Home » Warar »

Ugaas Maxamed Weli Sheekh Axmed-Nuur oo soo jeediyey Talooyin Xal loogu heli karo arrimaha soomaaliya

Ka dib markii aan eegay xaaladda uu dalku marayo iyo dhibaatooyinka ku baahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana uu dalku ku jiro kala qo-qob ayaa waxaan ku talo bixinayaa in la qaato qodobada soo socda, si looga badbaado masiibooyinka ay maleegayaan cadowga Muslimiinta iyo kan ummadda Soomaaliyeed, waxayna qodobadaasi kala yihiin:-

Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dagaalada ka socda gobollada Jubbooyinka, si degdeg ahna loo dhaqangeliyo xabbad joojinta, si loo helo fursad lagu saxo waxa qaldan, iyadoo loo xukun tegayo Kitaabka Alle iyo Sunada Nabiga (SCW).

In mas’uuliyadda dalka lagu wareejiyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo aan is leeyahay haddii ay arrintu sidaasi u dhacdo waxaa badbaadi doona Insha Allaah Manhajka iyo u adeegidda dacwada. Sidoo kale waxaa kala badbaadi doona dhiiga Muslimiinta iyo kan Mujaahidiinta.

Waxaan is leeyahay Shabaabku waxay horseedi karaan inay sabab u noqdaan amni, kala dambeyn, midnimo, qabyaalad la’aan iyo horumar, shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ahina uu u xukun tago Kitaaba Ilaahay iyo sunnada Nabadiga (SCW) oo ay in badan garab socdeen.

Waxa ay soo celin karaan midnimadii ummadda iyo geyiga Soomaaliyeed oo cadowga Ilaahay uu u dhar dhigtay sidii uu u googoyn lahaa, sida Gobollada Waqooyi-Galbeed oo loo bixiyey Somaliland, kuwa Waqooyi-Bari oo loo bixiyey Puntland, Galmudug iyo kuwo kale oo hadda magacyo cusub loo raadinayo.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaan kula talinayaa in ay fahmaan mas’uuliyadda saaran iyo nasteexada ay leedahay Diinta Islaamku, shacabkana ay soo dhaweystaan, kana feejignaadaan kuwa ku dhex jira ee ka shaqeynaya in shacabka si kale u arko Shabaabul Mujaahidiin.

Waxa kale oo aan kula talinayaa in ay ka yareeyaan milixda, saliidda iyo sonkorta, waxaana ka rajeynayaa in ay fahmaan dadku inuu qabo dhibaato badan iyo cudurro badan oo ay ka mid yihiin dhiig-kar, sonkor, Gastarik iyo kuwo kale oo loo baahan yahay in laga daweeyo.

Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay fahmaan xaaladdu meesha ay mareyso, arrintuna aysan ahayn {Ninkii rabaaba hey rartee anigu Rootiyaan rabaa}. ee waa inaan fahamno in la badbaadinayo dal, dal iyo diin loo adeegsaday dad wax matarayaal ah oo dhuuni-qaatayaal ah, kuwaasoo ay adeegsadeen Manaxayaal, manaxariistayaal iyo cadowgoodii soo jireenka ahaa.

maxamedwali
Ugaas Maxamed Weli Sheekh Axmed-Nuur
Ugaaska Beesha Sade,-
ahna Afhayeenka Salaadiinta beelaha Daarood
Email. kulmiyepress@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

15 Jawaabood " Ugaas Maxamed Weli Sheekh Axmed-Nuur oo soo jeediyey Talooyin Xal loogu heli karo arrimaha soomaaliya "

  1. Khaliif says:

    Uggaaska Beel-weynta Sadde; Maxamed Weli Sheekh Axmed-Nuur. Kheyr iyo cilmi-dherrer baan u rajeennayaa. Intaa ka bacdi waxaan akhristay maqaal kooban balse qiimo weyn uggu fadhida cid kasta oo nabbad-waarta iyo dawlad Soomaaliya ka dhallata jecel.

    Kaddib, 20 sanno in ku dhow markii Soomaali ku heshiin weyday qabbiil ayaa waxa Alle u soo dirray Nimman dhallinyarro ah oo diinta, dadka iyo dalkaba u naxay kuwaas oo caddaalad iyo sinnaan dalkii burburray ku soo roggay. Caddaallad lagga waayey dhulkaan joogo oo Burco ah bay ka dhalliyeen dhullalkaas, Rabbina waa uu la garrab gallay. Burco marka lagga yimaaddo Gaalkacayo waa maggaallada labaad khillaafaadka qabbiilku raggaadiyey. Waxa ku nool labba qabiil oo Aabbe wadda dhallay (Habbar Yoonis & Habbar Jeclo) kuwa oo Sheekh Issixaaq ku abtirsadda.

    Waxa caaddo ah Burco oo kalliya maahee in magaallooyinka kalle ee Soomaaliya ay ka jirto Collaado u dhexeeya labbadii qabiil ee meel wadda deggenba. Bal addigu tirri immisa tuullo, degmo, ama maggaalo ee aad garranayso ma jirraan meellahaas aynu soo tilmaanay in lagga helli karro labba beellood oo ku wallaalo ah, kuwaas oo danta guud ee ummadda heshiis ku ahayn. Jawaabtu waa MAYA. Markaad baaddiya eegto waxaad maqlaysaa dhul, daaq iyo biyo laysku haysto iyaddoo abbaar ba’an oo kalla guur ahi jirto.

    Bal akhriste magaallooyinka aannu ku noolnahay u kaallay, magaallo xaalkeedda waannu ka wadda dherregsanahay’e, intee baa ku heshiis ah hantidda magguurtada ah ee ummaddi leeddahay.

    Haddaba, markii xaalkii Soomaaliya deggi waayey oo qabbiilkii la dhaafi waayey, rag baa u kacay kuwaas oo ka dhiidhiyey innay ummadda Soomaaliyeed siddan ku sii jirrin balse is-beddel loo baahan yahay. Isbeddelka loo baahday waxa uu noqday ka uu Uggaasku carrabaabay oo ah, in Shabbaab haddii la garrab istaago ku is-beddel Soomaalidu nabaddu laggu tusso keenni karraan. Markaa annigu waxaa qabbaa in Wiillasheenna Shabbaabka la taaggeero. Haddii aan la taaggeerina waxaad kalle oo aan la taageerinna waxa kalle oo aad sugtaan waa 100 sanno oo oo hoog iyo murrugo leh.

    Shabbaabku qabiil bay aasayaan; Shabbaabku xummaatii bay iil (god) ku waddaan; Shabbaabku mukhaaddaraadkay diiddan yihiin; Shabbaabku dumarkeennu innay asturnaaddaan bay jecel yihiin; Shabbaabku dadku innay caddaallad aan ahayn 4.5 innay hellaan bay rabbaa; Shabbaabku Isbaarro iyo tuuggo bay ka soo horjeeddaan.

    Burco waxa ka jirra maamul maggac huwan, balse maamulku waa dambas hoosta ku leh dab, labbada beellood ee wadda degga maggaalada waxay kalla tirsannayaan dillal iyo aannooyin kalla geddisan kuwaas oo muddooyin dheer soo taxnaa laf ahaantayduna qaarkood ku garraadsadday. Sidda xaalka Gaalkacayo ku suggan tahay bay Burcanna tahay. Illaa 50 dacwaddood oo dillal ah, kuwaas oo Maxkamadda gobolku waxba ka qabban baa horyaalla Qaaddiga Maxkamadda Gobolka. Maxaabiista kiissaskaas xabsiga dhexe ee Burco uggu xidhan cid caddaallada la marriyeyna ma jirto.

    Maamulka hadda magaalladu leeddahay ee ka shaqeeyaa waxa amnigeedda sugga oo ay leeddahay labba Talliye kaas oo uu soo maggacaabay maamulka Riyaalle hoos taggaa. Maamulku wuxuu rabbaa uu ka faa’iiddeysto xafiltanka qabiil ee dhex yaalla labbada beellood ee deggen Burco, innuu beel ka mid ah labbadaa beellood ka kasbaddo cod-cod dheeri ah oo doorrashada Gobolka Togdheer ka dhacaysa uu ka hello.

    Arrintan ah innay magaalladu yeellato Laba Talliye waxay keentay in beelluhu kalla aammin baxaan, caddaaladdii awalba sii liic-liicaysana gebbi weyn ka sii dhacdo. Markaad ku suggan tahay magaallada waxaad maqlaysaa Talliyaha Barriga Burco oo arrin u gaar ah Talliyaha kalle ee dhiggiisa ah farraha la gallay, iskunna maan-dhaafay. Tanni markay dheggaha dadka horumarka jeccel ee reer Burco markay maqlaan waxay dhallinyarro baddani go’aansaddeen in ka aammin baxaan maamulkii magaallada ka jirray, unna holladaan Tahriib ay baddaha iyo saxaraha la weheshaddaan, dhallinyarro baddan oo wiillal iyo gabdho ahina ku leeddaan.

    Haddaba, waxaan is-leeyahay dhibta waxa loogga bixi karraa oo kalliya innay dadweynaha reer Burco dantooda u soo jeestaan. Qabiilkana laysku garto oo kalliya, qabyaalladana layska dhaafo. Sharciga Allana loo soo noqdo. Haddii kalle, oo taas la waayo, waxa habboon in Shabbaabka la soo dhaweeyo. WAAYO, Shabbaabku waxyaabo baddan oo Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Soomaalida waafaqsan bay oggol yihiin innay dadka ku dhaqaan.

    Sidda Shabbaabku heshiishyo u kalla dhex dhiggay beello wadda degga gobollada Jubbooyinka, Bay, Bokool, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ayaa dadka reer Burco loogga dhiggi lahaa Magaalladooda. Illaahay bay tiisu tahay’e, waxay keenni lahaayeen nabbad iyo caddaalad kalla hagta dhammaan dadka ku dhaqan Gobolka Togdheer.

    Geba-gebbadii, Hadday Burco waannada iyo dabbeysha caafimaad ee dhacaysa dheggo nuggeyl u yeellato waxa dhici karta in si dhakhso ah is-beddel xagga maamulka ahi u magaallada ka hirgallo. Haddalka mallabka ka maccaan ee wallaalkeen Uggaas Maxamed Weli noo sheeggay ee ah “in Shabbaabku horseeddi karraan innay soo celliyaan midno” siddii ay Gobollada Soomaaliya ee ay gaccanta ku hayaan ugga dhalliyeen amni, kalla dambeyn, midnimo, qablaayad la’aan ay imman karto, Burcanna ay noqon karto Hooyadda kulmisa amma Xarrunta loogga Talliyo u noqon doonta Gobolladda aynu wallaallaha nahay ee ay shabbaabku Alla ha xafidee, horumarkii 20-kii sanno ee Soomaali suggayey ka sameeyeen.

  2. Ciid wanaagsan, isimku wuu mahadsanyahay,

    waxaase la is weydiin karaa muxuu uga gabanayaa in uu si toos ah u waaniyo shabaabka, oo u sheego waxyaabaha ka qaldan sida tashi la’aanta dadka kale iyo dilka dadka islaamka oo aan maxkamada iyo kafiirsi midna lahayn iyo weliba, gaalaysiinta aan cilmiga ku dhisnayn. taas oo u muqata in lawada haligmayo. waxaan oranlahaa shabaab dalka kaligiin malihidine talada dadka u dhashay wax ka siiya halka aad dadka kale la tashanaysaan

  3. Manjuuriya says:

    Sidaan horay u iri shalay hadalka Ugaasku wuxuu dhiiri gelinayaa is baahin alshaab, wuxuuna niyad xumo ku abuurayaa dawlada sheekh shariif. Hadalka ugaaska waa hadal dhinac u hiilinaya, marka mid xal ku imaan karo ma ahan. waxaa la gudboon Sheekh Shariif in uu markale kordhiyo baarlamaanka oo uu ugu daro mucaaradka 500 oo xildhibaan. dawladu waa dawlad midnimo sidaas hadii xalku imaan karo ha layeelo.

  4. Abdirashiid says:

    marka hore ugaaska ma ahan mid ugaas ahaan u jiri ee horta waa nin asagu is magacaabay aqoon fiican ayaan anigu u leeyahay waana nin marba meeshii uu nacfi ka helaayo raaca sida dabaysha shabaab talada dalka iyaga kaligood malahan sida aan ka warqabana kuma socdaan talo somalinimo askartooda ayaa nala joogta ma ahane madaxdooda waxay joogaan buuraha afgaanistaan marka ugaaska waxuusan ka warqabin midaas
    tan uu leeyahay ninkii raba aniga ha i rartee anigu rooti ayaan rabaana ugaaska maslaxadiisa ayaa ka gashay shabaab

    marka ugaasoow waxaan ku dhihi lahaa hadii aad tahay nin mustaqbal fog leh ka fiirso talaabadadaada meesha aad dhigayso

  5. umma says:

    acs
    waxaa aaminsanahay in uu ugaaska xaqiiqda ka hadlin waayo wadanka alshabaab kaliya malahan soomaali oo idil baa wadana la leh, shabaab uma diyaar ah dadka oo ay meel dhexe isugu imaadaan, diyaar waxa ay u yihiin in dadka dhiigooda banaysaan hadaan manhajkooda la raacin, calaakuli xaal dadkan kitaabka Allah afka sheeganaya adimadooda dhiiga banaystay ma u malaynayo in cadaalad wadanka u horseedi karaan. waxa ay ka mid yihiin dadka danaha shisheeya u shaqeeya, waayo waxa ay aaminsanyihiin soomaaliya in ay ahaato furin dagaal waligeed.

  6. Cabdiqaadir says:

    Waxaan umahad celinayaa Ugaas Maxamed Wali Sheekh Axmed sida uu figradda fiican iyo talo bixinta usoo jeediyay sidii umadan dhibaatada looga saarilahaa.Waxaan ubaaqayaa in dhammaan madax dhaqameed yada kale ee soomaalida ay ku daydaan oo ay lashaqeeyaan Ugaas maxamed Wali soomaalida waligeedba Geedbay ku heshiin jirtaye geed la isugu keeno si dhibatooyinka loo xaliyo.Wabillaahi tawfiiq.

  7. Cabdiqaadir says:

    Waxaan umahad celinayaa Ugaas Maxamed Wali Sheekh Axmed sida uu figradda fiican iyo talo bixinta usoo jeediyay sidii umadan dhibaatada looga saarilahaa.Waxaan ubaaqayaa in dhammaan madax dhaqameed yada kale ee soomaalida ay ku daydaan oo ay lashaqeeyaan Ugaas maxamed Wali soomaalida waligeedba Geedbay ku heshiin jirtaye geed la isugu keeno si dhibatooyinka loo xaliyo.Willaahi tawfiiq.

  8. Abu Suuban says:

    Ugaas sidee la isku waafajin karaa in dagaalka la joojiyo iyo in talada lagu wareejiyo Shabaabka?
    Malaha waxay ku fiicneed inaan kooxda kale ku dhahno isdhiiba.
    Waxaan hubaa oo aanan marna shaki iiga jirin in kooxda Shabaabku Soomalinimo ku jirin haba yaratee. Wadaniyadu waa danbi agtooda waana xaaraan qofkii lagu arkana waa Jaasuus ama Murtad sida ay sheegaan marwalba tusaale yar waxaa ku filan inaysanba aqoonsanayn Calanka Soomaalia. Waa urur dano shisheeye u adeegaya oo cadawga oo dhan raba inuu dalkeena iskugu yimaado, Sow ma ogid inay dhahaan cid kasta iyo dowlad walba “Inaa Qaadimuun” oo ah waa idinkusoo soconaa.
    Anigu waxaan ku talinayaa in Shabaabka meel loogasoo wada jeesto ileen sababta dhibka taagan maanta ayagaa sabab u ahe, kadibna umadu tashato.

  9. Waddani says:

    Ugaas talo meesha kumahaysid ee mabaqdin baahadalka kaakeentay? Cid aan Allah ahayn hakabiqin. Kitaabka Alle iyo Sunada rasuulka CSW waa waajib in laysku xukumo oo laraaco. Shabaabse No No No !!!

  10. asmaa says:

    inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun waan kaaxumahay adigoo matalaya culimo iyo waxlba leh inaad kuhadashid hadalada aan ku arkey meeshaan waxaan kaloo kaxumahay inaad ku sheegtdi shayaadintaan mujaahidiin, mawaxay ku noqdeen mujaahidiin daadista dhiiga islaamka barakicinta masaakiinta laaxowla walaa quwati ilaabilaahi caliyul cadiim waxana umaleynayaa qof walba wuxuu leeyahay laba mitir aan aabe iyo hooyo iyo walaal iyo xataa wahel in lageynayo qof walbana waxaa saaran korkiisa raqiib iyo catiiq qoraaaya wuxuu ku hadlaya hadii ay yaqaanan diinta islaam haba yaraatee ama haba badnaatee ma umaleynaayo iney baneysanlahaayeen dhiga islaamka ama nafta ilaahey sharfey marka anigu waxaan hadaleykeyga kusoo koobayaa somalia wax daacada kasheegaya malahee ilaahey maslaxad kheyr qabta hakeeno inkastoo aanan arkeyn dad maslaxad wada waayo mid kastaa dan gaaruu leeyahay markaaasaa waxaalagu gabanayaa diinta alaah alaah waa dulqaade falsan waa awoodaa qofkasta oo kubeen sheegaa kitaabkiisa inuu qabto qabasho adaga waxaan rajeynayaa inuu dulmi wadayaasha alaah naga qabo insha alaah saasaan salaad kasta oo aan tukado alaah kabar yayaa insha alaah,

  11. Manjuuriya says:

    Warka ugaaska waa ka dhigaya dawlada ku meel gaarka h wax aan jirin. waana ka farxinaya Al shabaab kaas oo dhigaya ama siinaya awood iyo dhiiri gelin.
    shakhsi ahaan waxay ila tahay in doorasho qabto oo halkaas lagu kala baxo. Laakiinse arinka xil isku wareejinta rag baan ogolayn oo la taagan ” cadow ku cunay ama ku ciideeyey” Sheekh shariif ha u horeeyee.

  12. duale says:

    Ugas sheekha hadalkii waakaas soomaali hadday dhego leedahayna waa arkaan,danta soomalina maanta kuma jirto kolba dawlad cidi soo dhoodhoobatay iyo nin ciil qabiil karkaarada dhaafshay ee soomaaliyeey wax maqla,gaalana yaanay idiin gadhwadin.

  13. Ugaas Maxamed waan ku raacsanahay fikirka uu soo jeediyey, waana sida
    kaliya ee Soomaliya dhibaatada uga
    bixi karto, marka waxaa loo baahan
    yahay DADWEYNAHA SOOMAALIYEED meel
    kasta ee ay joogaan waa in ay kacaan
    oo u hiiliyaan xaqa sidii looga bixi
    lahaa waxaa maanta lagu sugan yahay
    war waa in laga gubdaa Qabiilka iyo
    qurunka ku baahay Ummadda dhexdeeda
    oo ILLAAHAY LOO NOQDA si ciqaabta looga
    baxa,ha la raaco tala Ugaaska.

  14. ahmed farah says:

    Anigu wax kale oran mayo balse Ugaasniyo iyo Gar khasaaray ayaa ii muuqata…soomaali talo kaagama baahnee orad jeeskaagii ku noqo.

  15. Mohamed Ahmed says:

    Ugaas isu dhiib Shabaab dowlad adiga ha kuu dhisaane. “Dadkeey leeynayaan hadaan iyaga wadanka loo dhiibin” ma aha wax nin weeyn ku hadlo, iskaba daa inuu yahay hadal qof sheegta ugaasnimo.
    Qofkii madaxa naga guraba hadaan u sujuudno meel ma tageeyno ee waxaan talo kuugu soo jeedin lahaa inaad wadanka ka difaacdo, kana difaacdo cadooga ToraBora nooga soo duulay.
    Mase iloowday in Adeerkaa Siyaad Bare ku hungoobay in qabiilka la aaso oo mid ka fool xun nooma horseedin. Mise maba tihid qof taariikhda wax ka kororsada????