Home » SaahidYusuf »

Ustaad AL-Shiikh Abuu Saciid AL-Nuurasi (1) | Shiikh sahid

Ustaad AL-Shiikh Abuu Saciid AL-Nuurasi (1).

Horudhac:

Shiikhaan oon markaan xulaayey Culumaddii Sideeda ahaa ee aan Qarnigaan ku soo moodnay, ayaan tirada iskaga buuxsaday,maadaama uu ka soojeedo Barriga yurub uuna la diriray Dawladdii Cilmaaniga ahayd ee Mustafa Atatork. Laakiin markaan Taariikhdiisa dib ugu noqday asaga ayaaba safka hore ugu jira Culumada aan ka sheekeynaayo, xagga xifdiska iyo barshadaba iyo waliba barista Ardaydaba (1).

Dhalashadiisii & Magaciisa:

Caalimka culumada ,mujaahidka weyn, midka dunida lagu jir dilay ee la imtaxaanay , sabarlowga daaciga ah waqti kasta oo dhib jiro.Midka xuska ilaahay waqti kastabau taagan: Waa Shiikh Saciid Al-Nuurasi ee ku magac dheer ( Badiic Al-zamaan) (2). Waa Saciid Mirza AL-Nuurasi, Asalkiisu waa Kurdi, Dhalashadiisa iyo Dhimashadiisuna waa Turki. Wuxuu Dhashay Taariikhda Hijriyadda markay ajeyd 1293, Wuxuuna ku dhashay tuulo ka tirsan Gobolka Bitliis oo la yiraahdo( Nuuris)kana Tirsan barriga Anadool ee wadanka Turkiga.

Wuxuuna ku dhintay Uurfa Bishii Ramadaan 25, Sannadkii 1379 asagoo 86 jir ah Allaah ha u Naxariisto Shiikhayga markuu dhintay ayaan Dhashay. Wiilkaan wuxuu ahaa da,diisa kan ugu caqligabadan,Raziin ah xifdi badan,caqli weyn, wuxuu wax ka bartay Dugsi Quraanka oo loo yaqaanay ( takaayaa) oo waagaas ku faafsaneyd dhulka Turkiga waqtigii Boqortooyaddii Cusmaaniyiinta.Caqligiisa & Fahamkiisa aadka u daran wuxuu u diyaarshay in uu muddo gaaban ku barto Culuum kala gedisan, asagoon wali Qaan gaarin, wuxuuna bartay Culuumta Carabiga sida Naxwaha, Sarfiga wuxuuna ku bartay labo sano kaliyah, Haddana wuxuu dul fariistay Culuumta Shareecadda iyo Fiqhiga oo uu ka bartay Shiikhiisa Maxamed Jalaali Allaah ha u Naxariistee muddo Seddex Bilood ah,Sidoo kale wuxuu u Diyaarsanaa in uu Culuum fara badan oo sharci ah iyo kuwo Adduunba ah barto. Waqti uu Culuumtaas u banbaxay kadib wuxuu bilaabay in uu wax baaro ama uu Dood Cilmiyeedyo ka qeyb galo, wuxuu ku xifdiyey Kitaabka la yiraahdo ( Jamcul Jawaamic) ee Usuulo Fiqihi ah oo uu qoray Taajul Subki oo ah kitaab aad u adag muddo Usbuuc ah.

Taas waxaa ka daran in uu maalmo kooban uu ku bartay Qaamuuska weyn ee ( Qaamuusul Muxiid) oo uu Qoray Feyruuz Abaadi ilaa xarafka Siin waana Qaamuus weyn. Wuxuu kaloo Akhristay kutub badan oo iskugu jirta Cilmi Kalaam, Mandhaq, Naxwe,Tafsiir,Xadiis,Fiqhi,, Wuxuuna korka ka xifdiyey Kutub Fara badan oo lagu Qiyaasay 80 kitaab oo ka mid ah Kutubta Aasaaska u ah Culuumta Islaamiga ah. Wuxuu kaga yaabsaday Xifdigiisa iyo Caqli Badnaantiisa iyo Fahamkiisa deg degga ah Macallinkiisa ( Fatxulaah Afandi) markaas ayuu Su,aalay Ma awoodi kartaa in aad ka akhriso kitaabkaan Dhawr sadar oo aad labo mar ku celiso oo aad xifdiso?wuxuuna u Dhiibay kitaab la yiraahdo ( Maqaamaat Al- Xariiri) markaas ayuu kitaabkii hal bog hal mar akhriyey oona u xifdiyey si aad ah,Taas ayaa ka yaabisay Shiikhii wuxuuna yiri : in ay kulmaan Caqli sidaan u xoogan iyo Xifdi sidaan u xoogan aad iyo aad bay dadka ugu yar tahay) . Koox Culumo ah ayaa isku dayday in ay Xujeeyaan se wuu aamusiiyey waa asagoon 16 sano gaarin.

Wuxuu kaloo lahaa Shakhsiyad kali ah oo lagu yaqaanay iyo geesinimo la yaab leh oon xaqa ka iilan, Shakhsiyad aan Dulmiga u dul qaadan ama aan aqbalin.Wuxuu ahaa mid waxa fiican dadka fara, waxa xunna xunna dadka ka reeba xataa taasi haddii ay kalifeyso in uu naftiisa ku waayo.

Wuxuuna la soo maray Xukaamtii iyo Qaadiyaashii iyo Daaquutkii Mustafa Atatorki iska hor imaad Caqiido ah oo waaweyn ,taas oo uu kuligood uga guuleystay . Waligiis ma Guursan markii la weydiiyo maxaad u guursan weysay? wuxuu ku jawaabi jiray : ( ma Awoodi karo in aan waajibaadka guurka ka soo baxo, noloshayda is baraanburka ah awgeed).

Wuxuu aaday Magaalada waan ee Waqooyi Bari Turkiya asagoo uu u yeeray Gudoomiyaheeda si uu u dhigo Dugsi la Oaran jiray ( Khoor Khoor) halkaas ayuu joogay muddo 15 sano ah, wuxuuna la kulamay Culumo Fara badan, wuxuuna ogaaday in uusan Islaamka ku difaaci karin Culuumta Islaamka oo kaliyah, Markaas ayuu bilaabay in uu Barto Culuumtii Dabeecada sida Sayniska, Juqraafiga,Xisaabta ,fisigisga,Astoronimiga ama culuumta Falaga iwm. Taas ayuu ku kabay in uu u adeegsado in uu dadka Diinta ku baro asaga oo kula hadlaaya luqadooda una tusiyey in uusan Islaamku diideynin Horumarinta nolosha Adduunka taas oo waagaas Turkigu ku doodi jireen, Dugsigiisiina Culuumtaas oo dhanba waa lagu dhigan jiray, markii danbana wuxuu u Badalay Jaamicad uu u Baxshay ( Madrasada Al-Zahraa) Taas oo uu ugu talagalay mid la Tartanta Jaamicadda AL-Azhar oo kale. Wuxuuna halkaas ka soo saaray Arday Fara badan oo Islaamka ku faafisa Turkiga oo dhan oo labaddii Cilmiba sita.

badiicuzamaan

Kadib Shiikhu wuxuu u wareegay Magaaladda Istanbul oo wagaas aad u Camirneyd, aad baa loo soo dhaweeyey ,wuxuuna u sheegay in uu u baahan yahay in lagu taageero umuuraha Cilmiga iyo Maadadaba , markay arkeen Caqligiisa xoogga leh iyo aragtidiisa dheer. Mid ka mid ah wariyayaasha meeshaas iskugu yimid ayaa ku sifeeyey: ( Caqli weyn oo ku soo barbaaray Buurihii Bariga, ayaa maanta ka soo if baxay Duleedaka Istanbul).

Sidoo kale wuxuu kula kulmay Istanbul Muftigii Reer Masar ee Waqtigaas Shiikh Maxamed Bakhiit Al-Mudiici wuxuu Weydiiyey Ustaad Saciid Nuurusi : Ka waran Reer Yurub maxaase kaloo ka leedahay Boqortooyada Cusmaaniyiinta ? Markaas ayuu ku jawaabay Su,aal uu Maanta Qiimaheedu soo Baxay aanse waagaas la fahmin: ( Yurub Maanta waxay Riman tahay Islaam Maalin ayeyna Dhali doontaa, Boqortooyada Cusmaaniyiintana waxay Riman yihiin Yurubnimo Maalin bayna Dhali doonaan ) Markaas ayuu Muftigii ku jawaabay wiilkaan ma kaftamaayo Hadalkiisana waa ku Qanacsanahay (3) .

Khudbooyinkiisii Caanka Noqday:

Wuxuu ku soo bandhigay Maqaal ka mid ah maqaaladiisii caanka noqday (4) markii ay xukunka la wareegeen Atatork iyo Dawladiisii Cilmaaniga aheyd Hadaladaan : ( Ha noolaato Shareecadda Islaamka , waa mid soo jireen ah ,baaqina noqoneysa ilaa Qiyaamaha , ayadaana ka guuleysaneysa kana takhaluseysa Dulmiga nafta iyo Sharteedaba, Ruuxii isku haleeya Islaamka, kuna dhaga xarigiisa ayaa heysta Xoriyadda Runta ah waana qeyb Iimaanka ka mid ah , Ruuxii Allaah adoon u ah uma haboona in uu Madaxa u raariciya Ruux Adoon kale, Ruuxii Allah talo u dhiibo waa in uu u istaago jihaadkiisa weyn,kuna dhaqmo Akhlaaqdii Rasuulka soona nooleeyo Sunadii Rasuulka NNKh) .

Markii ay dhacday dhacdadii caanka aheyd ee Bishii Maarso ee lagu xirxiray Shiikha iyo ardadiisa, Maxkamadna la soo saaray ayuu xaakimkii weydiiyey Shiikha : waxaan maqlay in aad rabto in la isku xukumo Shareecadda islaamka? markaas ayuu ku jawaabay : ( Haddii la i siiyo Kun Nafood, kama shakiyeen in aan u hadiyeey hal xukun oo ka mid ah shareecadda islaamka, maxaayeelay waa Dariiqii nolosha wanaagsan iyo cadaaladda ). Maalinna waxaa soo siyaartay Sacad Diin Baasha oo ah Xubin ka mid ah Daarul Xikmah Islaamiyah waxaan maqlay ayuu ku yiri kuwo ka mid ah Cilmaaniyiinta ayaa akhriyey Qaar ka mid ah kutubtaada markaas ayey yiraahdeen: ma noo suurtowdo in aan fikradeena faafino maadama ninkaan nool yahay, markaas ayey goosteen in ay kaa takahlusaan taas ayaan kuu sheegi lahaa shiikheygiiyoow waana ku jeclahay waadna igu weyntahay. Markaas ayuu ugu jawaabay : ( Allaah ayaan isku dhiibay asaga ayaa i xifdinaaya ajashuna waa ajashiisii mana badalaayo ).

Sannadkii 1327 Wuxuu Shiikhu Aaday Dimishiq , Wuxuuna ka Khudbeeyey Masjidka weyn ee Jaamicul Umawi , wuxuuna ka jeediyey Khudbadiisii caanka noqotay ee loo Yaqaanay khudbaddii Shaamiyada ,waxaana ka mid ahaa Hadaladiisii: ( Mareykanka iyo Yurub Islaam ayey Riman yihiin weyna dhali doonaan , sida Boqortooyaddii Cusmaaniyiinta ay yurub u dhashay. walaalayaal uma imaanin in aan waano idiin jeediyo oo kaliyah ee waxaan u imid in aan idiin sheegto xaq aan ku leenahay Carabta iyo Turkigaba, wallalaha Carabta waxaad tihiin culumadeenii iyo ustaadadeenii , Turkiyoow adinkuna waxaad tihiin madaxdeenii iyo Xukaamteenii, waadna ka fadhiisateen waadna ka caajisteen xilkii idin saarnaa taas ayaa keentay in dhulkii Islaamka oo dhanba ay balaayo ku faafto …. waxaan Carabta kula dardaarmayaa in ay midoobaan oo Islaamkii soo celiyaan, waxaana ka Rajeynayaa Jiilka soo socda in ay Islaamka ku faafiyaan Adduunka oo dhan) .

waa inoo Qeybta labaad ee Ustaad Badiicul Zamaan Saciid Al-nuurisi Raxmatulaahi Caleyhi.

fii amaani laah
Shiikh sahid mohamed yusuf Usa , Va
mutakhasis fil xarakaat Al-islaamiyah.
sahid_yusuf@yahoo.com.


(1) waxaan ka soo qoray kitaabka la yiraahdo ( Al-Culamaa Al-cuzaab) culumada aan guursan ee shiikh C/fataax abuu Qudah.
(2) Badiicul Zamaan waxaa loogu bixiyey waxaa lagu magac daray Badiicul Zamaan Al-hamdaani oo dhintay 398 hijriyad. wuxuuna ahaa Ruux aayad u ah xifdiga xoogga leh uu lahaa qalbi wanaagga hal mar ayaa gabay loo akhrinayaa wuuna xifdinaya.
(3) waagaas dadku ma fahmeyn in Islaamku Yurub gali doono, si uu haatan u galay oo mareykanka iyo yurub ugu faafay.
(4) Risaalooyinkiisii waxaa la oran jiray ( Rasaa’ilu AL- Nuur).

 

Tixraac: http://www.somalitalk.com/2009/jul/04dh209.html 
Siddeed Caalim oon ku soo moodnay Qarnigii labaatanaad, badelkoodii ma helnay???

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Ustaad AL-Shiikh Abuu Saciid AL-Nuurasi (1) | Shiikh sahid "

  1. muslimah says:

    asalaam caleykum waRaxamtullaahi Tacaala waBarakaatuh.

    To SHUKRI :

    walaashey hadaladaa aad soo qortey waa hadalo qiima leh, balse waxaa jirtaa hadal aad tiri sida tan: ( ANAGOO OG AYAA CULIMO BADAN OO CILMI LEH CABSI IYO FULEYNIMO ULA DHIMANAYAAN CILMIGII ALLE SIIYEY AYAGOO KA BAQI MADAX IYO BOQORADA XAQ DIIDAYAASHA AH.
    Walaashey maxaa ka ogtahay markaad soo qoreysid hadalkaan (ANAGOO OG)
    Wax walba iska qor mahan, waayo suaal baa jiraa yawmalqiyaamah waa lagu waydiin waxaad ka ogtahay.(cadeen)
    Markaa waxaa haboon in culimadeenaa la sharfo,kii khaldan na loo duceeyo ee ma haboonaa in culimada la afjaro ama wax laga sheego.
    wasalaam caleykum waRaxamtullaahi Tacaala waBarakaatuh.

  2. muslimah says:

    asalaam caleykum waRaxamtullaahi Tacaala waBarakaatuh.
    masha Allah, Sheekh Sahid Mohammed Yusuf, runtii waxaa websidkan ku reebtaa hadalo aad u qiimo badan ee culimadii hore Raximuhullaah alyhi,dhamaantood.
    Masha Allah waxaa tahay qof aqoon & diin leh, sidaasna ku sii wad Insha Allah si aynu kaa faaidaysano.
    Jazaaka Allah kheeran Al-Jannah (Allaahumma aamiin Ya Allah)
    wasalaam aleykum waRaxamtullaahi Tacaala waBarakaatuh.

  3. Cabdiqani says:

    A/c
    Sheekhow ilaahay ajar iyo xasanaad hakaa siiyo sida aad isugu hawshay inaad dadka ugudbiso shakhsiyaadka dhaxal galka ah ee caalamka islaamku lahaa, jiilkaasi hore waxa ay si wanaagsan uga soo baxeen da’daalkoodii,waxa hubaal ah in qoloba ay qolo ka sii dhaxlaysay calanka risaalada, waxa inala gudboon inaan si cilmiyaysan wax ugudbino jiilashan soo socdana ujiheeno dhinaca cilmiga iyo aqoonta diiniga iyo dunawigaba,
    walaalayaal waxa lama huraan ah inaan beerno jiil wanaagsan oo si dhab ah uqotamiya cadaalada iyo sinaanta aadamaha,
    Aan barano diinteena waxa si wanaagsan inoogu kala bixi waxwalba

  4. s/c
    walaal ilaahay ajar badan hakaa siiyo waxaa dhowr mar aan arkay adiga oo soo qorey shaqsiyaad dunidan magac & sharaf ku leh oo aad umada bartay waana barasho qiimo badan waa dad hadey tahay diin & aqoon leh kuna dayasho mudan

  5. mohammed says:

    asc wr wb walalkay taariikhdan ku dayashada mudan ee xaqiiqda nolasha katurjumaysa aakhiro iyo aduunba
    waad ku mahadsantahay inaad isku howshay in bolshawaynta soomaaliyeed ka faaideysato, cidii aragta iyo cidii alah fahamsiiyo faaiidadaku jirta .intaa ka dib waxan jeclaan lahaa walaal in ad webeb badan oo soomaalidu ku foorarto danbi waxaan ahayn aan laga faaiidin in aad u gudbiso dhacdooyinkan. webkan somalitalk aad ayey u amaanan yihiin maadaama wanaag farida umada ku fooganyihiin. wa bilaahi towfiiq

  6. Shukri Sh. says:

    AAWW,
    Sheekh Saahid Alle ha ku xifdiyo, Allena ha kaa Abaal mariyo sida aad noogu iftiimisay cilmi ku duugnaa kutubo ayanaan aqriyeen, kii aqriyeyna aan na soo gaarsiinin, Alle ha kuugu kaalmeeyo soo nooleynta cilmigii ay la dhinteen culumadii qarnigaan Allena ina siiyo bedelkooda oo khery qaba.
    U malayn maayo inuu jiro isagoo kale haduu jirana waa mid aan soo if bixin, waxaana hadalada sheeqa ka dhadhansan karnaa inay tahay risaalad loo baahan yahay in la gudbiyo iyo weliba Xaqa sheegidiisa inayan ajasha soo dedejinin, anagoo og ayaa culimo badan oo cilmi leh cabsi iyo fulaynimo ula dhimanayaan cilmigii Alle siiyey ayagoo ka baqi Madax iyo boqorada xaq diidayaasha ah, Allena waxaan ka baryi inay Dowladaha Carabta iyo Dhamaan Dowladaha Islaamka midoobaan oo ay dowlad islaama ah ka dhisaan dunidan duligana islaamka ka baxo inshAllaah Aamiin ila dhaha.
    AAWW
    AAWW