Home » Warar »

Qarax ay ku dhinteen Dhowr Wasiir oo ka tirsan DFKMG oo ka dhacay Muqdisho iyo Alshabaab oo iska fogeeyey iyo Muran ka taagan safaarada Soomaalida ee UN

Qarax ay ku dhinteen Dhowr Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka dhacay Hotel Shamow ee Muqdisho.

  • VIDEO: DIGNIIN: Waa video naxdin leh oo ku saabsan sidii qaraxu u dhacay (VIDEO Halkan ka daawo) – Aljazeera

Dec 3, 2009: Qarax aad u xoogan ayaa waxaa lala beegsadey Goob ay ka socotey Xaflad kana dhaceysey Hotelka Shaamow ee Magaalada Muqdisho waxaana Xafladaas ka soo qaybgaley Qaar ka mid Wasiirada Dowlada iyo ardey qalinjabineysy Jaamacadda Banaadir iyo Wariyayaal xafladaas wax ka duubeysey.

Waxaana Illaa hadda la xaqiijiyey ku geeriyoodey Wasiirkii Caafimaadka ee Dowlada Federaalka Qamar Aadan Cali , Wasiirkii Waxbarashada Maxamed Cabdulaahi Waayeel , Wasiirkii Tacliinta sare Ibraahim Xasan Caddow.

Waxaa kaloo qaraxaasi ku dhaawamey Wasiirkii Ispor-tiga Suleymaan Colaad Rooble waxaa kaloo Qaraxaasi ku geeriyoodey Dr Max’ed Adan Shahiid oo si aad ugu takhsusey dhanka Shaybaarka waxaa kaloo ku geeriyoodey Wariyayaal ka tirsan Bahada warbaahinta waxaa ka mid Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo u shaqeynayey Idaacada Shabeele waxaa kaloo ku geeriyoodey Sawirqaadihii Talefishinka Al –Carabiya Xasan Subeyr Fantastik waxaa kaloo ku geeriyoodey qaar ka mid ah Ardaydii ka qalinjabineysay Jaamacadda Banaadir tiradoodu gaareysay ilaa iyo toban qofood.

Sidoo kale waxaa ku geeriyoodey wakiil Shirkadda Sahuura Airline Maxamed Soppe waxaa kaloo ku dhaawacmey weriye ka tirsan Telefishinka Universal Cabduqaadir Kuwaral iyo wariyaal u shaqenayey wakaalado warar oo dibadda ah

som3

som2

Qaraxa ka dhacay Hotel Shamoow ayaa u egaa mid ismiidaamin ah balse lama garanayo qaabkii uu u dhacay in uu ahaa Gaari iyo in uu ahaa qof waxyaabaha qarxa isku soo rakibay, waxaa kale oo u ku geeriyooday dad rayid ah oo lagu martiqaaday xafladdaasi, waxayna xafladdaasi ku soo beegantay xili ay banaanbaxyo ka socdeen inta u dhexeysa Isgoyska Banaadir ilaa iyo Km4 kaas oo looga soo horjeeday xil ka qaadistii Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, waxayna banaanbaxayaashu tuurayeen dhagxaan, waxaana la sheegay inay ku dhaawacmeen ilaa iyo labo ruux.

som1

Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax lala beegsado qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, dhawaan ayay ahayd markii qarax lala beegsaday saraakiil uu ku jiray Wasiirkii Amniga Cumar Xaashi Aadan kaas oo ka dhacay Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Dhanka kale Banaanbax looga horjeedo xil ka qaadistii Gen. Cabdi Qaybdiid oo ka dhacay qaybo ka tirsan Magaaladda Muqdisho – (ka akhri wararka maanta ee dhan midig ee boggan).

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail Amiinkhasaaro@hotmail.com

som3

VIDEO: DIGNIIN: Waa video naxdin leh oo ku saabsan sidii qaraxu u dhacay (VIDEO Halkan ka daawo) – Aljazeera

Alshabaab oo iska fogeeyey Qaraxa

Xarakada Alshabaab, ayaa tacsi u dirtay eheladii iyo dadka muslimiinta ah ee ay ka geeriyoodii dadkii muslimka ahaa ee ku dhintay qaraxii ka dhacay hoteelka Shaamo ee magaalada Muqdisho, sidaas waxaa qortay Idaacada laga leeyahay dalka Ingriiska ee British Broacasting Corporation ee loo soo gaabiyo BBC.

Idaacadda oo wakeeda sii wada waray qortay: Afhayeenka kooxda Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage, ayaa yiri, “dadkii muslimiinta ahaa ee aan waxba galabsanin ee ku waxyeeloobay dhibaatada ka dhacday Hotel Shamo, dadkaas oo ah macalimiintii, ardadii iyo dadkii shacabka ahaa ee kaleeto ee meeshaas yimiday ee dhibaatadu ku gaartay, waxaanu leenahay in alla intii muslimiin ah ee aan wax galabsan ee meeshaas ku jirtay, Ilaahay Subxaanahu watacaalaa ha u naxariisto eheladoodiina samir iyo iimaan ha ka siiyo, dhamaan dadka muslimiinta ahna ilaahay subxaana watacaalaa samir ha ka siiyo.” Wuxuu kaloo sheegay in xarkada Al-shabaab ay maqalka falka halkaas ka dhacay maqalkiisa ay kala mid yihiin dadwaynaha, oo ay warbaahinta uga maqleen si la mid ah dadka, dhibaatada halkaas ka dhacday ayuu yiri kama suurtowda ‘Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin’.

Muran ka taagan safaarada DFKMG u fadhida Qarammada Midoobay

Dhanka kale waxaa muran ka taagan yahay safaarada DFKMG u fadhida Qaramada Midoobay, arrintaas oo ku salaysan xubin dhowaan la sheegay in lagu daray dublomaasiyiinta xubnaha ka ah safaaraddaas.

Idaacadda ku hadasha Codka Maraykanka ee VOA ayaa qortay: Laantan afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa heshay farriin xagga emailka ah oo caddeynaysa diidmada Cumar Jamal, iyo waliba shuruudaha lagu xiray. Farriitan ayaan ka timid sarkaal sare oo ka tirsan safaaradda Mareykanka ee ku taalla xarunta Qaramada Midoobay, safaaraddaas oo ah midda bixisa aqoonsiga diblomaasiyadeed ee dhammaan diblomaasiyiinta ajnabiga ah ee ka howlgala Qaramada Midoobay. Dhegayso Warbixinta VOA WM ama  MP3.
……………

DHAMBAAL TACSI
INNALILAHI WA’INAA ILEYHI RAJICUN

Ururka Nabada & Horumarinta Soomaaliyeed ee xaruntiisu tahay magaalada Stockholm ee dalka Sweden waxay si wadajir ah tacsi ugu dirayaan dowlada Soomaaliya, eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen allaha u naxariistee Madaxdii & ardaydii soomaaliyeed ee sida naxariisdarada ah maantay loogu xasuuqay hotelka Shamo ee magaalada Muqdsisho.
Ururka Nabada & jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Stockholm waxay la qeyb sanayaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto geeridan xanuunka & murugada badan. Waxayna Alle uga baryayaan intii ku geeriyootay Qaraxaasi in uu jannadiisa ka waraabiyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan ka siiyo. Sidoo kale inta ku dhaawacantay Qaraxaasina uu caafiyo.

OGEYSIIS
Berito oo jimco ah 04/dec/2009, marka saacadu ku beegantahay 16:00 ilaa 19:00 waxaa dhamaan jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan Stockholm & magaalooyinka ku dhaw la Ogeysiinayaa in kulan balaaran ka dhacayo Rinkeby Folketshus-ka ee xaafada Rinkeby, kulan kan ayeey jaaliyada ku muujin doontaa sida ay uga xuntahay Qaraxa naxariis darada ah ee lala beegsaday aqoonyahanka & ardayga Soomaaliyeed. Ogow ka soo qeyb galkaagu waa muhiim hadii aad tahay qof diidan xasuuqa shacabka Soomaaliyeed!

Wixii faah faahin dheeraad ah fadlan la xiriir:
+46762928327/+46737390410/+46739538453
E-mail: somali.peace@hotmail.com

Waxaa soo tebiyey: Abukar Albadri
aalbadri10@yahoo.com
…..

TACSI TIIRAANYO LEH.

Anagoo ah ardayda soomaaliyeed ee wax kabarata dalka JORDAN gaar ahaan ardada uu waxbarashada ka bixiyo ISLAMIC DEVELOPMENT BANK(IDB), waxaan tacsi tiiraanyo leh halkan ugu diraynaa ehelada , qaraabada, asxaabta, dowlada KMG ah, Jaamacada BANADIR iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed, waxaan si khaas ah tacsi ugu diraynaa bahda waxbarashada waxaana leenahay inta dhimatay ilaahay janada firdowso kuwii nasiib uyeesha Alaha kadhigo inta dhaawaca ahna ilaahay caafimaad dagdag ah siiyo.

Waxaan kaloo si kulul udhaleecaynaynaa dadka ka danbeeya falka waxshinimada ah ee aadka ufoosha xun kana baxsan akhlaaqda insaanka iyo dhaqanka soomaalida lugna aan kulahayn Diinta islamka.

Waxaan kaloo talo usoo jeedinaynaa dowladaKMG inay ka foojignaato dadka hagardaamada kuwada wadanka gaar ahaan meelaha ay kataliso.

Waxaa diyaariyay Axmed Dhayib Maxamed Cabdi.
Jordan/erbid.
Tell :+962788287571
saalim20@hotmail.com

……

Gudoomiyaha SSC oo tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada marxuumiintii ku geeriyootay qaraxii ismiidaaminta ahaa…

Gudoomiyaha SSC ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada marxuumiintii ku geeriyootay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay hotelka shamo ee magaalada muqdisho waxa uuna ku tilmaamay masiibo qaran

Hogaanka sare ayaa tacsida u diray dhamaan qarankii,eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen wasiiradii,wariyeyaashii,dhaqaatiirti macalimiinti,ardeydii iyo walidiintii maanta sida waxashnimada leh loogu xasuuqey magaalada muqdisho.

Hogaanka SSC ayaa waxa uu xusay sida uu uga xun yahay khasaaradii uu geystay qaraxaasi waxa uuna hogaanka ugu baaqay in shacabka iyo dowlada ay meel uga soo wada jeestaan kuwa dhagar qabayaasha ah ee ka dambeeyay soona agaasimay qaraxaa si sharciga loo horgeeyo looguna ciqaabo dambiga ay qaranka ka galeen.

Dhibaatada ka dhacday magaalada muqdisho ayaa ah mid si weyn ay uga naxeen dhamaan waxgaradka soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan waxaana tacsi tan lamid ah diray Madaxweynaha DFKMG Raiisal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka.

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeeysay oo dhibaato noocan oo kale ah ay ka dhacdo dalka tan iyo markii xukunka laga tuuray ALLE ha u naxariistee madaxweynihii hore ee Umada Soomaaliyeed Jaale Maxamed Siyaad Bare oo horey u sheegay in uu dal ka tagay dadse aanu ka tagin

Cali Baashi Xaaji
Nairobi Kenya
baaashical@hotmail.com

TACSI: Innaa Lilaahi Wa Inaa Ilehi Raajicuun

Anagoo ah Qurbajoogta Somaliyeed ee ku nool Gobolka Wisconsin USA Waxaanu aad uga murugoonay, aadna uga naxnay dilka argagixisadu agaalada Xamar ugu geysatay ardayda, macallimiinta iyo umadda somaliyeed ee ka qayb qaadaneysay shahaada bixinta ardayda qalin jebinayey.
Waxaanu dadka ku geeriyooday falkaas Eebe uga baryeynaa in Ilaah janadii ka waraabiyo, Ehelada, qaraabada iyo ummadda Somaliyeed ay ka geeriyoodeena Sabir iyo iimaan uu ka siiyo.
Aamiin

Farjac
Guddoomiyaha Ururka Qurbajoogta Soomaaliyeed ee Wisconsin, USA
farjac@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

12 Jawaabood " Qarax ay ku dhinteen Dhowr Wasiir oo ka tirsan DFKMG oo ka dhacay Muqdisho iyo Alshabaab oo iska fogeeyey iyo Muran ka taagan safaarada Soomaalida ee UN "

  1. inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waxaan halkaan uga tacsiyaynayaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geetiyoodeen ardaydii dhakhaatiirtii iyo rayidkii iyo waliba madaxdii dawlada fkmg ahayd in ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo iyagana janadii ilaahay geeyo ilaahay waxaan uga baryaynaa jano iyo naxariis ilaahay haka waraabiyo jadii fardawsa aamiim aamiin allaw naga aqbal

  2. Hersi says:

    allaha unaxariisto marxuumiinta ku naf waayey xasuuqa arxandarada ah ee loo geestey ee ka fog islaam-nimo iyo bani aadam-nimo intaba waxa kani horey udhaceen kuwii shalay saa ku faraxsanaa baana ay maanta ku dhacday oo ah dowladda kuwa sheeganaya maxkamado wixii la oranjiray iyo kuwa hadda ka go,ay iyaga xisbul islaam ama shabaab waa isku mid waa wada wahabiya shalay sey qabeen bey kuwana maanta qabaan waxey shalay raali ka ahaayeen baa maanta iyaga ku socda waana in ay soomaali taa ogaataa dadakani wahaabiyisimka ahi saasey qabaan qofkaan ku diin aheenba waa ugaalo oo maanta iyagaa isgaaleysiinayo war dad yahaow haloosoo laabto diinta xaqa ah hana laga haro kuwa boorka isku qariya ee labiska ka beensheega diinta labis mahan ee waa quluubta oo ladaahiriyo xumaantana laga reebo oo aan dhiiga muslimka ah aan labaneysan iyo xoolihiisa intaba waana in diinta laga qaataa culimada ahlu-sunna waljamaaca kuwooda aan qabilka iyo mansabka toona aan ku jirin ee ilaah dartiis usocda ..war dadyahaow yaan lagu daba lumin kuwa kala hadla oo ay calaamadaha munaafiq-nimada aan laheyn ..waayo kuwii shalay waxaan baneeyey haatan-na leh waa wax qaldan oo haddana siyaasad ku xiran waa munaafaqnimo cad ilaah haloo toobadkeeno si dhab ah hana lanadiifiyo quluubta

  3. abdalla says:

    aniga oo ah arday dhigta jaamacada banaadir waxaan aad uga naxsanahay xaalada ay ku sugan yihin dadkii dhawacmay kuwi dhintay iyo dadkii ku shiigay wixii ka dhacay xafladii qalan jabinta ardayda ee ka dhacday hotel shamo

  4. Raage Yassir says:

    Anigoo ah arday waxka dhigta Jaamacada western Australia ee ku taala magaalada Perth, waxaan si tiiraanyo leh tacsi igu dirayaa eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen ardaydii soomaaliyeed ee lagu gumaaday Muqdisho, Ilaahayna waxaan uga baryayaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo. waxaankaloo odhanlahaa kuwii falkan waxashnimada ah geystay in ilaahay naartii jahanamo ka waraabiyo, Aamin Amiin Yaa Rab.

    Raage Yassir

  5. Hussein Dualeh says:

    Inaalilaahi wa inaa Ilayli Raajacuun
    Anigoo aad uga tiiraysan dhacdadii naxdinta badnay ee ka dhacday xaflada qalinjebinta Ardayda waxaan halkan uga tacsi dhammaan ummada soomaaliyeed gaar ahaan dadkii eheladoodu ku geeriyootay,kuwii dhaawacmayna waxaan Eeebe uga baryayaa caafimaad dhakhso ah.
    waxaan filayaa in dhacdani walaalayn doonto soomaalida iska soo hor jeeda arintani waa arin uu qorsheeyey dad cadow inoo ah midab iyo dhalashaday doonaaba ha haysteen.waxaan ku goobaabinayaa dadka soomaaliyeed inay iska Ilaawaan wax kasta kana shaqeeyaan nabada iyagoo isku kalsoon waayo inuu wadankeenu dhismo ama aan dawlad noqono waxaa jiro wadamo badan oo aad ugua xun kuwaas oo raba inay dabka ina haysta maalin walba gaas ku sii shubaan.aan Ilaahay talo saarano, Insha Alaa waan guulaysanaynaa ,waxaan hubaa haddii aynaan wax ka bedelin wadada aan ku socono inay dhici doonaan tan waxyaabo ka xumi.wabilaahi towfiiq

  6. Mohamed Nour says:

    Anigu ah Xiriryaha ururka Mustaqbal students organization ee ah ururka Mustaqbal ee ardeyda somaliyeed waxaan taci tiiraayo leh udiraya ummada somaliyeed meelkasta ay joogt waxaan leyahay illahay samir iyo iimaan hanakasiyo dadkii ku wax yeeloobay oo kudhintay qaraxii mini aadantiminada ka baxsanaa ee lagu dilay ardeyda iyo musuuliyeenta waxaan illahay dadki kudhentay illahay janadii firdowsa haka waraamibiyo Aamin
    cida ka danbeysana illahay haku salidoo cuquubo aakhiro iyo mid aduun

  7. Mahad Musse says:

    Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuub waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan intii ku geeryootay falki waxashnimada ahaa ee shalay ka dhacay Hotel Shamo ee magaalada muqdisho,waxaan halkan uga tacsiyadeenayaa dhamaan ardeydii dhaqaatiirtii wasiiradii waalidiintii ka soo qeebgashayxafladaa iyo dhamaan dadweynihii ka soo qeebgalay xalfaaa waxaana allah uga baryaa in uu naxariistiisa siiyo janadii fardowsana ugu deeqo waxaan kaloo alle ka baryaa in uu caafimaad siiyo intii ku dhaawacantay.AAMIN…AAMIN…AAMIN
    INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

  8. Bashir Yusuf says:

    WAdanka waxaa ka socda barakicin. Waxa wadankiina Somalia si nabad ah ugu noolaan kara waa qowmiyadaha shisheeya oo kaliya sida Ethopian-ka Ugandan, iyo kuwo kale oo tiro badan. Qowmiyadaha kale waxa waydiinayo qabiilkooda ama raadsanayo ma arkaysid. Goorma ayay bilaabatay in aad kan aad isku luqada tihiin isku diinta tihiin uu noqdo cadowgaaga ugu daran ee aad soo dhawaysato qowmiyado kale. Waxgaradka in ay dib u fiiriyaan ayaa hagaagsan. Hadii kale inta aad is leedahay qabiilka kale durki waxaad arkaysaan idinka iyo qabiilka kale oo bada la idinku daray. Arintaan in ay wax ka qabad leedahay hada ma hubo ee in la iska bilaabo ayaan mudan hada.

  9. Abu Suuban says:

    Inaa lillahi wa innaa Ilayhi raaajicuun.
    Xasbunallahu wanicmal wakiil

  10. Asc anigoo ka mid ah ardayda waxka barata magalada mogdisho waxna ka barta machadka SIMAD waxaan ka xunahay hadaan nahay ardayda simad falkii naxdinta laheed e shalay ka dhacday magala Mogdisho laguna laayay xubna ka tirsan masuuliyinta dowlada iyo daqaatiirta iyo ardayda Soomaliyeed waxan u tacsiyenena dhamaan dadki ay ka geeriyoodeen ilahay janada firdowso ha galiyo halkan waxan ku soo jeedina dadka falkas geestay maxay ka faa’ideen maxay ka helayan hadii ay laayaan umada walaal waa idin baryeenaa ka daaya falalka fowsha xun ay ku haayaan umada halkas ayaan ku soo gabagena wsc

  11. Ururka waddaniga Soomaaliyeed says:

    Innaa lillaahi wainnaa Ilaahi raajicuuna

    Maxay tahay ulajeeddada ka dambaysa in la laayo shacabka Soomaaliyeed, dadkii ka dambeeyay arrintii naxdinta lahayd ee maanta ka dhacday Muqdishow,ma la hubaa in ay yihiin muslimiin ama Soomaali, sidee ee ayay wax u jiraan yaa na fahansiin kara waxa dhabta ah ee ka socda waddankeena?

    Arrintu waa xun tahay qofkii islaam ah oo Soomaali ah fadhiga ha ka kaco oo xasuuqa aqoonyahanada, madaxda iyo maatada lagu hayo sidii loo joojin lahaa.

    Soomaaliya maanta maalin ay ka liidato taariikhdaeeda ma soo marin, quursiga iyo dilka joogtada ah waxaa u sii dheer in la dilaayo qof kasta oo magac ku leh bulshada .

    Maanta waxaa si naxdin leh loo xasuuqay qaar ka mid ah aqooyahandii iyo madaxdii dawladda Soomaaliya, haddii aanu nahay ururka waddaniyiinta Soomaaliyeed waxaanu ka xunahay falkii argaggixisada ahayd ee lagu dilay madaxdiis iyo aqoonyahannadii iyo ardaydii,waxaana tacsi tiiraanyo weyn leh u diraynaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii iyo qoyskii ay ka baxeen waddaniyiintaas Soomaaliyeed.

    falkii maanta dhacay wuxuu lid ku yahay qaranimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

    waxaanu cambaaraynaynaa dadkii ka dambeeyay falkan waxashnimada iyo naxariis darada ah kana fog islaanimada iyo bani´aadnimada.

    Waxaan ilaahay ka baryaynaa in ay helaan ciqaab daran dadkii ka dambeeyay falkan xanuunka badan

    Bahda ururka waddaniga Soomaaliyeed,

  12. inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicun aad iyo aad ayaan u xumahay arddaydaan wax ku baraty dal aan lahayn dawlad ka faalo qaada nabadgelyadoodda oo halkii loo hanbalyayn lahaa loogu jawaabay dil aan naxariis laheen ilaahayna waxaan uga baryayaa janadii fardoowsa inuu ka waraaabiyo ubaxaas soo koraayay….aamiin kuwii ka dan baaeyeyna if iyo aakhiro ilaahay jaasadooda mariyo aamiiinn