Home » Suugaan, Warar »

Luqadda Soomaaligu kama soo bilaaban Afar Reer Guuraa ah: Siciid Saalax oo Jooga Helsinki

LUQADDA SOOMAALIGA MA AHA MID AFAR REER GUURAA AH KASOO BILAABATAY SIDAAS WAXAA YIRI MACALIN SICIID SAALAX OO JOOGA HELSINKI.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Xalay (Oct 25, 2009) Fiidnimaddii markii ay ahayd saacadu 20:30 ayaa waxaa garoonka weyn ee magaaladda Helsinki kasoo degay Macalin Siciid Saalax oo ka yimid dhinacaas iyo wadanka Sweden oo uu ugasoo qayb galay shirsanadeedkii macalimiinta luqadda Soomaaliga dhigta oo sanadkan lagu qabtay magaaladda Stockholm.

Macalinka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey dadweyne soomaaliyeed oo runtii aan u arkay inay ahaayeen kuwo rabay xaqiiqddii inay arkaan macalinkan lauqadda Soomaaliyeed waxbadan kasoo qabtay iyo guud ahaan suuggaanta Soomaaliyeedba,dadweynahaas oo aan qaarkood horey ugu suuro gelin inay wadankii hooyo kula kulmaan ayaa waxaa maanta ay waqti u heleen oo ay kusoo dhaweeyaan Macalinkaas.

Ka dib soo dhaweeyntaas ayaa waxaa loosoo galbiyey macalinka xurun loogu talagalay inuu dadweynaha soomaaliyeed ee reer Finland kula hadlo,xaruntaas oo ay diyaariyeen uruka KANAVA.

Haddaba waxaa ugu horeeyn hadalo soo dhaweeyn ah halkaas kasoo jeediyey Gudoomiyaha ururka Kanava mudane Abdulqadir “Waxaan ugu horeeyn anigoo ku hadlaya magaca jaaliyadda Finland aan ku soo dhaweynayaa wadankan Finland” Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay inuu ka xunyahay macalinka oo maanta oo dhan cashiro ka bixinayay wadanka Sweden inuu haddana usoo dhoofo wadan finland si uu waqti usiiyo jaaliyadda Finland iyo weliba inaga oo og inuu macalinku beri uu u dhoofayo festifal ka dhacaya wadanka Ingiriiska oo lagu casumay macalinka intaas waxaa hormarsaday Guddoomiyaha kanava Mudane Abdulqadir Hadaafow.

Abdulqadir oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri waqtiga oo yar iyo inaga oo rabna inaan macalinka ka faaideysano ayaa waxaan ka jaaliyad ahaa rabnaa inaan weydiisano labo arin inuu fikrad kooban naga siiyo kuwaas oo kala ah:

1-Nolosha Soomaalidda kunool wadanka maraykanaka,qaas ahaan meesha uu ka degan yahay ee gobolka Minnesota
2-Muhiimadda ay bulshadda Soomaaliyeed u leedahay luqadda Soomaaliga.

Abdulqadir ayaa waxaa uu intaas ka dib kusoo dhaweeyey Prof. Ahmed Wehliye (Ahmed Heji).

Prof. ayaa waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan caawa heysanaa fursad qaali ah oo aan laheli karin, taas oo ay weli sii dheertahay tii oo aan lacag aheyn,marka inta caawa waqtiga u heshay waxaan u rajaynayaa inay helidoonaan waxyaabo badan oo ay uga baahan yihiin luqadda Soomaaliga iyo guud ahaan dhaqankeenii maguuraanka ahaa” Prof.Ahmed ayaa waxaa uu isagoo hadalkiisa sii wata yiri “Macalin Siciid Salax um baahna inaan idiin sharaxo taarikhdiisa oo waad lawada socotaan,lakiin waxaa marnaba la hilmaami karin taariikhda macalinnimadda iyo tii aasaskii kooxda Iftin”.Prof.Ahmed Heji ayaa waxaa uu intaas raaciyey inuu jeclaan lahaa haddii uu macalinka ku dari karo inuu wxa nooga sheego abaalmarintii uu helay iyo sida uu ugu gudbiyo wax dadka reer maraynkan.

Intaas ka dib ayaa waxaa hadalkii lagu wareejiyey Dr Hassan hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa “Aduunka waxaa laysku dhaafay waa aqoonta,aqoontuna waa waxa biniaadamka isku xira,haddaba aqoonta noocaas ah dadka ku taqasusay mid ka mid ah ayaa maanta nala jooga,marka waxa nalooga baahan ayahay inaan ka faa idesano”.

Intaa kaidb waxaa hadalkii qaatay Macalin Siciid Saalax oo dadkii halkaas isugu yimid uga mahadceliyey sida sharafta leh ee loosoo dhaweeyey,ka dibna waxaa uu halkaas ka bilaabay hadalkiisii waxaana ka mid ahaa “Noloshayda badankeed ayaan bare ahaa” ayuu yiri Abwaanka oo dadka reer Helsinki lahadlayey ” min dugsi hoose, dhexe, sare illaa jaamacad ayaan bare ka soo noqday” ayuu raaciyey. “Markii aan Mareykan imid-na, si bilaash ah ayaan arday Soomaaliyeed wax ku bari jiray, ka hor intaaneey-ba shaqo ii noqon”.Macalinka oo kaftamayey ayaa waxaa uu yiri”Dadka badankiis waxaa ay iyiraahdaan Abwaan,lakiin abwaanimadda waxaa ii geeyey macalinnimadeyda,”Qolka ayaa igu yaraada” ayuu yiri isagoo ka hadlaya iskuulka uu wax ka dhigo ” Markaas ayaan u yididiiloodaa inaan jamaahiir ballaaran codkeyga gaarsiiyo” Macalinka ayaa yiri” Markaas ayaan dhinaca abwaanimadda u isticmaalijirey.

Abwaanka ayaa mar uu ka hadlayey dadka soomaaliyeed ee degan Minnesota ayaa waxaa uu sheegay inaan qiyaas ahaan lagaranayn,isaga oo arintaas ka hadlaya waxaa uu yiri “2001 wixii ka horeeyey waxaa lasocdey tiradda guud ee magaaladdaas, xiligaas wixii ka danbeeyey waxaa bilaaawdey tirooyin isdhinac ordaya”

Macalinka oo ka hadlayey magaaladan sababta ay u noqotay magaaladda ugu Soomaalidda badan waqooyiga ameerikka ayaa waxaa uu kumicneeyey”Magaaladda ayaa waxaa ay ahayd magaalo shaqo oo waxaa looga imaan jiray magaalooyinka kale ee Maraynkanka ilaa iyo Canada” isga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri “Magaaladda ayaa waxaa tanlabaad markii ay Soomaalidu kusoo badatay waxaa noqonay in aan caan ku ahaano waxyaabo ay dadkii magaaladaas aan ugu imaanay ay nooga heleen,macalinka oo ka hadlaya arinkaas waxaa uu yiri ” dadka Soomaaliyeed sede arin ayey caan ku yihiin ee degan halkaas:

1.Dad shaqo badan
2.Dad aamin ah
3.Dad dhexgala dadka kale.

Macalinka oo ka hadlayay luqadda Soomaaliga ayaa waxaa uu sheegay inaysan laqudan ahayn mid afar reer guuraa ah laga keenay isaga oo ka hadlayana waxaa uu yiri” 3000 CD inay jirtay luqadan oo aysabn ahayn mid afar reer guuraa ah la keenay”macalinka ayaa waxaa uu intaas ku daray” iskaba daa inay wadan kaas ku koobnaateee xitaa layiraahdo luqadaha aduunka waxaaba ay kasoo jeedaan bariga afrika” macalinka ayaa inataas waxaa uu raaciyey “Xitaa waxaa lagu fiiriyey DNA lana soo ogaaday inay luqadaha badankooda kasoo jeedaan halkaas”.

Macalinka ayaa waxaa intaas ka dib la weydiiyey suáalo, waxaa uu hlkaasna uga jawaaabay dhamaan wixii laweydiiye iyadoo dadkii kasoo qayb galayna ay si wanaagsan uga heleen waloow uusan ahayn nin looga bogan karo suugaantiisa iyo macalinimaddiis saacaddo iyo maalmooyinba.

Haddaba aqristayaalow waxaan idiin sii raacinayaa xoogaa taariikh oo macalinka

salaxe8

Hadii mahadhadiisa la soo hadal qaado, abwaan Siciid Saalax wuxuu curiyey in ka badan 32 riwaayadood iyo tobaneeyo heesood. Midda ugu magac dheer riwaayadihiisa waa middii uu alifay inta uu curiyihiisu carjawga ahaa: “Iftiinka Aqoonta” oo uu 1974-tii, markii Ololaha Horumarinta Reer Miyiga loo tafa-xaytay allifay. Heesta caanka ah ee “Alif la kor dhabay, alif la hoos dhabay, alif laa goday” ayaa si weyn loogu xusuustaa riwaayaddaas.

Abwaan Siciid Saalax oo aan wali dhulka dhigin qalinkii uu Camuud iyo Lafoole khadda ka soo darsaday ayaa imminka bare ka ah jaamacad ku taala Minneapolis oo uu ka dhigo luqadda Soomaaliga . Isagoo taas ka amba qaadaya ayuu wakhtiga u soo hara allifaa riwaayado ama sheekooyin gaaban oo la xiriira dhaqanka irdhoobay ee Soomaalida. Waxaa kamid ah: “Fariimaha Koorta”, “Kalamaan” iyo “Nabad & Caano” Dhab ahaantii.

Gacantii buugga iyo qalinka dhigi weysaaba mar beey billad ku bullaashaa. , Abwaan Saciid Saalax Axmed ayaa ku guuleystay billada qadarinta leh ee Adeegga Bulshada oo ay abaal mariso hay’adda Mcnight Foundation ee saldhigeedu yahay gobolkan Minnesota.

Abwaan Siciid Saalax wuxuu ku dhashay gobolka Sanaag ee Somaliya, halkaas uu illaa dugsi dhexe ku qaatay, ka hor intaanuu cagtiisa la helin dugsiga sare ee Camuud ee Boorame. Malaha halkaas oo uu ka soo shitay shumacii iftiimayey ee waxbarashada tayada leh ee Camuud. Jaamacadda Lafoole ayuu kadib-na galay.

Abwaan Siciid waa Soomaaligii labaad ee ku guuleysta billada noocan ah.

Sifooyinkiisa, Siciid Saalax, wey dhaafsiisan yihiin Macalin oo kaliya; Waa Abwaan, gabyaa, mu’allif ama curiye, soo saare, nabadoon iyo midda ugu muhiimsan: U adeegaha bulshada. Taas oo uu ugu dambeyntii ku mutay billadda Virgina McKnight Binger Award oo ay ku lifaaqan tahay kuus gaaraya $7500.00

 Xaaskiisa iyo 15 ubadkiisa ah, oo isugu jira kuwa uu dhalay iyo kuwa ay sii dhaleen ayaa ku caafimaad qaba gobolkan Minnesota,USA iyo Helsinki Finland

Dadka si xeel dheer u yaqaan Abwaan Siciid Saalax Axmed waxeey isku raaceen inuusan marnaba isla weyneyn, uuna ka saaxiib yeelan karo carruur iyo ciroole, hadba sidii ciyaartu u qabato.

Abdiaziz Godah
agodah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Luqadda Soomaaligu kama soo bilaaban Afar Reer Guuraa ah: Siciid Saalax oo Jooga Helsinki "

  1. rashiid says:

    Tani waxay ka mid tahay sababaha aan u jeclahay inaan WEBKA somalitalk akhriyo xataa hadaan goor danbe shaqada ka imaado , ii sheeg sagee kaloo ka heli kartaa.
    Abwaan saciid astaan qaran ,waa xasuustaa
    anoo yar walaalkay CALI DHOOF J CAWAALE,
    oo markaas ka tirsanaa kooxdii iftin oo xafida riwaayadiisii TODOBAADKA JACAYLKA,
    oo intuu waraaqaha ii dhiibo dhaha iga dhagayso,in kastoo aan dhawr iyo toban jir soomaaliya ku koray ahaa hadana waa igu adkayd inaan waxba ka fahmo waxa uu xifdinayey,maantoon afartankii dhaafay abwaan saciid maskaxdayduu ku noolyahay saasayna ahaan inta aan noolahay.
    waad mahadsan tihiin somlitalk, forever and ever

  2. Waxaan marka hore sallaamayaa Dhammaan Bahda Somalitalk. Marka Xigata waxaan salaamaya Siciid Saalax Macallin Saciid Saalax. Walaahi markaan arkay Maqaaalkaan waaan ku farxay waayo waliggay ma aanan arkin Heerkaan ah oo dhigay Afkuu dhulka hooyo , walibana heer sare ah , waana uga mahad celinayaa aad iyo aad . waxaan ka codsanayaa In naloo sameeyo meel aan kabarano Luuqadda haddii ay jirtana uu noo sheego macalinku .

    waad mahadsantihiin mar labaad iyo mar sedexaadba .

    Abdullullahi skeikh adan “Rooraaye”
    Mombasa-Kenya

  3. Abdisalan a osman says:

    Waxaan salaamayaa macalin saciid sida ugu dadaaley in uu caawiyo bulshada soomaaliyeed dhaqankeeda ,waxaan xasuustaa buugagtii uu qorey ama riwaayadaha ka bixi jirey idaacada Muqdisho,laakiin maado aad tihiin bahda somalitalk in aad fariin iga gaarsiisaan macalinka waxaan S.africa, waxaa ii joogo caruuro aan dhaley , waxay dhigtaan school ,meel aan caruuro soomali jogin , sidaa daraadeed, waxaan u baahanahay , buugaag afsoomaali ah , ilaa 1,2,3 aniga waan soo maray macalinmo , ciiwaangeyga waa p.o.box 496 Grobsdal 0470 S.a cell o27 824 896 732 . fadlan Somalitalk waad mahadsan tihiin iga gaarsiiya fariinteeda macalinka wscm nabadgelyo.

  4. Shukri Sh. says:

    wixii qalad ee farteyda ka saxda waayo farxad iyo cabsi macalin Afsoomaali aan ka qabo ayaa qaladka igu xanbaarey

  5. Shukri Sh. says:

    AAWW,

    Waxaan halkan ayaan ka salaamayaa Abwaan Macalin Siciid Saalax Axmed, Alle ha xifdiyo, waxaan soo xasuustey markaan arkey maqaalkan iyo sida Af-soomaaliga uu weli uga nool yahay dalalka shisheeye waagii nabadii, aad baana ugu farxay inaan maqlo Macallim soomaaliyeed oo weliba Abwaan, Qoraa iyo Hal abuure ah,oo sida aadka ah looga soo dhaweynayo dibada, iyo weliba sida uu uga shaqeynayo weli cilmigii Alle ku manaystey, waxaan dhihi lahaa dadka u dhow ha ka faaideysteen, isagoo kale lama helo mar walba. tan kale aniga markii aan aqriyey inuu alifay ruwaayadii 1974 ee waqtiga Afsoomaaliga la qoray iyo markaan arkey sawirkiisa malaha isagoo yar buu bilaabay fanka Suugaanta, maanshAllaah.
    AAWW

  6. cajiib says:

    runtii abwaanka saciid saalax waa nin wadani ah, waa nin jecel dalkiisa in uu noqdo nabad, waa nin u daacada bulshada, waa nin aan ku dhaqmin wax qabiila la yiraahdo.saciid saalax waligiis daacad ayuu u ahaa wadankiisa.