Home » Maqaallo »

Marqaati baan ka ahay … Siyaasi Geesi ah, Soomaali wadani ah | Maxamed mustaf

Marqaati baan ka ahay …

SIYAASI GEESI AH …SOMALI WADANI AH

Cinwaankaas wuxu noqon doonaa cinwanka wayn ee aan maqaalkasta oo aan qori doona cinwan ooga dhigayo hase ahatee maqaalkasta cinwankisa gaar ka ah ayu lahan doonaa insha allah.

SIYAASI GEESI AH …SOMALI WADANI AH

Anigoo fadhiya xarunta golaha dhalinyarada somaliyed ee magalada Khartoum ayan waxan kala furay computer-ka gacanta waxana aan isla markiiba ku qoray somalitalk waxana aan akhriyay wararka sida caadada ii ahaydba waxna aan isla markiiba ku arkay dowlada Somalia oo qiratay qaladka ay gashay qirtayna warqadii is afgaradka ahayd ee ay dowlada saxiixday in ay qalad ahayd.

Anoo taa la,yaaban ayaan waxaan dib u usii raacay warkaas marka aan ka bogtay ayaan waxay ishayda qabatay qoraa sare oo aan kala dhicin qoraaladiisa haddana ah nin diinta ilaah baray aan sinna lays dhihi Karin waxba ku garab marayo illaa inoo isaga aadana yahay mooyane waa sheekheena qaaliga ah sheikh maxamed idriis maqaal u ka qoray arrintaas. Kadib ayaan anna jeclaystay codkayga inaan ku biiriyo codkiisa .

Somalitalk.com waa run ahantii bahda aad waqti iyo maal oogu bixisay illaa iyo dhaman bulshadana ku gaarsiisay box ay ku leeyihiin barta hotmailka ama yahoo-ga si ay wax ooga qabtaan cida wax ka qaban karta hase ahate laga soo bilaawo waagaa malinna maysan ufadhiisan illaa inay xogta dhabta ah soo saaraan oo ay afka ra,isul wasaraha kaga dhawajiyaan inay qaldamayn.

Sidaa darteeda mahad oo dhan alla kadib bahda somalitalk ayaa leh.

Somalida wax ma aqriyaan waxna ma,qoraan iska ba daa inay wax daba galaan oo ay baarane haddaba dowladi somaliyeed markii ay hishiiskaas saxiixday oo ay bulshadana aad udhaliileen bahda somalitalk ay ugu horeyso ayaa dowlada waxay tiri waxaas waxba kama jiraan hase ahatee waxay diiday inay dhag jalaq usiiso dhaman codadka ku dhawaqayay in ay howshaas ka joogaan iska ba daa wasirkii saxiixay illaa madaxweynaha ayaa isku dayay inu difaacay hase ahatee waxaysan ayaga ogayn ayay difaacayn waana ku cayb dowlad qaran dhan mtasha. Hase ahaatee waxaa la,helay oo alle mahadiisa ah dad dowlad ah ogna in qaladka la qirto ay ku jirto wanaga dowladnimo taasna waxaan dhihi karaa inta la xasuusto waa markii ugu horeysay taariikhda Somalia siyaasi qaladkii uu galay qiranaya in la arko marka laga reebo sh shariif oo isaga xiligii maxkamadaha markii uu madax ka ahaa ayna bur bureen uu sheegay qaladad badan in ay galeen aana loo laaban doonin wallow loo laabtay haddana waa addane oo waagafayaa waana saxayaa…… hase ahaatee waxaa muhiim ah in madaxda dowlada ay ogaato qofaan qaldamin waa alle hadii aad saarantahay kursiga dalka looga taliyo maahan micneheeda inaadan qaldamayn.

Mareykanka oo hadda ah dowlada ugu awooda wayn dunida iyo qaar badan oo dowladaha reer galbeedka ah (oo haddana dunida seddexaad ka siyaasad wacan) ayaa waxay si gaar ah usameeyaan xarumo cilmi baaris ah , haday ushaqayn lahayen qaab nabad sugid ah sida hadda dowlada badan oo mareykanka nidaamkaas kaga dayday qaar badan oo qaab hay,ad ushaqeeya dhamantood waxay la shaqeeyaan dowlada waxayna udhibaan qoraalada saxda ah ee ka sheekeeya qaab socodka dunida xilligan la marayo annaga ku wannaga (madaxda dowlada) in ay xarumo sameeyaan iska daaye ayaga uun baa isla sax san aadane kale ba daaye…… haddase ayaan ku diirsan doona hadii aan helnay ina sharmarke iyo ina cabdi shakuur

Waxay sameeyeen wax geesinimo leh oo bulshada somaliyed ay ku dirsato hadana nafta ku soo celiso waxana aan aad utaageerayaa xarrumo badan oo baaritaan in la sameeyo kuwa hadda jirana laga faa,iidaysto qibrada ay leeyihiin sida somalitalk.com iyo Somali.alshahid.net . aan run aahaatii ka helay waxbaaristooda.

Dadkuna waa muwaadiniin wax badan bay arkayan oo aysan dowladu arkin waxay xaq uleeyihiin in laga dhagaysto lagana guro talada iyo sida ay wax u arkaan in wax loo hagajin karo

xaaji

Dowlada sudan oo aan aad oola dhacsanahay qaab maamulkeeda ayaa waxaa agteeda ixtiram buxa ka mudan wadaniga wanagsan ee dowlad nimada jecel dadkedana inta badan waxay ushaqo tagaan wadamada carabta gaar ahaan kuwa khaleejka waxayna usamaysay xafiis la dhaho xafiska qurba joogta oo wuxuu ka soo aruuriyaa fikradaha wacan wuxuu halkoodii oogu geeyaa waxyaabaha dalkooda uu so saro wuxuu usameeyaa iskuula hoos yimaada wasaaradooda waxbarasho oo wadamadas looga dhex samaynayo hadaba annaga ayaa ka mudan xafiis noocaas oo kale ah.

Dowladu dadaalka ay ku soo celinayso baddeena ama ay dib ooga laabanayso hishiiska ay saxiixday ha,sii wado oo mira dhal wacan waqti dhow ha ka keento hana ka bixiso cudur daar rasmi ah oo shacabka dhan ay usoo gudbinayso meel kasta oo ay joogaan mar haddii kii hore uu ahaa mid loogu tala galay reer London.

Mar kastana waxaan taageerayaa in la furo xarumo udhaba gasha khatarta ku soo fool leh dalkeena iyo dadkeena waana mas’uuliyad dhabarka naga saran

Dowladana hadii aysan samaynayn xaruumo inay taagerto kana dhagaysato xaruumaha dadka somaliyeed ay leeyihiin warbixinada ay soo diyaariyaan.

Dhaman dadka somaliyeed ee isugu jira siyaasiyiinta indheer garadka iyo dhaman dadyowga somaliyeed inay u istaagan sida ay oga hormarin lahayen wax kasta maslaxda dalka gaar ahan qeybaha warbaahinta

Mar 2,3aad waxaan umahad celinayaa siyaasiyiintaas sida geesinimada leh ucadeyay siday wax ujiraan marka xigana bahda somalitalk.

Maxamed mustaf xaaji
malikmaxamed@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

KHRTOUM – SUDAN

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Marqaati baan ka ahay … Siyaasi Geesi ah, Soomaali wadani ah | Maxamed mustaf "

  1. maxamed nuur macallin says:

    salam calaykum
    waxaan aad oogu mahadcelinayaa qoraaga sida uu utafatiray codkiisana oogu biiriyay inta wanaga wada.
    mida kale xigta qoraaga iyo shabakada somalitalkba si isku mid ah ayaan oogu mahadcelinayaa
    dadaalkana sii wada ayaan idin leeyahay
    mahadsanidiin