Home » Warar »

Bayaan: Cambaarayn ku aadan Falkii Foosha xumaa ee Madaxda Puntland ku qabqabteen dad Soomaaliyeed islamarkaasna ay ugu Gacan galiyeen Cadawga Itoobiya

Kulan ay isugu yimaadeyn Jaaliyada Puntland ee ku dhaqan dalka Kenya

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah ee kulankii Nairobi

Warkan waxaa soo tebiyey
Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”
iyo
C/salaan Maxamed Cali (najax)

Kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen waxgaradka ,aqoonyahanada, culuma u diinka, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee Jaaliyadaha Puntland ee ku dhaqan Magaalada Nairobi, kulankaas oo si weyn loogu lafa guray xubnihii ka soo jeeday shacabka Soomaalida ah ee OGADEN ee loogu gacan galiyey Cadowga Itoobiya ayaa waxaa la isla gartay in aan laga aamusin isla markaasna laga digo cawaaqibka xun ee ka dhalan kara falalkan oo kale.

Dadkii meesha ka hadlayay ayaa dhamaantood muujiyay sida ay ooga xunyihiin in Maamulka Puntland u cadowga Soomaaliyeed ee Itoobiya ay gacanta u galiyaan Dad Muslimiin ah iyagoo cadeeyay in aysan jirin wax xuduud ah oo Somalida ka dhaxeeya Somalia Somali baa leh.

Ugu danbeyntii waxaa goobta laga aqriyay bayaan ay Jaaliyada Puntland ee ku dhaqan Kenya ay soo saareyn, Bayaanka ayaa qornaa sidan soo socota:

Bayaan ka soo baxay Culuma-udiinka Iyo Waxgaradka Jaaliyadda Puntland ee Dalka Kenya (Sunday, November 08, 2009 )

  • Ku: Dhamaan Shacabka Reer Puntland
  • Ku: Madaxda Maamulka Puntland
  • Ku: Isimada Maamul Goboleedka Puntland
  • Ku: Shacabka Soomaaliyeed
  • Ku: Shacabka ku dhaqan OGADEN

UJEEDO: CAMBAARAYN KU AADAN FALKII FOOSHA XUMAA EE MADAXDA PUNTLAND KU QABQABTEEN DAD SOOMAALIYEED ISLA MARKAASNA AY UGU GACAN GALIYEEN CADAWGA ITOOBIYA

Kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen waxgaradka ,aqoonyahanada, culuma u diinka, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee Jaaliyadaha Puntland ee ku dhaqan Magaalada Nairobi, kulankaas oo si weyn loogu lafa guray xubnihii ka soo jeeday shacabka Soomaalida ah ee OGADEN ee loogu gacan galiyey Cadowga Itoobiya ayaa waxaa la isla gartay in aan laga aamusin isla markaasna laga digo cawaaqibka xun ee ka dhalan kara falalkan oo kale.

Markii aan aragnay in falkaasi ka soo horjeedo shareecada diinta Islaamka, islamarkaasna sidoo kale uu ka baxsan yahay dhaqanka Ummadda Soomaaliyeed, ayna tahay mid wax u dhimaysa diinta islaamka, xuquuqda qofka bini aadamka ah iyo karaamada Shacabka Reer Puntland , kaasoo ahaa fal lagu raali galinayey Dowlada Itoobiya ee cadaw ku ah diinta iyo dadka Soomaaliyeed.

Ka dib markii falkaasi ku dhaqaaqeen ma’suuliyiinta Puntland, islamarkaasna qaarkood caddeeyeen in ay xir xireen rag ka tirsan Dadka aanu walaalaha nahay ee OGADEN , isagoo Maamulka horay u gacan galiyey dad Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Beesha Ogadeen iyo Muslimiin aan wax dembi ah galin, ayna madaxda maamulkaasi garab mareen hadafkii loo aas aasay ee ahaa inay ilaaliyaan danaha ummadda Reer Puntland iyo tan ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in aan soo saarno qodobo dhowr ah oo lagu cambaaraynayo falkaas foosha xun, waxayna kala yihiin sida tan:-

1.Waxaanu si aad ah uga xunahay falalka soo noq noqonaya ee ay ka caado dhigteen Madaxda Maamulka Puntland

2. Waxaan si qoto dheer u cambaaraynaynaa falkii gurracnaa ee foosha xumaa ,ayna madaxda Puntland ugu gacan galiyeen cadawga Itoobiya dad Soomaaliyeed oo ay naga dhaxayso diin,dal, wada dhalasho xiriir dhow oo ganacsi.

3. Waxaan si gaar ah u dhaleecaynaynaa dadka sida gaarka ah uga dambeeyey falkan, waxaana uga digaynaa guud ahaan dadka falalkaas xun xun ka shaqaynaya inay ka waantoobaan, hadii kale shacabka reer Puntland uma dulqaadan doonaan, waana lala xisaabtami doonaa maalin maalmaha ka mid ah.

4. Waxaan u sheegaynaa walaalaheena sida gaar ah dhibaatada loogu geystay in aannan raali ka ahayn falkaas foosha xun, islamar kaasna sameynta ficilkaas ku kooban yahay shaqsiyaad caadaystay gadashada dhiiga shacabka Soomaaliyeed, kuwaasoo doonaya inay isku diraan ummadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah iyagoo fulinaya dano Gumeysi waji iyo mansabna kaga raadsanaya.

5. Sidaas darteed waxaan ugu baaqaynaa labada shacab ee walaalaha ah in ay dhawraan nabada iyo wada noolaanshaha, islamarkaasna fahmaan ujeedooyinka iyo qorshayaasha gumeysiga ee ah in la isku dhufto shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah si ay ugu hirgalaan ujeedooyinkooda gurracan

6. Waxaan ugu baaqeeynaa Culumaa’udiinka,Waxgaradka Aqoonyahanada Ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Puntland in ay ka hor tagaan isla markaasna aysan aqbalin falalka uu ka caado dhigtay Hogaanka Puntalnd.

7. Waxaan u sheegeeynaa Madaxda Puntland in ay si deg deg ah u sii daayaan raga ku jira xabsiga ee dhawaan ay qabteen kuwaasoo iskugu jira qaar ka mid ah walaalaha OGADEN iyo Macalimiintii laga qab qabtay Jaamacada Bariga Afrika iyo Dugsiga Sare ee Xamdaan.

8. Waxaan uga digeynaa dadka ku lugta leh falalkaas inay ka waantoobaan arrintaas,,hadii kale ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo saameyn doonta bulsha-weynta oo dhan.

9. Ugu danbeyn waxaan u tacsiyeyneynaa walaalaheena ku dhibaatoobay falalakaasi foosha xun .

za1

SAXIIXAYAASHA BAYAANKAN:

Nabadon C/caziiz C/raxman Shire
Ustaad.Xasan C/llaahi Shire
Sh. C/risaaq C/llaahi Aadan
Sh.Max’ed Yuusuf Nuur
Sh. Saalax Axmed Saalax
C/risaaq Max’ed Yuusuf
Axmed C/rashiid Cali

Ismaaciil Salaad Max’ud
C/xakiin C/kariim Diiriye
C/llaahi Max’ed Faarax
Cabdirasaaq Ismaaciil Xassan
Suleyman Cisman Salax
Burhaan Cabdi Abshir
Mahad Aadan Maxamed
C/raxman Axmed Saciid
Max’ud C/naasir
Maxamed Nuur Shire
C/qani Saciid Cismaan
Cumar Xasan Jaamac
Axmed Jaamac
Max’ed Guuleed
C/naasir Max’ed Warsame
Max’ed Cabdi Jaamac
Max’ed Jaamac Xirsi
Muuse Cabdi Cawad
Bile Faarax Cabdi
Max’ed Axmed
Max’ed C/llaahi Max’ed
Xassan Faarax xassan
Axmed Jamaal Aadan
C/llaahi Axmed Max’ed
Max’ed Cabdi Aadan
Mahad Maxamuud Warsame
C/qani Saciid Cismaan
Jaamac Ismaaciil Cilmi
Cigaal Ma’ed Xirsi
C/risaaq Ismaaciil Xaashi
Cabdi Aadan Siyaad
Yaasiin C/salaam Yuusuf
Bashiir Xuseen Nuur

Warbixin sidii kulanku u dhacay:

Bayaan lagu Cambaareynaayo Maamulka Puntland falalka uu kula kaceen Dadka lagu tahumay ONLF ee kasoo jedo Somali Galbeed (Ogadenia) iyo kulan ay Jaaliyada Puntland ku qabteen Nairobi.

pl1

Kulan ay iskugu yimaadeen Dad aad ufaro badan laguna cambareynaya falal ka dhacay Gudaha Maamul Goboledka Puntland oo ay sheegeen inuu ku kacay Mamulka Putland ayna kasoo qeyb galay Culumo-awdiin, Sulaadiin, Ganacsato, Dhalinyaro iyo Xubno kasocday Jaaliyadaha Puntland ee ku dhaqan North America ayaa Maanta waxuu ka dhacay Gudaha Xaafadaan Islii ee Magaalada Nairobi,
waxeyna dhamaan Waxgaradkii kasoo qeyb galay Shirkaan iyo kuwii soo qaban qabiyayba ay carabka ku adkeyeen in aynan raali ka aheyn waxa ay ku kaceen qaar ka tirsan Madaxda ugu sareyso Puntland oo ah in Dad Soomaaliyeed loo dhiibo Cadow shisheeye iyo in dhibaato hor leh lo soo jido Dadka reer Putland meel kasta oo ay aduunka ka joogaan.

Shirkaan ayaa markuu balowday ugu horeyntii waxaa ku furay Ayadaha Quranka kariimka Sheekh Xassan C/laahi Shire ayadoona ay ka hadleen Kulankaas Masuuliyiin ka kala socotay Qeybaha kala gadisan ee Bulshada.

waxaana kamid ahaa dadkii maanta kulankaas ka hadlay.

Sheekh Cabdulaahi Maxamed Faarax oo ahaa Gudoomiyaha Gudiga Qaban qaabada Shirkaan, waxuuna inta badan uu shiikhu ka hadlay waxa ay Diinta Islamka ka qabto in Qof Muslim ah loo dhibo Dowlada Gaalo ah, Asagoo hadlayay xili ay wajigiisa caro ka muuqatay ayuu ku edeyay in Masuuliyiinta falkaan ka danbeyo ay Masab iyo maali kaga doonayaa Dowlada Ethiopia Dadka kasoo jeedo Somali Galbed ee ay ugacan galiyeen laakin waxuu intaas ku daray in Itobiyo hadii aad Walaalkaa udhiibtid aynan sidaas raali kaaga noqon, Sheekhu Asagoo sii wato hadalkiisa ayuu waxuu su’aal ka keenay cida Awoodo in ay dhul soomaaliyeed, Soomaali kale ku xir xirto hadana Cadow ugacan galiso?

Suldaan Maxamud Axmed Warsame oo ku hadlay codka isimada ayaa iska fogeyay in ay ayagu wax ka ogyihiin arintaan Foosha xun ee ay ku kacen Maamulka Puntland waxuuna yiri “ka aqoon yahan ahaan Anagu wax lug ah kuma lihin arintaan gardarada ah ee lagula kacay dadka rer Ogadenia ee an walaalaha nahay, hada kadibna raali kama noqon doono”.

Dhanka kale Maxamed Aadan Maxamed oo matalayay Ganacsatada Puntland oo asna ka hadlay kulankii maanta ayaa tilmaamay arimo faro badan oo laxiriro ficiladaan lagu eedeynayay in ay ku kacday Dowlada Goboledka Puntland waxuuna shegay in kaliya ay wanaagsan tahay in la raali galiyo Illahay halka laga raali galin lahaa Gaalo iyo dano shisheeye.

Sido kale waxaa asagana halkaas ka hadlay Maxamed Cali Siciid (asbaro) oo ku hadlay codka dhalin yarada Puntland waxuuna faahfaahiyay Aas aaskii Maamulka Puntland iyo waxyaba ay ku dhaliilsan yihiin hada in uu ku kacay maamulka, waxuuna tilmamay Puntland in ay tahay meel loo soo raadsado nabad si buu yiri an Anagu hada nabada ugu soo raadsanay wadankaan Kenya.

Intii kulankaan uu sacday Waxaa sidoo kale hadal aad loola dhacay halkaas kasoo jediyay Cumar Xasan Jaamac oo yiri waxaa imaan doonto maalin la isla xisaabtami doono asagoona intaas ku daray in aynan udul qadan doonin wax yabaha fool xumada ah ee ay sameynayaan Madaxda Maamulka Puntland.

Dhanka kale waxaa Asagana halkaas ka yiri hadal aad ugaaban Maxamed Sugule oo lagu marti qaday Shirkan asagoona ku hadlay codka dadka Ogadenia ayuu Tacsi udiray Marxuun dhawaan ku geriyooday Xabsi ku yaalo gudaha Maamul Goboledka Puntland oo kasoo jeday Somalida Galbed laguna edeyay inuu ka tirsanaa Ururk ONLF.

Gaban gabadii Kulankaan ayaa logu qeybiyay Warfidiyeenadii iyo Dadkii kasoo qeyb galay Bayaan ka kooban lix qodob oo lagu cambareynayo Ficilada xun ee uu ku kacay Maamul Goboledka Puntland uu ka hor aqriyay dadkii kaso qeyb galay shirkaan Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo, waxaana ku sixiixnaa Bayaan Dad 40-tan qof gaaraayo.

Qaar kamid ah Masuuliyiinta Sare Dowlada Goboledka Puntland ayaa waxaa lagu eedeynayaa iney ka qabteen gudaha Maamul Goboledka Puntland, Dad Soomaaliyeed oo udhashay Gobolka Ogaadeeniya kuwaaso qaarkood ay ugacan galiyeen Dowlada Ethiopia halka qaar kalana ay wali ku jiraan xabsiyada Maamul goboledka Puntland.

Sidoo kale Cabdulaahi Xasan Cali oo kamid ahaa Masuuliyiinta ay Maamulka Puntland ku edeyeen inuu ka tirsanaa Ururka ONLF ayaa dhawaan waxuu ku dhintay Gudaha Xabsi ku yaalo Gobolada Bari ee Soomaaliya gaar ahaan (Puntland) asagoona in mudo ah halkaas ku xirnaa.

Waxeyna gud ahaan masuuliyiintii maanta soo qaban qabiyay shirkaan ay ku sheegeen bayaankoodi in ay ugu baaqayaan labada shacab ee Walaalaha ah in ay ka wada shaqeyaan Nabad iyo Walaaltinimada ka dhaxeyso.

pl9

C/salaan Maxamed Cali (najax)
najax.usa@hotmail.com
najax@journalist.com
Nairobi-Kenya.

iyo

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”
Nairobi-Kenya
sayfudiin@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Bayaan: Cambaarayn ku aadan Falkii Foosha xumaa ee Madaxda Puntland ku qabqabteen dad Soomaaliyeed islamarkaasna ay ugu Gacan galiyeen Cadawga Itoobiya "

  1. xasan maalin says:

    waan idin salaamayaa bahda somalitalk haddii aan ugu galo ra, iska weydiinta arrinta waa arin xun oo dulaaliinta madaxda isku sheegta ee puntland ay ku kaceen lkn haddii ay sii wadaan hadur ma noqondoono dhiigga dadka masaakiinta ah ee walaalaheen soomaligalbeed marka puntland waxaan usheegayaa waxaad un kala tihiin sacii caddaa $ midkii madoobaa marka aad walaalihiin gumeysiga ku jira aad dhibaateysan u gaada in aad idinka ku xigtaan

  2. Mursal Adam says:

    Shacabka Puntland aad ayuu ugu mahadsanyahay sida ay uga dhiidhinayaan inkasta oon ficil iyo mudaharaad toona laga hayn lakin aaway isimadii, mucaaradkii Faroole ee siyaasiyinta aha iyo ganacsatadii.
    Mida kale maalintii la xiray dhalinyaradaas qaraxii bilowday ayaa illaa caawadan socda, marka ma amni bay ka shaqeeyeen mise amni daro ileen waa shacabkii carooday waxaa dabcan qaraxa tuurayee. Askari ma iska ilaalin karaa shacabkiisa horta waa yaabe?!!.

  3. Maxamed Soomaali says:

    Shacabka Puntland waa inay difaacaan dadka Soomaaliyeed ee magangalyada u soo doontay degaanadooda, ma ahan in ay cadowga u gacan geliyaan waa arin aad u foolxun in amxaar loo gacan galiyo dadka ka soo jeeda dhulka soomaaliyeed “Ogaadenya” .

  4. caliwadani says:

    dadka reer puntland waa inayna arinta kaga hadhin oo kaliya canbarayn eey ficil kudaraan waayo walalaha dadka somaliyeed meela kuma kala maarmaan haka hortagaan kuwa somali qabiil ukala qoqobaya mahadsanidin

  5. Waxaa nahdin iyo murugo leh in dadkii
    Isimada sheeganaayey oo dhan ee Puntland
    joogey ay raali ka noqdeen waxaa xun ee
    ay sameynayaan madax-ku-sheega Bari, run
    ahaantii nama matali karaan isimana nooma
    noqon karaan mar haddii ay raali ka noqdeen naxariis la’aanta loola dhaqmay
    dhallin yaro naftoodi la cararay oo ka
    soo tegey ehelkoodii baqdin awgeed.