Nuur Cadde oo Lagu Abaal Mariyey in Dadka Soomaaliyeed aysan Xuquuq ku yeelan Dhulka Soomaaliyeed?
Dhammaadkii sannadkii 2008, ayaa heshiis waxaa kala saxiixday xukuumaddii uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Midowga Yurub. Waxaa heshiiskaas DFKMG u saxiixay safiirka u fadhiya Nairobi. Sida aan hoos ku arki doono waxaa heshiiskaas la saxiixay xilli aan DFKMG lahayn madaxweyne. Hoos ka akhri wixii heshiiskaas ku qornaa oo Af-Soomaali loo rogey iyo faallo kooban oo ku saabsan heshiiskaasi sida uu xad gudubka ugu yahay xuquuqda qaranimada Soomaalida.
Heshiiskan oo ku soo baxay faafinta rasmiga ah ee Midowga Yurub (Official Journal L 010 , 15/01/2009 P. 0029 – 0034), waa kan:
HESHIIS
dhexmaray Midawga Yurub iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku saabsan Ciidamada badda ee ay hoggaaminayaan Midowga Yurub ee Gudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya eek u ku shaqaynaya Hawlgalka Militariga Midowga Yurub ee (loogu magac daray) Atalanta
Midoga Yurub (EUROPEAN UNION “EU”)
iyo
Jamhuuriyadda Soomaaliya (SOMALI REPUBLIC), oo wixii halkan ka bilowda aan ugu yeeri doona ‘Dalka Martigeliyaha’,
Labada dhinac (Soomaaliya & EU)
AYADOO LA TIXGELINAYO:
– Qaraaradii Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay (QM) ee Resolutions 1814 (2008), 1816 (2008( iyo 1838 (2008) iyo qaraarkii ku xigey,
– Warqad ku taariikhaysan 1da November 2008 oo ka timid Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah Mudane Nuur Xasan Xuseen ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku socotey Xoghaynta-Guud ee Golaha Midowga Yurub / Wakiilka Guud ee Arrimaah dibadda iyo Ammaanka u qaaabisan EU oo jawaab u ahayd Wadashaqaynta Midowga Yurub ay soo jeediyeen, iyo Warqadda ku taariikhasan 14kii November 2008 oo ah wargelintii ay Dawladda Federalka kumeelgaarlka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay soo bandhigiddaas ku wargelisay Xoghayaha Guud ee QM,
– Golaha EU ficilkii Wadajir ahaan ay qaateen ee 2008/851/CFSP markay taariikhdu ahayd 10kii November 2008 oo ku saabsanaa Militariga Midoga Yurub hawlgalkooda ku saabsan ka hortagga, caabinta iyo cadaadinta ficillada burcad badeeda iyo burcadda hubaysan ee xeebaha Soomaaliya (Hawlgalka Atalanta)
– In heshiiskani uusan saamayn ku yeelanayn labada dhinac (Somalia & EU) xuquuqdooda iyo waajibadkooda heshiisyada caalamiga ah iyo arrimaah kale ee la xiriira maxkamadda caalamiga ah, oo ay ku jirto xeerka dembiyeedka maxkamadda caalamiga ah
WAXAY ISKU RAACEEN QODOBADA SOO SOCDA
Qodobka 1
Khuseeye iyo Qeexid
1. Heshiiskani waxa uu khuseeyaa Ciidamada ay hoggaaminayaan Midowga Yurub iyo shaqaalahooda
2. Heshiiskani waxa uu khuseeyaa oo keliya dhulka martigeliyaha (Jamhuuriyadda Soomaaliya), oo ay ku jiraan gudaha baddeeda , dhul-badeedkeeda (territorial sea) iyo hawadeeda.
3. Ujeedada heshiiskani waa:
(a) Ciidamada badda ee ay hoggamiyaan Midowga Yurub (EUNAVFOR), waxaa loola jeedaa ama macnaheedu waxaa weeye Xarunta Militariga EU iyo dalalka ka hawlgeleya, maraakiibtooda, diyaaradahooda, qalabkooda, dhaqaalahooda iyo aaladooda ay wax ku qaataan;
(b) ‘Hawlgalka’ macnaheedu waxaa weeye diyaargarowga, asaasidda, hirgelinta iyo taageerada qorshaha militariga ee mandate-koodu kasoo bilowday Qaraarada Golaha Ammaanka ee UN Resolutions 1814 (2008) iyo 1816 (2008) iyo Qaraarada la xiriira ee ku xiga ee Golaha Ammaanka QM iyo Xeerka QM ee badaha Adduunka ee 1982;
(c) ‘Hoggaamiyaha Hawlgalka EU’ macnaheedu waxaa weeye hoggaamiyaha hawlgalka;
(d) ‘Hoggamiyaha Ciidamada EU’ macnaheedu waxaa weeye haggaamiyaha goobta hawlgalka;
(e) ‘Xarunta Militariga EU’ waxaa loola jeedaa ama macnaheedu waxaa weeye Xarunta saldhigga u ah militariga, halkaas oo ah barta ay joogaan, ayagoo ay hoggaaminayaan saraakiisha militariga ee EU, oo ah meesha laga hagayo hawlgalka;
(f) ‘Dalalka ka qayb qaadanaya’ macnaheedu waxaa weeye ururyada, maraakiibta, diyaaradaha iyo aaladda ay wataan dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub iyo dalalkakale ee ka qayb qaadanaya hawlgalka, o ay ku jiraan maraakiibta difaacaya iyo ciidamada militari ee saaran maraakiibta ganacsiga;
(g) ‘Shaqaalaha EUNAVFOR’ macnaheedu waa shaqaalaha caadiga ah (shacabaka ah) iyo militariga ka hawlgeleya EUNAVFOR iyo shaqaalaha loo diray u diyaargarowga hawlgalka oo ay dirayaan dalalka diraya ama EU oo qaabisan hawlgalka, hadda ama la filayo sida ku cad heshiiskan, oo la xiriira dhulka dalka martigeliyaha (Soomaaliya), oo laga reebay shaqaalaha maxalliga ah iyo shaqaalaha ay qorteen qandaraaslayaal ganacsi ee caalami ah.
(h) ‘Dalal diraya’ waxaa macnaheedu yahay waa Dalka ciidamada ku biirinaya EUNAVFOR;
(i) ‘Biyaha’ waxaa loola jeeda biyaha caalamiga ah iyo dhul-badeedka dalka martigeliyaha (Soomaaliya) iyo hawada ka saraysa baddaas.
Qodobka 2
Qodob Guud
1. EYNAVFOR iyo shaqaalaha EUNAVFOR waa in ay qadariyaan sharciga iyo qaanuunka dalalka martigeliyaha ah (Soomaaliya), waana in ay ka fogadaan ficil iyo dhaqdhaqaaq aan waafaqsanayn ujeedada hawlgalka.
2. EUNAVFOR waa in ay dalka martigeliyaha (Soomaaliya) ku wargeliyaan maraakiibtooda iyo diyaaradahooda ka hawlgelaya biyaha Soomaaliya iyo maraakiibta tegaya marsooyinka dalka martigeliyaha (Soomaaliya)
Qodobka 3
Aqoonsi
1. EUNAVFOR shaqaalahooda jooga dhulka Soomaaliya waxaa shardi ku ah in ay markasta sitaan baasaboor ama kar cadaynaya in militari yihiin
2. EUNAFOR maraakiiibtooda iyo diyaaradahooda waa in ay ka muuqato calaamad khaas ah oo lagu garto oo muujinaysa EUNAVFOR, oo Soomaaliya madaxdooda ku haboon lagu wargelinayo;
3. EUNAVFOR waxay xuquuq u lahaanayaan in ay muujiyaan calanka Midowga Yurub iyagoo mujisanaya calaamadaha militari iyo calaamadaha rasmiga ee maraakiibta iyo diyaaradaha. Ciidda ama gudaha Soomaaliya, shaqaalaha EUNAVFOR waa in xirtaan dhar-gaar ah (uniform) ay ka muuqato calaamadda EUNAVFOR. Calamada dalalka ka qayb qaadanaya hawlgalka waxaa dhici karta in lagu dhejiyo dharka EUNAVFOR, taas oo go’aankeeda uu leeyahay hoggaamiyaha ciidanka EU.
Qodobka 4
Ka gudbka Xadka iyo ku dhex socodka dhulka Soomaaliya (Dalka martigeliyaha)
EUNAVFOR shaqaalahoodu waxay gelikaraan ciidda dhulka Soomaaliya waxa keliya oo looga baahan yahay waa sida ku cad qodobka 3 (1). Waa laga dhaafay ama ma qabanayaan sharciga la xiriira baasaboorka iyo dal-ku-galka, (Visa) baaritaanka immigartionka, iyo hubinta customka, marka ay ka baxayaan ama inta ay ku dhex jiraan dhulka Soomaaliya.
2. EUNAVFOR shaqaalahooda waa laga dhaafay (ma qabanayaan) sharciyada Soomaaliya ee la xiriira diiwaan gelinta iyo hubinta dadka Ajnabiga ah ee dalka soo geleya, laakiin ma yeelanayaan xuquuq deganaansho rasmi ah ama xuquuq madani ah ee dhulka Soomaaliya.
3. EUNAVFOR Dhaqaalahooda iyo aaladahooda (ay ku safrayaan) lagu safarka ee geleya ama dhex maraya ama jooga gudaha dhulka Soomaaliya ee taakulaynaya hawlgalka waxaa laga dhaafay ama ma qabanayo wax kasta oo muujinaya in la ogaado inta ay leegyihiin alaabtaasi, loogama baahna dukumiinti, sidoo kale waxaa laga dhaafay ama loogama baahna haba yaraatee in la eego waxa ay wataan.
4. EUNAVOR shaqaalahoodu waxay dhulka Soomaaliya ku wadan karaan gawaari, maraakiib iyo diyaarado, haddii ay wataan laysan dalalka (qaybta ka ah howl galka) ama caalami ah ama militari, ama shatiga lagu wado maraakiibta ama laysanka lagu wado diyaaradaha, ee ku haboon.
5. Arrimaha la xiriira hawlgalka awgeed, waa in Soomaaliya ay EUNAVFOR iyo shaqaalaheeda u ogolaato xorriyad ay ku socon karaan iyo xorriyad ay ku dhex mari karaan dhulkeeda, oo ay ku jiraan biyaha iyo hawada. Xorriyadna loo siiyo inay ku dhex socon karaan dhul-badeedka (territorial sea) Soomaaliya oo ay ka mid tahay in ay kusoo xiran karaan xaaladdii ay doonaan.
6. Arrimaha la xiriira hawlgalka awgeed, EUNAVFOR waxay badda iyo hawada Soomaaliya ka fulin karaan, carbis ama tababarrkii ay doonaan ayagoo adeegsanaya hub, ayagoo ka duulaya, kusoo degaya, ka raacaya diyaarado ama noocii la doono oo ah aalad militari.
7. Arrimaha la xiriira hawlgalka awgeed, EUNAVFOR maraakiibtooda quusta loogama baahna in ay ku socdaalaan sagxadda sare ee biyaha oo ay muujiyaan calaankooda marka ay ku dhexjiraan dhul-badeedka Soomaaliya
8. Arrimaha la xiriira hawlgalka awgeed, EUNAVFOR iyo aaladahooda wax lagu qaado waxay adeegsan karaan jidadka dadweynaha, buundooyinka, marsooyinka, garoonada iyo dekedaha ayagoo aan bixin wax lacag ah, aan bixin kiro ama khidmad, aan bixin cashuur, iwm. EUNAVFOR lagama dhaafin (lagama cafin) kharash macquul ah ee adeeg loo qabtay oo la xiriirta adeegyada ay bixiyaan ciidamada hubaysan ee Jahmuuriyadda Soomaaliya.
Qodobka 5
Fursado gaar ah iyo saamaxaadda ay Soomaaliya u ogolaatay EUNAVFOR
1. EUNAVFOR maraakiibtooda iyo diyaaradahoodu waa in ay ahaadaan lama taabtaan (ama laguma xad gudbaan). Kuwaas oo hay’adaha Soomaaliya aysan geli karin ayagoo aan amar ka qaadan taliyaha ciidamada Midowga Yurub,
2. EUNAVFOR maraakiibtooda iyo diyaaradahooda iyo weliba aaladahooda wax lagu qaado waa in ay ahaadaan kuwo ka caaggan oo aan la baari karin, wax la weydiin karin oo dacwad lagu oogi karin.
3. EUNAVFOR iyo maraakoobtooda, diyaaradahooda, alaabtooda iyo dhaqaalahooda, meelkasta oo ay ahaadaanba waa in ay ahaadaan lama taabtaan oo aan lagu fulin karin ama lagu qaadi karin nimaadka sharciga.
4. EUNAVFOR kaydkooda (archive) iyo dukumiintigoodu waa lama taabtaan (caaggan) xilli kasta oo ay ahaato, waqti kasta oo ay noqoto (immunity).
5. Wada xiriirka rasmiga ah ee EUNAVFOR waa lama taabtaan (xafidan). Wada xiriirka rasmiga ah waxaa macnaheedu yahay dhammaan xiriirka la xiriira hawlgalka iyo arrimaha fulineed ee la xiriira.
6. Alaabta la soo dejiyey (oo Soomaaliya bannaankeeda laga keenay) ama la gatay, iyo adeegyada ay isticmaalaan EUNAVFOR oo loo isticmaalo hawlgalka, ama EUNAVFOR iyo weliba qandaraas bixiyaasha ama qandaraaska kuwa qaata, dhammaan waxaa laga dhaafay ama ka caagan yihiin dhammaan cashuurta iyo khidmada dalka ama gobolka ama maxalliga. EUNAVFOR lagama dhaafin cashuurta iyo khidmada la xiriirta lacag ay ku bixinayso adeeg loo qabtay.
7. Soomaaliya waa in ogolaato soo gelitaanka dalka ay soo galayaan alaabta loo wado hawlgalka, isla markaasna ay u ogolaato in laga dhaafo cashuurta iyo dhammaan lacagaha laga qaadi lahaa ee la xiriirta customka, marka laga reebo khidmadda la xiriirta kaydinta iyo adeegga loo qabtay.
Qodobka 6
Fursadaha gaar ah iyo saamaxaadda ay Jamhuuriyadda Soomaaliya u ogolaatay Shaqaalaha EUNAVFOR
1. Shaqaalaha EUNAVFOR looma qabsan karo dacwad noocii ay doontoba ha ahatee, lamana xiri karo
2. Waraaqaha, wada-xiriirka iyo alaabada shaqaalaha EUNAVFOR waa lama taabtaan
3. Shaqaalaha EUNAVFOR waa in ay noqdaan kuwo ka caaggan oo xaaladdii ay doonto haku dhacdee aan lagu soo oogi karin dacwo-dembiyeed ama dacwad madani ah ama dacwad maamul ee Jamhuuriyadda Soomaaliya xaaladdii ay doonto haku dhacdee.
Dalalka ciidamada ka qayb qaadanayaan EUNAVFOR ama EU waxay qoraal ku soo gudbin karaan in ay iskood u joojiyeen arrintaas la xiriirta in aan dacwad loo qabsan karin shaqaalahooda. Waxaana shardi ah in taas qoraal lagu gudbiyo markasta.
4. Nidaamka ay bilaabaan Shaqaalaha EUNAVFOR waa in ay u horseedaa in aan dacwad loo qabsan karin xagga maamulka ayadoo la eegayo dacwad celinta la xiriirta sheegashada asalka ah.
5. Shaqaalaha EUNAVFOR waajib kuma aha in dhiibaan caddayn ayagoo markhaati ah
6. Lama fulinkaro wax ciqaab ah oo ku aadan shaqaalaha EUNAVFOR.
7. Shaqaalaha EUNAVFOR dacwadda aan looga qabsanayn Jamhuuriyadda Soomaaliya kama dhaafeyso in dacwad looga qabsado dalkii shaqaalahaas soo diray.
8. Shaqaalaha EUNAVFOR waa in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ka dhaafto cashuurta lagaqaadi lahaa mushaharkooda ay siiso EUNAVFOR ama dalalka soo diray, iyo weliba wixii lacag ah oo ka soo gaara dibadda ama bannaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
9. Jamhuuriyadda Soomaaliya ayadoo raacaysa sharcigan iyo qodobadiisa marka ay dhaqan geliso, waa in a u ogolaato in ay soo galaan alaabooyinka ay adeegsanayaan shaqaalaha EUNAVFOR, isla markaasna ay dhaafto wixii cashuur iyo khidmad ah, marka laga reebo khidmada la xiriirta kaydinta iyo adeegyada la midka ah.
Boorsooyinka khaaska ah ee shaqaalaha EUNAVFOR lama baari karo, haddii aysan jirin arrin caddayn weyn loo hayo uu muujinaysa in aysan adeegsanayn shaqaalaha EUNAVFOR, ama aysan ahayn alaab soo dejinteeda ama dhoofinteeda uu mamnuucayo sharcigu ama ah alaab karantiil (ka reeban) ku ah xeerka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Baarintaankaas waxaa la samayn karaa oo keliya ayagoo ay joogaan shaqaalaha EUNAVFOR ee ay khusayso ama wakiil loo igmaday ee EUNAVFOR.
Qodobka 7
Cidda qaadaysa xukunka Faldembiyeedka
Dalalka (EU) ee soo diray (Shaqaalaha EUNAVOR) ayaa leh xuquuqda in ay qaadaan xukunka faldembiyeedka lagu galay gudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana shaqaalaha EUNAVFOR loo adeegsanayaa qaanuunka dalka soo diray.
Qodobka 8
Lebiska (uniform) iyo hubka
1. Xirashada dharka unifoomka ah waxa uu ku xiran yahay xeerka uu dejiyo taliyaha ciidanka EU
2. Shaqaalaha Militariga EUNAVFOR waxay qaadan karaan hub iyo rasaas ayagoo amar haysta
Qodobka 9
Jamhuuriyadda Soomaaliya caawinaad iyo qandaraas
1. Jamhuuriyadda Soomaaliya waa in wixii ay awoodi karto ku taageertaa diyaargarawga, asaasida iyo fulinta hawlgalka.
2. Sharciga loo adeegsankaro qandaraasyada e ay dejiyaan EUNAVFOR ee gudaha jamhuuriyadda Soomaaliya waa in loo eego qandaraaska
3. Jamhuuriyadda Soomaaliya waa in ay fududayso hirgelinta qandaraasyada ay dhamaystirto EUNAVFOR ee ku saabsan hawlgalka.
Qodobka 10
Shaqaalaha EUNVFOR ee Geeriyooda
Hoggaamiyaha Ciidamada Midawga Yurub ayaa leh xuquuqda uu kula wareegayo oo ku diyaarinayo meydka shaqaale kasta oo ka tirsan EUNAVFOR iyo wixii maal ah oo uu lahaa shaqaalaha geeriyoodey.
Qodobka 11
Ammaanka EUNAVFOR
EUNAVFOR waxay ogolaansho u haysataa in dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo baddiisa, ay kafuliyaan wixii ku haboon sugidda difaaca maraakiibtooda, diyaaradahooda iyo dhaqaalahooda iyo weliba markiibta ay ka difaacayaan weerar bannaanka kaga yimaada.
Qodobka 12
Wada-xariirka (communications)
EUNAVFOR waa in ay xuquuq aan wax xannibaad ah lahayn u haysataa wada xiriirka raadiyaha (oo uu ku jiro satellite, mobile iyo raadiyaasha gacanta), telefoonka, telegaraafka, fax-ka iyo siyaabo kale oo loo xiriiro. Jamhuuriyadda Soomaaliya waa in ay lacag la’aan ugu ogolaato (oo u xaqiijiso) adeegsiga khadka hoondada (frequency).
Qodobka 13
Ku andacoodka geeri, dhaawac, burburin ama lumid
1. EUNAVFOR iyo shaqaalaheedu masuul kama aha (loomana qabsan karo) wax kasta oo burbura ama luma oo ah maal shacab ama dawladeed, kuwaas oo ku burburay ama ku lumay wax la xiriira hawlgal loo baahnaa ama ay sababeen dhacdo la xiriirta kacdood shacab ama difaac EUNAVFOR.
2. Sheegashada burbur ama lumid maal shacab ama dawladeed oo aan lagu xusin faqradda 1aad (ee sare), iyo sheegashada geeri ama dhaawac dad ama burbur loo geysto alaab EUNAVFOR, waa in lagu xalliyo ayadoo la marayo dariiq dublomaasiyadeed.
3. Haddii ay dhacdo xaalad shaciyeed la xiriirta gabood-fal ay sababtay gacan saddexaad, markaas Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa geleysa booskii EUNAVFOR. Dhammaan dhacdooyinkaas, jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa bixineysa qaantaas ka dhalatay xad-gudbka ay geysatay gacan saddexaad wixii aan ka ahayn sida ku xusan farqadda 1aad (ee sare). Haddii qaantaas lagu xiriiriyo EUNAVFOR, markaas dhammaan qaantaas ama qaar ka mid ah waxaa bixinaya EUNAVFOR.
Qodobka 13
Wakiil iyo Muranka
1. Dhammaan arrimaha ka soo shaac baxa adeegsiga heshiiskan waxaa si wada jir ah u lafa guraya wakiillo ka socda EUNAVFOR iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya.
2. Haddii lagu guul daraysto in meel la isla dhigo arrimo hore, muran la xiriira fahamka ama adeegsiga heshiiskan, waa in si khaas ah loogu xalliyo ayadoo la marayo hab dublomaasiyadeed oo u dhaxeeya wakiiladda ka kasocda Jamhuuriyadda Soomaaliya yo Midowga Yurub.
Qodobka 15
Qodobbo Kale
1. Markasta oo heshiiskan lagu xuso xuquuqda gaarka ah, saamaxaadda guud iyo xuquuqda (privileges, immunities & rights) ay leeyihiin EUNAVFOR iyo shaqaalaheeda, hirgelintooda (xuquuqdaas gaarka ah) iyo fulintooda waxaa masuul ka ah Dawladda Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyo in ay aqbalaan oo fulinayaan hay’adaaha maxalliga ah ee Jahmuuriyadda Soomaaliya,
2. Ma jiraan wax heshiiskaan ka mid ah oo loola jeedo ama laga fahmi karo oo wax xuquuq ah ka qaadi kara oo lagu weerari karo dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ama dalalka ka qayb qaadanaya EUNAVFOR.
Qodobka 16
Maaraynta Hirgelinta
Ayadoo la eegayo ujeedada adeegsiga heshiiskan, ku hawlgalkiisa, maamulidiisa iyo farsamadiisa waxaa dhici karta in si gooni ah ay u maareeyaan sarkaalka hawlgalka EM ama sarkaalka ciidanka EU oo dhinac ah iyo saraakiil xagga maamulka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo dhinaca kale ah.
Qodobka 17
Dhaqan galka iyo ka bixitaanka
1. Heshiiskani waxa uu dhaqan gelayaa maalinta la saxiixo, waxana uu ahaanayaa mid dhaqan gal ahaanayaa ilaa xubinta ugu dambaysa ee EUNAVFOR ay ka baxayaan (Dalka Soomaaliya) iyo in ay baxayaan kan ugu dambeeya ee shaqaalaha EUNAVFOR , wargelintaasna aay bixiso EUNAVFOR.
2. Inkasta oo ay jirto farqadda 1 (ee sare), haddana xeerarka ku xusan Qodobadda 4(8), 5(1-3), 5(6-7), 6(1), 6(3-4), 6(6), 6(8-9) iyo 13 waa in loo tixgeliyo kuwo lagu dhaqmayo maalinta ugu horeysa ee shaqaalaha EUNAVFOR ee loo diro (Soomaaliya), haddii taariikhdaasi ay ka horeysey taariikhda uu heshiiskani dhaqangalay.
3. Heshiiskan waxaa dhici karta in wax laga bedelo ayadoo qoraal ay isku raacayaan EU iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya
4. Baabi’nta heshiiskan waa in uusan wax raad ku yeelan xuquuqda iyo waajibaadka ka soo shaac baxa fulinta heshiiskan ka hor baabi’nta.
Taariikhda lagu saxiixay Nairobi 31 December 2008, laba nuqul oo rasmi ah oo ku qoran Luqadda English.
Waxaa saxiixay Midowga Yurb Jamuuriyadda Soomaaliya (saxiixa ka eeg hoose)
Heshiiska waxaa Nairobi lagu saxiixay 31/12/2008
English: HTML | PDF (http://eur-lex.europa.eu)
Faallo Kooban
Gumaysiga Reer Yurub ee Qarniga 21-aad
Runtii waa nasiib darro haysata Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaana Madaxda Soomaaliyeed, kaddib intii dowladdii Soomaaliya bur burtay waxaa soo baxaya heshiisyo laga argagaxo oo dhammaantood ay ku saxiixan yihiin Masuuliyiin Magac iyo Darajo sare kulahaa Dowladii Milatariga. Ma qof Bini aadam ah ayaa aamini kara shakhsi loo tababaray inuu ilaaliyo amniga Qaranka, khibrad ciidan oo ugu yaraan 40-tan sano ahna leh, isla markaana fikrad ka haysta sida caalamku maanta u shaqeeyo, oo wadamo badan tagay ama wax kubartay (Col. Nuur Xasan Xuseen R.Wasaarihii labaad ee DFKM), ayaa aqbali kara/saxiixi kara/ ogaalan kara/ loola imaan karaa hadalaan ku xusan Heshiiskan!. Imisaan oran karaa waa qab qable aan aqoon lahayn jahli ayaa u geeyey waxyaabo baddan, Dowladii Siyaad Barre waxa ugu muhiimsan ee Saraakiisha iyo Ciidamada ay barto waxay ahayd Difaacidda Qaranka Soomaaliyeed, Dhul, Cir iyo Badd laga difaaco Cadowga Soomaaliya. Waxay kaloo ummadda kala hadli jirtay inay Soomaaliyeed Shantii qaybood ee Gumaysigii reer Yurub u qaybiyey dib loo mideeyo. Arintaasna waxaa cadayn u ah Dagaalkii 77 lala galay Dowlada Itoobiya oo dad badan oo Soomali ah aaminsanyihiin kadib markii Ruushku jabiyey Ciidamadii Soomaaliya inay qaybta ugu wayn ku leedahay burburka Qaranka Soomaaliyeed. (Soomaaliya waxay gumaystayaashii Yurub hore ugu kala qaybiyeen shan qaybood.)
Sida aad kor kusoo aragtay qodobadaan kore oo dhan wax xuquuq ah oo ay siinayanaa ummadda Soomaaliyeed iyo dhulkooda midna jirin, una muuqda nooc gumaysi ah oo cusub, waxaana ugu magac bixin karraa (Gumaysiga reer Yurub ee Qarniga 21-aad) waxaan soo qaadan doonaa dhowr qodob oo kaliya qodabada oo dhan waa isku ujeedo, waana lagu soo celceliyey hadalada si mustaqbalka aan looga gar helin. Qodaba oo dhana waxay xuquuq cusub usiinayaan reer Yurub inay Wadanka Soomaaliyeed siday doonan ugu takri falaan, raga Madaxda ah oo ogolaaday heshiiskaana waxay dhaxal wareejiyeen Wadanka Soomaaliyeed oo dhan. Waxaan is kor taagi doonaa dhowr qodob.
Qodobka 4-aad
EUNAVFOR shaqaalahoodu waxay gelikaraan ciidda dhulka Soomaaliya waxa keliya oo looga baahan yahay waa sida ku cad qodobka 3 (1). Waa laga dhaafay ama ma qabanayaan sharciga la xiriira baasaboorka iyo dal-ku-galka, (Visa) baaritaanka immigartion-ka, iyo hubinta custom-ka, marka ay ka baxayaan ama inta ay ku dhex jiraan dhulka Soomaaliya.
2. EUNAVFOR shaqaalahooda waa laga dhaafay (ma qabanayaan) sharciyada Soomaaliya ee la xiriira diiwaan gelinta iyo hubinta dadka Ajnabiga ah ee dalka soo geleya, laakiin ma yeelanayaan xuquuq deganaansho rasmi ah ama xuquuq madani ah ee dhulka Soomaaliya.
3. EUNAVFOR Dhaqaalahooda iyo aaladahooda (ay ku safrayaan ) lagu safarka ee geleya ama dhex maraya ama jooga gudaha dhulka Soomaaliya ee taakulaynaya hawlgalka waxaa laga dhaafay ama ma qabanayo wax kasta oo muujinaya in la ogaado inta ay leegyihiin alaabtaasi, loogama baahna dukumiinti, sidoo kale waxaa laga dhaafay ama loogama baahna haba yaraatee in la eego waxa ay wataan.
4. EUNAVOR shaqaalahoodu waxay dhulka Soomaaliya ku wadan karaan gawaari, maraakiib iyo diyaarado, haddii ay wataan laysan dalalka (qaybta ka ah howl galka) ama caalami ah ama militari, ama shatiga lagu wado maraakiibta ama laysanka lagu wado diyaaradaha, ee ku haboon.
Qodobka 4-aad wuxuu leeyahay waxaa kaliya oo laga rabaa inay wataan calaamada howlgalkaan cusub loo sameeyey ee EUNAVOR oo kaliya, haday calaamadaas wataan waxkale oo laga rabo majirto (Uniform). Lagama doonayo Baasaboor iyo inay wadanka Soomaaliya Visa kusoo galaan ama ku joogaan, sidoo kale waxaa laga dhaafay in hay’ada socdaalku baarto ama waydiiso wax sharci ah iyo dhinaca Custom-ka iyo Xuduuda oo aan wax baaritaan ah ku samayn karin, macnaha qodobkan oo kooban waa waxay ka xuquuq badan yihiin Muwaadinka Soomaaliga ah. Sidaas maxaan u leenahay marka laga yimaado qofka shacabka ah ee Soomaaliga ah, dhamaan qaybaha kala duwan ee Dowlada waxay wadanka uga baxaan Baasaboor Dubamaasi ah, ha ahaadeen Hay’ada fulinta ama Mudanayaasha Baarlamaanka, Xasuusnowna Dowladu waxay qabanayso waa shaqo guud, sida qaalibka ah. Wali lama hayo Sharci sheegaya qofka muwaadinka ah inuu wadankuu doono ha ahaadee uu Baasaboor la’aan, ama Teesaraha aqoonsiga la’aantiis xataa wadankiisa dhexdiisa u kala safri karo. Shaqaalaha howl galkaan loo soo ka xaysto wadankay doonaan ha ahaadeen e waxaa laga dhaafay in magac laga qoro ama la waydiiyo meesha ay ka yimaadeen, wadanka way iska soo gali karaan, meeshay doonaana waa aadi karaan. lama yaqaano waxay ku joogaan, majiraan sharci lasiiyey oo ka dhacaysa, sida Visa-ha Dal ku galka, Daganaansha wadanka ama dhalashada wadanka. Shaqaalaha dhulka Soomaaliya waxay ku wadan karaan nooc kasta oo gaadiid ah Cir, Dhul iyo bad, lagamana rabo wax sharci ah, haday kamid yihiin dalalka qaybta ka ah howl galka, ama wataan shatiyada wadamadooda, sida; kan gaariga lagu kaxeeyo.
Waxaa ka siidaran intaan soo xusnay wax kasta oo ay wataan sida; dhaqaalahooda iyo qalab ama waxkasta oo ay wadanka lasoo galayaan waxaa laga dhaafay in la ogaado waxa ay yihiin iyo inta ay leeg yihiin, wax sharci ah oo looga baahan yahayna majirto. Micnaha hadalkan ku jira waa, sida caadiga ah ee aduunka looga macaamilo waa, marka wadan lala galayo alaab ama dhaqaale waxaa lasocda waraaqo cadaynaya, noocooda, tiradooda, meeshay kayimaadeen, cida iska leh iyo waxa lagu qabanayo ama sababta loosoo safriyey, Number-ka 3-aad wuxuu leeyahay waxaas oo dhan lagama rabo. Haday sun keenaan nasiibkood, haday Subag keenaana nasiibkood.
8. Arrimaha la xiriira hawlgalka awgeed, EUNAVFOR iyo aaladahooda wax lagu qaado waxay adeegsan karaan jidadka dadweynaha, buundooyinka, marsooyinka, garoonada iyo dekedaha ayagoo aan bixin wax lacag ah, aan bixin kiro ama khidmad, aan bixin cashuur, iwm. EUNAVFOR lagama dhaafin (lagama cafin) kharash macquul ah ee adeeg loo qabtay oo la xiriirta adeegyada ay bixiyaan ciidamada hubaysan ee Jahmuuriyadda Soomaaliya.
Qodobkaan waa iska cadyahay, kaliya waxaan xusaynaa adeegsiga wadoonyinka iyo meelaha kale ee ay marayaan wixii khasaare soo gaara lama xusin cida masuuliyadeeda qaadaysa.
Qodobka 5-aad
1. EUNAVFOR maraakiibtooda iyo diyaaradahoodu waa in ay ahaadaan lama taabtaan (ama laguma xad gudbaan). Kuwaas oo hay’adaha Soomaaliya aysan geli karin ayagoo aan amar ka qaadan taliyaha ciidamada Midowga Yurub,
2. EUNAVFOR maraakiibtooda iyo diyaaradahooda iyo weliba aaladahooda wax lagu qaado waa in ay ahaadaan kuwo ka caaggan oo aan la baari karin, wax la weydiin karin oo dacwad lagu oogi karin.
3. EUNAVFOR iyo maraakoobtooda, diyaaradahooda, alaabtooda iyo dhaqaalahooda, meelkasta oo ay ahaadaanba waa in ay ahaadaan lama taabtaan oo aan lagu fulin karin ama lagu qaadi karin nimaadka sharciga.
4. EUNAVFOR kaydkooda (archive) iyo dukumiintigoodu waa lama taabtaan (caaggan) xilli kasta oo ay ahaato, waqti kasta oo ay noqoto (immunity).
5. Wada xiriirka rasmiga ah ee EUNAVFOR waa lama taabtaan (xafidan). Wada xiriirka rasmiga ah waxaa macnaheedu yahay dhammaan xiriirka la xiriira hawlgalka iyo arrimaha fulineed ee la xiriira (waa lama taabtaan).
Qodobkan shanaad markaad aragto waxaad ilaawaysaa kuwii kasii horeeyey inkastoo uu xoojinayo qayb kamida kuwii aan soomaray. Wuxuu leeyaha Noocyada gaadiidka Midowga reer Yurub lama fiirin karo lamana gali karo meelkasta oo uu joogo, waxaa ka caagan in labaaro Diyaaradahooda iyo Maraakiibtooda, wax su’aal ahna aan lawaydiin, haday xadgudbaana wax dacwad ah lagu soo oogi karin. Waa yaabe dalka yaa iska leh, mawadan Midowga reer Yurub ka mid ah baa, xageese aduunka aan ku noolahay sidaas looga dhaqmaa, waxkasta oo ay wataan waa ka wayn yihiin sharciga waa lama taabtaan, sharci laguma qaadaan. Arintan si fiican u dhuux “Kaydka xogtooda, wada xiriirka howlgalka ee rasmiga ah waa laba taabtaan, xili kasta oo ay ahaato” Taas macnaheedu waa howsha ay u joogaan cid og majirto, haday wadanka sahamin kusameeyaan lama ogaan karo, waxkasta oo kuwada hadlaan iyaga kaliya ayaa is og. Qodobadaan kore markaad akhrido miyaadan qirayn inaan gumaysi galay Qarniga 21-aad, gumaysigana uu qayb kayahay Sarkaal sare oo loo tababaray difaaca Dalka iyo Dadka, Col. Nuur Xasan Xuseen.
Heshiiskan waxaa DFKMG u saxiixay safiirka u fadhiya Nairobi, Maxamed Cali Nuur “Americo”.
Qodobka 6-7-aad
Qodobadaan sidaan sheegnay midba mid waa ka daran yahay, qodobka 6-aad iyo qaybihiisa ayaa waxay si wanaagsan u cadaynayaa inaan Gumaysi rasmi ah oo aan geedna loogu soogaban ku jiro, ama ugu yaraan maxmiyad. Qodobkaan wuxuu kahadlayaa sida aad kor ku soo aragtay shaqaalaha howl galka EUNAVFOR inaan wax sharci ah oo qabanaya uusan jirin, marka laga reebo kan wadanka ay kayimaadeen.
1. Shaqaalaha EUNAVFOR looma qabsan karo dacwad noocii ay doontoba ha ahatee, lamana xiri karo
2. Waraaqaha, wada-xiriirka iyo alaabada shaqaalaha EUNAVFOR waa lama taabtaan
3. Shaqaalaha EUNAVFOR waa in ay noqdaan kuwo ka caaggan oo xaaladdii ay doonto haku dhacdee aan lagu soo oogi karin dacwo-dembiyeed ama dacwad madani ah ama dacwad maamul ee Jamhuuriyadda Soomaaliya xaaladdii ay doonto haku dhacdee.
Dalalka ciidamada ka qayb qaadanayaan EUNAVFOR ama EU waxay qoraal ku soo gudbin karaan in ay iskood u joojiyeen arrintaas la xiriirta in aan dacwad loo qabsan karin shaqaalahooda. Waxaana shardi ah in taas qoraal lagu gudbiyo markasta.
4. Nidaamka ay bilaabaan Shaqaalaha EUNAVFOR waa in ay u horseedaa in aan dacwad loo qabsan karin xagga maamulka ayadoo la eegayo dacwad celinta la xiriirta sheegashada asalka ah.
5. Shaqaalaha EUNAVFOR waajib kuma aha in dhiibaan caddayn ayagoo markhaati ah
6. Lama fulinkaro wax ciqaab ah oo ku aadan shaqaalaha EUNAVFOR.
Dalalka (EU) ee soo diray (Shaqaalaha EUNAVOR) ayaa leh xuquuqda in ay qaadaan xukunka faldembiyeedka lagu galay gudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana shaqaalaha EUNAVFOR loo adeegsanayaa qaanuunka dalka soo diray.
Haday danbi galaan lama dacwayn karo, lamana xirikaro, xiriirkooda iyo alaabadooda lama baari karo, sabab kasta oo keenta waxay ka caagan yihiin in wax dacwad ah lala tiigsado noocay doonto ha ahaatee, (waxaa iswaydiin mudan, xagee joogaa muwaadinka Soomaaliga ah oo xuquuqdaas haysta!) wadama ay ka yimaadeen qoraal way kusoo gudbin karaan in ogolyihiin in dacwad lagu qaadi karo Shaqaalaha ay soo direen, hadii kalese Soomaaliya noocay doontaba ha ahaatee shaqaalaha EUNAVFOR. Dacwad iyo ciqaab midna kuma qaadi karto. Sidoo kale qodobkaan waxaa lagu xusay inaan sinaba loo baari karin Boorsooyinkooda iyo alaabtooda iyo inaan wax canshuura laga qaadi karin noocay doonto ha ahaatee. Waxay ogol yihiin oo kaliya wixii khidmad ah oo loo qabto sida; xamaali ama xarayn. Qodobka 7-aad ayaa wuxuu leeyahay haday EUNAVOR danbi ka galaan Muwaadin Soomaaliyeed oo jooga wadankiisa EUNAVOR ayaa xaq uleh inay faldanbiyeedkaas dacwadiisa ay qaado iyadoo adeegsanaysa shakhsiga galay wadanka soo diray.
Hadaba waxaa hubaal ah in Muwaadinka Soomaaliyeed ee arka qoraalkan madaxu xanuunayo, haduu xanuun horay u qabayna laga yaabo inay dhacdo inuu dhakhtarkiisa arko. Aduunka aan ku noolahay xuquuqda noocaas oo kale ah wax haysta majiraan, iska daa wadan aad ajnabi kutahay oo xaqa aad leedahay aad u kooban yahay, kawaran hadii laleeyahay Muwaadin Soomaaliyeed oo wadankiisii lagu dulmiyey wax xuquuq ah malihid waxaa kaamudan Gumaystahan doolka ah. Hadaba su’aashu waxay tahay maxay tahay danta Soomaaliya ugu jirta Gaashaan buurtan reer Yurub ee wax sharci ah oo qanabaya uusan jirin inay wadankeena xuquuqda intaas leeg ku yeeshaan? Howlgalada noocaan oo kale ah aduunku markuu galayo dan ayuu ugu xishaa, gaar ahaan wadama 3-aad dhaqaale ayey fiiriyaan. Tusaale waxaa ah Jabuuti waxay Saldhig Milatari siisay Maraykanka iyo Qaar kamid ah wadamada reer Yurub, dhaqaale xoog leh ayaa kasoo gala. iska daa wax dhaqaale ah oo nala siiyee waxaa loo saxiixay in Canshuurtii laga dhaafay noocay doonto hanoqotee sida; Shaqaalahooda, qalabkooda, dhaqaalahooda iyo isticmaalka Hawada, Badda iyo dhulka. Su’aasha jawaabteeda waxaan kasugaynaa Nuur Xasan Xuseen oo ahaa Raysal wasaarihii arintaan fuliyey.
Qodbka 11aad
EUNAVFOR waxay ogolaansho u haysataa in dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo baddiisa, ay kafuliyaan wixii ku haboon sugidda difaaca maraakiibtooda, diyaaradahooda iyo dhaqaalahooda iyo weliba markiibta ay ka difaacayaan weerar bannaanka kaga yimaada.
Qodobka 12
EUNAVFOR waa in ay xuquuq aan wax xannibaad ah lahayn u haysataa wada xiriirka raadiyaha (oo uu ku jiro satellite, mobile iyo raadiyaasha gacanta), telefoonka, telegaraafka, fax-ka iyo siyaabo kale oo loo xiriiro. Jamhuuriyadda Soomaaliya waa in ay lacag la’aan ugu ogolaato (oo u xaqiijiso) adeegsiga khadka hoondada (frequency).
Qodobka 13
1. EUNAVFOR iyo shaqaalaheedu masuul kama aha (loomana qabsan karo) wax kasta oo burbura ama luma oo ah maal shacab ama dawladeed, kuwaas oo ku burburay ama ku lumay wax la xiriira hawlgal loo baahnaa ama ay sababeen dhacdo la xiriirta kacdood shacab ama difaac EUNAVFOR.
2. Sheegashada burbur ama lumid maal shacab ama dawladeed oo aan lagu xusin faqradda 1aad (ee sare), iyo sheegashada geeri ama dhaawac dad ama burbur loo geysto alaab EUNAVFOR, waa in lagu xalliyo ayadoo la marayo dariiq dublomaasiyadeed.
3. Haddii ay dhacdo xaalad sharciyeed la xiriirta gabood-fal ay sababtay gacan saddexaad, markaas Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa geleysa booskii EUNAVFOR. Dhammaan dhacdooyinkaas, jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa bixineysa qaantaas ka dhalatay xad-gudbka ay geysatay gacan saddexaad wixii aan ka ahayn sida ku xusan farqadda 1aad (ee sare). Haddii qaantaas lagu xiriiriyo EUNAVFOR, markaas dhammaan qaantaas ama qaar ka mid ah waxaa bixinaya EUNAVFOR.
Qodobadaan ayaa ah kuwa ugu khatar san heshiiskan gaar ahaan Qodobka 13-aad, Nuxurkoodu waa EUNAVFOR inay ku dagaalami karto meelkasta oo kamid ah wadanka Soomaaliya, iyadoo ugu yeeraysa Difaaca Maraakiibtooda, Diyaaradahooda iyo hantidooda, qodobka 12-aad ayaa xoriyad usiinaya inay noocay doonaan oo isgaarsiin ah iyo siday doonaan u isticmaali karaan wadanka Soomaaliya dhexdiisa, gaar ahaan Mowjadaha raadiyaasha loo isticmaalo iyagoo wax kharash ah aan bixinayn. Qodobka 13-aad ayaa ah mid aad looga naxo, kaas oo gumaystayaasha reer Yurub u ogolaanaya inaan loo haysan, loona qabsan karin wixii khasaare ah oo ay gaystaan naf iyo maalba, iyagoo ku sababaynaya howl gal loo baahnaa marka lagalayo ama waxa loogu yeeray difaaca EUNAVFOR. Wuxuu kaloo qodobkaas xusayaa haduu dhaco kacdoon shacab oo shacabku mudaharaad rabshado wata ku qaado inaan loo haysan qasaaraha ay u gaystaan, sababtuna ay tahay maadaama aad u ogolaatay inaan dacwad lagu qaadi karin lana ciqaabi karin, la iska dhicin karin, Visa ay ku joogaan oo laga noqonayana aysan jirin. wuxuu kaloo qodobku xusubay haday dhacdo gacan sadexaad oo EUNAVFOR iyo Dowlada aan ahayn oo dhib u gaysata EUNAVFOR dhibkaas qaantiisa waxaa bixinaysa Jamhuuriyada Soomaaliya. Wixii lagu yeelo waa HADUR hadayba dhacdo in wax loo gaystana waa dushaada.
Faalladeena waxaan ku bilownay Madaxda Soomaaliya Dowladii Siyaad Barre kadib inay galayeen heshiisyo naxdin leh. Akhristow dib u milicso labaatankii sano ee lasoo dhaafay iyo hagar daamooyinka ay gaysteen rag sheeganayey masuuliyiin Soomaaliyeed. Xiligii Cali Mahdi Maxamed lagu magacaabay Madaxwayne ku meelgaar ah, wuxuu saxiixay heshiis uu ku ogo’laanayo in Soomaaliya lagu aaso sunta halista ah ee Qarniyaal lagu halaagsamo (Haraaga Nuclear-ka ) isagoo xeeriyey xiriir wanaaga loobahan yahay in lala yeesho wadamada Sunta aasaya. Xaafuun 100-sano -2004/2005 oo ay madaxdii Puntland isku dayeen in ay ay u dhul Soomaaliyeed XAAFUUN u saxiixaan Kambanigii HAFZA, C/laahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi Soogalintii Ciidamada cadowga Itoobiya Caasumada Dalka Soomaaliya iyo u ogolaanshahoodii in Calanka Itoobiya ay kala taagaan Madaxtooyada Soomaliya,(gurii uu daganaanjiray Madaxwayne ku xigeenkii Soomaaliya Ismaaciil Cali Obokor) Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) Saxiixida heshiiska aan ugu magac bixinay Gumaysiga reer Yurub ee qarniga 21-aad ee uu lagalay EUNAVFOR kuna duudsiyey Muwaadinka Soomaaliyeed xuquuqdiisii, ogolaadayna in wadankiisa lagu gumaysto, hadaan si kale u dhignana la oran karo wuxuu dhaxal wareejiyey Qaranimadii Soomaaliyeed. Sidoo kale Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Cumar C/rashiid oo saxiixay heshiis Soomaaliya ay ku waayi karto 116000km2 oo dhul baddeed, Dowlada Kenya oo Soomaaliya ka haysata NFD u ogolaanaya inay qaadato oo ku darsato dhulkay horay u haysatay 116000km2.
Markale aan dib u milicsano Madaxdii hore ee Soomaaliya sidee u difaaci jireen Wadanka Soomaaliya xeerar noocee ah ayeyse lahaayeen.
Sharciga Badda Soomaaliyeed ee Aduunku raacijiray
Dawladdii Soomaaliya si ay xaqiijiso ilaalinta xadka baddeeda, waxay soo saartay Sharci Lambarkiisu ahaa Xeerka 37aad oo ka soo baxay Mogadishu, 10kii September 1972: Sharcigaas oo loo yaqaan Xeerka Badaha iyo Dekedaha Soomaalida. Qodobka 1aad ee xeerkaas waxa uu dhigayaa: Badda dhulka Soomaalida (Somali Territorial Sea) waxaa soo hoos gelaya qayb badda ah oo gaareysa 200 nautical miles oo ka mid ah xeebta Qalfoofka Qaaradda. Badda dhulka Soomaalida waxay hoos imanaysaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaliya ee xorta ah. Dembiyada lagu galo xadka badda dhulka Soomaaliya oo ay galaan kuwa saaran maraakiibta ee la xiriirta caafimaadka iyo ammaanka shacabka waxaa lagu qaadayaa sharciga Soomaaliya.
Ujeedada meesha ku jirta waxay tahay in sharciga Soomaaliya u deggan uu dhigayo in 200 mayl badeed oo bad ah ay ka mid tahay dhulka Soomaaliya, sidaas daraadeed aan lagu soo xad gudbi karin. Waxaa muhiim ah in dadka Soomaaliyeed ay kala fahmaan saddex cabbir oo loo adeegsado badda oo kala ah:
- Territorial sea/Waters oo ah ka tirsan Dhulka Dalka. Waa bad ka tirsan dhulka dalkaas, oo aan lagu soo xad gudbi karin, ciddii martana waxay u hoggaansamayaan qaanuunka dalka baddaas leh. Adduunka badankiisa cabbrikaasi waa 12 mayl badeed, laakiin sida aan kor ku soo aragnay sharciga u deggan Soomaaliya xadkaasi waa 200 oo mayl badeed, QM sidaas ay aqbashay, aduunkuna Soomaaliya kula macaamili jiray, ilaa hadana majiraan Xeerkaas wax badalay ama Buruyey.
- Economic Exclusive Zone (EEZ) -Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga – waa aag dalka xeebta leh ka kalluumaysan karo. Badanaa wadammada badaha leh cabbirka EEZ waa 200 mayl badeed waxaana hadda la qorshaynayaa in laga dhigo 350 mayl badeed.
- Internatioanl Waters / High Sea (Bad weyn) – bad caalami ah oo dad ka dhexayse ah. Waa wixii ka baxsan Territorial, EEZ waters.
Mawaxaa nagu dhacay dhalan guur? mise qolyaha wax qora ayaa dawakhsan ee aduunku waa kiisii. Ragna afartan sano kahor ayey aduunaka ka dhaadhiciyeen in 200 oo mayl baddeed ay ka midtahay dhulka dalka Soomaaliyeed, Ragna Afartan Sano kadib ayey wadanka oo dhan dhaxal wareejinayaa, ama qayb kamid ah wadankale u goynayaan. Dhinaca Gobolada Maqan oo aan soo xusnay waa Soomaali Galbeed, Jabuuti iyo NFD waa taariikh dheer oo halkaan aanan ku faah faahin karin, waxaase lawada soconaa NFD xiligii Aadan Cade iyo C/risaaq X. Xuseen in loo huray naf iyo maal farabadan sidii lagu soo celin lahaa, iyadoo meel fiican maraysana dadaalkaas uu naafeeyey heshiiskii Caruusha 1967 (Caruusha MOU) uu Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal saxiixay u Saxiixay Kenya. Jabuuti hadaan Soomaalida kale lahalgamayn xornimo magaadheen, inkastoo shantii la isku dari lahaa ay dhantaashay oo kaligeed Dowlad aqbashay. Itoobiya Taariikhdeeda waan lawada Soconaa halgankii labilaabay Maalintii Gumaysigu u gooyey Itoobiya ilaa maanta waakaas socda oo ONLF iyo U.W.S.L.F ay ladagaalamayaan Ciidamada Itoobiya. Wax yar aan ku nasano Taariikha Madaxdii Soomaalida iyo Gobolada Maqan. Taariikhdaan kore waa intii Xornimada laqaatay kadib, laakiin halganka hadii laga soo bilaabo xiligii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu marayaa 110 sanadood.
Dawladahii hore ee Soomaalida
Madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan (Aaden Cadde) (madaxweynahii Soomaaliya intii u dhaxaysay 1 July 1960 – 10 June 1967) oo ahaa madaxwaynihii ugu horeeyay ee ay Soomaali yeelato ayaa ka caddayay shirkii Ururka Midowga Afrika ay ku yeesheen magaalada Qaahira sannadkii 1964, isaga oo sheegay Soomaali marnaba in aanay ogolaanayn XUDUUD-BEENAADKA la dhex dhigay dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen (Ra’iisul wasaarahii Soomaaliya intii u dhaxaysay 14 June 1964 – 15 July 1967) ayaa sannadkii 1966 sheegay in dastuurka Soomaaliya dhigayo raadinta iyo u dagaalanka xorriya dadka Soomaaliyeed ee aan loo ogolayn in ay ka tashadaan aayahooda, hadaladiisiina waa ka mid ahaa: “Dastuurka Soomaalida waxaa la galiyay in dawlad kasta oo Soomaaliya in ay khasab ku tahay in ay raadiso wadannada maqan, in la isku soo daro, oo ay uga shaqayso si nabad ah. Siyaasadda dibadda ee dawladda Soomaalida tiirkeeda koowaad wuxuu ahaa sidii lagu heli lahaa wadanada Soomaalida oo maqan sidii xuquuqdooda loo heli lahaa, ayuu ahaa. Markaa waxa alla iyo wixii meel la isugu yimid, oo ururo ah oo dibad ah, ilaa waqtigaa OAU ma jirin, meel Qarammada Midoobay (UN) haddii la ogolaan karay iyo meelahii kale oo la isugu tegey, xukuumadda Soomaalidu marna dib ugama dhicin in ay ku dhawaaqdo xaqa ay leeyihiin wadannadaas maqan in loo ogolaado codkooda in ay dhiibtaan. Hadal meel kasta oo Forum ah, oo la isugu yimaado, oo suuragal ay noqon kartay xukuumadda Soomaalidu aad bay ugu dadaashay, taasi waa dibaddii. Gudahana ummadda Soomaalidu sidaas ayay rumaysnayd, xukuumadda Soomaaliduna aad iyo aad bay marwalba ugu dadaalaysay in dadwaynaha Soomaalidu ay ku baraarugsanaadaan fikraddaas iyada ah ayaa lagu dadaalayay.”
Janaraal Maxamed Siyaad Barre (madaxweynahii Soomaaliya intii u dhaxaysay 21 October 1969 – 27 January 1991) oo madaxweyne ka ahaa Soomaaliya muddo 21 sano ah waxa uu yiri: “Adduunka qoomkii kasta oo joogaa madax ayay leeyihiin, haddii madaxdaasu wax daran ay ugu guddoomiso markii madaxdaasu ay tagto oo ay dhimato magac xumo ayay ka tagaan, habaar ayaa laga daba diraa, cay ayaa laga daba diraa, kuwii inkaarta qabay oo joogay maxay waxaa xun noogu guddoomiyeen ayaa qoomkaasi yiraahdaa ama shacbigaasi yiraahdaa. Haddii ay wanaagooda ka taliyeen oo ka shaqeeyeena magac wanaagsan ayay ka tagaan, dadku waa ku mahadiyaan, wanaag bayna ku xusuustaan. Waxaan anigu taas ka leeyahay Ilaahay ayaa xukmay annaga iyo Itoobiya iyo Kenya in aynu ku noolaano Geeska Afrika, inaguna hadda waa ku nool nahay, shaki kuma jiro qoomka inaga dambeeyana meesha ayay ku noolaan doonaan. Marka wax tirtiri karaa ma jiraan. Haddaba maxaa nala gudboon madaxda saddexdaa dawladood, ma inaan wax daran u guddoomino dadkanagii oo isku laynaa mase waa inaanu garano oo wixii dhex yaal ay si fiican inta ay uga tashadaan ay markaas si xaq ah oo saaxiib ah oo walaalnimo ah oo deris ah oo caddaalad ah wixii iskaga qasan in ay ku qabsadaan miyaa?
Cabdillaahi Suldaan Maxamed “Timacadde”, oo noolaa intii u dhaxaysay (1920-1973). gabaygaas oo ahaa:
Nin qalbi la’ Quraan kaw akhriyey, qaaf dheh ku harraadye.
Kutubaa sidii lagu qarridhay, qiil la’ aakhiro’e.
Qayrkii ka hadhe waa ninkii qalay walaalkiiye.
Qod la riday Qudhaanjada gashaa, qoob dad waw halise.
Hadduu geed qallalo roobku, waw qamac kaliileede.
Dirxiga qudhunku uma soo uro, waabuu quudsadaye.
Qasaaraha dhexdeenna ah haddaan, layska qabanaynin.
Qabaa’il iyo jeeroo la naco, qaadkan lagu waashay.
Qasdi jeerooy wada yeelatooy, qawlka ku heshiiso.
Qabyo weeye Soomaalidaay qiiradaadaniye.
Dhinaca kale hadaan ka eegno waxaad moodaa heshiiskaan markii lagalayey in lagu aadiyey xili kala guur ah oo DFKM dhexdeeda khilaaf xoog lihi kajiray, xiligaasna Wadanku Madaxwayne lahayn (Waxaa madaxweyne kumeelgaar ahaa afhayeenka baarlamaanka DFKMG, Aadan madoobe), Nuur Cadde laftigiisuna caga xoog leh ku taagnayn. Aan ku yara hakano Taariikhda heshiiska lasaxiixay iyo Xaalada DFKM sida ay ahayd.
Bishii October 2008 ayaa Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla waxa uu bilaabay ama uu lahaa asaaskii diyaartii akhbaarta Soomaaliya ee la xiriirta cabirka badda ee Qalfoofka Qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed. Waxaa xilliyadaas soo shaac baxayey khilaaf ku kala dhex jirey xukuumadda FKMG, gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.
November 1, 2008 ayaa ra’iisul wasaarahii DFKMG Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxa uu warqad u diray Midowga Yurub qaybta u qaabilsan Arrimaha Dibadda, ammaanka iyo siyaasadda, warqaddaas oo jawaab u ahayd wada shaqayn ay reer Yurub usoo bandhigeen. Waxaana taas ku xigtey warqad wargelin ah oo Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ay November 14, 2008 u dirtay Xoghayaha Guud ee QM.
C/laahi Yuusuf Axmed waxa uu xilka madaxweyna-nimada DFKMG iska casilay December 29, 2008. Laba maalmood kaddib ayaa magaalada Nairobi December 31, 2008 waxaa heshiis ku kala saxiixday Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Nairobi iyo Midowga Yurub. Heshiiskaas oo ku saabsan Dhulka, Badda iyo Hawada dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya in ay geli karaan ciidamada Yurub ee loogu magac daray EURAVFOR. (Gumaysiga reer Yurub ee Qarniga 21-aad)
Markii la soo dhisay xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Sheikh Shariif, waxay durbadiiba Kenya la gashay heshiis muran gelinaya badda Soomaaliyeed. Heshiiskaas oo hadda uu Cumar C/rashiid ku tilmaamay mid xad gudub (Violation) ay ku kacday Kenya. Laakiin ilaa hadda DFKMG aysan si rasmi ah uga laaban heshiiskaas, aqbalina diidmadii baarlamaanka, isla markaasna aan diidmadaas loo gudbin QM.
Bishii June 2009 ayaa xukuumadda Sheikh Shariif waxay Nuur Xassan Xussen (Nuur Cadde) u magacawday Safiirka dalka Talyaaniga iyo Ergayga DFKMG u wakiilka uga ah Midowga Yurub. Arintaas oo u muuqata abaalmarin shaqada xooga leh ee uu qabtay, shaqadaas oo ah inaan muwaadinka Somaaliyeed ciidiisa gudaheeda wax xuquuq ah ku lahayn.
Nuur Cadde (Dhexda gaariga) iyo Cumar C/rashiid (kursiga hore)
FG: Nuur Cadde ayaa fadhiyey kursiga PM-ka (protocol), markaas ayuu
Farta ku fiiqayaa PM oo ka soo degey kursiga hore si loo salaamo.
Brussels Belgium (Oct 29, 2009): Video: Halkan ka daawo
Gabagabadii Waxaa muuqata ummadda Soomaaliyeed inay meelkasta ka dayacantahay meel fiyow iyo meel loo ciirsadaa midna aysan jirin, Qaybaha kala duwan ee Ummadda Soomaaliyeed waxaa la gudboon in dhibaatooyinka nagu hareeraysan si wanaagsan loo daalacdo, xoogana la saaro sidii looga bixi lahaa. Marka ugu horaysa waxaa nagu waajiba inaan barano ishana ku hayno kuna cambaarayno kuwa saxiixaya qodobo ummadda Soomaaliyeed lagu hagar daamaynayo, sida ugu wanaagsan oo kuwaas looga guulaysan karona waa inaan xooga saaraa sidii Soomaaliya Dowlad Caadil ah uga dhalan lahayd. Waaqica nagu hareeraysan wuxuu nabarayaa inaan cadowga gudaha noogu jira marna iska celin karin hadaan dowlad lahelin. Arinta kaloo muhiimka ah waxay tahay in heshiiskaas Baarlamaanka la keeno, si dag dag ahna waxba kama jiraan looga dhigo, sidoo kale in Dowlada hada jirtaa ay ka Codsato Midowga Reer Yurub inay isaga baxaan Wadanka Soomaaliya, iyadoo arintaas adag tahay in laga fisho maadaama ay ku fashilmeen inay kabaxaan heshiiskii Is-Afgarad oo kan ka fudud, hadana saas ay tahay in wax loo sheego lagama quusanayo.
Shaqada ugu Muhiimsan ee dad badan hada qaban karaan waa in cidkasta oo awood u leh inay wax qorto ama baaritaan samayso ama xoghaysa inay is xilqaanto oo fadhiga laga kaco, maxaa yeelay Soomaalidu waxay tiraahdaa “Nimaan hadlin Hooyadiis Qadisay”. Sidoo kale waxaa layiraahdaa “Aamusidu waa aqbalaad” Hadii lahadlo laba faa’iido ayaa lagaarayaa a) Mida koowaad waa In ummadda la wacyi galiyo, ummaduna ay barato waxa kamaqan ama ay diidantahay, markaasna ay aqoon ku doodo. b) Arinta labaad waa in Cadowgaagu ogaado inaadan hurdin aadna ogtahay waxa lagula maagan yahay, iyo in Kayd Taariikheed loo reebo jiilasha soo socda. Fadhiga halaga kaco “Cidna uma maqna Ceelna uma qodna”.
Brussels, Oct 29, 09: Javier Solana oo la kulmay Cumar C/rashiid iyo waftigiisii
Kulanka waxaa joogey: Nuur Cadde, C/raxmaan C/shakur iyo Juurile
Oct 29, 2009: Walad Cabdalla soo salaamaya Cumar C/rashid
Waxaa la socdey C/raxmaan C/shakuur (oo saxiixay MOU)
Heshiiska waxaa Nairobi lagu saxiixay 31/12/2008
Waxaa Soodiyaariyey|Ing Maxamed Cali Iyo |Xasan Dhooye| Xiriir |somalitalk@gmail.com
Tixraac:
Heshiiska oo ka kooban 6-bog ka akhri halkan (pdf)
HTML | PDF (http://eur-lex.europa.eu)
UN: http://www.consilium.europa.eu/showPage.aspx?id=1519&lang=en
http://eur-lex.europa.eu/LexUriServ/LexUriServ.do?
http://www.eunavfor.eu/
Maraakiibta Shisheeye ee Kusugan Xeebaha Soomaaliya iyo “La Dagaalanka Burcad-Badeedda”….
Faafin: SomaliTalk.com | November 16, 2009
asc walalyaa
waxa nasiib daro ah manta
waxa somali heyto
aniga dhab ahanti wali wa i dhimantahay somali oo dowlad leh wa la iga shegeeyay waqti e dowlad lahed lkn aniga wali ma an arkin walaalheyga qaliga ah waxaa iga su al ah ?
SOMALI AQLIGEEDA IYO DAMIRKEGA HALKU JIRAA ?
ANIGA WAXA AN IS DHAHAY SOMALI AQLI WAXA QABTIYO GARASHO MALEH
2 MAXA SABABAY QOF WLBO OO SOMALIYEED MARKII XIL WADANKA LOGA DHIIBO IN UU DADKA IYO DALKA SOO BEECGEEYO?
3 MIYAA LAGA MAARMIN IN QABIL DOLAD LAGU DHISANIN ?
4AAWAY AQON YAHANIINTI SOMALIYEED ?
5 MAXA U DIIDAN IN AQOON YAHANADA SOMALIYEED E MASLAXA SIYAASADA SOO FUULAN ? SI EE DADKODA IGU BAD BADIYAN MARXALADAN ADAG EE KU SUGAN YIHIIN
SU AASHA IGU DAMBEYSO
MUSTAQBLKA DALKA YAA AH ,
HADII DHALIN YARADA TAHAY MAXEY DHALINTO KU GUGAN TAHA?
MAXEEYSE KU KALA DUWAN YIHIINA DHALINTII HORE IYO KUWAN
WABILAHI TOFIIQ
BYE ZAKARIA MOHAMED HERSI