeed ee Maraykanka ku nool.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
0025250-995088

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Gabdho Soomaaliyeed oo ku dhaqan Maraykanka oo Deeq lacageed soo gaarsiiyay Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho "

  1. AANA says:

    Waxaan u mahad celinayaa gabdhaha soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibad sida naxriista leh ee ay ugu gargaarayaan dadkood dhibaatasan.
    waxaana ku la dardaarmayaa in aynaan ka daalin daryeelaka dadkeena iyo dalkeena intii tabarteen ah.