Home » Maqaallo »

Cabdirahman Faroole wuxuu ka shaqaynayaa in xabadda ONLF lagu jeediyo Puntland, ee ma ka oggolaan doonaan Reer Puntland ?‏

Cabdirahman Faroole wuxuu ka shaqaynayaa in xabadda ONLF lagu jeediyo Puntland, ee ma ka oggolaan doonaan Reer Puntland ?‏

Ummadda Soomaaliyeed waxaa ku dhacay 20kii sano ee ina soo dhaafay burbur dhan walba ah oo ka ugu darran uu yahay burburka ku dhacay dhaqankii soo jireenka ahaa ee bulshada Soomaaliyeed iyo iyadoo bulshada inteeda badan uu ku dhacay nooc ka mid ah cudurrada maskaxda ku dhaca . Waxaa jira Soomaali badan oo marka ay qurbaha ku wareeraan shaqo u raadsadey dalkii burburay, iyagoo markaas hormuud u noqday ummad dhaawacan oo ceel mugdi ah ku dhacaday.

Dadka qurbaha ka tagay ee u soo shaqo doontay Soomaaliya waxaa ka mid ah Cabdiraxman Faroole, gudoomiyaha gobolada bari ama Puntland ee Soomaaliya oo nuqulka qoraalkan uu ku wajahanyahay. Cabdiraxman Faroole wuxuu qaxooti ku ahaa oo isaga iyo qooyskiisaba ay magangalyo ka heleen waddanka Australia, waxayna heystaan dhammaantood jinsiyadda waddankaas.

Waxaa bishii aynu soo dhaafnay ee oktobar laga soo musaafuriyay dalka Yemen Soomaali badan oo waddankaas tahriib ku tagay, Faroole ma uusan garan in naxariistii uu ninka cad ee Australiaanka u fidiyay isaga iyo qooyskiisa mid la mid ah uu u fidiyo dadkaas Soomaaliyeed balse xabsi , jirdil iyo musaafurin ayuu isugu daray. Waxaa intaas dheer in uu Faroole isga oo isleh ku jees jees uu si wax magardnimo ah si gaar ah u takooray qaar ka mid ah dadkii Yemen laga soo celiyay.

Inta badan dadka Somaliyeed lama aanay yaabin xariga, jirdilka iyo musaafirirnta dadkaas qaxootiga ah , waayo waxay ka mid tahay dulmiga, anshax xumida iyo qaaquulka maalin walba ka dhaca gayiga Soomaaliyeed , ee uu burburku sababay . Waxaase Soomaalida gayiga geeska Afrika la yaab ku noqotay qaabka jahliga ku salaysan ee uu Faroole uga hadlay Soomaalinimada isaga oo markaas isleh waxaad si gaar ah u takooraysaa qabiilka Ogadeen , waayo kama uusan hadlin Soomaalida Jabuuti ee wuxuu ka hadlay Soomaalida Ogadeenya iyo NFD oo uu u arko in qabiilka Ogaden uu u badanyhay.

Faroole oo ah gudoomiyaha gobolka Puntland, waxay ahayd in uu soo akhriyo xeerka qaranka Soomaaliyeed ee la dajiyay 1960kii , ee uu ku slaysanyahay xeerka qaranka dawladda uu governatooraha u yahay iyo waxa ku qoran .

Xeerka qaranka Somaliyeed ee 1960 , waxaa ku qoran in qof walba oo u dhashay qoowmiyadda Soomaaliyeed in uu yahay muwaadin jamhuuriyadda Soomaaliyeed , taas oo micneheedu yahay in haddii asalkaagu yahay Soomaali meeshaad doonto adduunka kaga noolow, waxaad tahay muwaadin Soomaaliyeed ( waxaa la mid ah xeerka yuhuuda ee muwaadinimada ). Waxaa intaas dheer in waagii ay Soomaalidu qaranka lahayd laga dhaadhicin jiray qowmiyadaha kale ee geeska Afrika sida Oromada, Cafarta ilaa Tutsiga Ruwanda iyo Burundi dega in asalkoodu Soomaali yahay (adduunyada Nin noolow maxaa aragti kuu laaban ) . Waxaa siyaasaddaas maanta ku shaqaysa dowladda Itoobiya , oo xittaa Soomaalida aan gudaha xadka Itoobiya ku jirin , ku soo dhoweeya in ay Itoobiyaan noqdaan Faroole iyo kuwa la maanka ah waxay fulinayaan istraatijiyadda la doonayo in lagu baabi´iyo qowmiyadda Soomaaliyeed, oo Soomaalida laga dhigo qabaa´il aan waxba wadaagin.

Gobolka Ogadeenya ama Somali galbeed waa maskaxda, xididada dhiiga qaada iyo waddnaha ummadda Soomaaliyeed .

Halyeeyada ummadda Soomaaliyeed laga soo bilaabo Axmed Gureey, Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Xawo Cismaan(Taako) waxay asal ahaan ka soo jeedaan deegaankaas ka baxsan xuduudaas aan rasmiga ahayn, sidoo kale hoyga taariikhda iyo suugaanta Soomaaliyeed waa deegaankaas; Webiyada ku dudr dura Soomaaliya waxay ka yimaadaan dhulka Ogaadeenya. Xoolaha ugu badan ee ka dhoofa dekedda Bosaaso waxay ka yimaadaan Ogadeenya ,kuwaasoo muddo aad u fog ka dhoofi jirey dekedda Berbera wixii ka horreeyey 2004.

Masuuliyiinta qaranka Soomaaliyeed soo maray waxay intooda badan ka soo jeedaan deegaankaas , sida allaha u naxariistee madaxwaynihii u dambeeyay Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre oo ku dhashay Shilaabo, sidoo kale madaxwaynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Gelle , wuxuu ka soo jeedaa magaalada Diredawa, hadduu Soomaaliaya yimaadana waa muwaadin Soomaaliyeed .

Qabiilada Somaliyeed ee Puntland dega intooda badan waxay asal ahaan ka soo jeedaan deegaanka Soomaalida ku hoos nool xukunka Itoobiya ,hase yeeshee ilama aha in ay ku jiraan kuwa uu Faroole Soomaalinimada ka saaray.

ONLF waxay la dagaalamaysaa Itoobiya , anigu waxaan ahay dadka deegaankaas ka soo jeeda ee u arka dagaalkaas in uusana haboonayn, waxaase hubaal ah in Itoobiya ay doonayso in xabadda ONLF lagu jeediyo Soomaalida kale sida Puntland iyo Somaliland. Faroole wuxuu hadda ka shaqaynayaa in xabadda ONLF lagu jeediyo Puntland , arrintaas hadday dhacdana waxaa masuul ka ah isimada Puntland , waayo Faroole wuxuu faraha la galay hawlo ka sareeya oo uusan masuuliyadeeda qaadi karin. Waxaan ka codsanyaa walaalaha reer Puntland in aanay arrintan sahlan oo ay moowqifkooda muujiyaan, haddii kale cid walba oo cadaw u ah ayaa ka faaidaysanaysa oo waxaa bilaabmaysa cadaawad iyo fitno ay aad ugu khasaari doonaan.

Abdisamad Sheekh

Abdisame@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Cabdirahman Faroole wuxuu ka shaqaynayaa in xabadda ONLF lagu jeediyo Puntland, ee ma ka oggolaan doonaan Reer Puntland ?‏ "

  1. Ismaaciil Sheikh says:

    Haddaan nahay reer puntland oo dhalasho wadaagno reer ogadenia, waan gudanay waajibkeenii walaaltinimo, gacmo furan baan kusoo dhaweyney tolkeen. Ogaden puntland meel kastoo aad ka tagto waad ku arki. wey daganyihiin weyna ka ganacsadaan. Haddaba ayadoo saas tahay puntland iyo itopiya xiriir baa ka dhexeeya, mid siyaasadeed, ganacsi, iyo amniba. ONLF iyo itopiyana cadaw bey isku yihiin. ONLF waa ineysan mardanbe isku dayin iney hawl galo itopiya ku wajahan ka fulisaa puntland, waayo waxey dhaawacaysaa xiriirka labada dal. Nin kaan wax magarkaana waa afhayeen ONLF ee maka hadlin danta labada shacab ee walaalahaa; Ogaden iyo reer puntland.

  2. asc wr wbr walaal c/samad walaal qoraalkagu wa cay iyo hanjabaad ku aadan Puntland ,masuul aad ku aflagadayso iyo hanjabaad laga dheehsan karayo,shacabka Puntland horeyna wa u cadeeyen hadana waanu cadaynayna anagu walaale wax dhibaato ah uma quurno dadaanu ehel wadaagno diin wadaagno ,deegaan isgarabyaal wadagno, hadii ay cadowgi xabashida kaso carareen oo aanu ka garab dagaalami waynay ma qabno walaale inaanu shacabki iyo maxaasti so dhaweyn wayno sharfina wayno taasina wa dhaqanxumo hadii maamulka magaca iyo matalada nosida uu mardanbe ku kaco xabad bayna xabsiyada ka heli doonan jawaaba oo lagulaso baxayo dadka ehelka ah,walaal Puntland wa idinku so dhaweynayna ,anaga dhib soo marnay cadowyo kala duwan dhulkayagu so maray ,burbur iyo dhibaato baaxadleh ,maanta kolkaa shacabka walaaladayo ah waanu so dhaweyn garab iyo gaashan ,ba waanu i fidin , all you ogadens feel Home when rich in Puntland ,
    waqooyibari hanoolato ,mamma Puntland ,

  3. Xaqiiqdii Qoraalkan dheer ee walaalkeen inoo diyaariyey waa qoraal mudan in lagu waan toobo, wuuna mudan yahay in la soo dhaweeyo si fiican ayuuna inoogu deefa-deefeeyey, Faroole inuu u adeegayo xukuumada Ethiopia qofkasta oo wata caqli saliim ah wuu garanayaa,
    Wallow soomaaliba hada laga xukumo Eth.
    Hadana Faroole nin ma aha xumaan idilkeedan waa mudan yahay.
    Abdisamed-na runta yaan lagu cunin.
    Iska ilow ONLF Iyo wax lamida Ogaadeen miyeysan ahayn umad aynu wada dhalanay wax kalaba intaan lagaadhin iskabadaa soomaalinimoo..Waxaa laga hayaa Faroole inuu yidhi Dadkaas waxaa inaga dhaxeeya Afka soomaaliga.meeday wada dhalashadii, Islaanimadii, Soomaalinimadii. Wallaahaybaan ku dhaartee Faroole ma aha nin loo hiiliyo ee waa nin laga hiiliyo. intuu u adeegayo Malez-na godkiisa ayey biyo ugu soo galayaan waana hadal la soo dhaweeyo in sidii loola dagaalami jiray Eth- in loola dagaalamo Puntland. haddii uu waxan sii wado oo Illaahay uusan u toobadkeenin dadkana xabsiyada kasii dayn waayo

    Shiine Jaamac

  4. Fiiq says:

    ASCWW.

    Afkaaga caano lis ah lagu qabay messeg-ka dheer aad ka qortay fariinta walaalkayn aad baan ula dhacay isaga iyo raga la halmaalana allaha tuso waxa uu wanaagu yahay ilaahna waxaan ka rajeyn in reerkayna iyo somalia galbeed oo dhan uu tuso xaqa iyo dantooda una taliyaan ubadkood, ubadka deegaankii joogo kuwa dibada joogo ubad uma ah, waayeelka deegaankayna jooga kuwa dibada joogaa waayeel uma ah, dumarka deegaankayna jooga kuwa dibada joogaa dumar uma ah waana kuwa dhibta ugu weyn ee xabashadida kasoo gaaraan aad baan ugu xumahay garasho xumida inagu habsatay ilaahow noo hiili “LAA TAQNADUU BI RAXMATI LAAH” insha alaah kheyr deg deg ah.

    walaalkaa
    Mustafe Fiiq

  5. Allow Alle says:

    ascww.
    mahad oo dhan allaha weyn ayee u sugnaatay, qoraalkaaga aad ku durayso shaqsi masuul ah waa kugu ceeb ee ilaahey ceebtaada ha asturo walaal, tayda kale reerkaynu haddii iyagu ballo isku yihiin waxa aynu u qaban karno ma jirto waana ka xumahay waxa aynu iska dhaadhicinay reer pland abaal weyn bee inagu leeyihiin garsho dheerena ma in kiri karo, dadkan aad ku sheegayso qaxooti yeman ka yimi waa ONLF, oo cadaymo ayaa loo helay hadana waxay ku xiran yihiin xabsiga bosaso marka pland oo ay degan yihiin dad aanu walaalo nahahay taariikhduna cadahay cid ina kala gayn gartaana aysan jirin yaa loo gafin waxaan idaacadaha ka maqlaa qurbo joogto ogaadeen lakin kuwaas waa kuwo dano guracan wato waa meesha aanu maantay taagan nahay ina dhigay.

    waxaan aad u xasuustaa intii ay rag noocaas oo kala ah Toronto noogu yimaadayn ay nagu yiraahdayn lacag baa la idinka rabaa cajiib!! lakin rag aan ka tirsanaa ay kala kulmayn wax la-aan.

    walaal haddii ay xabashida aan kaadida iska dhaqin inoo adeegsanayso ruufiyaanimo, ONLF raga jeebabka waa weyna ay wiilashaynii duurka ku dilayaan iaygiina ay raaxaysanayaan USA.CANAD.UK.ETC markii ay nagu yiraahdan wadankii baanu aadaynaa DUBAI hotel ka daga oo lacagta halkaas ku cuno adeer bilaa caleekum kuwaas allaha inaga qabto dal iyo dad dan uma hayaan xaqiiqdii yaanuna wax ka sheegin dad tashaday oo deegaankoodii inagu soo dhaweeyay waa dhaqan xumo iyo xaasadnimo baahsan oo aan loo baahnayn.

    2006 baan Bosaso tagay waxaana kaloo safar ku tagay Garowe iyo Galkacayo Qardho magaalooyinkaas waxaana halkaas kuwada booqanayay dad aan ehel nahay oo xaqiiqdii aan kasoo raray xoogooda deegaankaynii marka walaalkaa kusoo dhaweeyay amaan buu kaa mudan yahay aniga kaliya ma ahan reerkaynii oo dhan intii wadaka joogtay deegaankaas ayee ku dhaqan yihiin alhamdu lilaah waxaanu allaha weyn uga baryeenaa barwaaqo iyo nabad galyo AAMIIN AAMIIN AAMIIN.

    in wax laga sheego Somaliland waan qabaa sida waxshinimada leh ee dadkayna ula dhaqmayn taas ay keentay in aan soo dhaweyn iyo ganacsi xor ah aanu ugu nimaano Pland.

    Pland viva noolow insha alaah ogaadeen area noolow iyo somali weynba insha alaah.

    nabadgalyo
    Mohamed Yare